Maxaad ka ogtahay 8da marin-biyood ee ugu muhiimsan caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Walid Badran
- Role, Weriye BBC
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Marinnada iyo kanaallada biyuhu waxay ka mid yihiin sifooyinka juqraafiyeed ee ugu muhiimsan ee qaabeeya taariikhda ganacsiga caalamiga ah, waxayna gacan ka geysteen qaabeynta xiriirka caalamiga ah qarniyo badan. Wadooyinkani kaliya ma fududeeyaan marinka maraakiibta, laakiin sidoo kale waxay u taagan yihiin xakamaynta tamarta iyo badeecadaha u dhexeeya qaaradaha.
Ku tiirsanaanta ganacsiga badaha oo ah daabulida badeecadaha, muhiimada marin biyoodkan ayaa kor u kacay, iyagoo noqday xudunta muhiimka u ah nidaamka dhaqaalaha aduunka.
Marin-biyoodyadan oo door muhiim ah ka ciyaara isku xirka badaha ayaa dhanka kale qayb ka qaata yaraynta masaafooyinka badda, waxayna soo gaabiyaan wakhtiga iyo kharashka. Halkii laga shiraacan lahaa qaaradaha, kanaalada iyo marin biyoodyada ciriiriga ah waxay yareeyaan qiimaha badeecadaha waxayna fududeeyaan silsiladaha sahayda caalamiga ah.
Sidaa darteed, carqalad kasta oo ku timaada mid ka mid ah marin-biyoodyadaas waxay sababi kartaa carqalad weyn oo ku timaada suuqyada caalamka.
Muhiimadda marinnadan iyo waddooyinkan kuma koobna dhaqaalaha oo keliya, waxay kaloo astaan u yihiin awoodda siyaasadeed iyo tan milateri, maadaama dagaallo iyo colaado ay ka dhasheen waddooyin-badeedyadaas.
Marinka Hormuz

Marinka Hormuz oo ku yaalla inta u dhaxaysa Iiraan iyo Saldanada Cumaan, waa mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan adduunka, sababtoo ah meesha uu ku yaal juqraafi ahaan ayaa isku xirta Gacanka iyo Badweynta Hindiya. Goobtan ayaa muhiim u ah daabulka maraakiibta shidaalka ee ka imaanaya wadamada khaliijka ee suuqyada caalamiga ah galaya.
Ahmiyada dariiqaasi waxay ka timi iyada oo in ka badan boqolkiiba 20 shidaalka dunidu soo maraan. Carqalad kasta oo dhacdana waxay dhibaato ku keeni kartaa qiimaha saliidda adduunka.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in marin biyoodka laga xiray maraakiibta, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Mareykanka iyo Israa'iil, iyagoo si toos ah uga jawaabay weerarrada militari ee Iiraan lagu qaaday bishii Febraayo 2026.
Kanaalka Suweys

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kanaalka Suweys ee dalka Masar ayaa ah mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan caalamka, maadaama uu isku xiro badda cas iyo badda Mediterranean-ka, waana marin u dhexeeya Yurub iyo Aasiya oo aan loo baahnayn inuu dhex maro qaaradda Afrika.
Kanaalkan ayaa door muhiim ah ka ciyaara ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan maraakiibta shidaalka iyo gaaska, waana isha dhaqaale ee Masar.
Shaqada qodista kanaalka Suweys waxay bilaabatay 1859-kii intii lagu jiray xukunka gudoomiyihii Masar, Said Pasha, oo oggolaaday inay qoddo shirkad Faransiis ah oo uu hoggaamiyo Ferdinand de Lesseps.
Mashruucani waxa uu socday 10 sano ilaa laga soo gaaray si rasmi ah oo kanaalka loo furay 17-kii Nofember 1869-kii xiligii Khedive Ismail, xafladaas oo ahayd mid aad u balaaran oo caalami ah.
Madaxwaynihii Masar Jamal Cabdel Naasir 1956 go'aankii uu ku qarameeyay kanaalka ayaa horseeday duulaankii Masar 1956-kii, kaas oo ay ka qayb qaateen Ingiriiska, Faransiiska iyo Israa'iil, iyagoo isku dayay in la xakameeyo kanaalka.
Colaadda ayaa ku dhammaatay ka dib markii ay ka baxeen ciidamadii Israa'iil, Ingiriiska iyo Faransiiska oo cadaadis caalami ah saarnaa, halka kanaalka ay weli gacanta ku hayaan Masar.
Kanaalkan ayaa markii dambe loo xiray colaaddii Carabta iyo Israa'iil, dagaalkii 1967-kii, wuxuuna xirnaa sannado badan, gaar ahaan markii uu noqday goob dagaal oo toos ah, ka hor inta aan dib loo furin 1975-kii kaddib dhammaadkii dagaalkii Oktoobar 1973-kii.
Baabul Mandab

