Dhegeyso: Soomaalida Kenya oo ka walaacsan amni-darro laga soo sheegay xaafadda Islii

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Soomaalida Kenya oo ka walaacsan amni-darro laga soo sheegay xaafadda Islii

Dadweynaha xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ka mid ah goobaha xagga ganacsiga ee aadka looga dukaamaysto caasimadda kenya, ayaa walaac ka muujinaya amniga xaafadda kadib dil dhawaan loogu gaysay wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah kaasoo la sheegay in ay middi ku dileen dhalinyaro kale oo Soomaali ah.

Muuqaal laga duubay xilliga dilku dhacayay ayaa ku baahay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, taasoo dhalisay su'aalo ku gedaaman amniga iyo sababta dowladdu ay wax uga qaban la'dahay dadka ficilladan ka dambeeya.

Haddaba arrintaas waxaan ka waraysannay Cumar Xuseen oo ah xoghaya guddiga gancsatada Islii, kana mid ah dadka arrintaa kala hadlay laamaha amniga, Faarax Lamaane ayuu u warramay.