Hoggaamiye Afrikaan ah oo dadkiisa u sheegay inay iska illaawaan dimuqraadiyad

Hoggaamiyaha Burkino Faso ayaa waraysi uu siiyay talefishinka dowladda ku tilmaamay Dimuqraadiyada mid ''dhimasho badan leh'' ayna tahay shacabka Burkino Faso inay ''iska ilaawaan''
Captain Ibrahim Traore ayaa awoodda kula wareegay afgambi saddex sano kahor, waxaana uu sheegay in inta badan afrikaanka aysan u baahnayn dimuqraadiyad isaga oo aan faahfaahin intaas ka dheer bixin, waxaa uu intaa ku daray in Burkino Faso ay waddo gaar u ah oo samaynta arrintaasi ay leedahay.
Traore waxaa uu bilowgii ballan qaaday inay dib usoo noolayn doono dimuqraadiyada dalka dhaca Galbeedka Afrika, kahor inta uusan dhamaan xukunkiisa milatari.
Bishii Janaayo maamulka ayaa mamnuucay dhammaaan axsaabta siyaasadda taasi oo qayb ka ah qorshahooda ''dib u dhiska dalka.
''Dimuqraadiyada inaga ma lihin, dadku waa in ay iska ilaawaan arrinta dimuqraadiyada,'' ayuu Traore ku sheegay wareysiga uu bixiyay habeenimadii Khamiista.
''Eeg Liibiya, taas ayaa tusaale inoogu filan,'' ayuu yiri Traore oo 38 jir ah, kaasi oo isku tilmaamay hoggaamiye kacaan oo hor istaagay fikrada reer galbeedka.
Liibiya waxaa hoggaaminayay Colonel Mucamar Alqadaafi muddo ka badan 40 sano. Si kastaba ha ahaatee, Qadaafi ayaa dadka Liiyay siiyay guryo, waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah.
Waxaa la qabtay oo lagu dilay kacdoonka ay taageerayeen Galbeedka.
Tan iyo wakhtigaas dalkaasi dhaca Waqooyiga Afrika ayaa ku guul daraystay in doorashooyin laga qabto, waxaana uu u kala qaybsamay Laba kooxood oo iska soo horjeeda oo ay u dheer tahay tiro kale oo kooxo hubaysan ah.
''Mar kasta oo iyaga [awoodda reer Galbeedka] ay isku dayaan inay dimuqraadiyad ka sameeyaan caalamka, waxaa dhinac socda dhiig,'' ayu uku yiri Traore waraysiga.
Inkasta oo ay jiraan afgambiyo milatari sannadihii dhowaa, inta badan dalalka waxa ay qabteen doorashooyin haba lagu eedeeyo ku shubasho.

Xigashada Sawirka, TASS via Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tusaale ahaan, Gabon iyo Guinea, hoggaamiyayaasha awoodda ayay ku qabsadeen afgambiga milatari, waxaana ay doorashooyin ka qabteen dalalkooda ay labaduba ku guulaysteen.
Isaga oo ka hadlayay baabi'inta axsaabta siyaasadeed, Traore ayaa sheegay in uu u tixgaliyay kuwo kala qaybin abuuraya oo halis ah oo aan la jaan qaadi kari isbeddelka kacdoonka.
''Runtu waxa ay tahay, sida aynu khibrad ugu leenahay siyaasadaha Afrika ama ugu yaraan tan Burkino Faso siyaasiyiinta dhabta ah waa beenaalayaal iyo kuwo xan ka shaqeeya.'' Ayuu yiri.
Inkasta oo hoggaamiyaha Burkino Faso aanu sheegin nidaam badal noqonaya, hadana waxaa uu leeyahay ''Waxaynu leenahay nidaamyadeena. Ma doonayno in aynu miin guurino cid kale, waxaynu halkan u joognaa in aynu si dhammaystiran u beddelno nidaamyadii jiray.
Waxa uu adkeeyay muhiimada dhismaha nidaam cusub uu ku salaysan yahay madaxbanaani, wadanida iyo iyo abaabulka kacdoonka ay hoggaaminayaan odoyaal dhaqameedka iyo aasaaska jiridda hoose.
Waxaa kale oo wareysiga uu bixiyay uu ku adkeeyay muhiimada dhaqaalaha in milatari ahaan aad isku tiirsan tahay, sidoo kale shaqa adag, waxaa uu sheegay shaqada lix saac ama sideed saac aysan siinayn Burkino Faso inay ku gaarto dalalka hodonka ah.
Muddadii xil hayntiisa, Captain Traore waxaa uu dabagalay mucaaradka, warbaahinta iyo bulshada rayidka
Waxaa lagu eedeeyay dowladdiisa inay ciqaabtay kuwa isaga mucaarada, iyaga oo u diraya furimaha hore ee dagaalka mintidiinta.
Si kastaba ha ahaatee, Traore waxaa uu kasbaday taageerayaal badan oo guud ahaan qaarada Afrika, sabab la xiriirta aaminsanaanta Afrikaanimada iyo dhaleecayntiisa saamaynta reer Galbeedka.
Sida dalalka kale ee dariska ay yihiin ee Mali, Niger iyo Burkino Faso ayaa iyaguna xiriirkoodii dalalka galbeedka uu xumaaday.
Xilligii hore, dalalkaasi waxaa ay ku tiirsanayeen caawimaada Faransiiska ee la dagaalanka mintidiinta islaamiga oo iyagu dhibaato ku ahaa gobolkaasi. Dalalkaasi hadda waa ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Faransiiska.
Saddexdooda hadda waxa ay u jeesteen Ruushka, halkii ay beddellka ka sugi lahaayeen taageero milatari Faransiiska, laakiin weeraradii mintidiinta waa ay taagan yihiin.
Hay'adda la socodka xuquuqda aadana ee Human Rights Watch ayaa khamiistii warbixin ay soo saartay ku sheegtay in in ka badan 1,800 oo rayid ah lagu dilay Burkino Faso tan iyo intii uu hoggaanka dalkaasi la wareegay Ibrahim Traore.
Warbixinteeda Human Rights Watch ayaa ku tilmaantay saddex meelood laba mee loo dilalka ay gaysteen dowladda milatariga ee uu hoggaamiyo Captaine Ibrahim Traore iyo maleeshiyaadka isbahaysiga la leh iyo inta soo hartay oo ay gaysteen kooxaha mintidiinta islaamiga.












