Israa'iil oo weerartay goobta ugu weyn ee kiimikada ee Iran ka dib hanjabaadaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Trump
Wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in ay duqeeyeen xarun shidaal oo ku taal Iran, maadaama buu yiri IDF lagu amray in ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha Iran "awood kasta."
Shan iyo toban Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay geesteyn diyaaradaha aan duuliyaha lahay oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait xalay, sida ay saraakiisha Mareykanku u sheegeen hay'addda warbaahinta Mareykanka ee CBS News, taas oo BBC bahwadaag la ah.
Inta badan dadka dhaawacmay ayaa durba dib ugu laabtay shaqadooda
Dadkan ayaa lasoo sheegayaa inuu gaaracay dhaawacyo fudud, waxa ayna dib ugu laabtayn hawlahooda, sida uu mid ka mid ah saraakiishu u sheegay CBS News,
Guud ahaan, 373 askari oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay tan iyo markii dagaalka Iran uu bilaabmay — kuwaas oo 330 ka mid ah ay dib ugu laabteen waajibaadkooda, halka shan ay weli qabaan dhaawacyo culus, sida uu afhayeen u hadlay US Central Command u sheegay CBS.
Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo iyo dagaal u dhaxeeya Xamaas iyo malleeshiyaad Falastiini ah oo ay Israa'iil taageerto oo ka dhacay bartamaha Gaza, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.
Duqeymaha ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday ciidamada ammaanka ee Xamaas oo iska hor imaad ku dhex maray xubno ka tirsan maleeshiyaadka, bariga xerada qaxootiga Magahazi. Ma cadda tirada dadka ku dhintay duqeymaha iyo dagaalka ka socda dhulka.
Afhayeen u hadlay isbitaalka al-Aqsa ee Deyr al-Balah ayaa sheegay in meydadka 10 qof oo goobta laga soo qaaday la keenay Isbitaalka, halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacantay, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu liidato.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israa'iil iyo Xamaas.
Si kastaba ha ahaatee, goob joogayaal ayaa sheegay in xubno ka tirsan maleeshiyada ay taageerto Israa'iil ay jidgooyo dhigteen bariga magaalada Maghazi, kadibna ay weerar kala kulmeen ciidamada ammaanka ee Xamaas, taasoo keentay dagaalka, waxa ayna intaas ku darayn in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil ay dagaalka qeyb ka ahaayeen, iyaga oo taageerayey maleeshiyada, waxa ayna duqeymo ku qaadayn, xoogagga Xamaas oo ku kala sugnaa illaa saddex goobood.
Xamaas iyo Israa'iil ayaa si joogta ah dhinacba dhinaca ku eedeeya inuu jabiyey xabbad joojintii lagu heshiiyey ku dhawaad lix bilood ka hor.
Qodobadii ugu muhiimsanaa Shirkii jiraa'id ee Trump
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Donald Trump, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete
Hegseth, Agaasimaha CIA John Ratcliffe, iyo Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada
Isku-dhafka Dan Caine oo ku sugnaa Aqalka Cad ayaa si wadajir ah ula
warbaahinta, iyaga oo bixiyey faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkii
lagu soo badbaadiyey laba duuliye oo Mareykan ah ka dib markii diyaaraddooda
lagu soo riday Iran Jimcihii la soo dhaafay iyo hanjabaadihiisa ku aadan Iiraan.
Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in
dhammaan ciidamadu aysan ku qancin dadaallada ballaaran ee badbaadinta, gaar
ahaan iyadoo raadinta duuliyaha labaad ay socotay ku dhowaad 48 saacadood
Wuxuu sheegay in loo sheegay inuu yahay “howlgal aad u khatar badan” balse uu “u arkay inay mudan tahay”
Trump wuxuu sidoo kale, sheegay
in howlgalka la carqaladeeyay oo uu adkaaday kadib markii warbaahin ay sheegtay
in hal duuliye la la’yahay, taasoo keentay in mas’uuliyiinta Iiraan ay
bilaabaan raadintooda si ay u qabtaan. Balse sheegay in saraakiisha Mareykanka
ay si adag uga shaqeynayaan helitaanka ilaha asalka ah ee xogtaas
Trump wuxuu sidoo kale sheegay in
heshiis kasta oo cusub oo lala galo Iiraan si loo joojiyo dagaalka uu khasab ku
yahay inay oggolaadaan Iiraan "in maraakiibta shidaalka ay xor ku maraan” marin-biyoodka
Hormuz
Isagoo ka jawaabaya hanjabaadaha
ku saabsan weerarka Mareykanka ee kaabayaasha Iiraan, Trump wuxuu sheegay in hawl-galkaan Mareykanku uu faa’iido u leeyahay dadka caadiga ah ee Iiraan, kuwaas
oo uu sheegay inay “diyaar u yihiin inay dhibaato u dulqaataan si ay u helaan
xorriyaddooda”.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu weerari doono warshadaha korontada ee Iiraan, isla markaana weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha dalka ii bilaaban doono saacadda marka ay tahay 20:00 waqtiga Mareykanka, kaas oo qaadan doono afar saacadood, iyagoo dhammaan doona saqda dhexe.