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Marinka Baabul Mandab ayaa isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed, wuxuuna u dhexeeyaa Yemen, Jabuuti iyo Eritrea. Waa albaabka koonfureed ee Kanaalka Suweys, waana mid muhiimad gaar ah u leh ganacsiga caalamiga ah.
Qayb weyn oo ah maraakiibta u kala goosha Aasiya iyo Yurub ayaa dhex mara, taasoo ka dhigaysa xuddunta gaadiidka ee silsiladaha sahayda caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee ciriiriga ayaa wajahaya caqabado dhanka ammaanka ah oo ay ugu wacan tahay xiisadaha ka taagan Geeska Afrika iyo Yemen, taasoo ka dhigaysa mid nugul. Sidaa darteed, dalalka awoodda leh ee adduunku waxay aad u jecel yihiin inay hubiyaan inay sii furnaato.
Xilliyo hore ayaa hanjabaado ay sameeyeen Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iiraan waxay sababeen hakad weyn oo ku yimid maraakiibta iyo kororka kharashka caymiska badda.
Iyadoo laga jawaabayo hanjabaadahaas, dhowr waddan oo Yurub ah ayaa abuuray ciidamo caalami ah oo loo yaqaan 'Operation Aspidis', ayadoo ujeedaduna tahay ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo hubinta xorriyadda socodka badda cas iyo Bab al-Mandab.
Hawlgalladooda waxaa ka mid ah gelbinta maraakiibta, la socodka iyo ka jawaabista hanjabaadaha, si kor loogu qaado ammaanka gobolkan muhiimka ah isla markaana yareynaya saameynta carqaladeynta ganacsiga caalamiga ah.
Marinka Gibraltar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marin-badeedka Gibraltar waxa uu u dhexeeyaa waqooyiga Morocco iyo koonfurta Spain, iyada oo dhinaca Yurub ee Gibraltar ay maamusho boqortooyada Ingiriisku, taas oo siinaysa UK joogitaanka istiraatiijiga ah ee marin-badeedkan muhiimka ah ee isku xira badda Mediterranean iyo badweynta Atlantic.
Muhiimada ay leedahay ayaa ah in ay noqoto marin muhiim ah oo isku xira Yurub, Afrika iyo Ameerika, taas oo ka dhigaysa xudunta ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ka qayb qaadanaysa isku xirka suuqyo badan iyada oo la marayo hal marin oo badda ah.
Ciriiriga ayaa sidoo kale leh muhiimad ciidan iyo mid siyaasadeed, taas oo ay ugu wacan tahay u dhawaanshaha ay u dhow dahay qaaradda Yurub. Isku dhacyadii ugu caansanaa ee la arkay waxaa ka mid ahaa kuwii la xiriiray xifaaltankii gumeystaha ee qarniyaal badan ka dhaxeeyay quwadihii waaweynaa ee reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska iyo Isbeyn.
Khilaafyada marmarka ah ayaa sidoo kale ka dhex dhashay Morocco iyo Spain kuwaasoo ku saabsan qaar ka mid ah jasiiradaha yaryar ee u dhow marinka, sida Leila Island (Tora). In kasta oo khilaafyadani aanay isu beddelin dagaallo waaweyn xilligan.
Kanaalka Panama

