War deg deg ah, Maraykan iyo Israa’iil oo duqeeyey Jaamacad ku taalla Tehraan
Duqa Degmada 9aad ee Tehran ayaa ku dhawaaqay in ka dib weerarkii saaka (Isniin, 7-da Abriil) lagu qaaday saldhigga gaaska ee Jaamacadda Tiknoolajiyadda Sharif, si ku-meel-gaar ah loo jaray gaaska xaafadda Sharif.
Sida ay sheegayaan warbaahinta, qaybo ka mid ah jaamacadda, oo ay ku jiraan dhismaha Xarunta Macluumaadka Teknoolajiyadda iyo masaajidka jaamacadda, ayaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday weerarkan.
Sawirro saaka ka imanaya caasimadda ayaa mujiinayey qiiq iyo uuro ka baxaysa galbeedka Tehran.
Tan iyo bilowgii dagaalka, jaamacado dhowr ah, oo ay ku jiraan Jaamacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda Tehran iyo Jaamacadda Shahid Beheshti ayey bartilmaameedsadayn Israa’iil iyo Maraykan.