Hoggaamiyaha sare ee Iran oo soo saaray farriin qoraal ah oo ku saabsan geerida madaxii sirdoonka Iiraan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Mojtaba
Farriin qoraal ah oo la sheegay in ay ka timid hoggaamiyaha sare ee saddexaad, Mojtaba Khamenei, ayaa la sii daayay kadib dilka madaxii sirdoonka IRGC, Majid Khademi.
Farriintaas, Mojtaba waxa uu si adag u cambaareeyey dilka madaxa sirdoonka, waxa uuna ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil. Israa’iil ayaa xaqiijisay inay beegsatay Khademi.
Khamenei wuxuu ku celiyay hadallada saraakiisha Iiraan, isagoo sheegay in dhimashada taliyeyaasha aysan keeni doonin wax “qalqal ah” oo ku yimaada mabda’a ciidamada Iiraan, maadaama “safafka ay aad u ballaaran yihiin”. Taliyeyaal badan oo IRGC ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalku bilaabmay 28-ka Febraayo.
Waxaa sidoo kale jiray farriimo qoraal ah oo dhowaan loo tiiraye Mojtaba Khamenei, balse tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis qiyaastii bil ka hor, lama arag isaga oo si toos ah uga muuqda meel fagaare ah, sidoo kalena laguma arag sawirro ama muuqaallo cusub oo ka baxay telefishinka qaranka Iiraan.
Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, maadaama aan cidina wax war ah ka hayn”.
Safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Khamenei ay sabab u tahay “arrimo amni”, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi uu ku adkaystay inuu “caafimaad qabo oo si buuxda u maamulayo arrimaha”. Ilaa hadda lama helin wax caddayn muuqaal ama maqal ah oo taageeraya sheegashooyinkan.
Trump oo xaqiijiyay inuu doonayo in ay Iiraan dib ugu noqoto qarniyadii dhagaxa
Xigashada Sawirka, Reuters
Mar wax laga weydiiyay doorka ciidamada Kurdiyiinta ee dagaalka ay kula jiraan Iiraan, Trumps wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in Kurdiyiinta ay ka fogaadaan hawlahaan
Waxa uu intaa ku daray in inkasta oo 10-ka maalmood ee uu u qabtay Iiraan inay heshiis la gaaro ay ahayd inay maanta dhammaato, haddana wuxuu go'aansaday inuu kordhiyo ilaa berri si uu "u noqdo qof wanaagsan" maalinta xigta ee Easter.
Laakin berri kadib ayuu sheegay haddii ay aqbali waayaan, "ma yeelan doonaan buundooyin," ayuu yiri. "Ma lahaan doonaan warshad koronto. Waayihii dhagaxa, haa". isaga oo tixraacaya hanjabaad hore oo u jeediey Iiraan, taas oo ahayd, "dib u noqoshada qarniyadii dhagaxa."
Trump- Waxaan aaminsanahay in howlgalkan uu u qalmo 'khatarta' uu yahay'
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mar la weydiiyey Trump inta ka qeyb-qaadatay hawl-galkii ayuu ku jawaabay "Qofka oo ciidanka Militariga ka tirsan qeyb kama uusan ahayn, hawl-galka Samatabixinta ee Sabtidii ahaa", ayuu yiri Trump.
"Waxaa jiray dad millatari ah oo yiraahda sidaan ha sameynin," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in boqolaal qof la dili karay. waxa uuna kusoo gabagabeeyey "Waxaan go'aansaday inaan sameeyo".
