Ma waxaynu u jihaysanay dagaal saddexaad oo caalami ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddo ka badan hal bil ayuu socdaa dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil oo isku dhan ah ay ku qaadeen Iiraan, waxaana soo baxaya walaac ku saabsan in khilaafkan Bariga Dhexe uu usii gudbi karo dagaal ka ballaaran kan hadda socda.
Dagaalkan ayaan saamaynin oo kali ah Iiraan, balse wuxuu taabtay dalal badan oo kale oo ay ku jiraan Imaaraatka Carabta, Ciraaq, Baxrayn, Kuweyt, Sacuudi Carabiya, Cumaan, Azerbaijan, Daanta Galbeed ee ay Israa'iil haysato, Qubrus, Suuriya, Qadar iyo Lubnaan.
Su'aasha ayaa ah, ma waxaynu usii soconaa in khilaafkan hadda jira ee heer gobol uu noqdo dagaal caalami ah oo buuxa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Goorma ayuu dagaal noqdaa mid caalami ah?
"Dadku badanaa waxay u maleeyaan in dagaallada si taxaddar leh loo qorsheeyo oo kuwa ku lugta leh ay si fiican u ogyihiin waxa ay sameynayaan," ayay tiri Margaret MacMillan, oo ah borofisar taariikhda caalamiga ah ka dhigta Jaamacadda Oxford ee UK, wareysi ay siisay BBC Global Story.
"Dhab ahaantii, haddii aad eegto dagaalladii hore sida Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, waxyaabo badan oo bilaabay ayaa ahaa shilal iyo in si khaldan loo qiimeeyay cadawga," ayay tiri iyada oo sharaxaysa Professor MacMillan.
MacMillan waxay ku doodaysaa in dilkii Franz Ferdinand, oo ahaa wiilka uu awoowga u ahaa boqorkii Austro-Hungary Franz Joseph I, uu sababay silsilad dhacdooyin ah oo horseeday dagaalkii Koowaad ee Adduunka sanadkii 1914.
Toddobaadyo gudahood, isbahaysiyo caalami ah ayaa Yurub oo dhan geliyay dagaal.
Austria-Hungary waxay la dagaallantay Serbia, Jarmalku wuxuu taageeray Austria, Ruushku wuxuu abaabulay ciidamo si uu u caawiyo Serbia, Faransiiskuna wuxuu taageeray Ruushka, Ingiriiskuna isna wuxuu ku biiray dagaalka.
Waxa xigay ayaa ahaa markii dambe in uu isu beddelay musiibo caalami ah.

Xigashada Sawirka, Stringer/Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Joe Maiolo, oo ah borofisar taariikhda caalamiga ah ka dhiga King's College London, ayaa ku tilmaamay dagaallada caalamiga ah kuwo ay ku lug leeyihiin dhammaan quwadaha waaweyn.
"Dagaalkii Koowaad ee Adduunka waxay ahaayeen dalalka Yurub. Dagaalkii Labaadna waxaa ku jiray Mareykanka, Japan iyo Shiinaha," ayuu u sheegay BBC.
Dad badan ayaa weli ku doodaya in xiisadaha hadda ka jira Bariga Dhexe ay weli yihiin kuwo goboleed.
Laakiin ma jiraan calaamado muujinaya in khilaafkan sii xoogeysanayo uu noqdo mid halis badan?
Wareysi uu siiyay BBC bishii Febraayo, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku sheegay inuu aaminsan yahay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu durba bilaabay Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, isla markaana habka kaliya ee lagu joojin karo ay tahay cadaadis militari iyo mid dhaqaale oo xooggan si Moscow loogu qasbo inay joojiso duullaanka.
"Waxaan aaminsanahay in Vladimir Putin uu durba bilaabay dagaalkaas. Su'aashu waa dhulka uu awoodi doono inuu qabsado iyo sida loo joojin karo," ayuu yiri Zelensky.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Maxaa khataro ka dhalan kara haddii uu qarxo dagaal saddexaad oo caalami ah?
