Muxuu Imaaraadka Carabta u noqday bartilmaameedka Iiraan?

Warbaahinta qaar ayaa ku tilmaantay Imaaratka kan ugu ''guuldaraysi badan'' dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xilli dagaalka Iiraan uu galay toddobaadkiisii afraad, Imaaraadka Carabta ayaa noqday bartilmaameed muuqda oo ay Tehran si toos ah u beegsanayso. Iyada oo beddeshay istiraatiijiyadeedii oo markii hore ku koobnayd la dagaallanka Israa'iil, Iiraan waxay kumannaan diyaarado aan duuliye lahayn (drones) iyo gantaallo ku weerartay waddamada xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

Intii uu kacdoonkan socday, Tehran waxay fulisay hanjabaado hore oo ahayd inay beegsato saldhigyada Mareykanka ee gobolka, iyadoo si gaar ah diiradda u saartay Imaaraadka—arrin fariin toos ah u ah Washington iyo Israa'iil, oo xiriirkoodu ay la leeyihiin Abu Dhabi uu weli xooggan yahay.

Iyadoo ballaarinaysa baaxadda dagaalka, Iiraan waxay isku dayaysaa inay kordhiso kharashka dagaalka ee dhinacyada oo dhan, kuna qasabto waddamada Khaliijka inay cadaadis saaraan Mareykanka si uu u aqbalo xabbad-joojin.

Jawaab ahaan, Abu Dhabi waxay qaadatay hadal aad u adag oo ka dhan ah Tehran, iyadoo ku hanjabtay inay ku biiri doonto dadaallada uu hoggaaminayo Mareykanka ee lagu ilaalinayo Marinka Hormuz—tallaabo ka duwan siyaasaddeedii hore ee wadahadalka iyo deris-wanaagga.

Heerka weerarrada Iiraan ee Gacanka Faaris

Warbaahinta gobolka ayaa sheegtay in Iiraan si ballaaran u beegsanaysay waddamada Khaliijka, halkii ay Israa'iil diiradda saari lahayd, gaar ahaan labada toddobaad ee ugu horreeyay ee dagaalka.

Warbaahinta Al Jazeera ee Qatar ayaa tilmaantay in tirakoobka 11-kii maalmood ee ugu horreeyay muujinayo in "Isra'iil aysan ahayn bartilmaameedka koowaad ee Tehran," iyadoo Israa'iil lagu qaaday 433 weerar, halka waddamada Carabta ay la kulmeen 3,100 weerar.

Tirakoobyada kale waxay muujinayaan in Imaaraadka si ka badan waddamada kale ee Carabta loo beegsaday saddexdii toddobaad ee ugu horreeyay.

Mohammed Baharoun, madaxa Xarunta Cilmi-baarista Siyaasadda Dadweynaha ee Dubai, ayaa sheegay in sababta ay noqon karto in Tehran ay u aragto Imaaraadka "ugaarsiga ugu fudud" iyo "qaybta ugu horreysa ee silsilad dubnada."

Wuxuu yiri: "Hoggaanka Iiraan waxay rumeysan yihiin in haddii qaybtaan dhacdo, kuwa kale ay raaci doonaan."

Bartilmaameedyada gudaha UAE

Qiic dab uu ka muuqdo oo ka baxaya meel u dhow garoonka diyaaradaha Dubai, Isniin

Xigashada Sawirka, EPA

Tan iyo bilowgii dagaalka, Iiraan waxay weerartay goobo muhiim ah oo ku yaalla Imaaraadka, oo ay ka mid yihiin:

Warshadda gaaska ee Habshan

  • Beerta saliidda Bab
  • Saldhigga cirka ee Dhafra
  • Dekedda Fujairah iyo bakhaarada saliidda
  • Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai
  • Sidoo kale, qunsuliyadda Imaaraadka ee Erbil Ciraaq) ayaa lagu weeraray duqaymo diyaaradaha (drones)

Afhayeen u hadlay xarunta milatari ee Khatam al-Anbiya ayaa ugu baaqay dadka degan meelaha dadku ku badan yihiin inay ka fogaadaan "dekedaha iyo meelaha Mareykanka ku leeyahay gudaha UAE," isagoo sheegay in Iiraan ay xaq sharci ah u leedahay inay weerarto goobaha gantaallada Mareykanka ee Imaaraadka.

Iiraan waxay ku eedeysay UAE inay oggolaatay in dhulkeeda laga balse Imaaraadka waa ay beeniyeen arrintaas.

Saameynta dhaqaale

Washada Shidaalka Furajah oo qiic ka baxayo 14-kii Maarso

Xigashada Sawirka, Reuters

Imaaraadka, oo muddo dheer ahaa xarun dhaqaale casriga ah (digital) iyo mid warbaahineed oo gobolka ah, ayaa si weyn u saameysmay.

  • Suuqa saamiyada (ADGM Index) ayaa hoos u dhacay 42.11% bishii la soo dhaafay.
  • Dalxiiska iyo duulimaadyada ayaa si weyn u burburay sababo la xiriira xiritaanka hawada.
  • Garoomo dhowr ah oo Khaliijka ku yaal ayaa khasaaray boqolaal milyan oo dollar, iyadoo UAE ay ku weysay qiyaastii $95 milyan toddobaadkii ugu horreeyay.

Qaybta tamarta ayaa sidoo kale la saameeyay, iyadoo wax-soo-saarka saliidda UAE uu hoos uga dhacay kala bar, sababtuna ay tahay xiritaanka Marinka Hormuz.

Warbixin kale ayaa UAE ku tilmaantay halka uu gaaray "khasaaraha ugu weyn" ee dagaalka, iyadoo sumcaddoodii caalamiga ahayd ay si weyn u dhaawacantay.

Maxaa tallaabo ah oo ay Abu Dhabi qaadday?

Mas'uuliyiinta Imaaraadka ayaa isku dayaya inay ilaaliyaan sawirka guud ee dalka oo ah meel ammaan ah.

Madaxweynaha UAE, Mohammed bin Zayed, ayaa shacabka u sheegay in "wax walba ay hagaagsan yihiin" isla markaana dalka uu si buuxda ugu diyaar garoobay khataraha.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha guud ayaa dadka uga digay inay faafiyaan sawirrada iyo muuqaallada weerarrada. Qaar ka mid ah ajaanibta ayaa la xiray kadib markii ay faafiyeen xog la xiriirta weerarrada, waxayna wajahayaan xabsi iyo ganaax lacageed.

Saameynta xiriirka Imaaraadka iyo Iiraan

Tan iyo 2021, waxaa jiray calaamado muujinaya in xiriirka Abu Dhabi iyo Tehran uu soo hagaagayo, gaar ahaan kadib heshiiskii Iiraan iyo Sacuudiga ee 2023.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkan ayaa si weyn u dhaawacay xiriirka, wuxuuna sababay eedeymo iyo hanjabaado is-daba joog ah.

UAE ayaa xirtay safaaraddeedii Tehran, waxayna dib ugu yeeratay safiirkeedii kadib weerarrada Iiraan.

Inkasta oo ay jiraan baaqyo ku saabsan wadahadal, wararka qaar ayaa sheegaya in Sacuudiga iyo UAE ay ku dhow yihiin inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Iiraan—tallaabo halis gelin karta rajadii dib u hagaajinta xiriirka labada dal.