You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maxay tahay jawaabta ay Iiraan diyaarsatay inay ka bixiso soo afjaridda dagaalka

Arrintan ayaa socota warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, waxayna sheegaysaa in Pakistan ay door weyn ka qaadanayso diyaarinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Israa'iil ayaa sheegtay inay weerartay xarun muhiim u ah shidaalka Iran

    Wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in ay duqeeyeen xarun shidaal oo ku taal Iran, maadaama buu yiri IDF lagu amray in ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha Iran "awood kasta".

    "IDF waxay hadda si xooggan u weerartay xarunta ugu weyn ee shidaalka Iran ee ku taal [Asaluyeh]," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xarunta ay soo saarto kala bar kiimikooyinka batroolka ee dalka.

    Weerarka cusub ayaa daba socda weerar lagu qaaday xarun kale "isbuucii hore", ayuu yiri Katz.

    "Hadda labada xarumood, oo si wadajir ah mas'uul uga ah 85% dhoofinta kiimikaalka Iran - ayaa laga saaray adeegyadii mana shaqeynayo," ayaa lagu yiri bayaanka Katz.

    "Tani waa dhaawac dhaqaale oo ba'an oo qiimihiisu yahay tobanaan balaayiin dollar oo soo gaaray taliska Iran, warshadaha batroolka ayaa ah mishiin weyn oo lagu maalgeliyo hawlaha Ilaalada Kacaanka iyo dhismaha awoodda militari ee Iran."

    Wakaalada wararka ee Tasnim ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay sheegtay in la weeraray laba shirkadood oo ah kuwa kiimikada.

    Sidoo kale akhri

  2. Maxay tahay jawaabta ay Iiraan diyaarsatay inay ka bixiso soo afjaridda dagaalka

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in la diyaariyay jawaabtii la siin lahaa dhexdhexaadiyeyaasha ka shaqaynaya soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran.

    Arrintan ayaa daba socota warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, waxayna sheegaysaa in Pakistan ay door weyn ka qaadanayso diyaarinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.

    Esmail Baghaei oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee IRNA ayaa sheegay in qorshaha ka kooban 15-ka qodob ee uu garwadeenka ka yahay Maraykanku “uusan ahayn mid aynaan sinaba u aqbalaynin”.

    Waxa uu intaa ku daray in wadahadallada lagu soo afjarayo qalalaasaha ay yihiin "kuwo aan waafaqsanayn shuruudaha ugu dambeeya iyo hanjabaadaha dembiyada dagaalka," ka dib digniintii Trump ee ahayd in Maraykanku uu beegsan doono kaabayaasha rayidka ee Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.

    Taa baddalkeeda, wuxuu sheegay in Iran ay soo aruurisay dalabyo "ku saleysan danaheena iyo fikradaheena". "Bilowgii waanu garanaynay waxa aan rabno iyo khadadka cas ee aanan raali ka ahayn in aan ka gudubno, mawqifkayagu wuu caddaa ilaa hadda. Laga soo bilaabo markii ay dooddani bilaabantay jawaabteenu waxay ahayd diyaar," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in Iran ay diyaarisay jawaabteeda "ayna bixin doonto faahfaahinta wakhtiga ku habboon".

  3. Israa’iil oo ka hadashay madaxii Sirdoonka Iiraan ee la dilay

    Warar dheeraad ah ayaa hadda ka soo baxaya geerida madaxii sirdoonka Iiraan, iyadoo Wasiirka Difaaca Israa'iil Israel Katz iyo Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ay sheeganayaan mas'uuliyadda dilkii Majid Khademi.

    Ciidanka Difaaca Cirka ee Iiraan ayaa Telegram ku qoray in dilkiisu uu yahay "dharbaaxo kale oo daran" oo soo gaartay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC).

