You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo ugu goodiyay Iiraan burbur haddii aysan heshiis gaarin kahor caawa iyada oo Maraykanku duqeeyay Kharg

Trump oo digniintii u dambaysay siiyay Iran, kahor wakhtigii uu qabtay furitaanka marinka Hormuz oo caawa ku eg

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dowlada Soomaaliya oo shaacisay Markabka qodista shidaalka uu Jimcaha imaanayo dalka

    Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaciyay in markabka qodista shidaalka uu Jimcaha kusoo fool leeyahay Soomaaliya

    “Horey u soco, Çağrı Bey! Badaha waa goobtaada, jidka rajaduna fur!.....Hadduu Alle idmo, markabkan weyn ee qodista shidaalka oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida, wuxuu Jimcaha imaan doonaa Soomaaliya. Waxaan Alle ka baryaynaa in hawlaha laga qabanayo biyaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo khayr iyo barwaaqo u keena shacabka Soomaaliyeed, shacabka Turkiga, iyo guud ahaan dunidaba.Anagu dadaalka ayaan bixnaa, guusha iyo bushaaraduna Alle ayaa baxsha'' ayuu yiri Wasiirku.

  2. Ruushka iyo Shiinaha oo Veto kuhor istaagay qaraarka Hormuz ee Golaha Ammaanka

    Ruushka iyo Shiinaha ayaa iyaga oo adeegsanaya codka qayaxan ee Veto kuhor istaagay qaraar uu golaha ammaanka uga hadlayay marinka Hormuz oo uu soo bandhigay madaxweynaha golaha oo haatan ay hayso Baxrayn.

    Qaraarka ayaa sheegayay dhiirigalin xooggan oo difaac, dadaalo iskaashi oo ammaan looga dhigayo marinka Hormuz.

    Ilaa 11 dal ayaa u codeeyay inay u riyaaqsan yihiin qaraarka, halka laba dal ay dhexdhexaad ka noqdeen waa Pakistan iyo Colombia.

    Toddobaadyo wadaxaajoodyo ah ayaa qabyo qoraalka uu dhigayay bilowgii in la raaco Chapter VII oo oggolaanaya (isticmaalka awood milatari), hase ahaatee ‘’awood siinta dowladaha inay adeegsadaan dhammaan lagama maarmaanada difaac’’ si loo dhamaystiro dhiirigalinta adkaynta dadaalada difaac.

    Wasiirka arrimaha dibadda Baxrayn Dr Cabdulfataax bin Rashid Al Zayani ayaa shir guddoominayay kulanka.

    Isaga oo hadlayay kahor cod-bixinta, waxaa uu u sheegay xubnaha golaha in qabyo qoraalka uusan abuurin xaqiiqo cusub, laakiin ay tahay jawaab adag oo lagu dhisayo cadwaada dhaqanka joogtada ah ee Iiraan in la joojiyo.

    Waxaa uu sheegay haddii uu golaha uu ku guul daraysto ka jawaabida hubaynta dagaal ee marinka biyaha maamulkeeda uu ku keenayo cawaaqib caalamka, ayna waddadaasi raacayaan marino oo biyood, taasi oo u beddelaysa caalamka goob duur ah.

    WARAR DHEERAAD AH

  3. War deg deg ah, Golaha ammaanka QM oo shir ka leh Marinka Hormuz

    Golaha ammaanka ee QM ayaa yeelanaya shir ay uga hadlayaan arrimaha marinka Hormuz, gaar ahaana waxaa looga daadaayaa qaraar looga doodayo dib u furista marinkaasi.

    Qaraarka waxaa golaha horkeenaya Madaxweynaha Golaha Ammaanka, Baxrayn oo ‘’si adag ugu dhiirigalinaysa’’ xubnaha golaha inay isku dabarideen dadaalada, habka difaaca iyo ka jawaabista xaaladaha si ay uga qayb qaadato ‘’xaqiijinta hab difaac hagid ah’’

    WARAR DHEERAAD AH

  4. War deg deg ah, Netenyahu ‘’Waxaynu duqaynay dhabaha tareenada iyo buundooyin Iiraan ay adeegsatay’’

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netenyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay duqaysay wadada-tareenada iyo buundooyin ay adeegsato Iiraan.

    Farriin uu kula wadaagay barta X, ayuu ku sheegay in ‘’shalay waxaynu duqeynay diyaarad xamuul iyo tobanaan helikobtaro.

