'Sharci darro aan la aqbali karin': Guddoomiyaha Golaha Yurub oo ka digay weerarro lagu qaado kaabayaasha rayidka
Duqaymaha lala beegsanayo dadka rayidka ah waa sharci-darro, ayuu yiri guddoomiyaha golaha Yurub. "xal diblomaasiyadeed oo keliya" ayaa soo afjari doona dagaalka Iran ayuu sii raaciyey.
"Bartilmaameed kasta oo lagu beegsado kaabayaasha rayidka, sida tas-hiilaadka tamarta, waa sharci-darro waana wax aan la aqbali karin," António Costa ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X subaxnimadii hore ee saaka.
Hadalkiisa ayaa imaanaya kadib hanjabaad kasoo yeertay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku hanjabay inuu burburin doono kaabayaasha dhaqaalaha Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.
Luis Moreno Ocampo, oo ah aasaasaha dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa horay BBC-da u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu ka dhigan yahay dambi gardarro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.
In ka badan 100 khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah ayaa sidoo kale saxiixay warqad furan oo ay ku muujinayaan "walaac qoto dheer" oo ku saabsan waxa ay u arkaan xadgudubka sharciga caalamiga ah ee Mareykanka, Israa'iil iyo Iran.
Sidoo kale akhri