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kanaalka Panama waxa uu ku yaalaa dalka Panama waxaana uu isku xiraa badda Caribbean-ka (oo ah badweynta Atlantiga) iyo badweynta Pacific-ga, sidaas awgeed waxay soo gaabinaysaa marinka badda ee u dhexeeya bariga iyo galbeedka aduunka.
Kanaalka ayaa loo arkaa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee injineernimada, maadaama uu ku tiirsan yahay nidaamka injineernimada ee kor u qaadista iyo hoos u dhigista maraakiibta, taasoo u ogolaaneysa maraakiibta waaweyn inay isaga kala gooshaan labada badood, waxayna ka qeyb qaadatay in si weyn loo yareeyo waqtiyada safarka badda iyo kharashaadka gaadiidka.
Kanaalkani wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan gaadiidka u kala goosha Ameerika iyo Aasiya, waxaana dhawaan lagu sameeyay balaarin lagu kordhinayo awooddiisa si uu u daboolo kobaca ganacsiga caalamiga ah.
Shaqada marin biyoodka Panama waxa ay bilaabatay 1881 kii iyada oo hoos imanaysa qorshe Faransiisku waday oo uu hogaaminayay Ferdinand de Lesseps, markaas oo Panama ay ka tirsanayd Colombia. Si kastaba ha ahaatee, mashruucan ayaa istaagay oo ugu dambeyntii la joojiyay, ka hor inta uusan Maraykanku dib u bilaabin ka dib markii uu taageeray ka go'itaanka Panama ee Colombia 1903.
Kanaalka ayaa la dhammaystiray oo si rasmi ah loo furay Agoosto 15, 1914, intii lagu jiray madaxweynenimada Woodrow Wilson. Madaxweynihii Panama ee wakhtigaas waxa uu ahaa Belisario Porras Barahona, kaasoo xilka hayay intii u dhaxaysay 1912 ilaa 1916kii.
Markii la furay ka dib, Kanaalka Panama waxa uu maamulayay Maraykanka muddo tobanaan sano ah, taas oo keentay xiisado gudaha ah iyo mudaharaadyo waaweyn oo ka dhacay Panama, gaar ahaan dhacdooyinkii 1964-kii, oo ay isku dhaceen dad u dhashay Panama iyo ciidamada Maraykanka.
Sanadihii 1970-meeyadii, waxaa la gaaray heshiis lagu siinayo lahaanshaha Panama, oo markii dambe si rasmi ah loo gaaray 1999. Inkastoo uu dhammaaday khilaafkii madax-bannaanida, misna kanaalka ayaa weli wajahaya caqabado siyaasadeed iyo mid dhaqaale, kuwaas oo mararka qaarkood saameynaya hawlahooda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay in Panama ay maamusho kanaalka, isagoo sheegay inay tahay go'aan xun oo dhanka Mareykanka ah.
Marin biyoodka Malacca