    ‘’Maanta waxaynu weerarnay gaadiidka tareen iyo buundooyin ay adeegsadaan ilaalada kacaanka.’’

    Hadda, ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay inay duqeeyeen ‘’sideed qaybood oo buundooyin ah’’ oo ay sheegeen inay adeegsanayeen ciidamada hubaysan ee Iiraan.

    IDF ayaa sheegtay duqaymahan ay ka dhaceen guud ahaan magaalooyinka, oo ay ku jirto Tehran, Karaj, Tabriz, Kashan iyo Qom.

    Waxaa ay kusoo beegantay warbixino goor sii horaysay kasoo baxaya warbaahinta dowladda Iiraan oo ahaa labo qof lagu dilay kadib weerar lagu qaaday buundo ku taala Kashan, saacado uun kadib markii Israa’iil ay u dirtay digniin dadka rayidka ee Iiraan in aysan raacin tareenada ‘’sabab la xiriirta ammaankooda’’.

    WARAR DHEERAAD AH

  5. War deg deg ah, Maraykanka oo ka hadlay weerarka ay ku qaadeen Jasiirada Kharg

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance oo ku sugan Budapest ayaa sheegay inuu ka war qabo doonitaanka uuna ahaa ‘’beegsiga qaar kamid ah xarumo milatari’’ oo ku yaala jasiirada, uuna rumaysan yahay in Maraykanku sidaasi ay sameeyeen.

    Waxaa uu intaa ku daray duqaymaha in aysan matalayn isbeddel lagu beddelayo istaraatiijiyada Donald Trump, kaasi oo ka digay ‘’burbur dhammaystiran’’ oo kaabayaasha iiraan ay ku beegsadaan, haddii aanu dalku kasoo jawaabin caawa oo kama dambaysta in heshiis la gaaro si dib loogu furo marinka Hormuz.

    Vance ayaa sheegay in Iiraan ay isku dayayso inay ‘’intii karaankeeda dhaawacdo dhaqaalaha caalamka’’ laakiin iyagu ay awood u leeyihii ‘’ dhaawax ka weyn’’ u gaystaan.

    WARAR DHEERAAD AH

  6. War deg deg ah, Booliska Itoobiya oo xiray tuhmane hoggaamiye shabakad dadka tahriibisa

    Booliska Itoobiya ayaa xiray nin lagu tuhmayo in uu u daabulay kumanaan Afrikaan ah oo kasoo jeeda Bariga Afrika kuwaasi oo loo tahriibiyay Liibiya.

    Booliska ayaa sheegay shabakada ay ilaa shan xarumood ku leeyihiin Liibiya, halkaasi oo dhibanayaasha lagu xiray, looguna gaystay tacadiyo aad u daran.

    Booliska Itoobiya waxaa kale oo ay sheegeen Yetbarek Dawit oo isagu aanan arrintan ka hadal uu ahaa mid laga doon doonayo dhowr dal.

    WARAR DHEERAAD AH

  7. War deg deg ah, ‘’Waxaa socda dadaalada dhexdhexaadinta Washington iyo Tehran’’ Ilo Pakistan ah

    Waxaa weli sii socda dadaalada fududaynta wadahadalada Maraykanka iyo Iiraan sida ay sheegeen ilo ka tirsan Pakistan.

    Waxaa barbar socda dadaalada yaraynta weerarada milatari ee Iiraan, iyada oo uu soo dhowaaday ballankii kama dambaysata ahaa ee madaxweynaha Maraykanka Donald trump uu ballan qaaday.

    WARAR DHEERAAD AH

  8. War deg deg ah, Israa’iil oo sheegtay Turkiga ay ka hortageen weerar lagu soo qaaday qunsiliyadooda

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa si xooggan u cambaaraysay ‘’Weerar argagixiso oo lagu soo qaaday qunsuliyada Istanbul’’.

    ‘’Waxaynu ka mahadnaqaynaa talaabada degdega ah ee ciidamada ammaanka Turkiga ay uga hortageen weerarka,’’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaarada oo lasoo dhigay barta X.

    Waxaa ay intaa ku dartay: ‘’Howlgalada Israa’iil ee guud ahaan caalamka ayaa la kulmay handadaadyo aan xisaab lahayn iyo weeraro argagixiso. Weerar argagixiso nama hor-istaagayo.’’