"Waxaan u maleynayaa in dalka ugu badan ee kordhin kara khilaafka uu yahay Iiraan ama xulafadeeda sida fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen," ayay tiri Margaret MacMillan.
Sida ay sheegtay MacMillan, tallaabooyin ay Iiraan qaadi karto sida bartilmaameedsiga marinnada maraakiibta ama xiridda marinka Hormuz waxay keeni karaan saameyn caalami ah, iyagoo carqaladeynaya sahayda tamarta isla markaana ku riixaya quwadaha waaweyn inay ku lug yeeshaan dagaalka.
Waxay intaas ku dartay in faragelinta Mareykanka ay sidoo kale xaaladda sii murjinayso, maadaama xitaa dalal aan si toos ah ugu lug lahayn ay saameyn dhaqaale ama istiraatiiji ah ku yeelan karto.
Intaa waxaa dheer, khilaaf hal meel ka dhaca wuxuu abuuri karaa fursado meel kale ka dhasha.
Tusaale ahaan, Shiinaha waxa uu u arki karaa khilaafaadka Galbeedka fursad uu uga tallaabo Taiwan, ama Ruushku wuxuu kordhin karaa duullaankiisa Ukraine iyadoo dunidu ku mashquulsan tahay meel kale.
"Mar walba waxaa jira khatar ah in khilaafku ku fido meel ballaaran, sababtoo ah dhinacyadu waxay mararka qaar u arkaan fursad ay ka faa'iideystaan qalalaasaha."
Professor Joe Maiolo wuxuu aaminsan yahay in khilaafku uu sii ahaan doono mid goboleed oo ku koobnaan doona dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka.
Si kastaba ha ahaatee, ma aaminsana in Shiinaha iyo Ruushka si toos ah loogu jiidi doono dagaalka.
"Fikradda ah in dhacdo dunida ka dhacda kadibna Shiinuhu si degdeg ah u weeraro Taiwan ay tahay mid gebi ahaanba aan macquul ahayn," ayuu yiri.
"Laakiin haddii aan ka hadalno dagaal caalami ah, gaar ahaan Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, ma arko wax calaamado ah oo muujinaya in Shiinaha ama Ruushku doonayaan inay si toos ah uga qayb qaataan, Yurubna sidaas oo kale ma rabto."
Professor Maiolo wuxuu aaminsan yahay in Shiinuhu uu leeyahay istaraatiijiyado kale oo ku saabsan xiriirkiisa diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Donald Trump. "Marka cadawgaagu sameeyo khalad istiraatiiji ah oo weyn, u daa inuu sii wado," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Doorka hoggaamiyeyaasha
Margaret MacMillan waxay sharaxaysaa in taariikhdu muujinayso in dagaalladu inta badan ay ka dhashaan kibir, rabitaan sharaf, ama cabsi laga qabo cadawga.
Ra'iisul Wasaarihii Faransiiska Georges Clemenceau ayaa sheegay intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka in helitaanka nabaddu ka adkayd bilaabidda dagaal.
Sida ay sheegtay MacMillan, kibirku wuxuu noqon karaa sabab uu hoggaamiye dagaal u bilaabo, iyadoo tusaale usoo qaadatay duullaankii Vladimir Putin ee Ukraine.
Kadib markii uu afar sano ka hor duullaan ku qaaday Ukraine, Putin wuxuu sheegay in ujeeddadiisu tahay "in la wiiqo awoodda militariga lana tirtiro nidaamka kali-taliska ah" ee Ukraine, balse Ruushku wuxuu sheegay in ujeeddooyinkiisa militari aan weli la gaarin.
Diblomaasiyadda

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Si dagaal loo joojiyo, diblomaasiyad ayaa si weyn loo adeegsadaa.
"Waxaad u baahan tahay inaad fahanto dhinaca kale, isla markaana aad xiriir joogto ah la yeelato," ayay tiri MacMillan.
Haysashada hubka nukliyeerka ayaa noqotay arrin muhiim ah oo saameysa dagaallada ay ku lug leeyihiin quwadaha waaweyn.