    Marka ay timaado in Iiraan ay qirato dhimashada taliyayaasheeda sare ku dhintay dagaalka, inta badan tusaalooyinka waxaa ka mid ah Iiraan oo xaqiijinaysa dhimashadooda ka dib markii Israa'iil ama Mareykanku ay sheegteen mas'uuliyadda. Si kastaba ha ahaatee, markan Iiraan ayaa hore u shaacisay.

    Khademi waxaa loo magacaabay taliyaha hay'adda sirdoonka IRGC afar maalmood ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay, Mohammad Kazemi, lagu dilay weerar Israa'iil ay ku qaadday Iiran 15-kii Juun 2025.

    Bishii Agoosto ee sannadkii hore, Khademi wuxuu ku boorriyay baarlamaanka inay mudnaanta siiyaan dhammaystirka shabakadda gudaha, isagoo sheegay in loo baahan yahay si loo "ilaaliyo madaxbannaanida" shabakadda internetka ee Iiraan.

    Iiraan hadda waxaa ka go'an internetka tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo, inkastoo qaar ka mid ah mareegaha iyo barnaamijyada gudaha ay weli ka furan yihiin gudaha dalka.

    Sidoo kale akhri

  4. War deg deg ah, Iiraan oo xaqiijisay dilka madaxii sirdoonka Iiraan

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku dhawaaqay bayaan ay daabaceen warbaahinta Iiraan, in la dilay madaxii sirdoonka, Majid Khademi.

    Iiraan ayaa bayaanka ku sheegaya in saaka la dilay, iyadoo Israa'iil iyo Mareykanka ku ku eedeeysay inay bartilmaameedsadeen.

    Waxaan la xiriiray Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxayna sheegeen inay "baari doonaan" warbixinta.

    Khademi ayaa beddelay Mohammad Kazemi, kaasoo sidoo kale lagu dilay weerar Israa'iil ay ku qaadday 15-kii Juun 2025-kii, intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iiraan iyo Israa'iil.

    Bishii Febraayo, ka dib dibadbaxyo dhimasho leh oo ka dhan ah dowladda oo dhacay bishii Janaayo e sanadkan, Khademi wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, inuu sii hurinayo waxa ay mas'uuliyiinta Iiraan ku tilmaameen istaraatiijiyad "dil ah oo la qorsheeyay", oo loogu talagalay in lagu kordhiyo khasaaraha si loogu qiil sameeyo faragelinta militariga shisheeye.

    Khademi ayaa xilligaas sheegtay in in ka badan 10 hay'adood oo sirdoon oo shisheeye ah, oo ay ku jiraan cutubka dagaalka internetka iyo sirdoonka Israa'iil ee 8200, ay door ka ciyaareen dibadbaxyadii ka dhacay guud ahaan Iiraan.

    Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka, ugu yaraan 7,000 oo qof ayaa lagu dilay dibedbaxyadii bishii Janaayo.

    Sidoo kale akhri

  5. Isniinta maanta ah iyo waxa ka dhacay Bariga Dhexe

    Tan iyo markii aan idiin soo gudbinnay wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iiraan , seeriga digniinta ayaa mar kale laga maqlay dalalka Bariga Dhexe.

    Waa tan warbixin kooban oo ku saabsan weerarradii ilaa hadda la diiwaan geliyay Isniinta maanta ah.

    Iiraan: Saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay weerar ay ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen xaafad ku taala Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars oo xiriir la leh IRGC. Wargeysku wuxuu sheegay in lix ka mid ah dadkii lagu dilay habeenkii aagaas ay ahaayeen carruur.

    Duqeynayaa burburisay dhismayaal dhowr ah oo ku yaal Jaamacadda Sharif ee Tehran. Dhowr warbaahin oo Iiraaniyiin ah ayaa hadda sheegaya in adeegyadadib loo soo celiyay, ka dib markii uu hakad galay weerarka.

