Iimaaraadka oo sheegay in istiraatiijiyadda Iiraan ay ku riixayso dowladaha Khaliijka inay u dhawaadaan Mareykanka

Xigashada Sawirka, PA Media
Imaaraatka Carabta ayaa ka digaya xabad joojin aan wax looga qaban arrimaha muhiimka ah ee gobolka oo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo "gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weli nagu sii da'aya annaga iyo dalal kale".
Dr Anwar Gargash, oo ah la taliyaha sare ee madaxweynaha Imaaraatka Carabta, ayaa hadalkan jeediyey mar uu saxaafadda la hadlayey, isagoo sheegay in dalkiisu uu doonayo in la soo afjaro colaadda, balse uusan ahayn mid abuuraya xasillooni darro joogto ah oo gobolka ka dhacda.
Iran ayaa xannibaad ku soo rogtay marin biyoodka Hormuz intii uu socday dagaalka. Maraakiib shidaal oo faro-ku-tiris ah ayaa maalin kasta mara marin-biyoodka, laakiin tirada aad ayaa loo dhimay marka loo eego kuwa caadiga ah.
Waxa uu sheegay in istiraatiijiyadda Iran ay u badan tahay in ay adkeynayso ammaanka khaliijka iyo Washington.
Wuxuu yiri "Marinka Hormuz hal dal laguma qabsan karo" inkastoo Imaaraadku uusan diyaar u ahayn inuu u dhaqmo sidii ciidan badeed, haddana wuxuu ku biirayaa "dadaal kasta oo uu Mareykanku hormuudka ka yahay, dadaal caalami ah oo lagu sugayo maritaanka marin biyoodka."
Sidoo kale akhri:



















