Xog ku saabsan waxa ka socdo Baydhabo oo madaxtooyada Soomaaliya BBC-da uga warrantey

Baydhabo

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda heerarka kala duwan ee dowladda kuwaas oo gaaray halkaas ka dib markii ciidamada dowladdda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ay gacanta ku dhigeen magaalada dhammaadka bishii hore ee Maarso ka dib dagaal halkaasi dhinacyada ku dhexmaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiirada dowladda iyo siyaasiyiin tiro badan oo deegaanka ka soo jeeda ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka madaxweyanaha Soomaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii saddexaad Baydhabo ku sugan ayaa kulamo la qaaday masuuliyiinta dowladda, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadan.

"Ujeedka ugu muhimsan waxay ahayd in ammaanka la adkeeyo Baydhabo, waxa kale muhim ahaa in dadka la wacyi geliyo iyo hanaqaadka la bilabaya doorashada la dardargeliyo, maadaama horrey looga qabtay Muqdisho tan labaad laga dhigo Koonfur-galbeed"ayuu yiri Xadaana.

Xukuumada Soomaaliya ayaa Raysal wasaare ku-xigeenka JFS, Jibriil Cabdirashiid u magacowday hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, iyada oo uu xilka haynayo inta ay DFS ka qabanayso doorasho toos ah.

Isagoo ka jawaabayey waxaa loogu baahday tallaabadan iyadoo kaliya madaxweynihii maamulku meesha ka baxay laakiin madaxii kale wali joogaan deegaanka ayuu afhayeenka madaxweynuhu sheegay.

"Runtii maamulka Kumeel gaarka ah waxaa loogu baahday mar hadduu maamulkii hore meesha ka baxay waxaa loo bahaan yahay mar hadii guddigii doorashadu qabayso doorasho cid ka saacida ammaanka cid arrimaha kale ee fudud ka saacida, waaa maamul kumeelgaara oo la doonayo inuu dadka gaarsiiyo hannaankii dhabta ahaa ee dadku qofku iyagu doonayaan ku soo dooranayan ee maaha maamul kumeel oo waligiiba jira ama sanado badan jiraya"ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Xadaana

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Mar BBC-du waydiisay afhayeeenka, waxa laga qabtay falal ammaan darro ah oo ka dhacay magaaladu ayuu sheegay "Markii horeba Baydhabo ammaan ayey ahayd ayaamo dhawayd markii nidaamku meesha baxay kooxo dhangagaalayaal ah ayaa ka faa'iideysteen firaaqa, laakiin ciidamada ammaanka ayaa ka shaqeeeyey waana soo qab qabteen intii xad-gudubka samaysay" ayuu yiri Afhayeenku.

Is casilaaddii Laftagareen

Lafta gareen

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qoraal uu soo dhigay barta Facebook uu ku leeyahay ayuu madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen wuxuu ku sheegay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo.

"Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 march 2026, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen." ayaa lagu yiri qoraalka.

Tan iyo markaas uu bartiisa Facebook ku shaaciyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, in uu xilkii iska casilay, waxaa soo baxayay is waydiimo ku saabsan tallaabooyinka la filan karo iyo in xaaladdu sidaa ku soo afjarantay.

Haddaba BBC-da ayaa su'aalahaasi iyo kuwa kale hor-dhigtay afhayeenka mamaulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo aan la yeelanay waraysi dheer oo ku saabsan xaaladda guud.

Wuxuu sheegay in wixii ka dhacay Isniintii Baydhabo oo ahaa dagaalkii dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ay ahaayen nasiib darro lagan abaaqsan karay.

Wuxuu sheegay in dhankooda ay go'aan ku gaareen in ay kala bad-baadiyaan ciidamada isla markaana ay keentay arrintaasi go'aankii madaxweynihii ku dhawaaqay inuu is casilay uu kaga baxay magaalada Baydhabo oo ugu duulay Nairobi, oo hadda uu ku suganyahay.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo BBC-d waydiisay in ciidamo iyo gawaari dagaal oo maamulku lahaa ay hadda joogaan duuleedka Baydhabo, waxaa uu ku jawaabay: "Ciidamadu waxey sugayaan amniga maadama gudaha lagu dagaallamay amniga bannaanka ayaa meesha ka bixi kara oo halis gali kara marka sidaa ayay bannaanka u joogaan".

Waxaa kale oo soo baxay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Cabdicasiis Xasan Laftagareen uu weli ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed isla markaana sida dowladda federaalku u wajahaday mamaulkiisa aaney sax ahayn arrintaas.

Hase yeeshee Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa ka gaabsaday arrintaas, isagoo sheegay in go'aanadaasi ay Laftagareen gaar u yihiin, oo xilliga ku habboon uu sheegi doono qorshihiisa.

Marka kale ayaa BBC-du waydiisay in go'aankii is casilaadda uu ka laabtay iyo in kale, balse mar kale ayaa Ugaas Xasan ka gaabsaday in si waafi ah uu arrintaa uga jawaabo. Wuxuuna carrabka ku adkeyay in aanu bixi karin xog ku saabsan go'aanka iyo qorshaha madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.