Suxufi kale ayaa waydiiyay haddii ay jirto wax macno ah markii uu ka fikiray joojinta fariinta. Si toos ah uguma jawaabo. balse waxa uu yiri "Waxaa la ii sheegay in tani ay tahay howlgal aad khatar u ah," ayuu ku jawaabay. "Waxaan dareemay inay mudan tahay."
Trump- Iiraaniyiinta 'waa in ay silica aqbalaan si ay xorriyaddooda u helaan'
Xigashada Sawirka, Reuters
Trump ayaa hadda ka jawaabaya su'aalo ay wariyayaasha weydiinayeen intii uu ku guda jiray shirka jiraa'd ee Aqalka Cad caawa, waxaa la weydiiyay sida uu uga falcelinayo haddii dadka Iiraan ay ku "kacaan maamulka".
Madaxweynaha ayaa yiri "waa inay sameeyaan", isagoo sheegay in cawaaqibta ka dhalan arrintaas ay noqon doonto mid "weyn".
Trump ayaa sidoo kale gadaal ka riixaya sidiii uu ku difaaci lahaa dhaleeceynta qorshihiisa, isagoo yiri "wax walba annaga ayaa ka fikirnay".
Ka dib waxa la waydiiyay saamaynta uu Maraykanku ku bar-tilmaameedsanayo kaabayaasha rayidka ee Iran, taas oo uu Trump ku sheegay in Iiraaniyiintu "ay diyaar u yihiin in ay silica u helaan xorriyaddooda".
Trump ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu sameeyay "faragelin badan" oo soo jeedinaya in dadka Iran ay ku baaqayaan weeraro kale oo ka dhan ah nidaamka.
"Bartilmaameed kasta oo lagu beegsado kaabayaasha rayidka, sida tas-hiilaadka tamarta, waa sharci-darro waana wax aan la aqbali karin," António Costa ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X subaxnimadii hore ee saaka.
Hadalkiisa ayaa imaanaya kadib hanjabaad kasoo yeertay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku hanjabay inuu burburin doono kaabayaasha dhaqaalaha Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.
Luis Moreno Ocampo, oo ah aasaasaha dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa horay BBC-da u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu ka dhigan yahay dambi gardarro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.
In ka badan 100 khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah ayaa sidoo kale saxiixay warqad furan oo ay ku muujinayaan "walaac qoto dheer" oo ku saabsan waxa ay u arkaan xadgudubka sharciga caalamiga ah ee Mareykanka, Israa'iil iyo Iran.
'Nasiib ayaa toogtay' diyaaradii dagaalka ee Mareykanka ee lasoo riday, Trump ayaa ku adkeysanaya
Xigashada Sawirka, EPA
'Nasiib ayaa toogtay' diyaaradii dagaalka ee Mareykanka ee lasoo riday, Trump ayaa sidaa ku adkaystay.
Isagoo xasuusanaya duuliyaha la badbaadiyay, Trump wuxuu sheegay in Iran ay u suurtagashay inay soo rido diyaarad uu leeyahay Mareykanka oo ku dhacday "xabad nasiib leh".
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qirtay "waxaan haynaa helikobtero ay meelo badan rasaas kaga dhacday".
Kahor inta uusan soo afjarin hadaladiisa uu u jeediyey saxafiyiinta, Trump wuxuu sidoo kale ku adkeystay, iyadoo lagu jiro olole xooggan oo duqeyn ah oo ay wadaan Mareykanka iyo Israa'iil, "dadka Iran aad ayay u faraxsan yihiin... marka ay bambooyinkaas joojiyaan".
Madaxweynaha ayaa ku celiyay dalabkiisii ahaa in Iran aysan haysan karin hubka Nukliyeerka. "Waa dad waalan, mana gelin kartid hub Nukliyeer ah gacanta qof waalan," ayuu yiri.
War deg deg ah, Iiraan oo diiday qorshe xabbad joojin iyadoo ka jawaabaysa hindise nabadeed – warbaahinta Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wakaaladda wararka Iran ayaa hadda ku warrameysa in Tehran ay u gudbisay jawaabteeda soo jeedinta Mareykanka ee ku aadan joojinta dagaalka.
