TOOS, Iiraan iyo Maraykanka oo ku tartamaya baadigoobka shaqaalaha weli ku maqan soo riditaankii diyaarada dagaal

Ciidamada Maraykanka ayaa weli baadigoobaya xubinta shaqaalaha Maraykanka ee weli lagu la'yahay diyaarada dagaal ee lasoo riday

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo sheegtay in qabiilo reer guuraa ah ay duqeeyeen laba diyaaradood oo Black Hawk ah oo Mareykanka leeyahay

    Iran

    Xigashada Sawirka, re

    Iiraan ayaa sheegtay in laba qabiil oo reer guuraa ah oo ku nool buuraha Iiraan ay duqeeyeen laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah oo Mareykan ah.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Hay'adda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in "reer guuraaga Kohgiluyeh Boyerahmad [gobolka] iyo Bakhtiaris" ay "si guul leh u duqeeyeen laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah gobollada buuraleyda ah ee aan la gaari karin oo ah meel ka fog joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Iiraan".

    BBC-da ayaa la xiriirtay US Centcom si ay faallo uga bixiso.

    Reer guuraaga iyo Bakhtiaris waxa dhaqan ahaan loogu yaqaan, qabiil reer Iiraan ah, oo loo aqoonsaday socdaalkooda xilliyeed ee adag. Waxa lagu yaqaan inay sitaan qoryo si ay xoolahooda iyo xeryahooda uga ilaaliyaan xayawaanka duurjoogta ah iyo xatooyada meelaha buuraleyda ah ee fog.

    BBC Verify ayaa xaqiijisay muuqaal laga duubay Jimcihii oo muujinaya wax u muuqda saddex qof oo hubaysan oo rasaas ku furaya ugu yaraan laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah.

  2. Mareykanka oo xiray qaraabada Jeneraalkii Reer Iiraan ee la dilay sanadkii 2020

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mareykanka ayaa xiray gabar uu abti u ahaa Jeneraal Qasem Soleimani oo ahaa Jeneraalkii Reer Iiraan ee la dilay sanadkii 2020, kaasoo lagu dilay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka geystay Ciraaq.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in qaraabada, oo ku noolaa Mareykanka, in deganaanshahooda rasmiga ah uu si sharci ah ku joonjiiay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

    Waxa ay sheegeen in gabadha uu Soleimani abtiga u yahay ay sii waday inay noqoto "taageere cad" oo u janjeera nidaamka Iiraan iyo inay Mareykanka ka faafisay "dacaayad".

    "Maamulka Trump uma oggolaan doono dalkeenna inuu noqdo hoy ay ku nool yihiin muwaadiniinta ajnabiga ah ee taageera nidaamyada argagixisada ee ka soo horjeeda Mareykanka," ayaa lagu yiri bayaanka.

  3. War deg deg ah, Iran waxay heysataa 48 saacadood inay heshiis ku gaarto kahor inta aanay 'naar kusoo di'in', Trump ayaa yiri

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay haysto 48 saacadood si ay "heshiis u gaarto" ama ay u furto Marinka Hormuz ka hor inta aysan "Cadaab ku soo degin iyaga".

    Qoraal uu soo dhigay Truth Social, wuxuu ku qoray: "Xasuuso markii aan Iiraan siiyay toban maalmood si ay HESHIIS U GAARAAN ama U FURAAN MARINKA HORMUZ. Waqtigu waa dhammaanayaa.

    "48 saacadood ka hor intaan Cadaab oo dhammi ku soo degin iyaga. Sharaf Alle baa leh! Madaxweyne DONALD J. TRUMP."

    Taariikhdu markii ay ahayd 27-kii Maarso, Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu hakinayo weerar kasta oo lagu qaado xarumaha tamarta ee Iiraan muddo 10 maalmood ah laga bilaabo markaas.

    Qoraal kale oo waxyar ka horreeyay, oo inta badan ka hadlayay faa'iidooyinka canshuuraha ay u keeneen dhaqaalaha Mareykanka, ayuu ku soo xiray: "Waxaas oo dhan iyo, isla mar ahaantaana, ka takhalusidda Iiraanta haysata Hubka Nukliyeerka. MAGA!!!"

