Masuul ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in aysan ‘’weli
suulin dadaalada sii soconaya ee ay ku baadigoobayaan duuliyaha Maraykanka ee ‘diyaaradu
kula dul dhacday Iiraan’, ayna wadaan soo qabshadiisa’’ sida ay sheegtay BBC Arabic.
Saraakiisha Iiraan waxaa ay soo bandhigeen abaalmarin
gaaraysa ilaa £50,000 oo u dhiganta $66,100 doolar oo la siinayo muwaadiniinta
ka caawiya dowladda soo qabashada duuliyaha la la’yahay, sida ay sheegtay
warbaahinta dowladda.
Iiraan ayaa sheegtay inay soo riday diyaada A-10 ee qaybta
ka ah howlgalka badbaadinta iyo baadigoobka ee diyaaradii koowaad ee lasoo
riday.
War deg deg ah, Shilalkiii hore ee soo ridista diyaaradaha dagaalka Maraykanka
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Diyaarada dagaalka ciidamada Maraykanka ee qaybisa shidaalka Boeing KC-135. Lix kamid ah shaqaalaha milatariga Maraykanka ee diyaarada qaybisa shidaalka ayaa ku dhintay shilka bishii Maarso
Diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ay soo rideen ciidamada cadow
ah ayaa ahayd mid dhacdo dhif iyo naadir u dhacda, wax dhacay labo wakhti oo
kali ah tobanaankii sano ee aan soo dhaafnay.
Dhammaan shaqaalaha lixda ahaa ee saarnaa diyaaradda milatariga
Maraykanka ee qaybisa shidaalka ayaa lagu dilay shil ay qayb ka ahayd diyaarad
kale oo dagaal bishii Maarso 12, shilkaasi oo ka dhacay Galbeedka Ciraaq, sida
ay sheegtay CentCom.
Bishii April 7 2003, diyaarada dagaalka Maraykanka ee F-15
ee galayrka ayaa lagu soo riday Ciraaq howlgalka xorranta Ciraaq, taasi oo uu
ku dhintay duuliye Erec Das iyo sarkaalka William Watkins.
Diyaarada ayaa kasoo kacday saldhiga ciidamada cirka ee Al
Udeid ee Qadar si ay u samayso howlgal ada, iyada oo beegsanaysay meel ku dhow
Tikrit, Ciraaq, sida laga soo xigtay mareegta US Navy Memorial.
Diyaarada US A-10 Thunderbolt II ayaa la aaminsan yahay in
lagu soo riday caasimada Ciraaq ee Baqdaad bishii April 8, 2003, sida laga soo
xigtay ciidamada cirka Maraykanka. Duuliyihii ayaa si badqab leh loo soo
badbaadiyay, kahor inta aysan burburin.
Diyaarad kale oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay
Waqooyi-bari Liibiya bishii Maarso 2011. Afar diyaaradood oo dagaal iyo laba
helikobtar ayaa loo diray si ay usoo badbaadiyaan duuliyaha, sida ay
wakhtigaasi sheegeen ciidamada badda Maraykanka.
War deg deg ah, Israa’iil oo ka hadashay waxyeelada gantaalo ka yimi Iran
Laanta gurmadka degdega ee Israa’iil ee MDA ayaa sheegtay in
hal qof uu ku dhaawacmay weerar gantaal oo ka yimid dhanka Iiraan.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in hababka difaaca hawada
ee dalkooda ay ku howlan yihiin kahortaga gantaalada looga soo ridayo Iiraan.
MDA ayaa intaa ku dartay in Nin da’diisu ay tahay 45 sano uu
dhaawac fudud kasoo gaaray jajabka muraayad magaalada dhacda bartamaha ee Bnei
Brak oo u dhow Tel Aviv, islamarkaana haatan loo qaaday isbitaalka.
War deg deg ah, Trump oo codsaday kordhintii ugu weynd ee miisaanidda difaaca
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Askari Maraykanka oo hortiisa ay ka muuqato diyaarada dagaalka B-1
Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka codsaday Aqalka hoose ee
Baarlamanka Maraykanka kordhinta miisaaniyadda difaaca ilaa iyo $1.5 tiriliyan,
taas oo noqonaysa ballaarintii ugu weynayd ee nooceeda ah tan iyo dagaalkii
labaad ee adduunka.
Tani ayaa waxaa kamid ah maalgelinta nidaamka difaaca
gantaallada ee loo yaqaan ‘’Golden Dome’’ oo uu soo jeediyay maamulka Trump iyo
sidoo kale xoojinta warshadaha dhismaha maraakiibta ciidamada badda ee gudaha
oo ay ku jiraan maraakiibta dagaal oo cusub ee loo bixiyay ‘’Trump’’.
Qoraalka sawirka, Qiic baxaya kadib duqayamaha Iiraan ee April 3
Waxaa soo baxaya warar la xiriira in ciidamada Milatariga
Israa’iil ay dib u dhigayaan weeraro ay ku qaadi lahaayeen Koonfurta Iiraan,
iyada oo weli la raadinayo xubinta shaqaalaha diyaarada lasoo riday ee
Maraykanka ee weli maqan.
Waxaa dhanka kale qaraxyo culus ay ka dhaceen Bariga Tehran,
sida ay sheegeen labo il oo xog-ogaal ah, sida uu sheegay wariyaha sare ee BBC
Persian.
Saddex kal ayaa BBC u sheegay inay maqleen diyaarado dagaal
oo hawada ku jira. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca
hawada magaalda la howlgaliyay.
Waxaa ay horay ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF u
xaqiijiyeen mowjado kale oo weeraro ah oo ka dhacay Tehran.
Waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay IDF sheegtay inay
fulisay ‘’in ka badan 70 weerar’’ oo ka dhacay galbeedka iyo bartamaha Iiraan,
kuwaas oo lagu beegsaday goobaha laga rido gantaallada ballasti-ga iyo diyaaradaha
aan duuliyaha lahayn. Warar kale oo gaar ah ayaa sidoo kale sheegaya inay
bilowdeen weeraro lagu qaaday qaybo kamid ah Beirut
Ciidamada IDF ayaa intaasi ku daray inay aqoonsadeen
gantaallo laga soo tuuray Iiraan oo ku wajahnaa Israa’iil.
Guud ahaan xubnaha ka tirsan laanta adeegga Maraykanka ee ku
dhaawacmay tallaabooyinka weerarada ee tan iyo bilowgii dagaalka Maraykanka iyo
Israa’iil oo isku dhinac ah ay ku qaadeen IIraan ayaa gaaysay 365 xubnood.
Tirada dhaawacyada ee laamaha ciidamada hubaysan ee Maraykanka
ayaa kala ah