Dagaalka Iiraan oo muujiyey in xeerarka dagaalka ee caalamiga ah ay burbureen

Daar ku taalla Tehran oo burburtay

Xigashada Sawirka, WANA via Reuters

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran, hanjabaadaha ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee dalka, iyo sidoo kale ficillada aargoosiga ah ee Tehran ee ka dhanka ah deriskeeda Gacanka Faaris, dhammaan waxay muujinayaan in xeerarka ay ku billowdaan, kuna sii huraan dagaalada caalamiga ah ay isbedeleen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay ugu yaraan labo jeer inuu u adeegsan doono "xoog adag oo adag" oo ka dhan ah xarumaha tamarta Iran. Toddobaadkii hore, wuxuu sheegay inuu "si nweyn u burburin doono " gaaska South Pars haddii Iran ay qaado tallaabo dheeraad ah oo ay kaga jawpaabayso weerarka goobaha tamarta Qatar.

Waxa uu sidoo kale waqti u qabtay, isagoo ka digay in haddii madaxda Iran aysan furin marin biyoodka Hormuz, uu Mareykanku "burburin doono warshado kala duwan oo Iran ah oo ay ugu horreeyaan kuwa ugu waaweyn."

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo nooca dagaalka, kaasoo cadaadis aan horay loo arag saaray nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan xeerarka.

Luis Moreno-Ocampo, oo ah dacwad oogaha koowaad ee maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa sheegay in nidaamka caalamiga ah uu yahay mid loogu talagalay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah, loogana hortago in dowladaha ay galaan dagaal marka laga reebo is-difaac ama ogolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu BBC-da u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran, sida uu qabo sharciga caalamiga ah, uu ka dhigan yahay "dambiyada gardarrada ah".

Mr. Moreno-Ocampo waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in hanjabaada Donald Trump ee ah in uu duqeeyo xarumaha tamarta Iran, sida weerarada Iran iyo Israa'iil ee kaabayaasha tamarta, aysan ku dhicin qaabka ujeedooyinka milatari ee sharciga ah.

Waxa uu falalkan barbar dhigay weeraradii uu Ruushka ku qaaday xarumaha tamarta ee Ukraine, taasoo keentay in saraakiisha Ruushka ay ku soo oogaan maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

"Kiisaska sida ficillada Ruushka ee Ukraine, ama ficillada Mareykanka ee Iran iyo Venezuela, dhammaantood waxay soo galayaan qaab-dhismeedka waxa loogu yeero 'dambiyada gardarrada ah'. Yacni, adeegsiga awood ciidan oo uu waddan ka soo horjeedo sharafkiisa iyo, madaxbannaanida dhuleed, ama madaxbannaanida siyaasadeed ee waddan kale," ayuu yiri.

"Hadda waxaan ka guurnay [Nidaamka ku salaysan qawaaniinta] una guurnay madaxbannaanida shakhsi ahaaneed; wax kasta oo uu maanta go'aansado madaxweyne Trump ayaa noqda xukunka. Adduunyada noocan oo kale ah maaha mid waarta".

Moreno Ocampo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Moreno Ocampo
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Aqalka Cad ayaa isagoo taa ka jawaabaya ku tilmaamay hadalka Mr. Moreno-Ocampo "wax lagu qoslo" wuxuuna ku dhawaaqay in Mr. Trump uu qaadayo "tallaabo adag oo uu ku ciribtirayo khatarta nidaamka qallafsan iyo argagixisada".

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa intaa ku daray in dilka dadka rayidka ah ee "gacanta Iiraan" ee gobolka ay muujineyso "muhiimadda ay leedahay tallaabada madaxweynaha".

Isaga oo ka jawaabaya welwelka laga qabo in weerarrada xarumaha tamarta Iiraan ay noqon karto dembi dagaal, Mike Waltz, danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa u sheegay CBS: "Marka aad haysato nidaam gacanta ku haya qayb weyn oo ka mid ah kaabayaasha muhiimka ah una adeegsata si ay u caburiso dadkeeda, weerarto deriskeeda una horumariso barnaamij nukliyeer ah oo xadgudub ku ah cunaqabateynta Qaramada Midoobay, kuwaas waa bartilmaameedyo sharci ah" ayuu yiri.

Mr. Moreno-Ocampo waxa uu ku nuuxnuuxsaday in weerarada Iiraan ay ku qaaday dalalka ay jaarka yihiin ee Gacanka Faaris, waddamada aan soo weerarin Iiraan, ay sidoo kale u aqoonsan yihiin "dambiyo gardarro ah" marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Maraykanka, Israa'iil iyo Iiraan ayaan xubin ka ahayn maxkamadda dambiyada caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Mr. Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay dhowr ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda, taasoo salka ku haysa baaritaanno ay hore ugu sameeyeen Maraykanka iyo Israa'iil.

