Ehelka ganacsade Soomaali ah oo Nairobi lagu afduubtay oo BBC-da la hadlay

Xigashada Sawirka, Facebook
Magaalada Nairobi muddo ka badan shan maalmood waxaa lagu la'yahay ganacsade Soomaali ah oo lagu mahacaabo Cabdi Caydiid, kaas oo la sheegay in laga afduubtay meel u dhow xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Ganacsadaha ayaa la afduubtay xilli uu u socday masaajidka Sabtidii afurka kadib.
Wiil uu dhalay ganacsadaha la la'yahay oo lagu magacaabo Jamaal Cabdi Caydiid ayaa BBC-da u sheegay in aabbihi aan ilaa iyo hadda wax war ah laga hayn meesha uu ku suganyahay iyo cidda afduubatay.
Wuxuu intaa ku daray in dowladda Kenya gaarahaan laamaha ammaanka ay la wadaagen, hase-yeeshee ay ilaa iyo hadda ka war qabaan in ay wadaan baaritaan ku saabsan arrintaan.
Qoyska ayaa muujiyay in aysan jirin cid ay si gaar ah afduubka Cabdi Caydiid ugu tuhmayaan.
Cabdi Caydiid waxaa uu ka mid yahay ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, sida weyn looga yaqaanno.
Halkaan hoos ka dhageyso wiilkiisa Jamaal Cabdi Caydiid oo BBC-da uga warramay afduubka aabbihii iyo waxa laga ogyahay ilaa iyo hadda.