Wakaaladdu waxay sheegtay in jawaabta 10-ka qodob ka kooban ay ku jirto diidmada xabbad joojinta la soo jeediyay, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA, jawaabteeda 10-ka qodob ka kooban ayaa Iran waxay ku gacan sayrtay xabbad-joojin waxayna ku nuuxnuuxsatay inay lagama maarmaan tahay in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.
Waxa ay sheegtay in jawaabta ay ku jirto liiska dalabaadka Iran – oo ay ku jiraan joojinta colaadaha gobolka, hab-maamuuska lagu hubinayo in si badbaado leh loo maro marin biyoodka Hormuz, iyo sidoo kale dib u dhiska iyo qaadista cunaqabataynta".
Iimaaraadka oo sheegay in istiraatiijiyadda Iiraan ay ku riixayso dowladaha Khaliijka inay u dhawaadaan Mareykanka
Xigashada Sawirka, PA Media
Imaaraatka Carabta ayaa ka digaya xabad joojin aan wax looga qaban arrimaha muhiimka ah ee gobolka oo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo "gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weli nagu sii da'aya annaga iyo dalal kale".
Dr Anwar Gargash, oo ah la taliyaha sare ee madaxweynaha Imaaraatka Carabta, ayaa hadalkan jeediyey mar uu saxaafadda la hadlayey, isagoo sheegay in dalkiisu uu doonayo in la soo afjaro colaadda, balse uusan ahayn mid abuuraya xasillooni darro joogto ah oo gobolka ka dhacda.
Iran ayaa xannibaad ku soo rogtay marin biyoodka Hormuz intii uu socday dagaalka. Maraakiib shidaal oo faro-ku-tiris ah ayaa maalin kasta mara marin-biyoodka, laakiin tirada aad ayaa loo dhimay marka loo eego kuwa caadiga ah.
Waxa uu sheegay in istiraatiijiyadda Iran ay u badan tahay in ay adkeynayso ammaanka khaliijka iyo Washington.
Wuxuu yiri "Marinka Hormuz hal dal laguma qabsan karo" inkastoo Imaaraadku uusan diyaar u ahayn inuu u dhaqmo sidii ciidan badeed, haddana wuxuu ku biirayaa "dadaal kasta oo uu Mareykanku hormuudka ka yahay, dadaal caalami ah oo lagu sugayo maritaanka marin biyoodka."
Warshad labaad oo soo saarta kiimikada batroolka Iiraan oo la beegsaday
Xigashada Sawirka, AFP
Hay'ado kala duwan oo Iiraaniyiin ah ayaa soo werinaya in Marvdasht Petrochemical Complex lala beegsaday "weerar cadaw".
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in weerarku uu dhaliye dab "kaasoo la bakhtiiyey dhowrkii daqiiqo ee ugu horreeyay".
Iyadoo soo xiganeysa xafiiska gudoomiyaha gobolka Marvdasht, ayaa wakaalada wararka ee Tasnim ee rasmiga ah waxay intaa ku dartay "wax khasaare ah oo la taaban karo inuusan gaarin" qaybta warshadda.
Mar sii horreysay, Israa'iil waxay sheegtay inay duqeysay warshadda South Pars petrochemical ee ku taalla Asaluyeh, ee koonfurta Iiraan.
Milateriga Israa'iil oo si khaldan u dilay shaqsi, hawlgal ay ku guul darraysteen
Xigashada Sawirka, Lebanese Forces Party
Isku day Israa'iil ay doonaysay inay ku disho sarkaal ka tirsan Xisbullah Axadii dalka Lubnaan, ayaa taa beddelkeeda waxay ku dishay hoggaamiye sare oo ka tirsan koox siyaasadeed oo si weyn uga soo horjeeda Xisbullah.
Iyadoo ay la xiriirtay BBC-da ayaa Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxay qireen in duqeyntu ay u muuqatay in lagu dilay shaqsi aan ahayn bartilmaameedkii loogu talagalay, iyo in ay "ka qoomameyneyso waxyeelada" dadka rayidka ah.
Xisbiga ciidamada Lubnaan oo ah koox u badan Masiixiyiin ayaa sheegay in weerarka oo ka dhacay guri dabaq ah lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Pierre Mouawad iyo xaaskiisa Flavia.
Gurigu wuxuu ku yaal Ain Saadeh, oo ah magaalo ay Masiixiyiin u badan yihiin oo ku taalla bariga Beirut. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in sidoo kale ay duqayntu dishay nin iyo laba dumar ah.