Dad dagaalku qabsaday

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Luis Moreno-Ocampo ayaa sheegay in sida uu dhigayo qaanuunka Rome, kaas oo saldhig u ah aasaaska maxkamadda, "in si ula kac ah loo bar-tilmaameedsado rayidka ah ama waxayaabaha ay ku tiirsan yihiin… ee aan ahayn bartilmaameed military" sida lagu qeexay dambiga dagaalka.

Dabcan, haddii meelaha rayidka ah loo isticmaalo arrimo ciidan, waxaa laga yaabaa inay lumiyaan ilaalintooda sharciga ah, laakiin xitaa xaaladahan, weeraradu waa inay u hoggaansamaan mabaadi'da sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada, oo ay ku jiraan kala soocidda rayidka iyo ciidamada milatariga.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ka digaya in weerarada lagu qaado xarumaha korontada ee Iiraan ay saameyn xun ku yeelan karaan nolosha dadka rayidka ah, gaar ahaan iyadoo Iiraan ay horey u soo wajahday koronto la'aan, iyadoo marar badan korontadu ay lama huraan u tahay in biyaha la gaarsiiyo guryaha.

Iiraan ayaa sheegtay in ay beegsan doonto kaabayaasha tamarta iyo biyaha ee dalalka Khaliijka haddii uu Mareykanku qaado weerarkan. Mr.Trump ayaa laba jeer dib u dhigay fulinta hanjabaadiisa, waxaana uu sheegay in uu wadahadal kula jiro Iiraan, taas oo ay beenisay jamhuuriyada islaamiga ah.

Intii uu dagaalka socday, gantaallada ayaa sidoo kale ku dhacay meel u dhow xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan iyo Israa'iil. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay colaadda inay mareyso "marxalad khatar ah" wuxuuna ku baaqay in la xakameeyo.

Brian Finucane, oo ah qareenk hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa BBC u sheegay in haddii Donald Trump uu fuliyo hanjabaadiisa ka dhanka ah xarumaha tamarta Iiraan, "ay adag tahay in la arko sida weerarkan oo kale uu sharci u noqon karo, wuxuu diyaar u yahay inuu weeraro bartilmaameedyo aan si cad u ahayn bartilmaameedyo militari".

Duqeymaha cirka ee Israa'iil ayaa lala beegsaday dhowr xarumood oo shidaalka lagu keydiyo oo ku yaalla magaalada Tehran iyo nawaaxigeeda, taasoo keentay in dab xooggan iyo qiiq qaro weyn uu cirka isku shareeray.

Iiraan ayaa sidoo kale bartilmaameedsatay kaabayaasha tamarta ee Qatar, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Baxrayn, Kuwait, Cumaan, Ciraaq iyo Israa'iil. Hay'adda Tamarta Caalamiga ah ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 xarumo Tamar ah oo ku yaalla sagaal waddan uu soo gaaray burbur xooggan tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarrada Iiraan ay ku qaaday dalalka deriska la ah Khaliijka, balse dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in cambaareynta xadgudubyada Iiraan ee sharciga caalamiga ah ay lumineyso kalsoonida marka Mareykanka uu si cad isaga dhega tirayo xeerarkaas.

Brian Katulis, oo horey u ahaan jiray sarkaal ka soo shaqeeyey amniga qaranka ee maamulada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga, ayaa sheegay in hanjabaada Donald Trump ay timid "waqti aad xasaasi u ah, ayna jirto khatar haysata nidaamka caalamiga ah".

Waxa uu BBC u sheegay in hanjabaadaha iyo ficillada Mareykanka ee ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee Iiraan iyo Venezuela ay dirayaan farriinta ah "waxaad samayn kartaa wax kasta oo aad rabto. Sharciga kaymaha ayaa soo noqday. Dhab ahaantii, tani waa sii socoshada isbeddellada kuwaas oo horeyba u dardargelinayey nidaamka caalamiga ah".

Mr. Katulis waxa kale oo uu aaminsan yahay in awood la'aanta Mr. Trump uu ku dhisayo isbahaysi wax ku ool ah si loo sugo marin biyoodka Hormuz ay tahay natiijo toos ah oo ka dhalatay hoos u dhaca kalsoonida xulafadu ku qabaan Maraykanka.

Waxa uu intaa ku daray in dawladda Maraykanku ay qaabaynayso diblomaasiayad xoog ku salaysan.

Aqalka Cad ayaa diiday sheegashadaas. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in Mr. Trump uu dib u soo celiyay maqaamkii Mareykanka ee ahaa dalka ugu awoodda badan adduunka si uu isaga iyo xulafadiisa uga ilaaliyo khatarta Iiraan ee hubka Nukliyeerka ah.

Waxa uu intaa ku daray: "Madaxweynayaashii hore waxay 47 sano ku qaadatay inay ka hadlaan xakamaynta khatarta Iiraan, laakiin ma aysan qaadin wax tallaabo ah, taas beddelkeeda waxay sii wadeen xaaladda hadda jirta iyo u oggolaanshaha maamulkan argagixisada ah inuu ballaariyo awooddiisa wax burburinta".