Malaayiin qof oo dhegeysanaya heesta cusub ee xiddigga Itoobiya taasoo uu ku durayo dowladda

Teddy Afro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Teddy Afro, oo sawirkan laga qaaday 2014
    • Author, BBC Amharic
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Waddan dhaliilidda mas'uuliyiinta ay marar badan dadka ku keentay dhibaato, heesta ugu dambeysay ee uu soo saaray fannaanka ugu caansan Itoobiya — taas oo u muuqata inay cambaareyneyso dowladda — ayaa si weyn loo hadal hayaa.

Heesta Teddy Afro ee lagu magacaabo "Das Tal", oo macnaheedu yahay "teendhada dhig" ayaa tan iyo markii la sii daayay Khamiistii lagu daawaday in ka badan toddoba milyan oo jeer YouTube-ka.

Isagoo tixraacaya teendho baroordiiq dhaqameed, Teddy Afro — oo magaciisa dhabta ahi yahay Tewodros Kassahun — wuxuu ku heesayaa inuu ka murugaysan yahay dal uu sheegayo inuu lumay.

Hordhaca sii deynta heesta ayaa horeyba u kiciyay muran, kadib markii munaasabad loogu talagalay wariyeyaasha oo lagu qaban lahaa caasimadda Addis Ababa aanay u dhicin sababo aan weli caddeyn.

Teddy Afro

"Ahaanshaha Itoobiyananimo hadda waa la riixay oo laga fogeeyay," ayuu ka cabanayaa ninkan 49-jirka ah ee soo saaray heesta Das Tal.

"Imika waxaan fahmay murugada iyo xanuunka. Halkee ayuu qof u aadaa si uu uga baroorto, halkee ayaad ku ooydaa? Meeshii i soo korisay, tuuladii aan ku koray, waxaan noqday qof ajnabi ah, sida qof aan waddan lahayn."

Xiddiggan muusigga ayaa muddo dheer dhibaato kala kulmayay dowladihii hore. Labaatan sano ka hor ayuu xabsiga galay 16 bilood kadib markii lagu eedeeyay shil gaari oo qof lagu dhaawacay, wuxuuna sheegay in eedeymahaas ay ahaayeen kuwo siyaasad ku salaysan.

Albamka uu ugu dambeeyay ee "Ethiopia" (2017) ayaa si weyn dalka looga iibsaday, wuxuuna toddobaadyo badan hoggaaminayay liiska Billboard World Albums. Albamku wuxuu diiradda saarayay taariikhda wuxuuna ku baaqayay midnimo Itoobiyaannimo ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, sii deyntiisa rasmiga ah ee gudaha dalka waxaa hor istaagay maamulka.

Xilligaas waxaa jiray mudaharaadyo waaweyn oo ka dhan ahaa dowladda, kuwaas oo ka dhashay takooridda qowmiyadda ugu weyn dalka ee Oromada, taas oo ugu dambeyn keentay in ra'iisul wasaarihii xilligaas xukunka ka dego.

"Muusigeyga oo dhan wuxuu ku dhisan yahay jacayl," ayuu Teddy Afro u sheegay BBC sanadkii 2017.

"Sida uu Martin Luther King yiri: 'Nacaybku nacayb laguma baabi'in karo; kaliya jacayl ayaa taas sameyn kara.' Si aan uga baxno xaaladda aan ku jirno, waxaan aaminsanahay in doorashada kaliya ee aan haysanno ay tahay jacayl."

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo isagu ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, ayaa xukunka la wareegay kadib mudaharaadyadaas, wuxuuna ballan qaaday waqti cusub oo midnimo ah oo dalka ka hanaqaada, iyadoo Itoobiya ay ka kooban tahay qowmiyado badan.

Teddy Afro markii hore wuu soo dhoweeyay ballanqaadkaas, balse markii dambe wuu ka niyad jabay rabshadaha ballaaran iyo ficillada dowladda — gaar ahaan dagaalkii sokeeye ee laba sano socday ee waqooyiga dalka ka dhacay, kaas oo sababay dhimashada boqollaal kun oo qof.

Sannadkii 2022 wuxuu sii daayay hees uu kaga hadlayo welwelkiisa ku aaddan sii kordhinta "qabiilaysiga," taas oo heestiisa ugu dambeysay ay sii dhammaystirayso mowduucaas.

Ra'iisul Wasaare Abiy marar badan ayuu ku adkeystaa inuu ka shaqeynayo midnimada dalka, isagoo sheegay in jidka kaliya ee horumar iyo amni lagu gaari karo uu yahay in dadku isugu yimaadaan.

Farriintan ayaa la filayaa inay sii xoogeysato marka doorashada guud ee bisha Juun soo dhowaato.