Warbaahinta
maxalliga ah ayaa ku warameysa in Ben Roberts-Smith, oo ah askariga ugu
darajada sarreeya dalka Australia, la xiray, waxaana lagu wadaa inuu wajaho
dacwado ku saabsan dambiyo dagaal oo ka dhacay Afghanistan.
Roberts-Smith,
oo ka tagay Ciidanka Difaaca Australia sanadkii 2013, ayaa la sheegay in lagu
xiray Garoonka Diyaaradaha ee Sydney, waxaana lagu wadaa inuu maanta oo Talaado
ah maxkamad uga soo muuqdo shan dacwadood oo dil ah oo ah dambi dagaal.
Waxaa lagu
eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dilka dhowr qof oo reer Afghanistan ah oo aan
hubaysnayn.
Si kastaba
ha ahaatee, halyeeyga 47 jirka ah ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha, isagoo hore
ugu tilmaamay inay yihiin "kuwo aan la aqbali karin" .
Sannadkii
2020, baaritaan weyn oo loo yaqaan "Warbixinta Brerton" ayaa helay
caddayn "lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan dilkii sharci darrada
ahaa ee ay ciidamada gaarka ah ee Australia ku dileen 39 qof oo ka dhacay
Afgaanistaan, waxayna ku taliyeen in la baaro 19 askari oo weli shaqeeya iyo
kuwo hore.
Maxkamadda
Madaniga ah ee Roberts Smith waxay ahayd kiiskii ugu horreeyay taariikhda oo
maxkamad ay baareysay eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal oo ay geysteen
ciidamada Australia.
Isagoo is difaacaya,
wuxuu sheegay in dilalka la sheegay ay u dhaceen qaab sharciga waafaqsan, ee
iska horimaadyada militariga ama aysan haba yaraatee dhicin, laakiin
racfaankiisa waxaa la diiday sannadkii hore.
Booliska
Federaalka Australia ayaa sidoo kale shir jaraa'id ku xaqiijiyay, in la xiray
askari hore oo 47 jir ah, laguna soo oogay dacwad ah inuu toogasho iyo dil ku
dilay maxaabiis aan hubaysnayn oo ku suganaa dalka Afgaanistaan intii u dhaxaysay sanadihii 2009-kii
iyo 2012-kii.