    WARAR DHEERAAD AH

  9. War deg deg ah, Israa'iil oo uga digtay Iiraaniyiinta ka fogaanshaha xarumaha tareenada

    Milatariga Israa’iil ayaa uga digay rayidka Iiraan inay ka fogaadaan xarumaha tareenada maanta. Waxaa ay dabasocotay, iyada oo warbaahinta Iiraan ay sheegtay in buundo dhabaha-tareenada la duqeeyay, taasi oo dhacda Kashan, ayna ku dhinteen laba qof.

    Masuuliyiinta Iiraan ayaa lagu soo waramayaa inay baajiyeen adeegyada qayb kamid ah tareenada iyaga oo ka jawaabaya xaalada degdega ah.

    Sida ay sheegtay BBC laanteeda afka-Persia, Iiraaniyiinta ayaa isku dayayay inay gudbiyaan warka si ay ugu digaan saaxiibadooda iyo qoyskooda, iyada oo ay jirto Internet la’aan, waxaa ay taasi ka dhigan tahay in dad yar ay arkayaan farimahaasi.

    Dhanka kale, IDF ayaa sheegtay inay duqeysay goobtii saddexaad ee Batroolka-kiimikada ee Koonfur Galbeed Iran, Isniintii.

    (Waxaa la sheegay in xarunta ay soo saari jirtay aashitada nitric ee ganataalada balaastikada. Warbaahinta Iiraan ayaa ee lala xiriiriyo dowladda ayaa sheegtay inay ku dhinteen 18 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah subaxnimadii hore duqaymo lala beegsada gobolka Alborz ee ku dhow Tehran).

    WARAR DHEERAAD AH

  10. War deg deg ah, Saraakiisha Turkiga oo aqoonsaday kooxda weerarka Istanbul fuliyay

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa magacowday saddex nin oo hubaysan oo ka qayb qaaday toogashada ka dhacday meel u dhow qunsulida Istanbul. Mid kamid ah kooxdaasi ayaa la toogtay, halka laba kale ay ciidamo dhaawaceen.

    Bayaan lagu daabacay barta X oo laga soo turjumay af-Turki ayaa wasiirku ku sheegay in ninka hubaysan ee la dilay lagu magacaabo Yunus E.S, isaga oo aan bixin faahfaahin intaas ka dheeri ah, waxaana ay dowladdu la xiriirisay koox argagixiso ah.

    Labada dhaawacan ayaa lagu kala magacaabaa Onur Ç and Enes Ç – oo la sheegay inay walaalo yihiin.

    Labada askari ee ku dhaawacmay toogashada ayaan xaaladoodu halis ku jirin, sida bayaanku uu intaasi ku daray, mid kamid ah askartaasi ayaa ka dhaawacmay lugta halka kan kalana uu dhaawac fudud kasoo gaaray dhagta.

    ‘’Isgaarsiinta casriga ah ee horumarsan ayaa aqoonsatay saddexda weerarka soo qaaday, waxaana socda su’aal weydiinta argagixisada dhaawacantay,’’ ayaa lagu yiri.

    WARAR DHEERAAD AH

  11. War deg deg ah, Israa’iil oo la socota xaalada toogashada Istanbul

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegay inay darsayaan warbixinada rasaasta laga maqlay meel ku dhow qunsuliyada Israa’iil ee Istanbul.

    Bayaan ayaa xaqiijinaya in wakhtigii uu shilka dhacayay qunsuliyada aanay ku sugnayn shaqaale.

    WARAR DHEERAAD AH

  12. War deg deg ah, Iskaashiga Imaaraatka iyo Israa’iil oo kordhay kadib dagaalkii Iiraan

    Sida ay ku sheegtay hay’adda taleefishinka Israa’iil warbixin ay baahisay 7 Abriil in dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan uu dhaliyay in iskaashi ay amni ay yeeshaan Israa’iil iyo Imaaraatka.

    Waxaa ay intaa ku dartay iyada oo soo xiganaysa Il aan la magaaabin in gundhiga iskaashiga uu yahay in ay wada leeyihiin hal cadow oo ah Iiraan.

    ‘’Waxaa wanaagsanaaday cilaaqaadka labada dal si ka weyn intii hore, waxaana la filayaa iskaashi wadajir ah’’ ayuu yiri taleefishinka Israa’iil.

