Dhaqaalaha Shiinaha wuu kobcayaa inkastoo dagaalka Iran uu socdo. Sababta maxey tahay?

Dhaqaalaha Shiinaha iyo dagaalka Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa si ka dhaqso badan sidii la filayay u kobcay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2026-da.

Si kastaba ha ahaatee, muddadan gaaban ee uu sare ugu kacay dhaqaalaha Shiinaha, dalal badan oo caalamka ah ayaa saameyn ka soo gaartay dagaalka u dhexeeya Mareykank iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.

Sida ay muujinayaan xogo rasmi ah, wax-soo-saarka guud ee gudaha ee Shiinaha ayaa kor u kacay 5% laga soo bilaabo Janaayo ilaa Maarso marka la barbar dhigo isla waqtigii sanadkii hore.

Dhaqaale-yahannadu waxay horay u saadaaliyeen inuu kororku noqon doono qiyaastii 4.8%.

Tani waa markii ugu horreysay ee Shiinuhu uu si rasmi ah u shaaciyo xogta GDP tan iyo markii ay dowladdu hoos u dhigtay bartilmaameedka koboca dhaqaalaha bishii hore, iyadoo ka dhigtay 4.5% ilaa 5%. Tani waa bartilmaameedka koboc ee ugu hooseeya ee Shiinaha tan iyo 1991.

Qaybta wax-soo-saarka waxay si weyn uga qayb qaadataa dhaqaalaha

Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wax soo saarka guud ee dalka wuxuu kor u kacay 4.5% bilihii hore.

Si kastaba ha ahaatee, markan qaybta wax-soo-saarka, ayaa door weyn ka ciyaartay kor u qaadista koboca dhaqaalaha Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, xilligan, dalka labaad ee ugu weyn dhaqaalaha adduunka ayaa weli wajahaya cadaadis ka imanaya hoos u dhaca maalgashiga guryaha iyo hantida maguurtada ah.

Falanqeeye ka tirsan Brookings Institution, Kyle Chen, ayaa sheegay in baabuurta iyo dhoofinta kale ay si weyn uga qayb qaateen xogtan wax soo saarka.

Wuxuu yiri: "saameynta buuxda ee dagaalka Iran weli lama oga. Tirada GDP ee waqtiyada soo socda hoos ayuu u dhici karaa kataa sababo la xiriira xiisaddan."

Ugu dambayn, bartilmaameedyada cusub ee GDP-ga iyo ujeeddooyinka dhaqaale ee Shiinaha waxaa lagu qeexay qorshe shan sano ah oo cusub oo la shaaciyay bishii Maarso.

Isku dayo lagu doonayo in dib loogu qaabeeyo dhaqaalaha

Shiinaha ayaa hadda wajahaya canshuur dhan 10 boqolkiiba oo Mareykanka uu saaray inta badan alaabtiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shiinuhu wuxuu sidoo kale ballanqaadday in uu si weyn u maalgelin doonp hal-abuurka, warshadaha tiknoolajiyada sare, iyo dadaallada lagu kordhinayo isticmaalka gudaha.

Xisbiga talada haya ee Chinese Communist Party ayaa isku dayaya inuu dib u habeyn ku sameeyo dhaqaalaha dalka, kaas oo wajahaya dhibaatooyin badan sida isticmaalka oo hooseeya, tirada dadka oo sii yaraanaysa, iyo xiisad muddo dheer soo jirtay oo ka taagan suuqa guryaha.

Shiinuhu wuxuu sidoo kale wajahayaa dhibaato ku saabsan tamarta, taas oo ka dhalatay dagaalka Iran, iyo sidoo kale xiisado ganacsi oo caalami ah iyo siyaasadaha canshuuraha ee Trump.

Waqtigan la joogo, Shiinuhu wuxuu la kulmayaa canshuur Maraykanku ku soo rogay oo ah 10% taasoo saran inta badan alaabaha.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent, ayaa Talaadadii sheegay in canshuurahan laga yaabo in dib loogu celiyo heerarkii hore ee ay ahaayeen ka hor inta Maxkamadda Sare aysan burin qaar ka mid ah canshuuraha soo dejinta, taas oo dhici karta horraanta bisha Luulyo.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, bishan May.

