TOOS, Trump oo ugu goodiyay Iiraan burbur haddii aysan heshiis gaarin kahor caawa iyada oo Maraykanku duqeeyay Kharg

Trump oo digniintii u dambaysay siiyay Iran, kahor wakhtigii uu qabtay furitaanka marinka Hormuz oo caawa ku eg

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Netenyahu ‘’Waxaynu duqaynay dhabaha tareenada iyo buundooyin Iiraan ay adeegsatay’’

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netenyahu

    Xigashada Sawirka, RONEN ZVULUN/POOL/EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netenyahu

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netenyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay duqaysay wadada-tareenada iyo buundooyin ay adeegsato Iiraan.

    Farriin uu kula wadaagay barta X, ayuu ku sheegay in ‘’shalay waxaynu duqeynay diyaarad xamuul iyo tobanaan helikobtaro.

    ‘’Maanta waxaynu weerarnay gaadiidka tareen iyo buundooyin ay adeegsadaan ilaalada kacaanka.’’

    Hadda, ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay inay duqeeyeen ‘’sideed qaybood oo buundooyin ah’’ oo ay sheegeen inay adeegsanayeen ciidamada hubaysan ee Iiraan.

    IDF ayaa sheegtay duqaymahan ay ka dhaceen guud ahaan magaalooyinka, oo ay ku jirto Tehran, Karaj, Tabriz, Kashan iyo Qom.

    Waxaa ay kusoo beegantay warbixino goor sii horaysay kasoo baxaya warbaahinta dowladda Iiraan oo ahaa labo qof lagu dilay kadib weerar lagu qaaday buundo ku taala Kashan, saacado uun kadib markii Israa’iil ay u dirtay digniin dadka rayidka ee Iiraan in aysan raacin tareenada ‘’sabab la xiriirta ammaankooda’’.

    WARAR DHEERAAD AH

  2. War deg deg ah, Maraykanka oo ka hadlay weerarka ay ku qaadeen Jasiirada Kharg

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance oo ka hadlayay Budapest, halkaasi oo uu kula kulansan yahay hoggaamiyaha Hungary Viktor Orban

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance oo ka hadlayay Budapest, halkaasi oo uu kula kulansan yahay hoggaamiyaha Hungary Viktor Orban

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance oo ku sugan Budapest ayaa sheegay inuu ka war qabo doonitaanka uuna ahaa ‘’beegsiga qaar kamid ah xarumo milatari’’ oo ku yaala jasiirada, uuna rumaysan yahay in Maraykanku sidaasi ay sameeyeen.

    Waxaa uu intaa ku daray duqaymaha in aysan matalayn isbeddel lagu beddelayo istaraatiijiyada Donald Trump, kaasi oo ka digay ‘’burbur dhammaystiran’’ oo kaabayaasha iiraan ay ku beegsadaan, haddii aanu dalku kasoo jawaabin caawa oo kama dambaysta in heshiis la gaaro si dib loogu furo marinka Hormuz.

    Vance ayaa sheegay in Iiraan ay isku dayayso inay ‘’intii karaankeeda dhaawacdo dhaqaalaha caalamka’’ laakiin iyagu ay awood u leeyihii ‘’ dhaawax ka weyn’’ u gaystaan.

    WARAR DHEERAAD AH

  3. War deg deg ah, Booliska Itoobiya oo xiray tuhmane hoggaamiye shabakad dadka tahriibisa

    Booliska Itoobiya ayaa sheegay Yetbarek Dawit oo aan weli ka hadlin eedeynta loo jeedinayo uu ahaa mid laga doon doonayo dalal dhowr ah

    Xigashada Sawirka, Ethiopian Federal Police

    Qoraalka sawirka, Booliska Itoobiya ayaa sheegay Yetbarek Dawit oo aan weli ka hadlin eedeynta loo jeedinayo uu ahaa mid laga doon doonayo dalal dhowr ah

    Booliska Itoobiya ayaa xiray nin lagu tuhmayo in uu u daabulay kumanaan Afrikaan ah oo kasoo jeeda Bariga Afrika kuwaasi oo loo tahriibiyay Liibiya.

    Booliska ayaa sheegay shabakada ay ilaa shan xarumood ku leeyihiin Liibiya, halkaasi oo dhibanayaasha lagu xiray, looguna gaystay tacadiyo aad u daran.