    Warar dheeraad ah:

  4. Dastuurka miyaa u oggol Dowladda Federaalka faragalinta maamul goboleedyada?

    Dhammaadkii bishii aynu soo dhaafnay, ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ayaa la wareegay maamulka Magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamadu ay xoog ku galeen.

    Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa 30-kii Maarso oo ah xilliga lagala wareegay gacanta ku haynta magaalada ku sheegay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha, gaar ahaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo uu ku yiri ''Laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso 2026, waxaan iska casilay xilka madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen''

    Kadib dhacdadaasi waxaa ay dhalisay su'aalo badan oo la xiriira sharciyada ay dowladda Soomaaliya u adeegsatay inay si awood ah ay kula wareegto xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed iyo inay sidoo kale maamul usoo magacowdo.

  5. Sawirro weerarrada ka dhacay Ramat Gan ee Israa'iil

    Adeegga ambalaasta ee Magen David Adom ayaa sheegay in uu ka howlgalayay lix goobood oo ku yaalla bartamaha Israa’iil kadib weerarradii Iiraan ee Sabtidii, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

    Dhismayaasha magaalada Ramat Gan, oo dhanka bari kaga beegan Tel Aviv, ayaa burburay sida sawirka hoose ka muuqata. Ilaa hadda ma jiraan warar sheegaya dhimasho.

    Mar sii horreysay, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) waxay sheegeen inay aqoonsadeen gantaallada laga soo tuuray Iran, iyagoo shacabka ka codsaday inay aadaan meel la ilaaliyo.

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

  6. Burburka shucaaca 'wuxuu soo afjari doonaa nolosha' waddamada Khaliijka, wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa yiri

    Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa ka hadlay weerar la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr.

    Isagoo arrintaas ku qoraya baraha bulshada ayuu yiri: "Ma xasuusataan caradii reer Galbeedka ee ku aaddanayd wixii ka dhashay warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ukraine? Isbahaysiga Israa'iil iyo Maraykanka waxay hadda afar jeer duqeeyeen warshadayada Bushehr. Saamaynta haraaga sunta nukliyeerka waxay soo afjari doontaa nolosha caasimadaha dalalka Khaliijka [GCC], ee ma ahan Tehran."

    Weerarrada lagu hayo xarumaheenna kiimikada waxay iyaguna muujinayaan ujeeddooyinka dhabta ah."

    Maraykanka iyo Israa'iil ayaan ilaa hadda xaqiijin inay ku lug lahaayeen weerarkaas.

    Warar dheeraad ah:

  7. Guardiola: Ciyaartoyda aan qanacsaneyn waa bixi karaan

    Ciyaaraha

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kabtanka Spain Rodri ayaa 12 koob oo waaweyn la qaaday Manchester City

    Maamulaha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in ciyaartoyda aan ku qanacsanayn kooxda ay bixi karaan, balse wuxuu rajo ka muujiyay in xiddigga khadka dhexe ee Rodri uu sii joogi doono.

    Intii lagu jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, Rodri oo hore ugu soo ciyaaray Atletico Madrid ayaa sheegay inuu tixgelin doono ku biirista kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid, isagoo yiri "ma diidi kartid kooxaha ugu fiican adduunka."

    Kabtanka xulka Spain oo 29 jir ah ayaa u saftay City 293 kulan tan iyo markii uu ku soo biiray 2019-kii, wuxuuna qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga dambe.

    Guardiola ayaa yiri: "Ma jiro hal ciyaaryahan oo iska diidi doona fursadda uu ugu ciyaari karo Real Madrid.

    Mar walba hammigaygu waa in Rodri uu kooxdan sii joogo inta ugu macquulsan sababtoo ah waa ciyaaryahan cajiib ah oo heer sare ah, laakiin nolosha qof walba isaga ayay u gaar tahay."

    Warar dheeraad ah:

  8. Israa'iil oo sheegtay in ay Jimcihii duqaysay 'kaabeyaasha muhiimka ah' ee Tehran

    Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen "mawjado duqeymo ah oo ka dhan ah xarumaha kaabayaasha nidaamka argagixisada" ee Tehran Jimcihii.

