Dalal hor leh oo ka hor yimid safiirka ay Israa'iil u soo magacowday Somaliland

Somaliland

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Somaliland iyo Israa'iil ayaa iskaashi qoto dheer yeeshay tan iyo markii ay go'aansadeen inay xiriir samaystaan ​​bishii December/Sawir Hore
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa Sabtidii shalay ahady cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."

Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.

Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."

Israa'iil ayaa Arbacadii magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

Waa talaabadii ugu dambaysay ee iskaashiga labada dhinac u dhaxeya oo si xawli ah kor ugu kacayay tan iyo bishii December, markaas oo Israa'iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka ee aqoonsada Somaliland, taas oo soo afjartay in ka badan 30 sano oo go'doon diblomaasiyadeed ah.

Laakiin dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid arrintaas.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa'iil ee ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobolka waqooyi ee Soomaaliya, Somaliland" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaa ku daray "Tallaabadan waxay si toos ah u jebinaysaa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay si cad uga hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi'da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo si aan mugdi lahayn u aqoonsan Soomaaliya inay tahay hal dal oo madax-bannaan, midaysan, oo aan la kala qaybin karin gudaha xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay".

Waa kuma Michael Lotem?

Somaliland

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa diblomaasi ruugcadaa ah, wuxuuna hawlaha diblomaasiyadda ku soo dhex jiray tan iyo 2014, isagoo ka soo shaqeeyey qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo dalal kale oo Ruushku ka mid yahay.

Bishii Disembar 2021 ilaa hadda oo loo magacaabay safiirka Soomaaliland wuxuu dalkiisa u fadhiyey magaalada Nairobi.

Wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Uganda, Malawi iyo Seychelles.

Lotem wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalalka Azerbaijan, and Kazakhstan sida laga soo xigtay warbaahinta KAN ee Israa'iil.

Muddo afar sano ah oo ka horreysay intii aan Nairobi loo wareejin ayuu ka shaqaynayey xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee israa'iil, isagoo muddadii u dhaxeysay 2017 ilaa Disembar 2021 noqday agaasimaha qaybta dhaqaalaha Aasiya.

Meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ah qunsuliyadda Israa'iil ee St Petersburg oo uu 8 sano ka ahaa qunsul.

Xilliyadiisii ugu horreysay diblomaasiyadda wuxuu muddo 2 sano ah soo noqday ergayga gaarka ee dalkiisa u qaabilsan tamarta, gaar ahaan 2012 – 2014.

Danjire Michael Lotem ayaan si toos ah u joogi doonin Hargeysa, hase yeeshee lama sheegin meesha uu wakhtigan ka wadi doono shaqadiisa.