    Booliska Itoobiya waxaa kale oo ay sheegeen Yetbarek Dawit oo isagu aanan arrintan ka hadal uu ahaa mid laga doon doonayo dhowr dal.

    WARAR DHEERAAD AH

  4. War deg deg ah, ‘’Waxaa socda dadaalada dhexdhexaadinta Washington iyo Tehran’’ Ilo Pakistan ah

    Waxaa weli sii socda dadaalada fududaynta wadahadalada Maraykanka iyo Iiraan sida ay sheegeen ilo ka tirsan Pakistan.

    Waxaa barbar socda dadaalada yaraynta weerarada milatari ee Iiraan, iyada oo uu soo dhowaaday ballankii kama dambaysata ahaa ee madaxweynaha Maraykanka Donald trump uu ballan qaaday.

    WARAR DHEERAAD AH

  5. War deg deg ah, Israa’iil oo sheegtay Turkiga ay ka hortageen weerar lagu soo qaaday qunsiliyadooda

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa si xooggan u cambaaraysay ‘’Weerar argagixiso oo lagu soo qaaday qunsuliyada Istanbul’’.

    ‘’Waxaynu ka mahadnaqaynaa talaabada degdega ah ee ciidamada ammaanka Turkiga ay uga hortageen weerarka,’’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaarada oo lasoo dhigay barta X.

    Waxaa ay intaa ku dartay: ‘’Howlgalada Israa’iil ee guud ahaan caalamka ayaa la kulmay handadaadyo aan xisaab lahayn iyo weeraro argagixiso. Weerar argagixiso nama hor-istaagayo.’’

    WARAR DHEERAAD AH

  6. War deg deg ah, Israa'iil oo uga digtay Iiraaniyiinta ka fogaanshaha xarumaha tareenada

    Milatariga Israa’iil ayaa uga digay rayidka Iiraan inay ka fogaadaan xarumaha tareenada maanta. Waxaa ay dabasocotay, iyada oo warbaahinta Iiraan ay sheegtay in buundo dhabaha-tareenada la duqeeyay, taasi oo dhacda Kashan, ayna ku dhinteen laba qof.

    Masuuliyiinta Iiraan ayaa lagu soo waramayaa inay baajiyeen adeegyada qayb kamid ah tareenada iyaga oo ka jawaabaya xaalada degdega ah.

    Sida ay sheegtay BBC laanteeda afka-Persia, Iiraaniyiinta ayaa isku dayayay inay gudbiyaan warka si ay ugu digaan saaxiibadooda iyo qoyskooda, iyada oo ay jirto Internet la’aan, waxaa ay taasi ka dhigan tahay in dad yar ay arkayaan farimahaasi.

    Dhanka kale, IDF ayaa sheegtay inay duqeysay goobtii saddexaad ee Batroolka-kiimikada ee Koonfur Galbeed Iran, Isniintii.

    (Waxaa la sheegay in xarunta ay soo saari jirtay aashitada nitric ee ganataalada balaastikada. Warbaahinta Iiraan ayaa ee lala xiriiriyo dowladda ayaa sheegtay inay ku dhinteen 18 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah subaxnimadii hore duqaymo lala beegsada gobolka Alborz ee ku dhow Tehran).

    WARAR DHEERAAD AH

  7. War deg deg ah, Saraakiisha Turkiga oo aqoonsaday kooxda weerarka Istanbul fuliyay

    Ciidamo hubaysan oo weli ku sugan goobta weerarka toogashada uu ka dhacay goor sii horaysay oo maanta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamo hubaysan oo weli ku sugan goobta weerarka toogashada uu ka dhacay goor sii horaysay oo maanta

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa magacowday saddex nin oo hubaysan oo ka qayb qaaday toogashada ka dhacday meel u dhow qunsulida Istanbul. Mid kamid ah kooxdaasi ayaa la toogtay, halka laba kale ay ciidamo dhaawaceen.

    Bayaan lagu daabacay barta X oo laga soo turjumay af-Turki ayaa wasiirku ku sheegay in ninka hubaysan ee la dilay lagu magacaabo Yunus E.S, isaga oo aan bixin faahfaahin intaas ka dheeri ah, waxaana ay dowladdu la xiriirisay koox argagixiso ah.