    Warkan kasoo kordhay militariga ayaa sheegaya in ay garaaceen goobta difaaca hawada halkaas oo lagu keydiyay gantaallada la doonayay in lagu bartilmaameedsado diyaaradaha iyo sidoo kale goob militari "masuul ka ah ilaalinta cilmi baarista taliska".

    "Weerarradan la soo gabagabeeyey ayaa qayb ka ah wejiga socda ee waxyeellada u geysanaya nidaamka aasaasiga ah iyo aasaaska u ah nidaamka argagixisada Iran," ayay tiri IDF.

    Warar dheeraad ah:

  9. Sidee ayuu dagaalka Iiraan u burburiyey aragtidii amniga ee laga haystay dalalka Khaliijka?

    Sanadihii u dambeyey gobolka waxaa ka dhacayey xaalado amni darro ah kuwaas oo ay kamid tahay, duqeymaha lubnaan, ismiidaaminta ka dhaceesay suuqyada ciriiriga ee Ciraaq, afduubyo loo geesanayey dadka ajaanibta gudaha suuriya, intaas oo dhan oo dhacaya hadana Dubai waxa ay ahayd meel marti galineesay dabaaldegyo waaweyn iyo dalxiisayaal

    Taajiriinta caalamka ayaa guryo waaweyn ka iibsaday xeebaha jasiiradaha macmalka ah ee Dubai, waxay ku wareegi jireen Louvre Abu Dhabi, ama waxay safarro ugaarsasho iyo madadaalo u aadi jireen saxaraha Qadar. Iyadoo dalalka deriska ahi ay si joogto ah u ruxayeen dagaallo, mudaharaadyo iyo qalalaase.

    Siyaasadaha canshuurta faa'iidada leh ayaa soo jiitay balaayiin doollar oo maalgelin shisheeye ah, waxaana magaalooyin sida Dubai, Abu Dhabi iyo Doha ay noqdeen meelo heer sare ah oo ay u safraan bilyaneerrada iyo dalxiiska qaaliga ah, iyo sidoo kale goobaha lagu qabto shirar iyo munaasabado caalami ah.

    Maalintii, Maraykanka iyo Israa'iil ayaa bilaabayn dagaal ka dhan ah Iiraan, waxa bilowday isbedel amni, cabsi badan iyo qalqal siyaasadeed oo jiho kale saameeyey, kadib markii Iiraan ay weerartay waddamada gacanka ku yalla, iyada oo sababta ka dhigeysa in ay xulufo yihiin Israa'iil iyo Maraykanka.

  10. War deg deg ah, Basra : Dab ka holcaya shirkad shidaal kadib weerar diyaarad

    Dab ayaa ka qarxay xarun kayd oo ay leedahay shirkad shidaalka oo Ajnabi ah, taasi oo ku taala Galbeedka Basra, Ciraaq, subaxnimada Sabtida kadib markii weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu dhacay, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen ilo ammaan.

    Wakaalada wararka ma shaacin magaca shirkada.

    Tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Maraykanka oo isku dhinac ay ku qaadeen Iiraan, xarumaha shidaalka ee dalalka gobolka ayaa la kulmay beegsiga Jamhuuriyada Islaamiga ah.

    WARBIXINO DHEERI AH

  11. War deg deg ah, Iiraan oo weli baadigoobaysa duuliyaha kumanaanka kun ay madaxiisa dul saartay

    Sawir kamid ah muuqaal muujinaya diyaarad Maraykan ah iyo helikobtaro dul gooshaya hawada Koonfurta Iiraan
    Qoraalka sawirka, Sawir kamid ah muuqaal muujinaya diyaarad Maraykan ah iyo helikobtaro dul gooshaya hawada Koonfurta Iiraan

    Masuul ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in aysan ‘’weli suulin dadaalada sii soconaya ee ay ku baadigoobayaan duuliyaha Maraykanka ee ‘diyaaradu kula dul dhacday Iiraan’, ayna wadaan soo qabshadiisa’’ sida ay sheegtay BBC Arabic.