Duqa deegaanka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku sugnaayeen hal dabaq oo ka hooseeya guriga la beegsaday.
IDF ayaa sheegtay in wararka sheegaya in "dhowr qof oo aan lug ku lahayn ay waxyeelo kasoo gaartay weerarka dib u eegis lagu sameynayo".
Xisbiga ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in Pierre Mouawad aanu ahayn "dagaalyahan, mana ahayn bartilmaameed millatari" wuxuuna sheegay in uu ciidda Easter-ka guriga kula ciiday qoyskiisa ka hor weerarka dhimashada sababay.
Xisbiga ayaa cambaareeyay Xisbullah, wuxuuna sheegay in waxa dhacay ay ka dhasheen iska horimaadyo ciidan oo lala soo galay xaafado la deggan yahay.
Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato dagaalka Bariga Dhexe Isniinta
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Israa'iil ayaa duqeysay xarun muhiim u ah shidaalka Iran oo
ku taal Asaluyeh, wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa shaaca ka qaaday
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in tiro ka mid ah qaybaha wax
soo saarka ay waxyeelo soo gaartay balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka
dhashay
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa yimid kadib markii madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump uu ka digay weerarro waaweyn oo ka dhan ah kaabayaasha
Iran, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Trump wuxuu sheegay in Talaadada ay noqon doonto
"Maalinta Korontada iyo Maalinta Buundooyinka" haddii Iran ay dib u
furi weydo marin biyoodka Hormuz - oo ah goob muhiim ah oo ay maraan 20%
saliidda adduunka.
Dhanka kale duqeymaha ayaa weli ka socda guud ahaan bariga
dhexe waxaana ciidamada difaaca Israa'iil ay sheegeen in ay dileen madaxii
sirdoonka ee ilaalada kacaanka Iran.
Dhinaca kale, wariyayaasheenna Bariga Dhexe ayaa si joogto
ah u maqlayey guuxa diyaaradaha dagaalka ee dalka Lubnaan, waxaana ay ku
sugnaayeen goob ay ka dhaceen weerarro ka dhacay waqooyiga Israa'iil oo afar
qof lagu dilay.
War deg deg ah, Israa'iil ayaa sheegtay inay weerartay xarun muhiim u ah shidaalka Iran
Xigashada Sawirka, EPA
Wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in ay duqeeyeen xarun shidaal oo ku taal Iran, maadaama buu yiri IDF lagu amray in ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha Iran "awood kasta".
"IDF waxay hadda si xooggan u weerartay xarunta ugu weyn ee shidaalka Iran ee ku taal [Asaluyeh]," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xarunta ay soo saarto kala bar kiimikooyinka batroolka ee dalka.
Weerarka cusub ayaa daba socda weerar lagu qaaday xarun kale "isbuucii hore", ayuu yiri Katz.
"Hadda labada xarumood, oo si wadajir ah mas'uul uga ah 85% dhoofinta kiimikaalka Iran - ayaa laga saaray adeegyadii mana shaqeynayo," ayaa lagu yiri bayaanka Katz.
"Tani waa dhaawac dhaqaale oo ba'an oo qiimihiisu yahay tobanaan balaayiin dollar oo soo gaaray taliska Iran, warshadaha batroolka ayaa ah mishiin weyn oo lagu maalgeliyo hawlaha Ilaalada Kacaanka iyo dhismaha awoodda militari ee Iran."
Wakaalada wararka ee Tasnim ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay sheegtay in la weeraray laba shirkadood oo ah kuwa kiimikada.
Maxay tahay jawaabta ay Iiraan diyaarsatay inay ka bixiso soo afjaridda dagaalka
Xigashada Sawirka, Reuters
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa
sheegay in la diyaariyay jawaabtii la siin lahaa dhexdhexaadiyeyaasha ka
shaqaynaya soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran.
Arrintan ayaa daba socota warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters
oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, waxayna sheegaysaa in Pakistan ay door
weyn ka qaadanayso diyaarinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Esmail Baghaei oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee IRNA
ayaa sheegay in qorshaha ka kooban 15-ka qodob ee uu garwadeenka ka yahay
Maraykanku “uusan ahayn mid aynaan sinaba u aqbalaynin”.
