Iiraan ma waxay xiridda marin biyoodka Hormuz u beddeshay in ay dhaqaale ka samayso

Hurmuz

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iran oo bilowday 28-dii Febraayo 2026 weli wuu socdaa. Talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay iraan qaadday waxaa ka mid ah in Iran ay xirtay marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, iyadoo qaar ka mid ah maraakiibta lagu soo rogay lacag si ay uga gudbaan marin-biyoodkan muhiimka ah, halka Washington iyo Tehran ay jeediyeen hadallo is khilaafsan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadallada lala leeyahay Iran ay si wanaagsan u socdaan, inkastoo Tehran ay arrintaas beenisay, isla markaana uu diyaar u yahay inuu qaado weerarro waaweyn haddii Iran ay diido inay gasho heshiis.

Maraykanku wuxuu doonayaa in Iran ay ka tanaasusho barnaamijyadeeda gantaallada iyo hubka nukliyeerka isla markaana ay dib u furto marin-biyoodka Hormuz.

Iran ayaa xirtay Hormuz, waxay sheegtay in qorshaha xabbad-joojinta ee Maraykanka aanan la aqbali karin, waxayna dalbatay magdhow.

Sidoo kale waxay sii waday weerarradeeda ka dhanka ah dalalka Khaliijka, iyadoo ka jawaabeysa weerarrada lagu qaaday kaabeyaasheeda.

Dhammaan dalalka ayaa muujiyay mowqifyadooda, su'aashuna waxay tahay saameynta uu yeelan doono hardanka dhanka awoodda ee sii socda.

Hurmuz

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay yihiin tallaabooyiinka ay Iran qaaday?

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqay in marinka badda ee Hormuz la xiray, isla markaana qof kasta oo isku daya inuu maro uu wajihi doono "tallaabo adag", sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Iran waxay sheegtay in maraakiibta u kala goosha dekedaha dalalka ay u aragto inay taageerayaan "cadowgeeda" — Israa'iil iyo Maraykanka — aan loo oggolaan doonin inay maraan Strait of Hormuz.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba, ka hor tallaabadan, toddobaadkan Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in "maraakiibta aan cadowga ahayn" loo oggolaan doono inay maraan, haddii ay hoos yimaadaan kormeerka Iran.

Dhammaan maraakiibta lama canshuuro. IRGC ayaa sheegtay inay digniin siisay saddex markab, oo ay ku jiraan laba ay leedahay shirkad Shiine ah, inay ka fogaadaan marinka Hormuz, sida lagu arkay xogta dabagalka maraakiibta ee ay aragtay Reuters.

Xildhibaanno Iranian ah ayaa bayaan soo saaray iyagoo sheegay in la bilaabay in lacag laga qaado maraakiibta maraya Hormuz.

Xildhibaan Alaeddin Boroujerdi ayaa sheegay in maraakiibta laga qaadayo lacag gaareysa $2 milyan, isagoo tallaabadan ku tilmaamay "nidaam cusub oo is-maamul ah" oo ka dhashay saameynta dagaalka.

Sida ay sheegayaan warbaahinada Lloyd's List iyo Bloomberg, laba markab oo marayay Hormuz ayaa horey loogu soo rogay lacagtaas si ay si nabad ah ugu gudbaan.

Boroujerdi wuxuu intaas ku daray in Iran ay canshuurahan u adeegsato istaraatiijiyaddeeda dagaal.

"Maadaama dagaalku leeyahay kharash, waa inaan daboolnaa kharashaadka safarka," ayuu yiri.

Tani waxay muujineysaa in Iran ay u baahan tahay lacag si ay dib ugu soo kabato, xilli dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil uu si weyn u dhaawacay dalka.

Nidaam loo bixiyay "toll booth", IRGC waxay dhistay aag ay maamusho, gaar ahaan waqooyiga jasiiradda Larak, halkaas oo maraakiibta dalalka "saaxiibka" ah loo oggolaanayo inay maraan kaddib marka si adag loo baaro.

Iran si ula kac ah ayay lacag uga qaadaysaa maraakiibta si ay u muujiso awooddeeda, iyadoo xiisadda kala dhaxeysa Maraykanka iyo Israa'iil ay sii kordheyso.

Waxa muuqata in Iran ay isku dayayso inay dejiso nidaam u oggolaanaya inay si buuxda u maamusho marinka Hormuz — tallaabo laga yaabo in la sii wado xitaa dagaalka kadib.

Arrintan waxaa caddeyn u ah in baarlamaanka Iran uu bilaabay dejinta sharciyo lagu soo rogi doono canshuur rasmi ah maraakiibta maraya marinka Hormuz.

Baarlamaanka Iran ayaa ka shaqeynaya hindise sharciyeed lagu soo rogi doono lacag maraakiibta doonaya inay si ammaan ah uga gudbaan marinka Hormuz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Fars.

wakalada wararka Fars ayaa, iyadoo soo xiganeysa xildhibaan aan la magacaabin, sheegtay in heshiiskan la dhammeystiri doono dhawaan, isla markaana sharci ahaan la aqoonsan doono in gacanta Iran uu ku jiro marinka Hormuz.

