War deg deg ah, Netenyahu ‘’Waxaynu duqaynay dhabaha tareenada iyo buundooyin Iiraan ay adeegsatay’’
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netenyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay duqaysay wadada-tareenada iyo buundooyin ay adeegsato Iiraan.
Farriin uu kula wadaagay barta X, ayuu ku sheegay in ‘’shalay waxaynu duqeynay diyaarad xamuul iyo tobanaan helikobtaro.
‘’Maanta waxaynu weerarnay gaadiidka tareen iyo buundooyin ay adeegsadaan ilaalada kacaanka.’’
Hadda, ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay inay duqeeyeen ‘’sideed qaybood oo buundooyin ah’’ oo ay sheegeen inay adeegsanayeen ciidamada hubaysan ee Iiraan.
IDF ayaa sheegtay duqaymahan ay ka dhaceen guud ahaan magaalooyinka, oo ay ku jirto Tehran, Karaj, Tabriz, Kashan iyo Qom.
Waxaa ay kusoo beegantay warbixino goor sii horaysay kasoo baxaya warbaahinta dowladda Iiraan oo ahaa labo qof lagu dilay kadib weerar lagu qaaday buundo ku taala Kashan, saacado uun kadib markii Israa’iil ay u dirtay digniin dadka rayidka ee Iiraan in aysan raacin tareenada ‘’sabab la xiriirta ammaankooda’’.
WARAR DHEERAAD AH