    Imaaraatka ayaa la kulmay weerarada ugu badan ee gobolka gacanka ‘’xataa waxaa ay ka badatay Israa’iil’’

    Waxaa dhankeeda wargayska Hartz ee Liberal-ka ay sheegtay in dowladaha gacanka ay soo bandhigeen farriin ay ku midaysan yihiin iyaga oo u diray Maraykanka iyaga oo ka raba damaanad qaad amni.

    WARAR DHEERAAD AH

  13. Hoggaamiye Afrikaan ah oo dadkiisa u sheegay inay iska illaawaan dimuqraadiyad

    Hoggaamiyaha Burkino Faso ayaa waraysi uu siiyay talefishinka dowladda ku tilmaamay Dimuqraadiyada mid ''dhimasho badan leh'' ayna tahay shacabka Burkino Faso inay ''iska ilaawaan''

    Captain Ibrahim Traore ayaa awoodda kula wareegay afgambi saddex sano kahor, waxaana uu sheegay in inta badan afrikaanka aysan u baahnayn dimuqraadiyad isaga oo aan faahfaahin intaas ka dheer bixin, waxaa uu intaa ku daray in Burkino Faso ay waddo gaar u ah oo samaynta arrintaasi ay leedahay.

    WARAR DHEERAAD AH

  14. War deg deg ah, Iiraan oo jeedisay digniintii u dambaysay ‘’dulqaadkii waa naga dhammaaday’’

    Taliska ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa iyaga oo farriin u diraya dowladaha dariska ku sheegay inuu ‘’dulqaadkii ka dhammaaday’’, waxaana ay sheegeen inay beegsanayaan Maraykanka iyo xulufadiisa iyaga oo ku goodiyay inay cuuryaamin doonaan xarumaha gaaska iyo shidaalka ee gobolka.

    WARAR DHEERAAD AH

  15. Saraakiisha Turkiga oo baaritaano ku bilbaabay toogashada Istanbul

    Wasiirka cadaalada Turkiga ayaa sheegay maanta oo Talaada ah in ay bilaabeen baaritaanka shilka toogashada ee ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul. Waxaa uu sheegay inuu dacwad oogoyaal u xil saaray baaritaanka.

    Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay saddex qof lagu dilay toogashada goobta ku dhow safaarada qunsuliyada Israa’iil ee Istanbul.

    Hal askari ayaa ku dhaawacmay, iyada dadka la toogtay ay ku jiraan tuhmanayaasha.

    Wakaalada wararka Reuters ayaa intaasi raacisay in aysan jirin diblomaasiyiin Israa’iil oo haatan ku sugan Turkiga.

    WARAR DHEERAAD AH

  16. Toogashoay dad ku dhinteen oo ka dhacday Istanbul

    Wararka ka imaanaya dalka Turkiga waxay sheegayaan in ay toogasho ay dad ku dhinteen ka dhacday magaaalada Istaanbul.

    Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in 3 qof ay ku dhinteen laba askarina ay ku dhaawacmeen toogashada oo ka dhacday meel u dhow qunsuliyadda Israa'iil.

    Wasaaradda cadaaladda ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu xaqiijinayo arrintan.

    Weli faahfaahin badan lagama hayo sida uu weerrarka u dhacay.

  17. Shiinaha oo ka hadlay dagaalka

    Shiinaha ayaa rajo ka muujiyay in dhinacyada ku dagaallamaya Bariga Dhexe ay wadahadal ku xallin doonaan khilaafaadkooda.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, ayaa hadalkan jeediyay isagoo ka jawaabaya su'aal laga weydiiyay soo jeedinta xabad joojinta ee Mareykanka oo ay Pakistan dhexdhexaadinaysay, isagoo sheegay in gaarista xabad joojin sida ugu dhakhsaha badan iyo dib u bilaabista wadahadalka ay tahay himilada guud ee bulshada caalamka.

    Shalay, Mareykanka iyo Iiraan ayaa diiday soo jeedin laba marxaladood ah oo ay Pakistan soo jeedisay oo ku saabsan xabbad joojin iyo furitaanka marin biyoodka Hormuz.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa shir jaraa'id ku sheegay, in waddankiisu "uu taageerayo dadaallada dhexdhexaadinta firfircoon ee Pakistan"

    Waqtiga kama dambaysta ah ee Donald Trump ee ah in Iiraan ay furto marin biyoodka Hormuz ayaa ku eg wax ka yar 24 saacadood gudahood, taas oo ah 3-da saq dhexe caawa.

