Dhegeyso: Siciid Saalax oo ka hadlaya shaqsiyadda Buuni iyo Qoraa Dr Cali Jimcaale

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Siciid Saalax oo ka hadlaya shaqsiyadda Buuni iyo Qoraa Dr Cali Jimcaale

Allaha u naxariistee waxaa dalka Mareykanka lagu aasay Dr Cali Jimcaale Axmed oo ahaa nin aqoonyahan ah, ahaana madaxa qaybta dhaqanka iyo suugaanta ee jaamacadda City University ee New York, kulliyadeeda Queens college, isla markaana dhawaan halka ku geeriyooday.

Dr Cali wuxuu ahaa nin ku takhsusay is barbardhiga suugaanta Afrika iyo dunida kale waxaana uu qoray buugaag uu saldhig uga dhigay dhaqanka iyo suugaanta, isagoo bare ka ahaa Jaamacado ku yaalla dalka Mareykankana .

Haddaba dadkii ay sida wanaagsna isu yaqaaneen waxaa ka mid ah Profassor Siciid Saalax Axmed oo ah madaxa akaadeemiyaha dhaqanka ee Soomaaliya. Xasan Sheekh Cumar ayuu uga warramay shaqsiyaddii Dr Cali Jimcaale iyo aqoontiisii .