Muxuu yahay walwalka soo foodsaaray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi?

Xigashada Sawirka, BBC / Andro Saini
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa si dhab ah ugu taamaya fikrado cakiran ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay bilaabeen dagaal ay la galaan Iiraan.
Kuuriyada Woqooyi waxay si degdeg ah u cambaaraysay weerarradaas oo ay ku tilmaantay "dagaal gardarro ah oo aan qiil loo samayn karin." Tehran iyo Pyongyang waxay samaysteen "isbahaysi ka dhan ah Maraykanka oo ah cadawgooda " tan iyo 1979, waxayna tan iyo markaas dhisteen iskaashi ku salaysan horumarinta gantaallada.
Dublamaasi hore oo Kuuriyada Waqooyi ah, oo BBC-da la hadlay, isaga oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in Iiraan ay sidoo kale tahay meesha ugu badan ee loo dhoofiyo hubka Kuuriyada Waqooyi.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay jiraan laba arrimood oo Kuuriyada Waqooyi geliyay meel aad uga wanaagsan Iiraan, waana hubka Nukliyeerka iyo Shiinaha.
Intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 2003, hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il ayaa la waayay muddo 50 maalmood ah. Sida ay sheegtay hay'adda sirdoonka ee Kuuriyada Koonfureed, waxa uu wakhtigaas intiisa badan ku dhuumaalaysanayay godka hoose ee Samjiyon, oo qiyaastii 600 KM u jira caasimadda dalkaasi ee Pyongyang.
Taas bedelkeeda, wiilkiisa, Kim Jong-un, ayaan ka fogaanin indhaha dadweynaha, xitaa ka dib dilkii Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Sida laga soo xigtay Jang Yong-seok, agaasimihii hore ee kooxda falanqaynta Kuuriyada Waqooyi ee Adeegga Sirdoonka Qaranka Kuuriyada Koonfureed, jawaabta noocan oo kale ah ayaa ka tarjumaysa kalsoonida sii kordheysa ee Kuuriyada Waqooyi ay ku leedahay awooddeeda.
Waqooyiga Kuuriya waa dal haysta hub nukliyeer ah. Xitaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay 2025 in waddanku noqon doono "nooc ka mid ah quwadda nukliyeerka" oo leh "hubka nukliyeerka oo badan".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka loo eego warbixin soo baxday 2025 oo uu soo saaray Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm, Waqooyiga Kuuriya waxay leedahay ilaa 50 madaxyo nukliyeer ah iyo qalabka lagu hagaajiyo ah oo ku filan si ay u soo saaraan 40 kale. Bishii Luulyo 2024, Kuuriyada Koonfureed waxay ka digtay in Waqooyiga Kuuriya ay ku jirtay "marxaladihii ugu dambeeyay" ee horumarinta hubka nukliyeerka ah, kaas oo riddadiisu gaaban tahay, looguna talagalay isticmaalka goobta dagaalka.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae-myung ayaa sidoo kale sheegay sannadkii hore in Kuuriyada Waqooyi ay ku dhowdahay inay samaysato gantaal ballistic ah oo qaaradaha isaga gudba oo awood u leh inuu ku garaaco dhulweynaha Maraykanka hubka Nukliyeerka ah, inkasta oo habka hagista gantaalkan iyo awoodda uu u leeyahay inuu ilaaliyo madaxyada dagaalka marka dib loo soo celinayo ay weli shaki ku jiro.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan tamarta Nukliyeerka ayaa sheegtay in Iiraan ay leedahay "Barnaamijka Nukliyeerka oo aad u weyn oo hami leh" balse aysan arkin wax caddayn ah "barnaamij isku xiran oo lagu soo saaro hubka Nukliyeerka".
Kadib heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, Iiraan waxay ogolaatay inay xaddidaad dheeraad ah ku sameyso barnaamijkeeda kobcinta Yuraaniyaamka. Xawaaraha barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ayaa sidoo kale hoos u dhacay iyadoo IAEA ay ballaarisay baaritaannada, sida uu sheegay Jang Ji-hyung, khabiir Bariga Dhexe ah oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Asan.
Laakiin ka dib markii Donald Trump uu kaligiis ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2018, Iiraan waxay bilowday inay xaddiddo gelitaanka IAEA ee xarumaha nukliyeerka. Wakaaladda wararka ee AP ayaa bishii hore ku soo warrantay in hay'addu ay warbixin sir ah ku sheegtay in Iiraan ay joojisay dhammaan wada shaqayntii ay la lahayd Israa'iil kadib dagaalkii ay la gashay Israa'iil bishii June 2025-kii.