    Labada dhaawacan ayaa lagu kala magacaabaa Onur Ç and Enes Ç – oo la sheegay inay walaalo yihiin.

    Labada askari ee ku dhaawacmay toogashada ayaan xaaladoodu halis ku jirin, sida bayaanku uu intaasi ku daray, mid kamid ah askartaasi ayaa ka dhaawacmay lugta halka kan kalana uu dhaawac fudud kasoo gaaray dhagta.

    ‘’Isgaarsiinta casriga ah ee horumarsan ayaa aqoonsatay saddexda weerarka soo qaaday, waxaana socda su’aal weydiinta argagixisada dhaawacantay,’’ ayaa lagu yiri.

    WARAR DHEERAAD AH

  8. War deg deg ah, Israa’iil oo la socota xaalada toogashada Istanbul

    Ciidamo ku sugan goobta rasaasta toogashada laga maqlay ee Istanbul

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamo ku sugan goobta rasaasta toogashada laga maqlay ee Istanbul

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegay inay darsayaan warbixinada rasaasta laga maqlay meel ku dhow qunsuliyada Israa’iil ee Istanbul.

    Bayaan ayaa xaqiijinaya in wakhtigii uu shilka dhacayay qunsuliyada aanay ku sugnayn shaqaale.

    WARAR DHEERAAD AH

  9. War deg deg ah, Iskaashiga Imaaraatka iyo Israa’iil oo kordhay kadib dagaalkii Iiraan

    Sida ay ku sheegtay hay’adda taleefishinka Israa’iil warbixin ay baahisay 7 Abriil in dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan uu dhaliyay in iskaashi ay amni ay yeeshaan Israa’iil iyo Imaaraatka.

    Waxaa ay intaa ku dartay iyada oo soo xiganaysa Il aan la magaaabin in gundhiga iskaashiga uu yahay in ay wada leeyihiin hal cadow oo ah Iiraan.

    ‘’Waxaa wanaagsanaaday cilaaqaadka labada dal si ka weyn intii hore, waxaana la filayaa iskaashi wadajir ah’’ ayuu yiri taleefishinka Israa’iil.

    Imaaraatka ayaa la kulmay weerarada ugu badan ee gobolka gacanka ‘’xataa waxaa ay ka badatay Israa’iil’’

    Waxaa dhankeeda wargayska Hartz ee Liberal-ka ay sheegtay in dowladaha gacanka ay soo bandhigeen farriin ay ku midaysan yihiin iyaga oo u diray Maraykanka iyaga oo ka raba damaanad qaad amni.

    WARAR DHEERAAD AH

  10. Hoggaamiye Afrikaan ah oo dadkiisa u sheegay inay iska illaawaan dimuqraadiyad

    Hoggaamiyaha Burkino Faso ayaa waraysi uu siiyay talefishinka dowladda ku tilmaamay Dimuqraadiyada mid ''dhimasho badan leh'' ayna tahay shacabka Burkino Faso inay ''iska ilaawaan''

    Captain Ibrahim Traore ayaa awoodda kula wareegay afgambi saddex sano kahor, waxaana uu sheegay in inta badan afrikaanka aysan u baahnayn dimuqraadiyad isaga oo aan faahfaahin intaas ka dheer bixin, waxaa uu intaa ku daray in Burkino Faso ay waddo gaar u ah oo samaynta arrintaasi ay leedahay.

    WARAR DHEERAAD AH

  11. War deg deg ah, Iiraan oo jeedisay digniintii u dambaysay ‘’dulqaadkii waa naga dhammaaday’’

    Taliska ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa iyaga oo farriin u diraya dowladaha dariska ku sheegay inuu ‘’dulqaadkii ka dhammaaday’’, waxaana ay sheegeen inay beegsanayaan Maraykanka iyo xulufadiisa iyaga oo ku goodiyay inay cuuryaamin doonaan xarumaha gaaska iyo shidaalka ee gobolka.