    Israa'iil: Hay'adaha gurmadka degdegga ah ayaa soo sheegaya dhaawacyo dhowr ah ka dib markii ay weerarro ka dhacee xalay. Qof rag ah iyo haweeney afartan jir ah iyo laba gabdhood oo shan jir ah ayaa la dabiibayaa kadib weerarro ka dhacay Haifa. Laba qof ayaa ku dhaawacmay bartamaha Israa'iil, oo ay ku jirto nin 34 jir oo qaba dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray firirka.

    Milatariga Israa'iil ayaa markii dambe sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u qaban lahaayeen gantaalada laga soo riday Iiraan.

    Xafiiska warbaahinta ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in burbur soo gaaray shirkadda Raneen Systems, oo ah shirkad tiknoolajiyadeed, ayna dhaawacday muwaadin u dhashay Ghana oo ku sugan aagga warshadaha ee Abu Dhabi.

    Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya inay la tacaalayaan weerar diyaaradeed oo ay Iiraan leedahay oo lagu qaaday mid ka mid ah labada shirkadood ee isgaarsiinta ugu waaweyn dalka, oo ku taal bariga Imaaraadka Carabta. Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarka, ayay raaciyeen.

    Sacuudi Carabiya: Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in dalku uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn saacadihii ugu dambeeyay.

    Dhanka kale Lubnaan , dadku waxay baarayeen burburka ka dib markii ay duqeymo cirka ah oo badan oo Israa'iil ay fulisay Axaddii. Weerarrada ayaa shalay dalka oo dhan ku dilay ugu yaraan 11 qof. Mas'uuliyiinta Lubnaan waxay sheegeen in 1,461 qof lagu dilay duqeymaha Israa'iil tan iyo 2-dii Maarso.

    Sidoo kale akhri

  6. Dal Yurub ah oo doonaya shaqaale

    Jarmalku waxa uu sii wadaa in uu la kulmo dhibaatooyin shaqaale yari xirfad leh iyada oo shaqaalaheedii da'da ahaa ay hawlgab yihiin oo aanay jirin musharixiin da'yar oo ku filan oo beddela. Si la iskugu dayo in la yareeyo dhibaatada, waddanku wuxuu sii kordhinayaa inuu Hindiya ka raadiyo shaqaalle .

    Handirk von Ungern-Sternberg, waxay ku bilaabatay iimayl ku soo dhacay sanduuqiisa imaylada bishii Febraayo 2021. Waxay ka timid Hindiya.

    Nuxur ahaan, dhambaalku wuxuu u dhignaa sidan: "Waxaan haynaa tiro dhallinyaro ah oo dhiirigelinaya oo raadinaya waxbarasho xirfadeed waxaanan is-weydiinnay inaad xiisaynayso."

    Von Ungern-Sternberg waxa uu u shaqaynayey Rugta Ganacsiga Xirfadleyda ee Freiburg ee koonfur-galbeed ee Jarmalka, oo ah urur ganacsi oo ka wakiil ah shaqaale xirfad leh - yo shirkadaha iyaga matala.

    Boostada ayaa timid waqti ku habboon.

    Waxaan haysanay shaqo-bixiyeyaal badan oo quus ah oo aan heli karin cid iyaga u shaqeysa," ayuu yiri Von Ungern-Sternberg. "Marka waxaan go'aansanay inaan isku dayno."

    Wicitaankiisii ugu horeeyey wuxuu ahaa madaxa ururka hiliblayaasha deegaanka. Hiliblayaasha, gaar ahaan, waxay ku jireen waqti adag guud ahaan Jarmalka. Waxay ahayd qayb hoos-u-dhac muuqda ku yimid.

  7. Maxaa ka socda Baydhabo?

    Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda heerarka kala duwan ee dowladda kuwaas oo gaaray halkaas ka dib markii ciidamada dowladdda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ay gacanta ku dhigeen magaalada dhammaadka bishii hore ee Maarso ka dib dagaal halkaasi dhinacyada ku dhexmaray.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiirada dowladda iyo siyaasiyiin tiro badan oo deegaanka ka soo jeeda ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

    Sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka madaxweyanaha Soomaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii saddexaad Baydhabo ku sugan ayaa kulamo la qaaday masuuliyiinta dowladda, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadan.