Waxa uu intaa ku daray in wadahadallada lagu soo afjarayo
qalalaasaha ay yihiin "kuwo aan waafaqsanayn shuruudaha ugu dambeeya iyo
hanjabaadaha dembiyada dagaalka," ka dib digniintii Trump ee ahayd in
Maraykanku uu beegsan doono kaabayaasha rayidka ee Iran haddii aan la furin
marin-biyoodka Hormuz.
Taa baddalkeeda, wuxuu sheegay in Iran ay soo aruurisay
dalabyo "ku saleysan danaheena iyo fikradaheena". "Bilowgii
waanu garanaynay waxa aan rabno iyo khadadka cas ee aanan raali ka ahayn in aan
ka gudubno, mawqifkayagu wuu caddaa ilaa hadda. Laga soo bilaabo markii ay
dooddani bilaabantay jawaabteenu waxay ahayd diyaar," ayuu yiri, isaga oo
intaa ku daray in Iran ay diyaarisay jawaabteeda "ayna bixin doonto
faahfaahinta wakhtiga ku habboon".
Israa’iil oo ka hadashay madaxii Sirdoonka Iiraan ee la dilay
Xigashada Sawirka, ICRG
Warar dheeraad ah ayaa hadda ka soo baxaya geerida
madaxii sirdoonka Iiraan, iyadoo Wasiirka Difaaca Israa'iil Israel Katz iyo
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ay sheeganayaan mas'uuliyadda dilkii Majid
Khademi.
Ciidanka Difaaca Cirka ee Iiraan ayaa Telegram ku qoray
in dilkiisu uu yahay "dharbaaxo kale oo daran" oo soo gaartay
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC).
Marka ay timaado in Iiraan ay qirato dhimashada
taliyayaasheeda sare ku dhintay dagaalka, inta badan tusaalooyinka waxaa ka mid
ah Iiraan oo xaqiijinaysa dhimashadooda ka dib markii Israa'iil ama Mareykanku
ay sheegteen mas'uuliyadda. Si kastaba ha ahaatee, markan Iiraan ayaa hore u
shaacisay.
Khademi waxaa loo magacaabay taliyaha hay'adda sirdoonka
IRGC afar maalmood ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay, Mohammad Kazemi,
lagu dilay weerar Israa'iil ay ku qaadday Iiran 15-kii Juun 2025.
Bishii Agoosto ee sannadkii hore, Khademi wuxuu ku
boorriyay baarlamaanka inay mudnaanta siiyaan dhammaystirka shabakadda gudaha,
isagoo sheegay in loo baahan yahay si loo "ilaaliyo madaxbannaanida"
shabakadda internetka ee Iiraan.
Iiraan hadda waxaa ka go'an internetka tan iyo markii uu
dagaalku billowday 28-kii Febraayo, inkastoo qaar ka mid ah mareegaha iyo
barnaamijyada gudaha ay weli ka furan yihiin gudaha dalka.
Ciidamada
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku dhawaaqay bayaan ay
daabaceen warbaahinta Iiraan, in la dilay madaxii sirdoonka, Majid Khademi.
Iiraan ayaa
bayaanka ku sheegaya in saaka la dilay, iyadoo Israa'iil iyo Mareykanka ku ku eedeeysay
inay bartilmaameedsadeen.
Khademi ayaa
beddelay Mohammad Kazemi, kaasoo sidoo kale lagu dilay weerar Israa'iil ay ku
qaadday 15-kii Juun 2025-kii, intii lagu
jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iiraan iyo Israa'iil.
Bishii
Febraayo, ka dib dibadbaxyo dhimasho leh oo ka dhan ah dowladda oo dhacay
bishii Janaayo e sanadkan, Khademi wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka
Donald Trump, inuu sii hurinayo waxa ay mas'uuliyiinta Iiraan ku tilmaameen
istaraatiijiyad "dil ah oo la qorsheeyay", oo loogu talagalay in lagu
kordhiyo khasaaraha si loogu qiil sameeyo faragelinta militariga shisheeye.
Khademi ayaa
xilligaas sheegtay in in ka badan 10 hay'adood oo sirdoon oo shisheeye ah, oo
ay ku jiraan cutubka dagaalka internetka iyo sirdoonka Israa'iil ee 8200, ay
door ka ciyaareen dibadbaxyadii ka dhacay guud ahaan Iiraan.
