Sidee istaraajiyada dagaalka ee Iiraan uga yaabsatay Maraykanka iyo Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Prabhat Pandey
- Role, Weriye BBC Hindi
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerarro wadajir ah ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, su'aasha ugu weyn ee xilligaas waxay ahayd intee in le'eg ayuu dagaalkani socon doonaa?
Markaa arrintu waxay u muuqatay inay jiitamayso maalmo, toddobaadyo, iyo hadda bilo, waxayna u muuqatay in aanu jirin waqti cad oo lagu soo afjarayo dagaalkan.
Khudbadii ugu dambeysay ee uu u jeediyay shacabka Mareykanka, Madaxweyne Trump, ayaa si ka duwan sidii la filayay, waxa uu awoodi waayay inuu soo bandhigo qorshe cad, balse waxa uu sheegay in "Mareykanku uu ku dhow yahay inuu gaaro hadafkiisa istiraatijiyadeed ee Iiraan" iyo in "weerarro ba'an lagu qaadi doono Iiraan labada ilaa saddexda toddobaad ee soo socda".
Waxa uu sidoo kale ku hanjabay "in uu Iiraan dib ugu riixayo Casrigii Dhagaxa".
Suuqyada Shidaalka iyo Suuqyada saamiyada oo rajo ay ka qabey khudbadii uu shacabka u jeediyey ayaa markiiba ka falceliyay, mana aha oo kaliya in sicirka saliidda si xawli ah kor ugu kacay caalamka, balse suuqyada Aasiya oo kuwa Maraykankuna ku jiraan ayaa iyaguna hoos u dhacay.
Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay NATO Ivo Dalder oo ka jawaabayay khudbada ayaa sheegay in hadalka Trump uu keenay "shaki laga qabo ujeedooyinka dagaalka" wuxuuna ka tagay dhowr su'aalood oo muhiim ah oo aan laga jawaabin, oo ay ku jiraan sababta Maraykanku uu weli u sii wado hawlgallada milatari ee Iiraan haddii sida uu sheegay Trump la burburiyo awoodda Nukliyeerka ee Iiraan, ciidamada badda iyo gantaalaha.
Hal shay ayaa ku cad hadalka madaxweyne Trump: dagaalku wuu sii socon doonaa.
Inkasta oo khasaare culus uu billowgii hore dhacay, Iiraan weli si xooggan ayay u dagaallamaysaa oo ay dagaalka u sii waddaa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ee dagaalka ayaa hadda si cad u muuqda, Trump kuma eka xulafada NATO inuu afka ka hadlo oo kaliya, balse waxa uu ku hanjabay inuu isaga bixi doono.
In kasta oo uu dagaalku socday muddo bil ka badan, haddana jawaabta dadweynaha ee Iiraan ma noqon sidii ay filayeen Trump iyo Netanyahu, inkastoo labada hoggaamiye ay ka codsadeen shacabka Iiraan inay soo baxaan oo ay afgembiyaan dawladda.
Weerarada ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada Mareykanka ee wadamada Khaliijka, Iiraan kaliya ma aysan u geysan waxyeelo weyn balse sidoo kale waxay si xun u saameysay sawirka wadamadan oo ah kuwo ammaan ah.
Sida ay khubaradu sheegeen, muddada dheer ee dagaalkani waxa ay sababtay hoos u dhac ku yimid kalsoonida dalalka Khaliijka iyo dalalka reer Yurub ee Maraykanka ee dhinaca dammaanad-qaadka ammaanka.
Xiritaanka Iiraan ee marin biyoodka Hormuz ayaa dunida ka abuuray dhibaato ba'an oo dhanka shidaalka ah. Haddaba dalal badan ayaa hadda cadaadis ku saaraya Maraykanka iyo Israa'iil inay si degdeg ah dagaalka u joojiyaan, dalalka qaarna waxay diideen inay saldhigyo laga duulo ka dhigtaan hawlgallada milateri.
Dhanka kale, Mareykanka wuxuu ku eedeeyay xulafadiisa, sida Britain, Faransiiska, talyaaniga, Spain iyo Canada, inaysan gacan ka geysan dagaalka Iiraan.
Maraykanka iyo Israa'iil ma cadaadis ayey la kulmeen?

Xigashada Sawirka, Reuters
Si aan u ogaano, waa inaan dib ugu laabanaa waayihii hore ee dagaalkan.
Weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday dugsiga hoose dhexe ee gabdhaha oo ku yaalla magaalada Minab ee dalka Iiraan ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof oo ay ku jiraan tobonaan gabdhood.