Xigashada Sawirka, AFP/KCNA VIA KNS
Waqooyiga Kuuriya, marka la barbardhigo, waxay samaysay tijaabadii ugu horreysay ee nukliyeerka 2006 waxayna eriday dhammaan kormeerayaasha IAEA saddex sano ka dib. Tan iyo markaas waxay samaysay shan tijaabo oo nukliyeer ah, ayadoo kii ugu dambeeyay uu ahaa 2017.
Kuuriyada Waqooyi ayaa wakhtigaas aad u xiisaynaysay inay la xiriirto Maraykanka, taasoo horseeday in labada hoggaamiye ay yeeshaan laba shir oo taariikhi ah sannadihii 2018 iyo 2019. Mr. Kim waxa uu doonayey in cunaqabataynta caalamiga ah laga qaado, waxaana uu u soo bandhigay in la burburiyo warshadda Nukliyeerka ee Yongbyon. Laakin Mr. Trump waxa uu lahaa wax badan oo uu soo bandhigo, wadahadaladana ugu dambeyntii waa ay fashilmeen.
Sida laga soo xigtay Jenny Towne oo agaasime ka ah barnaamijka Kuuriya ee Xarunta Stimson ee Maraykanka, Waqooyiga Kuuriya ayaa hadda u muuqata mid aad kalsooni u qaba, gaar ahaan marka ay ku sii dhowaanayso Ruushka ka dib dagaalka Ukraine, kaasoo bixiya iskaashiga dhaqaale iyo milatari ee aadka loogu baahan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa u muuqda inuu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo shaqsi ah, waxaana madaxweynaha Mareykanka uu aad u amaanay dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi xitaa sanadkii hore.
Jenny Town ayaa sheegtay in Mr Kim uu arko "fursado gaar ah oo uu kula macaamilayo Trump" laakiin "ma doonayo inuu sameeyo tanaasul si loo soo nooleeyo xiriirkaas".
Si kastaba ha ahaatee, Kuuriyada Waqooyi si cad uma aysan weerarin Mr. Trump markii ay cambaareysay dagaalka Iiraan. Shirweynihii xisbiga ee bishii hore, Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto xiriir wanaagsan oo ay la leedahay Mareykanka haddii la ixtiraamo mawqifkeeda.

Juquraafiga ayaa sidoo kale kaalin ka cayaara doorka Waqooyiga Kuuriya. Dalkan ayaa xuduud la wadaaga Shiinaha, kaas oo Shiinuhu u arko gaashaan muhiim ah oo ka dhan ah Maraykanka iyo xulafada Kuuriyada Koonfureed. Haddii maamulka Kuuriyada Waqooyi uu burburo, waxaa laga yaabaa in Shiinuhu la kulmo qulqulka qaxootiga oo aad u badan.
Sababtaas awgeed, xiriirka ka dhexeeya labada waddan ee shuuciga ah ayaa taariikh ahaan lagu tilmaamay mid la mid ah sida ay isugu dhow yihiin "bushimaha iyo ilkaha." Tan iyo 1961-kii, Shiinuhu waxa uu ballan qaaday in uu difaaci doono Kuuriyada Waqooyi haddii ay dhacdo weerar lagu qaado maadaama uu ka dhaxeeyo heshiis is-difaac oo labada dhinac ah, heshiiska kaliya ee ay Beijing saxiixday.
Taas macnaheedu maaha in Shiinuhu mar walba u arki doono Kuuriyada Waqooyi saaxiib sax ah, inkastoo, balaarinta hubka nukliyeerka ay khalkhal galinayso gobolka. Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuusan ku faraxsanayn isu soo dhawaanshaha sii kordhaya ee Kuuriyada Waqooyi kala dhexeeya Ruushka, gaar ahaan marka la eego in labada waddan ay sidoo kale saxiixeen heshiiska difaaca 2024, sida uu sheegay Jang Yong-suk, oo ah aqoonyahan la shaqeeya Jaamacadda Qaranka ee Seoul.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu yiri: "Kuuriyada Waqooyi waxay muhiimad istiraatijiyadeed u leedahay Shiinaha, Shiinuhuna aad buu u ogsoon yahay inuu difaaco danihiisa istiraatijiyadeed, Kim Jong-unna arrintaas aad buu u ogyahay".
Sida laga soo xigtay Mr. Jang oo ka tirsan machadka Asan, Kuuriyada Woqooyi waxay sidoo kale u rogtay Kuuriyada Koonfureed iyo Japan "la haystayaal nukliyeer ah" sababtoo ah waxay u dhow yihiin juqraafi ahaan.
Labada Kuuriya ayaa waxaa kala qaybiya aag militariga ka caagan oo dhererkeedu dhan yahay 250 KM iyo 4 KM oo balac ah, caasimadahooduna waxay isku jiraan ilaa 200 oo kilomitir oo keliya.
Sida laga soo xigtay Jang oo hore uga soo shaqeeyay Adeegga Sirdoonka Qaranka Kuuriyada Koonfureed, tani waxay la macno tahay in aagga magaalada Seoul, oo ay ku jiraan Incheon iyo Gyeonggi Province ay Kuuriyada Waqooyi u jiraan masaafo uu ka soo weerari karo.
"Haddii Kuuriyada Koonfureed ay ka hortagi karto gantaallada sida kuwa ay Israa'iil qabato oo kale, Maraykanka ama dalalka kale ee Bariga Dhexe arrintooda su'aal ayaa ka imaan karta" ayuu raaciyay.
Japan ayaa sidoo kale ku jirta masaafo uu ka soo weerari karo Waqooyiga Kuuriya oo si joogta ah gantaalada ugu rida badda Japan inta lagu jiro tijaabada.
Labadan dal ee Aasiya waxa ay martigeliyaan ilaa 80,000 oo askari oo Maraykan ah, halka ilaa 50,000 oo askari oo Maraykan ah ay ku sugan yihiin Bariga Dhexe.
Sida ay sheegtay Ellen Kim oo ka tirsan machadka dhaqaalaha Kuuriya iyo Maraykanka ee Washington, dagaalka Iiraan waxa ay u badan tahay in Kim maskaxdiisa uu ku abuuray dareen xooggan oo ah in Cali Khamenei uu yahay mid aan tamar lahayn, sababtoo ah ma haysanin hub Nukliyeer ah iyo in wada xaajoodka Maraykanku aanu dammaanad qaadi doonin jiritaanka taliska