    Saraakiisha Iiraan waxaa ay soo bandhigeen abaalmarin gaaraysa ilaa £50,000 oo u dhiganta $66,100 doolar oo la siinayo muwaadiniinta ka caawiya dowladda soo qabashada duuliyaha la la’yahay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Iiraan ayaa sheegtay inay soo riday diyaada A-10 ee qaybta ka ah howlgalka badbaadinta iyo baadigoobka ee diyaaradii koowaad ee lasoo riday.

    WARBIXINO DHEERI AH

  12. War deg deg ah, Shilalkiii hore ee soo ridista diyaaradaha dagaalka Maraykanka

    Diyaarada dagaalka ciidamada Maraykanka ee qaybisa shidaalka Boeing KC-135. Lix kamid ah shaqaalaha milatariga Maraykanka ee diyaarada qaybisa shidaalka ayaa ku dhintay shilka bishii Maarso

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Diyaarada dagaalka ciidamada Maraykanka ee qaybisa shidaalka Boeing KC-135. Lix kamid ah shaqaalaha milatariga Maraykanka ee diyaarada qaybisa shidaalka ayaa ku dhintay shilka bishii Maarso

    Diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ay soo rideen ciidamada cadow ah ayaa ahayd mid dhacdo dhif iyo naadir u dhacda, wax dhacay labo wakhti oo kali ah tobanaankii sano ee aan soo dhaafnay.

    Saddex diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-15 ayaa kusoo dhacay Kuwait, kadib shil ‘’is-rasaasayn saaxiibtinimo’’ oo dhacday horaantii bishii Maarso, sida ay sheegeen taliska bartamaha ciidamada Maraykanka ee (CentCom). Dhammaan xubnihii shaqaalaha diyaaradda ayaa badbaaday.

    Dhammaan shaqaalaha lixda ahaa ee saarnaa diyaaradda milatariga Maraykanka ee qaybisa shidaalka ayaa lagu dilay shil ay qayb ka ahayd diyaarad kale oo dagaal bishii Maarso 12, shilkaasi oo ka dhacay Galbeedka Ciraaq, sida ay sheegtay CentCom.

    Bishii April 7 2003, diyaarada dagaalka Maraykanka ee F-15 ee galayrka ayaa lagu soo riday Ciraaq howlgalka xorranta Ciraaq, taasi oo uu ku dhintay duuliye Erec Das iyo sarkaalka William Watkins.

    Diyaarada ayaa kasoo kacday saldhiga ciidamada cirka ee Al Udeid ee Qadar si ay u samayso howlgal ada, iyada oo beegsanaysay meel ku dhow Tikrit, Ciraaq, sida laga soo xigtay mareegta US Navy Memorial.

    Diyaarada US A-10 Thunderbolt II ayaa la aaminsan yahay in lagu soo riday caasimada Ciraaq ee Baqdaad bishii April 8, 2003, sida laga soo xigtay ciidamada cirka Maraykanka. Duuliyihii ayaa si badqab leh loo soo badbaadiyay, kahor inta aysan burburin.

    Diyaarad kale oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay Waqooyi-bari Liibiya bishii Maarso 2011. Afar diyaaradood oo dagaal iyo laba helikobtar ayaa loo diray si ay usoo badbaadiyaan duuliyaha, sida ay wakhtigaasi sheegeen ciidamada badda Maraykanka.

    WARBIXINO DHEERI AH

  13. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay caasimada Suuriya

    Sida uu baahiyay taleefishka dowladda Suuriya, waxaa qaraxyo laga maqlay magaalada Dimishiq ee caasimada Suuriy iyo baadiyaha magaaladaasi goor hore Sabtidii maanta ahayd.

    Waxa sababay lama yaqaan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

    Qaraxyada ayaa laga yaabaa inay ahaayeen natiijada difaacyada kahortaga ciidamada cirka Israa’iil ay ku qabanayeen gantaalada Iiraan, sida uu sheegay taleefishinka dowladda.

