You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaan ka ognahay hindisaha heshiiska ee loo soo bandhigay Iiraan iyo Mareykanka?
Pakistan ayaa u soo bandhigtay Maraykanka iyo Iran hindise degdeg ah oo ah "tallaabada ugu dambaysa" si isla markiiba loo joojiyo dagaalka dibna loogu furo marin-biyoodka Hormuz, sida uu ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada dadban maanta u sheegay wakaaladda wararka Reuters. Wakaaladda Axios ayaa iyadana Axaddii markii hore sheegtay qorshe xabbad-joojin ah oo 45 maalmood ah, kaas oo loogu talagalay inuu noqdo wajiga koowaad ee heshiis laba-waji ah oo u gogol xaari doona wada-hadallo toos ah oo ballaaran si si joogto ah loo soo afjaro dagaalka.
Pakistan ayaa diyaarisay qaab-dhismeedka lagu soo afjarayo colaadda waxayna u gudbisay Tehran iyo maamulka Trump habeenkii, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Reuters.
"Dhammaan qodobbada waa in maanta lagu heshiiyo," ayay ilahan u sheegeen wakaaladda wararka.
Ilaha ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, uu "habeenkii oo dhan" xiriir la lahaa Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff, iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi.
Reuters ayaa sheegtay in soo jeedinta Islamabad ay ku baaqayso in xabbad-joojintu si degdeg ah u dhaqan gasho si marinka Hormuz dib loogu furo. Kadibna waxaa jiri doona 15 ilaa 20 maalmood oo labada dhinac ay ku dhamaystiraan heshiis ballaaran oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Maamulka Trump iyo Tehran midkoodna jawaab degdeg ah kama bixin hindisahan.
Mas'uuliyiinta Iran ayaa hore u sheegay in xabbad-joojin kasta ay u baahan tahay dammaanad qaad ah in Maraykanka ama Israa'iil aysan mar kale aysan weerari doonin Iiraan.
Si kastaba, mas'uuliyiinta Iran waxay sidoo kale muujiyeen inay doonayaan in xaaladda marinka Hormuz is beddesho, iyadoo Tehran ay sii haysato heer maamul oo joogto ah oo ku saabsan marin-biyoodkaas muhiimka ah. Qaar ka mid ah ayaa xitaa soo jeediyay in Iran la siiyo magdhow ku saabsan khasaaraha dagaalka, magdhowgaas oo laga yaabo inuu ku yimaado qaab "lacag" ah oo Iran ay ku soo rogi karto maraakiibta si ay uga gudbaan marinka.
Kuwii hore xaggey ku dambeeyeen?
Wada-hadallo hore ayaa fashilmay, iyadoo Maraykanka iyo Iran midkoodna ama ay diideen shuruudaha la soo jeediyay, ama ayba ku murmeen in wax wada-hadal ah uu dhacay.
24-kii Maarso, warar ayaa soo baxay oo sheegaya in qorshe ka kooban 15 qodob uu Maraykanku u diray Iran, iyadoo Pakistan ay dhexdhexaadinaysay.
Telefishinka Israel ee Channel 12 ayaa sheegay in qorshahaasi uu ka mid ahaa dalabyo ah in Iran ay burburiso xarumaha muhiimka ah ee nukliyeerka, joojiso maalgelinta kooxaha hubaysan ee gobolka sida Hezbollah ama Xuutiyiinta, isla markaana dib loo furo marinka Hormuz. Beddelkeedana, Maraykanku wuxuu ka qaadi lahaa cunaqabataynta Iran.
Tehran markii hore si toos ah ayay u diidday qorshahaas—iyadoo ku tilmaantay mid"xad-dhaaf" ah—laakiin shan shuruudood oo lagu joojinayo dagaalka ayaa markii dambe lagu daabacay warbaahinta dawladda Iran. Kuwaas waxaa ka mid ahaa magdhow iyo dammaanad qaad ah in Iran mar kale aan la weerari doonin.
Kadib, 31-kii Maarso, qorshe nabadeed oo ka kooban shan qodob—oo ay diyaariyeen Pakistan iyo Shiinaha—ayaa la soo sheegay.
Qorshahaas nabadeed waxaa la diyaariyay kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Pakistan uu u duulay Beijing si uu uga dalbado Shiinaha taageero ku aaddan dadaallada dalkaasi ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaaddan.
Arrintan waxay ku soo beegantay iyadoo Donald Trump uu sheegay in wada-hadalladu ay "si aad u wanaagsan" u socdaan, balse Tehran waxay sheegtay in wax wada-hadal ah aysan jirin.
Waxaan sidoo kale mar kale ka maqalnay Trump 2-dii Abriil, markaas oo uu ku andacooday in Iran ay Maraykanka ka codsatay xabbad-joojin. Arrintaas waxaa si degdeg ah "been aan sal iyo raad lahayn" ugu tilmaantay wasaaradda arrimaha dibadda Iran.