    "Ujeedka ugu muhimsan waxay ahayd in ammaanka la adkeeyo Baydhabo, waxa kale muhim ahaa in dadka la wacyi geliyo iyo hanaqaadka la bilabaya doorashada la dardargeliyo, maadaama horrey looga qabtay Muqdisho tan labaad laga dhigo Koonfur-galbeed"ayuu yiri Xadaana.

    Xukuumada Soomaaliya ayaa Raysal wasaare ku-xigeenka JFS, Jibriil Cabdirashiid u magacowday hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, iyada oo uu xilka haynayo inta ay DFS ka qabanayso doorasho toos ah.

  8. Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

    Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala Israa’iil.

    Waxaa lagu soo warramayaa inay khasaare ka dhasheen weeraradaas.

    Adeegga ambalaaska Israa'iil ayaa sheegay, in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhaawacmeen, oo midkod xaaladiisu aad u liidato, kadib markii ay Iiraan labo gantaal ku garaacday magaalooyinka Tel Aviv iyo Haifa.

    Kooxaha gurmadka ayaa sheegay, in hubkan qarxa ay ku dhaceen 15 goobood oo ku yaal bartamaha Israa'iil, oo ay ku jirtay magaalada Tel Aviv, halka isla kooxahaasi ay sheegeen in ay waxyeello ka soo gaartay madaafiic ku dhacday Haifa, ka dib gantaallo lagu bartilmaameedsaday.

    Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinaya gaari uu dab qabsaday iyo mid kale oo ku rogmaday Haifa taasoo ka dhalatay weerarka.

    Sida laga soo xigtay militariga Israa'iil, laba gantaal oo hore oo habeenimo lagu riday bartamaha Israa'iil ayaa la qabtay, iyadoo qayb ka mid ah ay ku dhaceen meelo bannaan.

    Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegay in Iiraan ay ugu yaraan toban gantaal ku weerartay bartamaha Israa'iil.

  9. War deg deg ah, Qiimeyn ka socota Israa’iil iyo Trump oo go’aan ka gaari doono

    Warbaahinta Qaranka ee Israa'iil ayaa sheegtay, in qiimeyn laga sameeyay Israa'iil ay muujinayso in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu siin doono "ogolaansho" si uu weeraro ugu qaado bartilmaameedyada tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan, laakiin fulinta weerarradan ayaa weli laga sugayaa oggolaansho kama dambays ah oo laga helo maamulka Trump.

    Hay'addu waxay sheegtay, in ilo diblomaasiyadeed oo aan la magacaabin ay aaminsan yihiin, in dagaalka hadda socda ay u badan tahay inuu sii dheeraado ama sii xoogeysto, inkastoo ay jiraan farriimo ay is dhaafsadeen ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Wittkof iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araqchi, iyada oo loo marayo dalal dhexdhexaad ah oo ay kamid yihiin Masar iyo Turkiga.

    Dhanka kale, warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo wareed oo Mareykan ah, Israa'iil, iyo Bariga Dhexe ah, kuwaas oo sheegay in Mareykanka, Iiraan, iyo koox dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socda gobolka, ay ka wada hadlayaan shuruudaha xabbad-joojin 45 maalmood ah oo horseedi karta in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

    Sidoo kale akhri:

  10. Dagaalka Iiraan miyuu hurdada u diiday Kim Jong-un?

    Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa si dhab ah ugu taamaya fikrado cakiran ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay bilaabeen dagaal ay la galaan Iiraan.

    Kuuriyada Woqooyi waxay si degdeg ah u cambaaraysay weerarradaas oo ay ku tilmaantay "dagaal gardarro ah oo aan qiil loo samayn karin." Tehran iyo Pyongyang waxay samaysteen "isbahaysi ka dhan ah Maraykanka oo ah cadawgooda " tan iyo 1979, waxayna tan iyo markaas dhisteen iskaashi ku salaysan horumarinta gantaallada.