Maxay Iiraan tallaabadan u qaaday?

Iran ayaa xirtay marin biyoodka Hormuz, waxaana ay dib u celisay qaar ka mid ah maraakiibta doonayay in ay maraan wadadaasi, halka kuwa kalena laga qaadayo lacago badan si loogu ogolaado in ay maraan.

Sababaha ku kalifay in Iran ay gaado talaabadan istaraatiijiga ah waxaa ka mid ah cadaadisyo siyaasadeed, dhaqaale, ciidan iyo kuwo kale oo ka dhashay dagaaladii Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa.

Sii kordhinta Saamaynta dagaalka

.

Xigashada Sawirka, Gallo Images via Getty Images

Iran waxay u adeegsanaysaa marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz sida hub culus maadaama marinku yahay mid aad muhiim ugu ah shidaalka caalamka taasi oo ay uga hortagayso Maraykanka iyo Israa'iil.

Tallaabadan waxay Iran gaarsiinaysaa meel ay ku kordhin karto saameynteeda, inkastoo ay wajahday weerarro wadajir ah oo kaga yimid Maraykanka iyo Israa'iil, kuwaas oo dhaawac weyn u geystay dalka—xitaa haddii dhaawacyadaas mar uun bogsadaan.

Iyadoo sidan samaynaysa, Iran waxay cadaadis saaraysaa dunida inteeda kale si loo dhageysto dalabaadkeeda, halkii la iska indho tiri lahaa ama loo arki lahaa dal aan qiimo lahayn.

Haddii Iran gaartay heer ay go'aankan qaadato, waxay muujinaysaa kalsooni sare, isla markaana laga yaabo inay aaminsan tahay inay uga jirto meel wanaagsan oo gorgortan ah—halkii ay ka isdhiibi lahayd ama u hoggaansami lahayd waxa ay ugu yeerto "cadowgeeda."

Sidoo kale, Iran waxay dooratay inay muujiso awooddeeda, iyadoo si cad u diiday jiritaanka wadahadallo toos ah oo ay la leedahay Maraykanka, isla markaana ay diiday qorshaha xabbad-joojinta ee Maraykanku soo jeediyay iyada oo loo marayo xulafadiisa.

Saameynta ay arrintan leedahay

Marinka Hurmuz

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tallaabada Iran ee ah inay xirto marinka Hormuz isla markaana ay bilowdo inay lacag ka qaaddo ayaa waxay ku qasabtay maraakiibta inay durba maraakiib badan inay beddelaan jidadkoodii ganacsi, iyagoo raadinaya waddooyin kale oo aad u dheer. Arrintan waxaa sii xoojiyay cabsi laga qabo hanjabaadaha Iran, maadaama iyadu keliya ay go'aaminayso cidda ay u aragto "saaxiib" ama "cadow."

Natiijadu waa kororka kharashaadka gaadiidka, sababtoo ah maraakiibtu waxay waqti dheer ku qaadanayaan badda marka loo eego sidii hore.

Marin biyodka Hormuz waxaa mara ku dhowaad 20% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida, balse dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran ayaa sababay hoos u dhac ku yimid wax soo saarka shidaalka. Tusaale ahaan, Iran waxay hoos u dhigtay wax soo saarkeeda ilaa 70%, halka Sacuudi Carabiya ay xirtay xarunteedii ugu weynayd ee wax soo saar sababo la xiriira weerarro.

Arrintan waxaa weheliya xasillooni darro sii kordheysa oo ka jirta gobolka.

Weerarrada Iran ee ka dhanka ah dalalka Khaliijka ayaa gilgilay warshadaha shidaalka, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in Maraykanku kordhiyo joogitaankiisa militari, kadib markii uu sheegay inuu ka fiirsanayo inuu diro ciidamo dheeraad ah iyo tallaabooyinka uu qaadi doono haddii heshiis la gaari waayo.

Waxyaabaha kor ku xusan waa kaliya muuqaal kooban oo ka mid ah saameynta sii fidaysa ee dagaalkan uu ku yeeshay dunida.

Caadiyan, maraakiibtu uma baahna oggolaansho Iran si ay u maraan Hormuz, balse dagaalka socda awgiis, waa shacabka caadiga ah ee ugu dambeyn dhibaatada ugu weyn la kulma.

Dalal qaar ayaa bixiyay lacag dhan $2 milyan si loogu oggolaado inay maraan Hormuz. Sidoo kale, maraakiib badan ayaa ku adkaan doonta inay ku kalsoonaadaan Iran, iyadoo la eegayo waxa ka dhacay dalalka Khaliijka.

Tani waxay muujinaysaa in dunidu weli ay horyaallaan caqabado waaweyn oo u baahan xal, kuwaas oo si siman u saameynaya dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ahba.