Is casilaadda Laftagareen kadib maxaa u dambeyn doona Koofur Galbeed?

FACEBOOK

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qoraal uu soo dhigay barta Facebook uu ku leeyahay ayuu madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen wuxuu ku sheegay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo.

"Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 march 2026, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, wararka nasoo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in Laftagareen uu goor dhoweyd u dhoofay dalka dibaddiisa, lamana hubo halka uu aaday.

Is casilaaddiisa ayaa daba socota dagaal maanta magaalada Baydhabo ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulkaas, dagaalkaas oo daba socda khilaaf muddooyinkii u dambeeyayba soo dhex galay maamulkaas iyo dowladda federaalka.

Sabtidii ayay ahayd markii doorasho ka dhacday dib loogu doortay Laftagareen inuu sii ahaado madaxweynaha Koofur Galbeed.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta qeyb ka mid ah magaalada, labo todobaad kadib markii madaxda maamul goboleedyada ay sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda federaalka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan ciidamo caalami ah oo isugu jira nabad ilaalin iyo hay'ado samafal oo ku sugan deegaan ay saameeyeen abaaro, colaado iyo barakac.

Dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay BBC ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah uu dagaal ku dhaxmaray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan qeybo ka mid ah magaalada oo qiyaastii 245 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Dad badan oo shacab ah ayaa ka barakacay magaalada Baydhabo toddobaadkii la soo dhaafay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xiriirka kala dhaxeeya Muqdisho uu xumaaday kadib markii dowladda Federaalka ay dabada ka riixday wax ka bedelka dastuurka oo ay kasoo horjeesteen qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Baydhabo

Xigashada Sawirka, SNTV

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay wax uga qaban lahayd tabashooyinka maamulka Koonfur Galbeed iyada oo la adeegsanayo tillaabooyin loogu talagalay in ay ka faa'iideystaan ​​dadka deggan maamulkaas.

"Nasiib darro, dadaalladaas wax ku oolka ah waxaa ka horyimid maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo ficilladooda ay huriyeen xiisado siyaasadeed.

Ciidanka Amniga Soomaaliya, kuwaas oo waajibaadkooda koowaad ay tahay ilaalinta Midnimada, Xasiloonida, iyo Dawladnimada, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo laga jawaabayo rabitaanka shacabka iyo gudashada waajibaadka loo igmaday." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadda magaalada Baydhabo iyo Muqdisho waxaa ka socda shirar ku saabsan sidii loo sameyn lahaa ciddii beddeli lahayd Laftagareen, lamana oga waqtiga ay shirarkan qaadan doonaan.

Intee gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalka Baydhabo?

Baydhabo

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada.

Dhakhtar ka tirsan Cisbitaalka Guud ee gobolka Bay oo diiday in magaciisa la sheego ayaa BBC-da u sheegay in 25 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray xabbado iyo walxa qarxa la geeyay cisbitaalka, shan kamid ah dhaawacyada la geeyay cisbitaalka ayaa qaba dhawaacyo halis ah.

Sidoo kale waxa Isbitaalka la geeyay labo qof oo mayd ah oo ay xabbado ku dhaceen.

Illaa hadda tirkoob sax ah lagama soo saarin khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, shalay qoraal uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Soomaaliya Mr. George Conway ayaa lagu sheegay in xiisadaha iyo iska horimaadyada dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay barakiciyeen ku dhowaad 45,000 oo qof, iyadoo qoysaska ay ku qasbeen inay u qaxaan goobo ay aad ugu yar yihiin adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka bini'aadantinimo.

"Waxaan ka walaacsanahay in dadka ay saameysay ay ku jiraan dadka ugu nugul—kuwaas oo boqolkiiba 30 ay markii horeba ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha—isla markaana horey ula tacaalayay saameynta isbiirsaday ee abaaraha ba'an. Gaar ahaan, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhowaan barakacay ayaa hadda wajahaya khataro xagga badbaadada ah iyo xaalado bini'aadantinimo oo ka sii daraya oo ka jira hareeraha magaalada Baydhabo.

Waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhinacyada inay dhowraan waajibaadka ka saaran ilaalinta dadka rayidka ah, xaqiijiyaan dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, oo ay dammaanad qaadaan marin bini'aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, oo aan la huri karin oo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa kuma Laftagareen?

Baydhabo

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2018 loo doortay madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.