Baarlamaanka Israel oo ansixiyey sharci toogasho ku xukumaya Falastiiniyiinta dil geysta

Xigashada Sawirka, Reuters
Baarlamaanka Israel ayaa ansixiyay sharci dhigaya in dil toogasho ah oo lagu fuliyo Falastiiniyiinta lagu helo dambiyada weerarro dil sababay, kuwaas oo lagu maxkamadeeyo maxkamadaha militariga. Tani waxay fulinaysaa ballan ay hore u qaadeen xulafada midigta fog ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Sharcigan wuxuu khuseyn doonaa oo keliya dadka lagu helo dil kuwaas oo weerarradooda lagu sheegay inay ujeedadoodu ahayd “soo afjaridda jiritaanka Israel”. Dhaleeceeyayaashu waxay sheegayaan in sharcigu dil ku xukumi doono Falastiiniyiinta, balse uusan khusayn doonin Yuhuudda Israel ee gala dambiyo la mid ah.
Sharcigan ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah, iyadoo Israel horey loogu dhaleeceeyay rabshadaha sii kordhaya ee ay deganayaal Yuhuud ah ku hayaan Falastiiniyiinta Daanta Galbeed iyo dagaalka Gaza.
Sharcigu wuxuu dhigaya in xukunka daldalaadda lagu fuliyo 90 maalmood gudahood kadib marka xukunka la rido, inkastoo dib u dhac yar la oggol yahay, balse ma jiro wax cafis ah. Waxaa jirta ikhtiyaar xabsi daa’in ah, laakiin kaliya “xaalado gaar ah” oo aan la qeexin.
Israel waxay baabi’isay xukunka dilka ee dambiyada dilka ah 1954, qofkii keliya ee Israel dishay kadib xilligaas wuxuu ahaa Adolf Eichmann sanadkii 1962, kaas oo ka mid ahaa dadkii qorsheeyay xasuuqii Nazigu geysteen.













