Maraykanku ma ku burburin karaa Iiraan hal maalin?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu "hal habeen gudahiis ku burburin karo" Iiraan haddii ay ku guuldareysato inay gaarto heshiis ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee uu u dejiyay Tehraan in ay dib u furto marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah tamarta caalamka.
Trump ayaa markale hanjabaaddaan ka sheegay shir jiraa'id uu qabtay Isniintii.
Qodobada heshiiska waxaa kow ka ah ayuu Trump ku tilmaamay in maraakiibtu si xor ah ku maraan Marinka biyoodka, waxa uuna sheegay in ay ku qaadaneyso in Iiraan oo dhan ay ku qaadaneyso hal habeen, oo ka bilaabaneysaa Talaadada fiidka 20:00 waqtiga Washington oo noqoneysa xilli dambe waqtiga GMT.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in hoggaamiyeyaasha "macquulka ah" ee Iiraan ay ogoloyihiin wadahadallo lagu galayo "niyad wanaag", balse natiijadu aan weli la hubin.
Iiraan ayaa diiday soo jeedimaha xabbad-joojin ku-meel-gaar ah, iyadoo taa beddelkeeda dalbanaysa in ay diyaar u tahay xabbad joojin kama dambeysa ah iyo in laga qaado cunaqabataynta.

Shirkiisa jaraa'id ee Trump oo ku wehlinayey Jeneraal Dan Caine, guddoomiyaha taliyeyaasha ciidamada, iyo xoghayaha difaaca Pete Hegseth, ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada Mareykanku ay soo badbaadiyeen laba xubnood oo ka tirsanaa ciidamadii diyaaradda dagaalka ee F-15 fighter jet oo lagu soo riday koonfurta Iiraan.
Inkasta oo hadalladiisa badankood ay ku saabsanaayeen waxa uu ku tilmaamay badbaadinta "geesinimada leh" ee shaqaalaha, haddana mar kale ayuu ku celiyay hanjabaaddiisii ahayd in Mareykanku uu weerari karo kaabayaasha tamarta iyo gaadiidka ee Iiraan haddii marin-biyoodka Hormuz aan dib loo furin ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Talaadada.
"Dal dhan waa la burburin karaa hal habeen, waxaana laga yaabaa inay noqoto habeenka berri," ayuu yiri Isniintii. Wuxuu intaas ku daray haddii waqtiga kama dambaysta ah la dhaafo, iyada oo aan heshiis la gaarin ay Iiraan dib ugu noqon doonto doono "xilligii dhagaxa, ma yeelan doonaan wax buundooyin ah,"mana yeelan doonaan wax warshado koronto ah," a ayuu yiri Trump
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo Iiraan ay hore u diiday dalabaadka Mareykanka, Trump wuxuu weli muujiyay rajo ah in Iiraan ay si dhab ah ay wadahadallada u ogashahay, kadib markii qeybo kala duwan oo hoggaanka Iiraan ah lagu dilay weerarro ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa'iil.
"Waan ogaan doonnaa," ayuu yiri.
Sida uu sheegay sarkaal gobolka ka tirsan oo xog-ogaal u ah wadahadallada, isaga oo tilmaamay in ay adag tahay in horumar dhab ah oo laga gaaro wadahadal kasta waa mid haddii aan marka hore la helin xabbad-joojin.
Sarkaalkaas oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriira ammaankiisa ayaa sheegay in wadahadalladu ay adkaadeen sababtoo ah dhibaatooyinka ku jira gaarsiinta fariimaha iyo helidda jawaabaha mas'uuliyiinta Iiraan, iyadoo ay yartahay isgaarsiinta au helayaan madaxda Iiraan, taasina ay keeneyso in farriimuhu ay goor dambe gaaraan, jawaabaha ay soo bixiyaana ay waqti dambe soo gaaraan Maraykanka.
"Si fariin loo gaarsiiyo Iiraan, helidda jawaab waqti macquul ah gudaheed ma suurtagasho," ayuu yiri. "Celceliska waqtiga jawaabtu waa qiyaastii hal maalin ama wax la mid ah."
Pakistan, Turkey, iyo Egypt ayaa dhammaantood ku lug leh dadaallada dhexdhexaadinta. Trump ma uusan bixin faahfaahin badan oo ku saabsan qorshaha maamulka ee mustaqbalka, isagoo sheegay oo keliya inuu hayo "qorshaha ugu fiican" balse uusan warbaahinta u sheegi doonin.
Khubarada sharciga ayaa ka digay in weerarro ula kac ah oo joogto ah oo lagu qaado kaabayaasha Iran ay noqon karaan dambiyo dagaal.
"Burburinta dhammaan warshadaha korontada, hanjabaadaha lagu beegsanayo shacabka si dowlad loo qasbo inay wadahadal gasho, arrimahaas oo dhan waa sharci-darro cad," ayay Tess Bridgeman u sheegtay CBS, oo ah la-hawlgalaha BBC ee Mareykanka.
Maalin hore, Trump wuxuu sheegay inuusan "ka walwalsanayn" arrintaas, wuxuuna shirkii jaraa'id ku adkeystay in shacabka Iiraan ay "diyaar u yihiin inay dhibaatada u dulqaataan si ay u helaan xorriyad", xitaa haddii ridista dowladda Iiraan aysan ahayn ujeeddadiisa.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday NATO, xulafada muhiimka ah ee Mareykanka oo ay ku jiraan, United Kingdom, iyo South Korea, kuwaas oo uu sheegay inay ka gaabiyeen inay taageeraan Mareykanka intii uu socday dagaalkan
"Tani waa ceeb aysan waligeed ka bixi doonin NATO," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Mareykanku "uusan u baahnayn" UK.
Ciidamada Mareykanka ayaa fuliyay in ka badan 13,000 weerar oo ka dhacay gudaha Iiraan tan iyo markii dagaalku bilowday sida lagu sheegay warbixin ay Isniintii soo saartay taliska ciidamada Maraykanka.











