Mareykanka oo siddeed qof oo 'asal ahaan ka soo jeeda Afrika' u tarxiilay Uganda

Mareykanka

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Qoraalka sawirka, Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muddooyinkan waday wax ka qabashada tahriibka
    • Author, Wedaeli Chibelushi
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Siddeed qof oo ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah ayaa loo soo tarxiilay dalka Uganda, iyadoo laga soo musaafuriyay dalka Mareykanka, waana markii ugu horreysay oo sidan oo kale lagu musaafuriyo iyadoo la raacayo heshiis dhanka socdaalka ah oo la saxiixay sannadkii hore.

Kooxda ayaa la tarxiilay Arbacadii kadib markii xaakim Mareykan ah uu ansixiyay kiisaskooda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Uganda.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in heshiiska ay la gashay Mareykanka uu Uganda u aqoonsaday dal saddexaad oo ammaan u ah muhaajiriinta aan dib ugu laaban karin dalalkooda, sababo ay ka mid yihiin cadaadis.

Ururka sharciga Uganda ayaa cambaareeyay masaafurinta, iyagoo sheegay in shakhsiyaadka loo geeyay dalkaas "hab aan sharaf lahayn, xumaan leh iyo bini'aadannimada ka baxsan".

Ururka ayaa ku tilmaamay hannaankan mid sharci darro ah iyagoo sheegay in ay maxkamad horgeyn doonaan.

BBC-da ayaa wax ka weydiisay wasaaradda amniga gudaha ee Mareykanka inay wax faallo ah ka bixiso.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tobnaan qof u tarxiilay dalal saddexaad tan iyo markii uu xukunka qabtay bishii Jannaayo ee la soo dhaafay - qayb ka mid ah habka adag ee uu u wajahayo socdaalka.

Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay siyaasaddan, iyadoo qaarkood ay su'aal ka keeneen sharci ahaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda ayaa sheegtay in aysan bixin karin tafaasiil badan oo ku saabsan dadka la masaafuriyay sababo gaar ah, balse waxay tiri: "Uganda waxay sii waddaa inay sii adkeyso go'aankeedii dheeraa ee ahaa in ay magan-galyo siiso dadka u baahan oo ay hubiso in loola dhaqmo si sharaf leh."

Waxa ay sheegtay in aanay ahayn muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Maraykanka toona balse ay yihiin "Asal Afrikaan ah oo laga yaabo in aan magangelyo laga siinin Maraykanka oo ay ka caga jiidayaan ama laga yaabo in ay ka walaacsan yihiin ku noqoshada waddankii ay ka yimaadeen".

Telefishinka ay BBC-da wada-shaqeynta kala leedahay Mareykanka ee CBS News ayaa ku warramay in Uganda ay oggolaatay in ay aqbasho muhaajiriinta la tarxiilayo ilaa iyo inta aysan lahayn taariikh dambiyeed.

Sida laga soo xigtay Maraykanku, qaar badan oo ka mid ah kuwa loo wareejiyay dalal kale oo saddexaad ayaa lagu xukumay inay yihiin dambiilayaal.

Tan iyo markii uu billaabay muddo-xileedkiisii labaad, Trump waxa uu bilaabay dadaallo ballaaran oo uu ku doonayo in uu meesha uga saaro muhaajiriinta aan sharciyeysneyn - taasoo ahayd ballanqaad doorasho oo muhiim ah oo soo jiidatay taageero ballaaran intii lagu jiray ololahan.

Uganda waxa ay ka mid tahay dhowr waddan oo Afrikaan ah oo, dal saddexaad ah, oo aqbaley in dadka laga soo tarxiilo Mareykanka la geeyo dalalkooda. Kuwaas waxaa ka mid ah Eswatini, Ghana iyo Suudaanta Koofureed.