    WARAR DHEERAAD AH

  12. Saraakiisha Turkiga oo baaritaano ku bilbaabay toogashada Istanbul

    Ciidamo taagan aaga goobta uu shilka toogashada ka dhacay ee Istanbul

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamo taagan aaga goobta uu shilka toogashada ka dhacay ee Istanbul

    Wasiirka cadaalada Turkiga ayaa sheegay maanta oo Talaada ah in ay bilaabeen baaritaanka shilka toogashada ee ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul. Waxaa uu sheegay inuu dacwad oogoyaal u xil saaray baaritaanka.

    Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay saddex qof lagu dilay toogashada goobta ku dhow safaarada qunsuliyada Israa’iil ee Istanbul.

    Hal askari ayaa ku dhaawacmay, iyada dadka la toogtay ay ku jiraan tuhmanayaasha.

    Wakaalada wararka Reuters ayaa intaasi raacisay in aysan jirin diblomaasiyiin Israa’iil oo haatan ku sugan Turkiga.

    WARAR DHEERAAD AH

  13. Toogashoay dad ku dhinteen oo ka dhacday Istanbul

    .

    Wararka ka imaanaya dalka Turkiga waxay sheegayaan in ay toogasho ay dad ku dhinteen ka dhacday magaaalada Istaanbul.

    Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in 3 qof ay ku dhinteen laba askarina ay ku dhaawacmeen toogashada oo ka dhacday meel u dhow qunsuliyadda Israa'iil.

    Wasaaradda cadaaladda ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu xaqiijinayo arrintan.

    Weli faahfaahin badan lagama hayo sida uu weerrarka u dhacay.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  14. Shiinaha oo ka hadlay dagaalka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shiinaha ayaa rajo ka muujiyay in dhinacyada ku dagaallamaya Bariga Dhexe ay wadahadal ku xallin doonaan khilaafaadkooda.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, ayaa hadalkan jeediyay isagoo ka jawaabaya su'aal laga weydiiyay soo jeedinta xabad joojinta ee Mareykanka oo ay Pakistan dhexdhexaadinaysay, isagoo sheegay in gaarista xabad joojin sida ugu dhakhsaha badan iyo dib u bilaabista wadahadalka ay tahay himilada guud ee bulshada caalamka.

    Shalay, Mareykanka iyo Iiraan ayaa diiday soo jeedin laba marxaladood ah oo ay Pakistan soo jeedisay oo ku saabsan xabbad joojin iyo furitaanka marin biyoodka Hormuz.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa shir jaraa'id ku sheegay, in waddankiisu "uu taageerayo dadaallada dhexdhexaadinta firfircoon ee Pakistan"

    Waqtiga kama dambaysta ah ee Donald Trump ee ah in Iiraan ay furto marin biyoodka Hormuz ayaa ku eg wax ka yar 24 saacadood gudahood, taas oo ah 3-da saq dhexe caawa.

    Sidoo kale akhri

  15. Tirada diyaaradaha uu Mareykanka ku waayay dagaalka Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, social media

    Mareykanka ayaa ilaa hadda dhowr diyaaradood ku waayay dagaalka Iiraan, sida laga soo xigtay falanqaynta sawirrada, hadallada rasmiga ah iyo warbixinnada warbaahinta Mareykanka.

    Warbaahinta CBS oo bahwadaag la ah BBC-da ayaa 5-tii bishii April soo wariyay iyagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah, in labo diyaaradood oo loo diray hawlgalka samatabbixinta iyo badbaadinta diyaaradda F-15E aysan awoodin inay ka duulaan saldhig fog oo ku yaal Iiraan.

    Tirada diyaaradaha Mareykanka uu ku waayay dagaalkan ayaa haatan lagu soo warramayaa inay gaarayaan ku dhowaad toban.

    Waxay soo sheegtay in diyaaradaha la burburiyay si looga hortago inay ku dhacaan gacanta cadowga.

    Sawirro la xaqiijiyay (oo ay ku jiraan kan kor ku xusan) ayaa muujinaya diyaarado burbursan oo qiiqaya oo ku yaala bartamaha Iiraan.

    BBC Verify, qaybbta xaqiijinta wararka ayaa weydiisatay khubaro inay falanqeeyaan burburka, si loo aqoonsado nooca diyaaradda.

  16. Sacuudiga oo qaaday tallaabo degdeg ah ka dib hanjabadii Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xiray buundada ugu weyn ee u dhaxaysa Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn si looga hortag wax kasta oo dhaca.