    Sidoo kale akhri

  18. Tirada diyaaradaha uu Mareykanka ku waayay dagaalka Iiraan

    Mareykanka ayaa ilaa hadda dhowr diyaaradood ku waayay dagaalka Iiraan, sida laga soo xigtay falanqaynta sawirrada, hadallada rasmiga ah iyo warbixinnada warbaahinta Mareykanka.

    Warbaahinta CBS oo bahwadaag la ah BBC-da ayaa 5-tii bishii April soo wariyay iyagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah, in labo diyaaradood oo loo diray hawlgalka samatabbixinta iyo badbaadinta diyaaradda F-15E aysan awoodin inay ka duulaan saldhig fog oo ku yaal Iiraan.

    Tirada diyaaradaha Mareykanka uu ku waayay dagaalkan ayaa haatan lagu soo warramayaa inay gaarayaan ku dhowaad toban.

    Waxay soo sheegtay in diyaaradaha la burburiyay si looga hortago inay ku dhacaan gacanta cadowga.

    Sawirro la xaqiijiyay (oo ay ku jiraan kan kor ku xusan) ayaa muujinaya diyaarado burbursan oo qiiqaya oo ku yaala bartamaha Iiraan.

    BBC Verify, qaybbta xaqiijinta wararka ayaa weydiisatay khubaro inay falanqeeyaan burburka, si loo aqoonsado nooca diyaaradda.

  19. Sacuudiga oo qaaday tallaabo degdeg ah ka dib hanjabadii Trump

    Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xiray buundada ugu weyn ee u dhaxaysa Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn si looga hortag wax kasta oo dhaca.

    Agaasimaha Guud ee Isgoysyada, Boqor Fahd, ayaa ku yiri farriin: "Dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee Buundada King Fahd waa la hakiyey si taxaddar leh".

    Buundada Boqor Fahd waa buundo iyo waddo isku xirta Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn oo dhererkeedu yahay 25 kiiloomitir.

    Ilo wareedyo ku sugan goobta ayaa maanta u sheegay wargeysa AFP, in weeraradii habeenkii ee Iiraan ay ku qaadday Sacuudi Carabiya ay bartilmaameedsadeen xarun batrool kiimiko ah oo ku taala aag warshadeed oo weyn oo dhinaca magaalada Jbeil ah.

    Weerarkan ayaa yimid saacado ka dib markii xarumo la mid ah oo ku yaal Assaluyeh la bartilmaameedsaday.

    Weerar ayaa sababay dab ka kacay warshadaha Saudi Basic Industries Corporation ee Jubail.

    Qaraxyadu aad bay u xoog badnaayeen," ayuu ilo- wareedku u sheegay AFP, isagoo tixraacaya Saudi Basic Industries Corporation.

    Sidoo kale akhri

  20. Iiraan iyo Mareykanka ma heshiin rabaan?

    Pakistan ayaa u soo bandhigtay Maraykanka iyo Iran hindise degdeg ah oo ah "tallaabada ugu dambaysa" si isla markiiba loo joojiyo dagaalka dibna loogu furo marin-biyoodka Hormuz, sida uu ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada dadban maanta u sheegay wakaaladda wararka Reuters. Wakaaladda Axios ayaa iyadana Axaddii markii hore sheegtay qorshe xabbad-joojin ah oo 45 maalmood ah, kaas oo loogu talagalay inuu noqdo wajiga koowaad ee heshiis laba-waji ah oo u gogol xaari doona wada-hadallo toos ah oo ballaaran si si joogto ah loo soo afjaro dagaalka.

    Pakistan ayaa diyaarisay qaab-dhismeedka lagu soo afjarayo colaadda waxayna u gudbisay Tehran iyo maamulka Trump habeenkii, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Reuters.

    "Dhammaan qodobbada waa in maanta lagu heshiiyo," ayay ilahan u sheegeen wakaaladda wararka.

    Ilaha ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, uu "habeenkii oo dhan" xiriir la lahaa Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff, iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi.

    Reuters ayaa sheegtay in soo jeedinta Islamabad ay ku baaqayso in xabbad-joojintu si degdeg ah u dhaqan gasho si marinka Hormuz dib loogu furo. Kadibna waxaa jiri doona 15 ilaa 20 maalmood oo labada dhinac ay ku dhamaystiraan heshiis ballaaran oo lagu soo afjarayo dagaalka.