Maxay kala kulmeen Australia ciyaartoydii reer Iran ee iska dhiibay?

.

Xigashada Sawirka, jack tan

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Laba ciyaartoy oo kubadda cagta ah oo ka soo jeeda Iiraan, kuwaas oo kal hore magangelyo ka helay Australia ayaa sheegay in dalkaasi uu siiyey "rejo mustaqbalka ay si nabad ah ugu noolaan karaan uguna ciyaari karaan."

Atefeh Ramezanisadeh iyo Fatemeh Pasandideh ayaa ka mid ahaa toddobo xubnood oo ka tirsan xulka haweenka Iiraan oo markii hore la siiyey fiisooyin bini'aadannimo iyagoo ku sugnaa Australia kana qaybgelayey tartanka Asian Cup, balse shan kale ayaa go'aankooda ka noqday oo dib ugu laabtay dalkooda.

Waxaa jiray cabsi ah in ciyaartoydu ay la kulmaan cawaaqib, kadib markii ay diideen inay qaadaan heesta calanka qaranka kulankoodii furitaanka, maalmo kadib markii dagaal ka qarxay dalkooda.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen markii ugu horreysay, ayay ugu mahadceliyeen taageerayaasha, waxayna codsadeen in loo tixgeliyo xasilloonidooda.

"Waqtigan xaadirka ah, diiraddeennu waa badbaadadeenna, caafimaadkeenna, iyo bilaabidda dib-u-dhiska nolosheenna," ayay yidhaahdeen.

Waxay sidoo kale sheegeen inay si weyn uga mahadcelinayaan bulshada Iiraaniyiinta ee ku nool Australia, kuwaas oo ka dhigay inay dareemaan soo dhoweyn iyo inaysan kaligood ku ahayn xaaladdan.

Labada ciyaartoy ayaa uga mahadceliyey dowladda Australia inay siisay "meel ammaan ah," iyo sidoo kale shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha taageeradoodii joogtada ahayd.

Waxay intaa ku dareen inay rajaynayaan inay sii wataan xirfaddooda ciyaareed ee heerka sare ah, iyagoo tababar la qaadanaya kooxda haweenka ee Brisbane Roar.

Halka ay wax ka soo bilaabmeen

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arrintan ayaa timid iyada oo ay jirto xiisad dagaal oo ka socota Iiraan, kaas oo bilaabatay 28-ka Febraary kadib weerarro ay si wadajir ah u qaadeen Israa'iil iyo Maraykanku.

Walaac ayaa se sii kordhay kadib markii muuqaal laga sii daayey telefishinka dowladda uu soo bandhigay qof ku tilmaamay ciyaartoyda "khiyaanooleyaal" mudanna in la ciqaabo, maadaama aysan qaadin heesta calanka 2-dii Maarso.

Ciyaartoyda ayaa markii dambe loo wareejiyey magaalada Brisbane, halkaas oo ay ka baxsadeen ilaaladii la socotay, iyaga oo galay gacanta booliska federaalka Australia.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciyaartoydii dib ugu laabtay Iiraan laga yaabo in lagu qasbay go'aankaas, iyadoo cadaadis laga soo saaray dhanka qoysaskooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Australia ayaa sheegay in dowladda aysan iska indho tiri karin xaaladda adag ee ciyaartoydu ku sugan yihiin marka ay go'aannadan qaadanayeen.

Dhanka kale, wasaaradda ciyaaraha Iiraan ayaa sheegtay inay "ka hortagtay qorshayaal cadaw soo maleegeen," halka warbaahinta ka ag dhow dowladda ay ku eedeeyeen Australia inay ku lug leedahay "Dagaalka dhanka nafsiga ah iyo olole borobogaando ah."