    Dublamaasi hore oo Kuuriyada Waqooyi ah, oo BBC-da la hadlay, isaga oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in Iiraan ay sidoo kale tahay meesha ugu badan ee loo dhoofiyo hubka Kuuriyada Waqooyi.

    Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay jiraan laba arrimood oo Kuuriyada Waqooyi geliyay meel aad uga wanaagsan Iiraan, waana hubka Nukliyeerka iyo Shiinaha.

    Intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 2003, hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il ayaa la waayay muddo 50 maalmood ah. Sida ay sheegtay hay'adda sirdoonka ee Kuuriyada Koonfureed, waxa uu wakhtigaas intiisa badan ku dhuumaalaysanayay godka hoose ee Samjiyon, oo qiyaastii 600 KM u jira caasimadda dalkaasi ee Pyongyang.

  11. Ruushka oo ka hadlay hanjabadda Trump ee Iiraan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa Axaddii maanta ugu baaqay Maraykanka inuu “joojiyo hadallada hanjabaadaha ah” si loo fududeeyo “dib ugu noqoshada wada-xaajoodyada,” intii lagu jiray wicitaan dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Iran, Cabbaas Caraqji.

    Hadalka Lavrov ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ku hanjabay inuu duqeyn doono kaabayaasha muhiimka ah ee Iran haddii aysan dib u furin marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in “dhinaca Ruushka uu muujiyay rajo ku aaddan guusha dadaallada ay wadaan dhowr dal oo lagu dejinayo xiisadaha ku gedaaman Iran, taas oo la fududeyn karo haddii Maraykanku joojiyo luuqadda adag ee hanjabaadaha ah isla markaana uu dib ugu laabto wadada wada-xaajoodyada.”

    Labada wasiir ayaa sidoo kale ugu baaqay Washington inay joojiso “weerarrada aan sababta lahayn ee sharci-darrada ah ee lagu qaadayo kaabayaasha rayidka,” oo ay ku jirto warshadda korontada nukliyeerka ee Bushehr ee Iran, halkaas oo ay ka shaqeeyaan khubaro Ruushka u dhalatay.

    Sabtidii, Moscow ayaa bilowday daadgureynta 198 shaqaale oo ka shaqeeya warshadda kadib markii agagaarkeeda lagu garaacay weerar ay fuliyeen Maraykan iyo Israa’iil, kaas oo dilay mid ka mid ah shaqaalaha amniga, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

    La wadaag, Axios:Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

  12. War deg deg ah, Axios:Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

    Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo wareed oo Mareykan ah, Israa'iil, iyo Bariga Dhexe ah, kuwaas oo sheegay in Mareykanka, Iiraan, iyo koox dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socda gobolka, ay ka wada hadlayaan shuruudaha xabbad-joojin 45 maalmood ah oo horseedi karta in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

    Warbaahinta Reuters weli ma aysan xaqiijin warbixinta. Aqalka Cad iyo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka midna kama jawaabin codsiyada Reuters ee ku aaddan inay faallo ka bixiyaan.

    Warbixintu waxay tilmaamtay in dhexdhexaadiyayaashu ay ka wada hadlayaan shuruudaha heshiis laba marxaladood ah, iyadoo marxaladda koowaad ay tahay, xabbad joojin suurtagal ah oo 45 maalmood ah oo inta lagu jiro wadahadallada la qaban doono si loo soo afjaro dagaalka si joogto ah.

    Warbixintu waxay sheegtay, in wejiga labaad uu noqon doono heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

    Wuxuu intaas ku daray in ay suurtogal tahay in la kordhiyo xabad joojinta haddii loo baahdo waqti dheeraad ah oo wadahadallo ah.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii u sheegay Wall Street Journal in waqtiga kama dambaysta ah ee uu siiyay Iiraan si ay furto marin biyoodka Hormuz, ama ay weerarro ku qaadaan kaabayaasha muhiimka ah uu ku eg yahay fiidnimada Talaadada caawa.