Sida laga
soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda Aadanaha ee
fadhigeedu yahay Mareykanka, ugu yaraan 7,000 oo qof ayaa lagu dilay dibedbaxyadii
bishii Janaayo.
Isniinta maanta ah iyo waxa ka dhacay Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo markii aan idiin soo gudbinnay wararkii ugu
dambeeyay ee dagaalka Iiraan , seeriga digniinta ayaa mar kale laga maqlay
dalalka Bariga Dhexe.
Waa tan warbixin kooban oo ku saabsan weerarradii ilaa
hadda la diiwaan geliyay Isniinta maanta ah.
Iiraan: Saddex iyo toban qof ayaa ku
dhintay weerar ay ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen xaafad ku taala
Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars oo xiriir la leh IRGC. Wargeysku wuxuu sheegay in lix ka mid
ah dadkii lagu dilay habeenkii aagaas ay ahaayeen carruur.
Duqeynayaa
burburisay dhismayaal dhowr ah oo ku yaal Jaamacadda Sharif ee Tehran. Dhowr
warbaahin oo Iiraaniyiin ah ayaa hadda sheegaya in adeegyadadib loo soo
celiyay, ka dib markii uu hakad galay weerarka.
Israa'iil: Hay'adaha gurmadka degdegga ah
ayaa soo sheegaya dhaawacyo dhowr ah ka dib markii ay weerarro ka dhacee xalay.
Qof rag ah iyo haweeney afartan jir ah iyo laba gabdhood oo shan jir ah ayaa la
dabiibayaa kadib weerarro ka dhacay Haifa. Laba qof ayaa ku dhaawacmay
bartamaha Israa'iil, oo ay ku jirto nin 34 jir oo qaba dhaawacyo halis ah oo ka
soo gaaray firirka.
Milatariga
Israa'iil ayaa markii dambe sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u qaban
lahaayeen gantaalada laga soo riday Iiraan.
Xafiiska
warbaahinta ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in burbur soo gaaray
shirkadda Raneen Systems, oo ah shirkad tiknoolajiyadeed, ayna dhaawacday
muwaadin u dhashay Ghana oo ku sugan aagga warshadaha ee Abu Dhabi.
Mas'uuliyiinta
ayaa sheegaya inay la tacaalayaan weerar diyaaradeed oo ay Iiraan leedahay oo
lagu qaaday mid ka mid ah labada shirkadood ee isgaarsiinta ugu waaweyn dalka, oo
ku taal bariga Imaaraadka Carabta. Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka
dhashay weerarka, ayay raaciyeen.
Sacuudi
Carabiya: Afhayeen
u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in dalku uu qabtay oo burburiyay laba
diyaaradood oo aan duuliye lahayn saacadihii ugu dambeeyay.
Dhanka
kale Lubnaan , dadku waxay baarayeen burburka ka dib markii ay
duqeymo cirka ah oo badan oo Israa'iil ay fulisay Axaddii. Weerarrada ayaa
shalay dalka oo dhan ku dilay ugu yaraan 11 qof. Mas'uuliyiinta Lubnaan waxay
sheegeen in 1,461 qof lagu dilay duqeymaha Israa'iil tan iyo 2-dii Maarso.
Jarmalku waxa uu sii wadaa in uu la kulmo dhibaatooyin shaqaale yari xirfad leh iyada oo shaqaalaheedii da'da ahaa ay hawlgab yihiin oo aanay jirin musharixiin da'yar oo ku filan oo beddela. Si la iskugu dayo in la yareeyo dhibaatada, waddanku wuxuu sii kordhinayaa inuu Hindiya ka raadiyo shaqaalle .
Handirk von Ungern-Sternberg, waxay ku bilaabatay iimayl ku soo dhacay sanduuqiisa imaylada bishii Febraayo 2021. Waxay ka timid Hindiya.
Von Ungern-Sternberg waxa uu u shaqaynayey Rugta Ganacsiga Xirfadleyda ee Freiburg ee koonfur-galbeed ee Jarmalka, oo ah urur ganacsi oo ka wakiil ah shaqaale xirfad leh - yo shirkadaha iyaga matala.
Boostada ayaa timid waqti ku habboon.
Waxaan haysanay shaqo-bixiyeyaal badan oo quus ah oo aan heli karin cid iyaga u shaqeysa," ayuu yiri Von Ungern-Sternberg. "Marka waxaan go'aansanay inaan isku dayno."