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marinka Malacca oo ku yaalla inta u dhexeysa Malaysia iyo Indonesia waa mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka, iyadoo isku xirta badweynta Hindiya iyo badda Koofurta Shiinaha. Marinka ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha Bariga Dhexe iyo Bariga Aasiya.
Muhiimada ay leedahay waa ay caddahay maadaama ay tahay waddada ugu gaaban ee shidaalka iyo badeecadaha lagu geeyo waddamo waaweyn sida Shiinaha iyo Japan, taas oo ka dhigaysa qayb muhiim ah oo ka mid ah silsiladaha sahayda caalamiga ah, waddamo badan ayaana ku tiirsan waddadan si loo hubiyo socodka joogtada ah ee alaabta ceeriin iyo tamarta.
In kasta oo muhiimad dhaqaale leeyahay, marin-biyoodka Malacca waxa uu wajahayaa caqabado amni sida burcad-badeedda iyo ciriiri culus.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee la arkay waxaa ka mid ah faafitaanka burcad-badeedda markii hore intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2005, markaasoo marar badan lagu weeraray maraakiib ganacsi oo ku sugnaa qaar ka mid ah meelaha ugu xasaasisan ee marin biyoodka, taas oo keentay in dalalka gobolka sida Malaysia, Indonesia iyo Singapore ay xoojiyaan iskaashiga amniga iyo ilaalinta wadajirka ah.
Marinnada Bosphorus iyo Dardanelles

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marinka Bosphorus wuxuu ku yaalaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, wuxuuna kala qaybiyaa qaaradaha Aasiya iyo Yurub. Wuxuu isku xiraa Badda Madow iyo Badda Marmara.
Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa dhoofinta saliidda, gaaska iyo badeecadaha laga keeno dalalka Badda Madow ee la geeyo suuqyada caalamiga ah. Sidoo kale waa marin weyn oo ay maraan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga, waxaana Turkiga uu gacanta ku hayaa howlaha halkan ka socda si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah.
Marinka Dardanelles wuxuu sidoo kale ku yaalaa gudaha Turkiga wuxuuna isku xiraa Badda Aegean (taas oo qayb ka ah badda Mediterranean) iyo badda Marmara ee Turkiga.
Marinnada Turkiga waxa soo maray dhibaato ka dhalatay dagaalkii 1aad ee adduunka, markaasoo ciidamada Huwanta ay isku dayeen in ay qabsadaan si ay u furaan marin badeed ay maraan madaxdii Ruushka, balse ciidamada Cusmaaniyiinta ayaa u suurtagashay in ay iska caabiyaan weerarka mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa ee xilligaas.
Kanaalka Kiel

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kanaalka Kiel wuxuu ku yaalaa waqooyiga dalka Jarmalka gudaha gobolka Schleswig-Holstein,waxaana uu isku xiraa badda Baltic Sea iyo North Sea, taasi oo marin gaaban siinaya maraakiibta Yurub.
Kanaalkan ayaa ah mid aad looga isticmaalo gaadiidka badda ee gudaha Yurub, gaar ahaan inta u dhaxaysa dekedaha iyo warshadaha, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah taageeridda dhaqaalaha Yurub iyo fududaynta ganacsiga gudaha.
Mashruuca Qodista Kanaalka Kiel waxa uu bilaabmay sanadkii 1887-kii xiligii uu dalka xukumayay Kaiser Wilhelm I, waxaana la dhamaystiray oo si rasmi ah loo furay sanadkii 1895-tii xiligaasi oo uu dalka xukumayay Kaiser Wilhelm II, kaas oo kormeeray furitaankiisa.
Kanaalka waxa uu helay muhiimad ciidan intii lagu jiray labadii dagaal ee adduunka oo uu ahaa marin muhiim u ah maraakiibta badda ee Jarmalka, taas oo ka dhigtay bartilmaameedka ciidamada cadawga ee doonaya in ay carqaladeeyaan isticmaalkiisa iyaga oo isticmaalaya bam ama go'doomin.
Ka dib dagaalkii 1aad ee adduunka, kanaalka waxaa la saaray cunaqabatayn caalami ah oo hoos timaada heshiiskii Versailles, kaas oo amray in la furo, arrintaasoo hoos u dhigtay koontaroolka Jarmalka.
Goor dambe ayaa kanaalku wuxuu ku soo noqday madaxbannaanida buuxda ee Jarmalka, laakiin wuxuu sii ahaa mid ay Yurub isha ku hayso, ah muhiimadda uu u leeyahay badda awgeed, gaar ahaan xilligii dagaalkii qaboobaa.











