TOOS, Trump: “Iiraan oo dhan hal habeen gudahiis ayaa lagu burburin karaa, waxaana suuragal ah in habeenkaas uu noqdo Berri".

Donald Trump ayaa sheegay weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha dalka Iiraan ay bilaaban doonan maanta saacadda marka ay tahay 20:00 waqtiga Mareykanka, kaas oo qaadan doona afar saacadood, iyagoo dhammaan doona saqda dhexe.

Tebin toos ah

  1. Erdogan oo dhaliil dusha uga tuuray Israa’iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay wiiqayso dhammaan dadaallada lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe.

    Erdogan wuxuu sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono ka shaqaynta sidii loo gaari lahaa xabad joojin inkastoo Israa'iil ay mowqifkeeda taagan tahay.

    "Hadafkayagu waa in dagaalkan sharci darrada ah, aan macnaha lahayn ee khasaaraha badan la soo afjaro," ayuu yiri Erdogan intii lagu jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada ee Ankara.

    Erdoğan wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu uu raadinayo dhammaan habab diblomaasiyadeed, si uu u soo afjaro dagaalka, "isagoo u maleynaya in haddii dagaalku sii socdo, uu ku faafi doono dalalka kale."

    Turkiga ayaa isku dayay inuu soo afjaro dagaalkan isagoo ku biiraya ciidamo kale oo dhexdhexaadiyayaal ah, oo ay ku jiraan Bakistaan ​​iyo Masar.

    Sidoo kale akhri

  2. Khasaare soo gaaray askar Amerikaan ah

    Shan iyo toban Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay geesteyn diyaaradaha aan duuliyaha lahay oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait xalay, sida ay saraakiisha Mareykanku u sheegeen hay'addda warbaahinta Mareykanka ee CBS News, taas oo BBC bahwadaag la ah.

    Tirada askarta Mareylanka ee dhaawaca soo gaaray ayay CBS sheegtay inay gaarayaan 15

    Inta badan dadka dhaawacmay ayaa durba dib ugu laabtay shaqadooda

    Dadkan ayaa lasoo sheegayaa inuu gaaracay dhaawacyo fudud, waxa ayna dib ugu laabtayn hawlahooda, sida uu mid ka mid ah saraakiishu u sheegay CBS News,

    Guud ahaan, 373 askari oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay tan iyo markii dagaalka Iran uu bilaabmay — kuwaas oo 330 ka mid ah ay dib ugu laabteen waajibaadkooda, halka shan ay weli qabaan dhaawacyo culus, sida uu afhayeen u hadlay US Central Command u sheegay CBS.

  3. Sidee ayey ku waabariisanayaan waddamada Bariga dhexe?

    Weerrada cirka ah ayaa weli soconaya, iyada oo ay Ciidamada Israa'iill ayaa ku dhawaaqayn in "mowjad” weerarro cirka ah oo ay ku qaadeen Iiraan, waxa ay sidoo kale, sheegeyn in nidaamkooda cirka uu qabtay hoobiyeyaal iyo gantaallo kaga yimid dhanka Iiraan.

    Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa sheegtay in “daqiiqado ka hor, qaraxyo laga maqlay meelo ka mid ah Tehraan iyo Karaj,” oo ah xaafad ku taalla galbeedka caasimadda, inkasta oo aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    waddamada Khaliijka sida Sacuudi carrabiya waxa uu sheegay in illaa iyo todobo gantaal uu qabtay nidaamka difaaca hawada dalkaasi, kuwaas oo bartilmaameed u ahaa gobolka Gobolka Bariga ku yaalla.

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in difaacyada cirka ay qabteen oo ay burburiyeen toddobo gantaal oo ballistic ah oo loo soo ganay Gobolka Bariga, iyada oo xustay in haraaga gantaallada lagu qabtay meel u dhow xarumaha tamarta.

  4. Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in weerarro cirka ah oo ay ku qaadeen Iiraan

    Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabeen “mowjad” weerarro cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in soo jeedinta xabbad-joojinta ee ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah “aysan ahayn mid si wanaagsan u shaqeeneysa”.

    Militariga Israa’iil ayaa kusoo qoray kanaalkooda Telegram: “Wax yar ka hor, ciidamada Israa’iil waxay dhammaystireen mowjad weerarro cirka ah oo ay beegsadayn, kuna burburiyeen qaar kamid kaabayaasha dhaqaalaha nidaamka Tehraan iyo meelo kale oo badan oo kamid ah dalka Iiraan”.

  5. Trump oo Maraakiibta Ingiriiska ku eedeeyey 'shaqo yari'

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka marka uu xalay warbaahinta la hadlayey waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Mareykanka hadda ka haysato wadahadallada ay tahay in mas'uuliyiinta Iiraan ay la xiriiri karin, Trump wuxuu intaas ku daray inuu aad uga niyad jabsan yahay dalalka Nato ka dib markii xulafadiisu ay diideen codsigiisii ​​ahaa in ay ku biiraan howlgalka Iiraan. waxa uuna carrabka ku dhiftay inuu gaar ahaan aad uga niyad jabay UK. "Waxay haystaan ​​​​laba markab oo diyaaradeed oo duug ah oo burburay" ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maraakiibta Ingiriiska "aysan si deg deg ah u shaqeyneen".

  6. Tebinta Tooska ah ee BBC Somali

    Subax wanaagsan

    kusoo dhawaada tebinteena maanta