Dalal hor leh oo ka hor yimid safiirka ay Israa'iil u soo magacowday Somaliland
Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."
Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.
Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."
Israa'iil ayaa Arbacadii magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