  13. War deg deg ah, Maraykan iyo Israa’iil oo duqeeyey Jaamacad ku taalla Tehraan

    Duqa Degmada 9aad ee Tehran ayaa ku dhawaaqay in ka dib weerarkii saaka lagu qaaday saldhigga gaaska ee Jaamacadda Tiknoolajiyadda Sharif, si ku-meel-gaar ah loo jaray gaaska xaafadda Sharif.

    Sida ay sheegayaan warbaahinta, qaybo ka mid ah jaamacadda, oo ay ku jiraan dhismaha Xarunta Macluumaadka Teknoolajiyadda iyo masaajidka jaamacadda, ayaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday weerarkan.

    Sawirro saaka ka imanaya caasimadda ayaa mujiinayey qiiq iyo uuro ka baxaysa galbeedka Tehran.

    Tan iyo bilowgii dagaalka, jaamacado dhowr ah, oo ay ku jiraan Jaamacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda Tehran iyo Jaamacadda Shahid Beheshti ayey bartilmaameedsadayn Israa’iil iyo Maraykan.

  14. War deg deg ah, Waa sidee xaalka Caasimadda Iiraan ee Tehraan Saaka?

    Sawirro laga soo qaaday weeraradii ka dhacay Tehraan aroornimadii hore ee saaka ayaa muujinaya in duqeymo xooggan ay ku dhaceyn magaalada.

    Iyada oo Iiraan ay weerartay magaalooyin ku yaalla bariga dhexe sida waddamada Imaaraadka iyo Baxrain. inkasta oo sheegeyn in nidaamkooda difaaca ay hawada ka qabteyn.

    Sidoo kale, Iiraan oo saddex gantaal oo ballistic ah ku tuurtay bartamaha Israa'iil, khasaaraha lama oga illaa iyo hadda.

  15. Maraakiib ka gudbay marin-biyoodka Hormuz saacadihii la soo dhaafay

    Sida ay qoreyso Wakaaladda wararka Fars News Agency oo taageerta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in 15 markab ay ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz 24-kii saac ee la soo dhaafay kadib “oggolaansho ka heleyn dowladda Iiraan".Wakaaladdu waxay sheegtay in isu socodka maraakiibta uu weli ka hooseeyo 90% marka loo eego sidii uu ahaa ka hor intii uusan dagaalku bilaaban.

    Mas’uuliyiinta Iiraan sida Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbass Araqchi, ayaa marar badan sheegay in marin-biyoodkan muhiimka ah aanu xirnayn, balse uu ka xiran yahay oo keliya “dalalka cadowga ah.”

    Iiraan ayaa shalay ku dhawaaqday in Ciraaq laga dhaafay xayiraad kasta oo ay soo rogtay, sida uu sheegay afhayeenka xarunta Khatam al-Anbiya

    Dhanka kale, mas’uuliyiinta iyo xildhibaanada Iiraan ayaa soo hadal qaaday suurtagalnimada in la lacago laga qaado maraakiibta isticmaasha marin-biyoodkan.

    Horey, kaaliye ka tirsan xafiiska madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz “dib loo furi doono” marka “qayb ka mid ah lacagaha transit-ka loo isticmaalo magdhowga dhammaan khasaaraha uu dagaalku sababay.

  16. Imaaraadka oo dedaal ugu jira ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn

    Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in nidaamyadooda difaaca cirka ay ka jawaabayaan weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka ayaa fariin ay ku baahisay barta X ku tiri:“Nidaamyada difaaca cirka ayaa si firfircoon uga hortagaya khataraha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn.” Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dhawaaqyada laga maqlay dalka oo dhan ay ka dhasheen hawlgallada socda ee lagu ka hortagayo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn.