Kuuriyada waqooyi maxay u sababeysay iney qarxiso xafiiski xiriirinayey labada dal?
Kuuriyada Waqooyi ayaa sharraxaad ka bixisay sababta ku kalliftay iney burburiso xafiiska Kuuriyada Koonfureed ay ku xiriirayeen oo ku yaalla xadka labada dal.
Warbaahinta dowladda Pyongyang ayaa Koonfurta Kuuriya ku eedeysay iney ku xad gudubtay heshiiski ay labada dal galeen sanadkii 2018-kii.
Dhinaca kale Kim Jong-un walaashii ayaa madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ku eedeysay inuu lugaha la galay fowdadi Mareykanka looga bartay.
Koonfurta Kuuriyana waxay dhankeeda ka sheegtay iney wadahadal ay marweliba diyaar u tahay, iyada oo cambaareysay tallaabbada ay ku dhaqaaqday Kuuriyada Waqooyi ee ay ku sheegtay mid aan micna badan lahayn oo waxyeello keeni karto.
Kuuriyada Waqooyi waxaa kale oo ay ku dhaqaaqday tallaabbo kale oo xaalad horleh abuuri karto maadaamaa ay ku dhawaaqday iney ciidamadeeda ka howlgelineyso aagga milatariga ka caaggan, isaga oo ka digay "musiibo guud" oo labada dhinac soo foodsaarta.
Xiisadda ayaa toddobaadyadi u dambeeyey cirka isku sii shareereysay, iyada oo Pyongyang ay Kuuriyada Koonfureed ku eedeysay iney dacaayado nidaamka lid ku ah ay xadka labada dal ku baahiso.
Kuuriyada Waqooyi maxay tiri?
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa Kuuriyada Koonfureed ku eedeysay "iney ku xadgudbeen ayna burburiyeen" heshiiski ay labada dal galeen 2018-kii, heshiiskaasi oo uu ka mid yahay heshiiski Panmunjom.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warmurtiyeed ay Kuuriyada Waqooyi soo saartay waxay ku sheegtay wasaaradda gaashaan dhigga Kuuriyada Koonfureed soo saartay uu yahay mid wadahadallada hor istaagayo isla-markaana iskudhac horseedi karo.
Warmurtiyeedkaasi ka soo baxay Pyongyang waxaa daba socday qaraxii talaadada dhacay "kaasoo noqday halis hor leh oo soo food saartay xiriirki u dhaxeeyey Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyad Koonfureed".
Dhanka kale, ciidamada Kuuriyada Waqooyi waxay sheegeen iney ciidamadooda ka howl gelinayaan aagga astaanta u ah xiriirka iskaashi ee labada dal u dhaxeeyey ee ganacsiga iyo waxsoosarka warshadaha iyaga oo sheegay iney sida oo kale ay xirayaan aagga dalxiiska ee ku yaalla xeebta barig.
Waxaa sida oo kale weerar dhinaca afka ah ku qaadday Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, Kim Jong-Un walaashii Kim Yo-Jong.
"Sababta heshiiski aadka u qiimaha badnaa ee dhexmaray Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, uu u meel mari waayey iney tahay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo lugaha la galay mid la mid ah fowdadi looga bartay Mareykanka" ayey tiri.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kuuriyada Koonfureed maxay uga jawaabtay?
Xafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon maanta oo Arabaca ah wuxuu sheegay ficilka ay ku dhaqaadaqy Kuuriyada Waqooyi inuu yahay mid aan micna badan ku fadhiyin, wuxuuna ka digay Seoul iney wixi hadda ka dambeeya ay aqbaleyn dabeecadaha aan sinnaba loo aqbali karin ee ay caadeysatay Kuuriyada Waqooyi.
Inkasta oo la qarxiyey xafiiska labada Kuuriya xiriirinayey, haddana waxay Kuuriyada Koonfureed sheegtay iney rajeyneyso heshiiski 2018-kii dhacay in la ixtiraamo.
"Waa mowqif aasaasi ah oo aan ka aaminsannahay in heshiiskii militari ee 19-kii Sebtember la galay la fuliyo si gacanka Kuuriya ay nabad uga soo dabbaalanto loogana hortago isku dhacyada lama filaanka ah oo labada dhinac dhex mara," ayey tiri wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed.
Waxayna wasaaraddu ka digtay tallaabba kasta oo miltari oo ay Kuuriyada Waqooyi qaaddo iney si dhow ula soconeyso, xadgudub kasta oo ay ciidamadu sameeyaanna ay jawaab adag ka bixineyso.
Kuuriyada Koonfureed waxay sida oo kale ku baaqday iney ergo gaar ah oo xiisadda taagan xal u raadiso soo dirto, balse Kuuriyada Waqooyi ayaa markiba diidday fikirka Seoul ka soo yeeray.

Xigashada Sawirka, twitter.com/nknewsorg
Qaraxa dhacay muxuu yahay?
Kuuriyada Waqooyi ayaa Talaadadi qarxisay xafiiska xiriiriya labada Kuuriya xiriiriya ee ku yaalla xadka labada dal ee dhinaceeda Ku yaalla.
Xafiiskan ay Pyongyang qarxisay ayaa la furay 2018-ki wadahadallo muddo sanad ah socday kaddib, xafiiskaasi oo looga talagalay iney labada dal ku wada xiriiraan.
Balse horraantii bishan, Kuuriyada Waqooyi ayaa caro ka muujisay dacaayadaha xadka labada dal loo soo mariyo ee ku saabsan nidaamka dowladda Pyongyang ka arrimisa.
Waxayna Pyongyang sheegtay iney ciidamadeeda xadka ku soo celineyso iyada oo ku xadgudbeyso heshiiski 2018-kii.
Qaraxa ay xafiiskaasi u geysatay ayaa lagu tilmaamay tallaabbo muujineyso sida mowqifka Kuuriyada Waqooyi uu u fogaaday.