    Agaasimaha Guud ee Isgoysyada, Boqor Fahd, ayaa ku yiri farriin: "Dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee Buundada King Fahd waa la hakiyey si taxaddar leh".

    Buundada Boqor Fahd waa buundo iyo waddo isku xirta Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn oo dhererkeedu yahay 25 kiiloomitir.

    Ilo wareedyo ku sugan goobta ayaa maanta u sheegay wargeysa AFP, in weeraradii habeenkii ee Iiraan ay ku qaadday Sacuudi Carabiya ay bartilmaameedsadeen xarun batrool kiimiko ah oo ku taala aag warshadeed oo weyn oo dhinaca magaalada Jbeil ah.

    Weerarkan ayaa yimid saacado ka dib markii xarumo la mid ah oo ku yaal Assaluyeh la bartilmaameedsaday.

    Weerar ayaa sababay dab ka kacay warshadaha Saudi Basic Industries Corporation ee Jubail.

    Qaraxyadu aad bay u xoog badnaayeen," ayuu ilo- wareedku u sheegay AFP, isagoo tixraacaya Saudi Basic Industries Corporation.

    Sidoo kale akhri

  17. Iiraan iyo Mareykanka ma heshiin rabaan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Pakistan ayaa u soo bandhigtay Maraykanka iyo Iran hindise degdeg ah oo ah "tallaabada ugu dambaysa" si isla markiiba loo joojiyo dagaalka dibna loogu furo marin-biyoodka Hormuz, sida uu ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada dadban maanta u sheegay wakaaladda wararka Reuters. Wakaaladda Axios ayaa iyadana Axaddii markii hore sheegtay qorshe xabbad-joojin ah oo 45 maalmood ah, kaas oo loogu talagalay inuu noqdo wajiga koowaad ee heshiis laba-waji ah oo u gogol xaari doona wada-hadallo toos ah oo ballaaran si si joogto ah loo soo afjaro dagaalka.

    Pakistan ayaa diyaarisay qaab-dhismeedka lagu soo afjarayo colaadda waxayna u gudbisay Tehran iyo maamulka Trump habeenkii, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Reuters.

    "Dhammaan qodobbada waa in maanta lagu heshiiyo," ayay ilahan u sheegeen wakaaladda wararka.

    Ilaha ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, uu "habeenkii oo dhan" xiriir la lahaa Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff, iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi.

    Reuters ayaa sheegtay in soo jeedinta Islamabad ay ku baaqayso in xabbad-joojintu si degdeg ah u dhaqan gasho si marinka Hormuz dib loogu furo. Kadibna waxaa jiri doona 15 ilaa 20 maalmood oo labada dhinac ay ku dhamaystiraan heshiis ballaaran oo lagu soo afjarayo dagaalka.

  18. Askari darajada ugu sarreysa lahaa oo loo xiray dembiyo dagaal oo uu geystay

    Ben

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warameysa in Ben Roberts-Smith, oo ah askariga ugu darajada sarreeya dalka Australia, la xiray, waxaana lagu wadaa inuu wajaho dacwado ku saabsan dambiyo dagaal oo ka dhacay Afghanistan.

    Roberts-Smith, oo ka tagay Ciidanka Difaaca Australia sanadkii 2013, ayaa la sheegay in lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Sydney, waxaana lagu wadaa inuu maanta oo Talaado ah maxkamad uga soo muuqdo shan dacwadood oo dil ah oo ah dambi dagaal.

    Waxaa lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dilka dhowr qof oo reer Afghanistan ah oo aan hubaysnayn.

    Si kastaba ha ahaatee, halyeeyga 47 jirka ah ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha, isagoo hore ugu tilmaamay inay yihiin "kuwo aan la aqbali karin" .

    Sannadkii 2020, baaritaan weyn oo loo yaqaan "Warbixinta Brerton" ayaa helay caddayn "lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan dilkii sharci darrada ahaa ee ay ciidamada gaarka ah ee Australia ku dileen 39 qof oo ka dhacay Afgaanistaan, waxayna ku taliyeen in la baaro 19 askari oo weli shaqeeya iyo kuwo hore.

    Maxkamadda Madaniga ah ee Roberts Smith waxay ahayd kiiskii ugu horreeyay taariikhda oo maxkamad ay baareysay eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal oo ay geysteen ciidamada Australia.

    Isagoo is difaacaya, wuxuu sheegay in dilalka la sheegay ay u dhaceen qaab sharciga waafaqsan, ee iska horimaadyada militariga ama aysan haba yaraatee dhicin, laakiin racfaankiisa waxaa la diiday sannadkii hore.

    Booliska Federaalka Australia ayaa sidoo kale shir jaraa'id ku xaqiijiyay, in la xiray askari hore oo 47 jir ah, laguna soo oogay dacwad ah inuu toogasho iyo dil ku dilay maxaabiis aan hubaysnayn oo ku suganaa dalka Afgaanistaan ​​intii u dhaxaysay sanadihii 2009-kii iyo 2012-kii.

  19. Sida ay sirdoonka Israa’iil u soo xadeen xogta nukliyeerka Iiraan -warbixin hore

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxii sirdoonka Israa'iil ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ku qaadeen dalka Iran dagaalkii sanadkii hore dhex maray labada dhinac.

    Ninkan madaxda ka ahaa laanta sirddoonka Israa'iil ee Mossad, Yossi Cohen wuxuu sharraxaad ka bixiyay xog laga soo xaday barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

    Weerarkii lagu qaaday xarunta nukliyeerka Iran sanadkii 2018 waxaa Israa'iil loo daabulay tobonaan kun oo dokumentiyo ah oo la xiriira nukliyeerka Iran.

    Wuxuu sidoo kale ka hadlay kaalintii Israa'iil ay ku laheyd burburkii loo geystay warshadda nukliyeerka Iran ee Natanz iyo dilkii loo geystay seynisyahankii qaabilsanaa nukliyeerka.

    Yossi Cohen ayaa haatan howlgab ah, wuxuu shaqada ka tegay Juun 2022-kii.

    Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa Cohen u magacabaay madaxa Mossad sanadkii 2015-kii, wuxuu ku biiray sirdoonka 1982 kadib markii uu kasoo baxay jaamacadda London.

    Xilli uu la hadlayay barnaamijka Channel 12's Uvda wuxuu sheegay in intii uu ku dhex jiray shaqadan uu adeegsaday boqolaal baasaboor ah.

    Ra'iisul Wasaare Netanyahu ayaa 2018 soo bandhigay dokumentiyada keydka ah ee laga soo xaday Iran, wuxuu sheegay in uu hayo caddeymo ah in Iran ay isku dayeyso inay xoojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.

  20. War deg deg ah, Israa’iil: Dadka reer Iiraan, haa ku safrina tareen maanta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidanka Difaaca ee Israa'iil (IDF) ayaa soo saaray "digniin degdeg ah" oo aan horey loo ogeyn oo loogu talagalay dadka Iiraaniyiinta ah.

    Farrintan ayaa ah inaysan tareen ku dhex safrin Iiraan ilaa caawa fiidkii.

    "Muwaadiniinta sharafta leh, badqabkiinna awgeed, waxaan ka codsanaynaa laga bilaabo waqtigan ilaa 21:00 waqtiga Iiraan, inaad ka fogaataan isticmaalka iyo safarka tareenka ee guud ahaan Iiraan," ayuu yiri afhayeenka IDF, Lt. Col. (res.) Kamal Penhasi oo hadal soo saaray.

    "Raacidda tareenada iyo meelaha u dhow tareenada waxay noloshaada gelineysaa khatar," ayuu raaciyay.

    Shalay, Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca ee Israa'iil la faray inay "sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha Iran.

    Waxay digniinta ku soo beegantay ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu weerari doono bartilmaameedyada kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan oo dhan, haddii nidaamku diido inuu u oggolaado marin xor ah marinnada marinnada Hormuz.

    Saacadda uu Trump qabsaday waa saq dhexe caawa.

    Warbixinnada la soo saaray xalay, militariga Israa'iil waxay sidoo kale sheegeen inay dhammaystireen weeraro cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo "kaabayaasha dhaqaalaha ee Tehran" oo lala xiriiriyay nidaamka, ayna dileen dad ay sheegeen inay xubno ka ahaayeen Hezbollah.

    Dhanka kale, militariga ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen gantaallo ay Iiraan ku soo riday Israa'iil.

    Sidoo kale akhri