Talaadadii, Shiinaha wuxuu soo saaray xogta dhoofinta ee bisha Maarso, taas oo muujisay hoos u dhac weyn oo ku yimid koboca, sababo la xiriira xiisadaha oo abuuray sicir-barar isla markaana yareeyay kharashaadka dadweynaha.

Alaabaha dibadda laga keeno oo korortay Shiinaha sidoo kale bishii Maarso

Alaabaha dibadda laga keeno oo korortay Shiinaha  sidoo kale bishii Maarso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhoofinta alaabaha ee Shiinaha ayaa si aad ah u gaabisay, iyadoo kor u kacday 2.5 boqolkiiba bishii la soo dhaafay, marka loo eego tiro ka sarreysay isla xilligii sanadkii hore, sida ay muujinayaan xogaha uu soo saaray Maamulka Guud ee Kastamyada Shiinaha Talaadadii.

Tani waa heerka ugu hooseeya ee kororka dhoofinta muddo lix bilood gudahood ah. Horey, wadarta dhoofinta bilihii Janaayo iyo Febraayo waxay kor u kacday in ka badan 20 boqolkiiba marka loo eego sanadkii hore.

Kororkan hore waxaa sabab u ahaa baahida xooggan ee qalabka elektaroonigga ah iyo alaabada warshadaysan.

Shiinuhu wuxuu isku daraa xogta ganacsiga labada bilood ee ugu horreeya sannadka si uu ugu xisaabtamo isbeddellada ka dhasha fasaxa Sannadka Cusub ee Lunar-ka, kaas oo dhaca taariikho kala duwan sannad walba.

Sidoo kale, soo dejinta Shiinaha ayaa kor u kacday ku dhawaad 28 boqolkiiba bishii Maarso, sida ay sheegtay xogta kastamyada.

Tani waxay keentay in Shiinuhu yeesho dheelitir ganacsi oo farqiga u dhexeeya dhoofinta iyo soo dejinta waa in ka badan 50 bilyan bishii. Si kastaba ha ahaatee, tani waa heerka ugu hooseeya ee dheelitirka ganacsiga ee bil kasta muddo ka badan sanad.

Sida uu sheegay Yixiao Zou, oo ah bare dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Qaranka Australia, kororka qiimaha soo dejinta waxaa laga yaabaa inuu ka dhashay kharashaadka caalamiga ah oo kordhay sababo la xiriira dagaalka Iran.

Saamayn intee le'eg ayuu dagaalka Iiraan ku yeelan karaa wax dhoofinta Shiinaha?

Shiinaha wuxuu ka mid ah yahay dalalka shidaalku uga yimaado Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hanjabaadaha Iiraan ee ka dhanka ah maraakiibta isku dayaya inay isticmaalaan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz ayaa kor u qaaday qiimaha saliidda cayriin, sidoo kale qiimaha alaabta laga sameeyay, sida balaastikada.

Shiinuhu kuma tiirsana saliidda Khaliijka marka loo eego dhaqaalaha kale ee waaweyn ee Aasiya, sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo ay si weyn u saameysay xiisaddu.

Laakiin shidaalka ayaa qaali ka ah Shiinaha. Qiimaha shidaalka diyaaradaha ee sii kordhaya ayaa horseeday in shirkadaha diyaaradaha Shiinaha qaarkood ay yareeyaan duulimaadyadooda.

Yxiao wuxuu leeyahay haddii macaamiisha adduunka oo dhan ay muujiyaan xiiseyn yar oo ku aaddan kharashka sababtoo ah qiimaha kordhay ee uu sababay khilaafkan, markaa dagaalkan wuxuu saameyn karaa wax dhoofinta Shiinaha.

"Kobaca dhoofinta ugu dambeyntii wuxuu ku xiran yahay dhaqaalaha saaxiibbada ganacsiga. Way adag tahay in kobacan si joogto ah loo ilaaliyo heer aad u sarreeya," ayuu yiri.