Hoggaamiyaha sare ee Iran oo soo saaray farriin qoraal ah oo ku saabsan geerida madaxii sirdoonka Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters
Farriin qoraal ah oo la sheegay in ay ka timid hoggaamiyaha sare ee saddexaad, Mojtaba Khamenei, ayaa la sii daayay kadib dilka madaxii sirdoonka IRGC, Majid Khademi.
Farriintaas, Mojtaba waxa uu si adag u cambaareeyey dilka madaxa sirdoonka, waxa uuna ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil. Israa’iil ayaa xaqiijisay inay beegsatay Khademi.
Khamenei wuxuu ku celiyay hadallada saraakiisha Iiraan, isagoo sheegay in dhimashada taliyeyaasha aysan keeni doonin wax “qalqal ah” oo ku yimaada mabda’a ciidamada Iiraan, maadaama “safafka ay aad u ballaaran yihiin”. Taliyeyaal badan oo IRGC ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalku bilaabmay 28-ka Febraayo.
Waxaa sidoo kale jiray farriimo qoraal ah oo dhowaan loo tiiraye Mojtaba Khamenei, balse tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis qiyaastii bil ka hor, lama arag isaga oo si toos ah uga muuqda meel fagaare ah, sidoo kalena laguma arag sawirro ama muuqaallo cusub oo ka baxay telefishinka qaranka Iiraan.
Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, maadaama aan cidina wax war ah ka hayn”.
Safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Khamenei ay sabab u tahay “arrimo amni”, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi uu ku adkaystay inuu “caafimaad qabo oo si buuxda u maamulayo arrimaha”. Ilaa hadda lama helin wax caddayn muuqaal ama maqal ah oo taageeraya sheegashooyinkan.




