Waa markii ugu horeysay oo dalal badan oo reer Yurub ah oo ay ku jiraan Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Shiinaha ay cambaareeyaan weerarkaas, waxaana halkaasi ka bilowday codad ka dhan ah dagaalka.
Dhowr waddan oo kale ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay weerarka, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa'iil. Waa in la ogaadaa in Mareykanka iyo Israa'iil midkoodna uusan weli qiran ku lug lahaanshaha weerarka.
Isku soo wada duuboo dagaalku waxa uu socday in ka badan afar todobaad mana dhamaan, waxaana xiran marinka Hormuz, waxaana dunidu ay wajahday dhibaato dhanka shidaalka ah, xitaa markii la dilay hogaankii ugu sareeyay Iiraa, weli waxay w addaa dagaal, waaxana ay soo bandhigtay shuruudo u gaar ah oo ku aadan joojinta dagaalka.
Iyadoo dagaalku uu sii daba dheeraaday ayaa Maraykanka iyo Israa'iil waxay la kulmayaan dhaleecayn caalami ah. Mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo colaadda ayaa ka dhacay Maraykanka laftiisa.
Haddaba, xaaladdan, Iiraan iyada oo adeegsanaysa istiraatijiyaddeeda dagaal iyo dublamaasiyadeed ma ku guulaysatay in ay abuurto jawi ka dhan ah Maraykanka iyo Israa'iil ilaa xad?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 23-kii bishii Maarso kaga dhawaaqay bartiisa Truth Social in wadahadallo aad u wanaagsan ay u dhexeeyeen Mareykanka iyo Iiraan oo ku saabsan joojinta dagaalka, balse isla mar ahaantaana uu soo saarayay jawaabo adag iyo hanjabaado weeraro ah.
Sida laga soo xigtay khabiirka arrimaha istiraatijiyadeed ee Brahma Chellani, "Trump wuxuu bilaabay dagaalkan isaga oo ujeedkiisu ahaa in la afgambiyo dawladda Iiraan, laakiin ka dib markii uu ku guuldareystay inuu gaaro ujeeddada aasaasiga ah, isla Trump ayaa hadda sidoo kale la xaajoonaya isla maamulkii Iiraan ee uu sheegay inuu meesha ka saarayo. Wadaxaajoodka Iiraan ayaa dhab ahaantii ah mid lagu qasbay ka dib markii uu ogaaday xaqiiqda dhabta ah".
Hamid Raza Azizi waa nin la shaqeeya machadka Jarmalka ee arrimaha amniga iyo caalamiga ee Berlin.
Waxa uu qoray falanqeyn ku saabsan colaaddii dhawaan ka dhacday Iiraan isagoo ciwaan uga dhigay 'Sida Iiraan Dib ugu Qortay Istaraatiijiyadeeda Dagaal'.
Isagoo ka hadlayay xarunta Carnegie Endowment, Hamid Reza wuxuu ka hadlay istiraatiijiyadda Iiraan ee dagaalkan.
"Iraan waxay kordhisay kharashka dagaalka ee Maraykanka iyo Israa'iil marar badan iyada oo la beegsanayo kaabayaasha muhiimka ah iyada oo la adeegsanayo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn" ayuu yiri.
"Iiraan waxay si ula kac ah u soo bandhigtay dagaalkan inuu yahay iskahorimaad goboleed" ayuu yiri. "Iiraan uma aragto khilaafkan inuu yahay khilaaf laba geesood ah".
"Tani waxay leedahay suurtagalnimada ah in Maraykanka iyo Israa'iil hadda laga soo weeraro meelo kala duwan sida Lubnaan, Ciraaq iyo Gacanka Faaris waxayna ku qasban yihiin inay dhaqaalahooda ciidan ku bixiyaan dhinacyo badan, taas oo ay dheer tahay in Iiraan ay sidoo kale abuurtay xaalad hubaal la'aan ah oo la soo deristay Maraykanka iyo Israa'iil, mana garanayaan jihada uu ka iman doono weerarka xiga".
Sida isaga laga soo xigtay, Iiraan xeeladdeedu maaha mid ku salaysan in ay ku guulaysato dagaalka bilawgii hore, laakiin waa in ay daaliso kuwa ka soo horjeeda.
"Sida muuqata, Iiraan sidoo kale ma rabto in si degdeg ah dagaalka loo soo afjaro, laakiin waxay rabtaa inay sii wado cadaadiska militari, kan siyaasadeed, iyo dhaqaale waqti ka dib, si ay dagaalka uga dhigto mid qaali ah kaliya maaha dhinaca ka soo horjeeda laakiin sidoo kale xulafadooda" ayuu yiri.