Soomaaliya oo isu diyaarinaysa soo saarista shidaalkii ugu horreeyey ee "taariikhiga ah" ee xeebaha

Cagri Bey

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay bilowdo howshii ugu horeysay ee shidaal qodista xeebaha, iyadoo maalinta Jimcaha la filayo in markab shidaal qodaya oo ay leedahay dowladda Turkiga uu soo gaaro xeebteeda.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii si guul ah loo soo gabagabeeyay sahanadii la sameeyey ee sanadkii hore ay sameeyeen markab cilmi baaris ah oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire ayuu ku tilmaamay talaabadan ku wajahan wax loo arko shidaal qodiddii ugu horreysay inay tahay "guul taariikhi ah oo ku saabsan geeddiga tamar soo saaristeenna xeebaha... Bog cusub ayaa bilaabmaya".

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in haddii lagu guuleysto qodista shidaalka, ay taasi furi doonto kaydka saliidda ee badda, isla markaana ay taageeri doonto dib u soo kabashada dhaqaalaha waddanka oo ay noqon doonto mid saamayn ku yeelata tamarta gobolka.

Markabka qodista shidaalka ee Shirkadda Shidaalka Turkiga, Çağrı Bey, ayaa ku guda jira howshiisii ugu horeysay ee caalami ah, isagoo ku wajahan biyaha Soomaaliya ee badda Carabta.

Markabkii sahaminta shidaalka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AA

Qoraalka sawirka, Markabkii sahaminta shidaalka Soomaaliya

Waxa uu qodis biyo qoto dheer ka samayn doonaa goobihii lagu ogaaday sahanadii ugu dambeeyay ee lagu jaan-gooyay awoodda hydrocarbon-ka ee dalka.

"Tani waxay astaan u tahay sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay u gudubto qoditaanka sahaminta, taasoo ay ugu horreyso rajadeenna ugu weyn ee ifafaalaha xeebaha" ayuu yiri Shire.

Waxa uu intaa ku daray in dalka uu ku dadaali doono in faa'iidada qodista shidaalku ay u horseeddo barwaaqo qaran, isla markaana ay horumariso nolosha dadka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Turkiga iyo Soomaaliya waxa ay iskaashigooda uga dhigeen mid rsami ah sannadkii 2024kii, iyaga oo u maray inay samaystaan heshiis wax-soo-saar wadaag ah.

Isniintii, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in ololaha qodista shidaalka uu xoojin doono doorka Turkiga ee ah "saaxiibka muddada dheer lagu kalsoonaan karo" ee dhanka horumarinta.

Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo ka hadlayay Sabtidii ka hor safarka uu qorsheynayo inuu ku yimaado Soomaaliya ayaa sheegay in haddii la helo keyd shidaal ama gaas ay faa'iidooyin dhaqaale oo la taaban karo u keeni doonto Soomaaliya, Bariga Afrika iyo Turkiga.

Ankara ayaa sii xoojisay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, waxaana ay maalgashi ku sameysay dalka in ka badan toban sano. Waxa kale oo ay kordhisay joogitaankeeda ciidan ee halkaas sannadihii u dambeeyay, halkaas oo ay hore uga hawlgalisay saldhig weyn oo la dhisay 2017-kii.

Cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in waddanku haysto balaayiin fuusto oo kayd shidaal ah, laakiin sahaminta waxaa caqabad ku noqday tobanaan sano oo colaad ah iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Turkiga wuxuu hiigsanayaa inuu soo saaro 500,000 oo fuusto oo saliid ah maalintii ama wax u dhigma marka la gaaro sanadka 2028-ka, ayuu yiri Bayraktar, isagoo raaciyay inay Ankara rajaynayso inay cadadkaas labalaabto iyadoo loo marayo sahminno iyo heshiisyo wax-soo-saar qaybsi ah oo ay dalalka dibadda la gasho.