Xisbullah oo diiday in ay hubka dhigto, BBC ayaa waraysatay mid kamid ah ragga sare ee xukuma

- Author, Nawal Al-Maghafi
- Role, Senior international investigations correspondent, Beirut
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Wareysi gaar ah oo uu ku siiyay Bayruut, madaxa sare ee Xisbullah Wafiq Safa waxa uu si cad ugu sheegay in ururka uusan waligiis ka tanaasuli doono hubkiisa, kadib dalabaad ka yimid Israel, Mareykanka iyo Lubnaan lafteeda.
"Weligay Marnaba, Marba" ayuu yiri.
"Ma jirto cid hubka ka dhigi karta Xisbullah," ayuu intaa raaciyay. "Qofna ma samayn karo."
Safa ayaa intaa ku daray in aysan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan hubka kooxda "ilaa xabad joojin sax ah laga gaaro, mid dhab ah, ma dhacayso ilaa Israel ka baxdo dhulkeena, soo celiso maxaabiista, soo celinta dadka barokacay iyo in ay dib u dhisto goobaha ay burburisay".
Waxa uu meesha ka saaray soo jeedinta ah in Xisbullah lagu wiiqay dagaalkii ugu dambeeyay, isagoo taa beddelkeeda ku dooday in Israa'iil ay ku fashilantay ujeeddooyinkeeda milateri.
"Israa'iil waxay rumaysnayd in Xisbullah ay aad u daciiftay," ayuu yiri. Laakiin dagaalkani si kale ayuu u muujiyay, (Israa'iil) way ku fashilantay, mana haysato wax kale oo aan ahayn inay dib u gurato.
Safa ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay ugu dambeyntii dib ugu celin doonaan meel ciriiri ah oo ku taal xadka Lubnaan iyo Israa'iil.
Laakiin hadalkiisa wuxuu si weyn uga duwan kuwii 16-kii Abriil uu jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, kaasoo xaqiijiyay in ciidamada Israa'iil ay sii joogi doonaan koonfurta Lubnaan, iyaga oo abuuraya waxa uu ugu yeeray "aagga amniga".
Dowladda Israa'iil ayaa sheegtay in hub ka dhigista Xisbullah ay tahay dalab aasaasi ah oo wadahadallo dheeri ah lala yeelanayo dowladda Lubnaan.
Xisbullah ayaa ku biirtay iskahorimaadkii ugu dambeeyay iyada oo gantaallo ku soo riday Israa'iil horraantii bishii Maarso, iyaga oo sheegay in ay uga aargoosanayaan dilka hoggaamiyihii ugu sarreeyay Iran iyo weerarrada maalinlaha ah ee Israa'iil ay ku hayso Lubnaan tan iyo dagaalkii ugu dambeeyay ee bishii November 2024-kii.
Israa'iil ayaa ku jawaabtay duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah iyo duulaan kale oo dhanka dhulka ah oo ay ku qaaday koonfurta Lubnaan, iyadoo sheegtay in ololaheeda uu sii socon doono ilaa laga soo saarayo Xisbullah.
Horay ayaa loogu sheegay
Safa waxa uu sheegay in Xisbullah lagu sii wargeliyay xabbad joojinta u dhaxaysa Israa'iil iyo Lubnaan, taasoo bilaabatay saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista, saacado ka hor inta aanu heshiiska si cad ugu dhawaaqin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Safa ayaa sheegay in xogtan laga soo sheegay dalka Iiraan.
"Waa nala soo ogeysiiyay," ayuu yiri. "Iraaniyiintu way nagu wargeliyeen."
'Ma aqbali doono soo noqoshada wixii hore'

Xigashada Sawirka, FADEL ITANI / Getty
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilaa maanta, Safa ayaa weli ah bartilmaameedka sare ee Israa'iil, ilaalada ku hareereysnayd xilliga wareysiga aan la yeelanayany ayaa ahaa kuwa heegan sare ku jira.
Waxa nalaga codsaday in aanu tagno goob loogu talo galay waraysiga, halkaas oo markiiba talefannadayadii nalaga qaaday. kadib, aniga iyo sawir qaade kaliya ayaa si xawli ah loogu kaxeeyay goob waraysi loogu talagay oo qarsoodi ah, dhismo la deggan yahay oo ku yaal cidhifka koonfureed ee Bayruut.
Markii aan imid, Safa ayaa horeba halkaas ujoogay. Waxa uu u muuqday mid dagan, inkasta oo la duqeeyay dhismayaashii ku hareeraysnaa goobta uu ku sugnaa.
Iyagoo qiraya hindisaha xabbad joojinta, Safa wuxuu soo jeediyay Xisbullaah inaysan aqbali doonin shuruudo si fudud u soo celinaya xaaladdii hore ka dib in ka badan hal sano oo dagaal ah.
"Xaqiiqdii ma aqbali doono haddii ay la macno tahay in aan ku soo laabano sidii ay wax ahaayeen," ayuu yiri. Laakiin haddii xabbad-joojintu ay tahay mid dhammaystiran oo run ah, oo ay ku jiraan ka bixitaanka gebi ahaanba ciidamada Israa'iil, sii deynta maxaabiista, soo noqoshada dadka barakacay iyo dib u dhiska - taasi waa arrin kale."
'Laba naf oo hal jir ku jira'
Waraysigu waxa kale oo uu iftiimiyay xiriirka Xisbullah iyo Iran , arrin muhiim ah oo ka mid ah doodaha gudaha ee Lubnaan iyo dadaalka caalamiga ah ee lagu xakamaynayo saamaynta kooxda.
"Xisbullah iyo Iran waa laba nafood oo hal jir kuwada jira," Safa ayaa yiri. "Xisbollah ma jiri karto Iran la'aanteed, Iranna ma jiri karto Xisbullah la'aanteed."
Waxa uu ku tilmaamay xiriirkaasi mid "diimeed, sharci iyo mabda' ah", isaga oo intaa ku daray in "aan la kala tagi karin".
Hadaladiisa waxa ay u badan tahay in ay xoojinayaan walaaca ay qabaan dadka dhaleeceeya Hezbollah ee ah in kooxdu ay ugu dambeyntii u adeegto danaha istiraatijiyadeed ee Iran, oo aan ahayn kuwa dadka Lubnaan.











