Tan iyo markii aan idiin soo gudbinnay wararkii ugu
dambeeyay ee dagaalka Iiraan , seeriga digniinta ayaa mar kale laga maqlay
dalalka Bariga Dhexe.
Waa tan warbixin kooban oo ku saabsan weerarradii ilaa
hadda la diiwaan geliyay Isniinta maanta ah.
Iiraan: Saddex iyo toban qof ayaa ku
dhintay weerar ay ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen xaafad ku taala
Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars oo xiriir la leh IRGC. Wargeysku wuxuu sheegay in lix ka mid
ah dadkii lagu dilay habeenkii aagaas ay ahaayeen carruur.
Duqeynayaa
burburisay dhismayaal dhowr ah oo ku yaal Jaamacadda Sharif ee Tehran. Dhowr
warbaahin oo Iiraaniyiin ah ayaa hadda sheegaya in adeegyadadib loo soo
celiyay, ka dib markii uu hakad galay weerarka.
Israa'iil: Hay'adaha gurmadka degdegga ah
ayaa soo sheegaya dhaawacyo dhowr ah ka dib markii ay weerarro ka dhacee xalay.
Qof rag ah iyo haweeney afartan jir ah iyo laba gabdhood oo shan jir ah ayaa la
dabiibayaa kadib weerarro ka dhacay Haifa. Laba qof ayaa ku dhaawacmay
bartamaha Israa'iil, oo ay ku jirto nin 34 jir oo qaba dhaawacyo halis ah oo ka
soo gaaray firirka.
Milatariga
Israa'iil ayaa markii dambe sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u qaban
lahaayeen gantaalada laga soo riday Iiraan.
Xafiiska
warbaahinta ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in burbur soo gaaray
shirkadda Raneen Systems, oo ah shirkad tiknoolajiyadeed, ayna dhaawacday
muwaadin u dhashay Ghana oo ku sugan aagga warshadaha ee Abu Dhabi.
Mas'uuliyiinta
ayaa sheegaya inay la tacaalayaan weerar diyaaradeed oo ay Iiraan leedahay oo
lagu qaaday mid ka mid ah labada shirkadood ee isgaarsiinta ugu waaweyn dalka, oo
ku taal bariga Imaaraadka Carabta. Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka
dhashay weerarka, ayay raaciyeen.
Sacuudi
Carabiya: Afhayeen
u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in dalku uu qabtay oo burburiyay laba
diyaaradood oo aan duuliye lahayn saacadihii ugu dambeeyay.
Dhanka
kale Lubnaan , dadku waxay baarayeen burburka ka dib markii ay
duqeymo cirka ah oo badan oo Israa'iil ay fulisay Axaddii. Weerarrada ayaa
shalay dalka oo dhan ku dilay ugu yaraan 11 qof. Mas'uuliyiinta Lubnaan waxay
sheegeen in 1,461 qof lagu dilay duqeymaha Israa'iil tan iyo 2-dii Maarso.