    WARBIXINO DHEERI AH

  14. War deg deg ah, Israa’iil oo ka hadashay waxyeelada gantaalo ka yimi Iran

    Laanta gurmadka degdega ee Israa’iil ee MDA ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhaawacmay weerar gantaal oo ka yimid dhanka Iiraan.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in hababka difaaca hawada ee dalkooda ay ku howlan yihiin kahortaga gantaalada looga soo ridayo Iiraan.

    MDA ayaa intaa ku dartay in Nin da’diisu ay tahay 45 sano uu dhaawac fudud kasoo gaaray jajabka muraayad magaalada dhacda bartamaha ee Bnei Brak oo u dhow Tel Aviv, islamarkaana haatan loo qaaday isbitaalka.

    WARBIXINO DHEERI AH

  15. War deg deg ah, Trump oo codsaday kordhintii ugu weynd ee miisaanidda difaaca

    Askari Maraykanka oo hortiisa ay ka muuqato diyaarada dagaalka B-1

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Askari Maraykanka oo hortiisa ay ka muuqato diyaarada dagaalka B-1

    Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka codsaday Aqalka hoose ee Baarlamanka Maraykanka kordhinta miisaaniyadda difaaca ilaa iyo $1.5 tiriliyan, taas oo noqonaysa ballaarintii ugu weynayd ee nooceeda ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    Tani ayaa waxaa kamid ah maalgelinta nidaamka difaaca gantaallada ee loo yaqaan ‘’Golden Dome’’ oo uu soo jeediyay maamulka Trump iyo sidoo kale xoojinta warshadaha dhismaha maraakiibta ciidamada badda ee gudaha oo ay ku jiraan maraakiibta dagaal oo cusub ee loo bixiyay ‘’Trump’’.

    WARBIXINO DHEERI AH

  16. War deg deg ah, Weerarada Bariga Dhexe oo weli sii socda

    Qiic baxaya kadib duqayamaha Iiraan ee April 3

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Qiic baxaya kadib duqayamaha Iiraan ee April 3

    Waxaa soo baxaya warar la xiriira in ciidamada Milatariga Israa’iil ay dib u dhigayaan weeraro ay ku qaadi lahaayeen Koonfurta Iiraan, iyada oo weli la raadinayo xubinta shaqaalaha diyaarada lasoo riday ee Maraykanka ee weli maqan.

    Waxaa dhanka kale qaraxyo culus ay ka dhaceen Bariga Tehran, sida ay sheegeen labo il oo xog-ogaal ah, sida uu sheegay wariyaha sare ee BBC Persian.

    Saddex kal ayaa BBC u sheegay inay maqleen diyaarado dagaal oo hawada ku jira. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada magaalda la howlgaliyay.

    Waxaa ay horay ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF u xaqiijiyeen mowjado kale oo weeraro ah oo ka dhacay Tehran.

    Waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay IDF sheegtay inay fulisay ‘’in ka badan 70 weerar’’ oo ka dhacay galbeedka iyo bartamaha Iiraan, kuwaas oo lagu beegsaday goobaha laga rido gantaallada ballasti-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Warar kale oo gaar ah ayaa sidoo kale sheegaya inay bilowdeen weeraro lagu qaaday qaybo kamid ah Beirut

    Ciidamada IDF ayaa intaasi ku daray inay aqoonsadeen gantaallo laga soo tuuray Iiraan oo ku wajahnaa Israa’iil.

    WARBIXINO DHEERI AH

  17. War deg deg ah, Tirada ciidamada Maraykanka ee lagu dhaawacay dagaalka Iiraan

    Ciidamada laanta dambi baarista Milatariga Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada laanta dambi baarista Milatariga Maraykanka

    Guud ahaan xubnaha ka tirsan laanta adeegga Maraykanka ee ku dhaawacmay tallaabooyinka weerarada ee tan iyo bilowgii dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah ay ku qaadeen IIraan ayaa gaaysay 365 xubnood.

    Tirada dhaawacyada ee laamaha ciidamada hubaysan ee Maraykanka ayaa kala ah

    Ciidamada Milatariga – 247, Ciidamada badda – 82 iyo Ciidamada Cirka oo ah 36.

    Weli dhimashada ayaa taagan 13 xubnood.

    WARBIXINO DHEERI AH