Saraakiisha Turkiga oo baaritaano ku bilbaabay toogashada Istanbul
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ciidamo taagan aaga goobta uu shilka toogashada ka dhacay ee Istanbul
Wasiirka cadaalada Turkiga ayaa sheegay maanta oo Talaada ah
in ay bilaabeen baaritaanka shilka toogashada ee ka dhacay meel u dhow
qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul. Waxaa uu sheegay inuu dacwad oogoyaal u xil
saaray baaritaanka.
Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay saddex qof lagu dilay
toogashada goobta ku dhow safaarada qunsuliyada Israa’iil ee Istanbul.
Hal askari ayaa ku dhaawacmay, iyada dadka la toogtay ay ku
jiraan tuhmanayaasha.
Wakaalada wararka Reuters ayaa intaasi raacisay in aysan
jirin diblomaasiyiin Israa’iil oo haatan ku sugan Turkiga.
Toogashoay dad ku dhinteen oo ka dhacday Istanbul
Wararka ka imaanaya dalka Turkiga waxay sheegayaan in ay toogasho ay dad ku dhinteen ka dhacday magaaalada Istaanbul.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in 3 qof ay ku dhinteen laba askarina ay ku dhaawacmeen toogashada oo ka dhacday meel u dhow qunsuliyadda Israa'iil.
Wasaaradda cadaaladda ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu xaqiijinayo arrintan.
Weli faahfaahin badan lagama hayo sida uu weerrarka u dhacay.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Shiinaha oo ka hadlay dagaalka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha
ayaa rajo ka muujiyay in dhinacyada ku dagaallamaya Bariga Dhexe ay wadahadal ku
xallin doonaan khilaafaadkooda.
Afhayeenka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, ayaa hadalkan jeediyay
isagoo ka jawaabaya su'aal laga weydiiyay soo jeedinta xabad joojinta ee
Mareykanka oo ay Pakistan dhexdhexaadinaysay, isagoo sheegay in gaarista xabad
joojin sida ugu dhakhsaha badan iyo dib u bilaabista wadahadalka ay tahay himilada
guud ee bulshada caalamka.
Shalay,
Mareykanka iyo Iiraan ayaa diiday soo jeedin laba marxaladood ah oo ay Pakistan
soo jeedisay oo ku saabsan xabbad joojin iyo furitaanka marin biyoodka Hormuz.
Afhayeen u
hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa shir jaraa'id ku sheegay, in
waddankiisu "uu taageerayo dadaallada dhexdhexaadinta firfircoon ee
Pakistan"
Waqtiga kama
dambaysta ah ee Donald Trump ee ah in Iiraan ay furto marin biyoodka Hormuz
ayaa ku eg wax ka yar 24 saacadood gudahood, taas oo ah 3-da saq dhexe caawa.
Tirada diyaaradaha uu Mareykanka ku waayay dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, social media
Mareykanka ayaa ilaa hadda dhowr diyaaradood ku waayay dagaalka
Iiraan, sida laga soo xigtay falanqaynta sawirrada, hadallada rasmiga ah iyo
warbixinnada warbaahinta Mareykanka.
Warbaahinta CBS oo bahwadaag la ah BBC-da ayaa 5-tii
bishii April soo wariyay iyagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah, in labo
diyaaradood oo loo diray hawlgalka samatabbixinta iyo badbaadinta diyaaradda
F-15E aysan awoodin inay ka duulaan saldhig fog oo ku yaal Iiraan.
Tirada diyaaradaha Mareykanka uu ku waayay dagaalkan ayaa
haatan lagu soo warramayaa inay gaarayaan ku dhowaad toban.
Waxay soo sheegtay in diyaaradaha la burburiyay si looga
hortago inay ku dhacaan gacanta cadowga.
Sawirro la xaqiijiyay (oo ay ku jiraan kan kor ku xusan)
ayaa muujinaya diyaarado burbursan oo qiiqaya oo ku yaala bartamaha Iiraan.
BBC Verify, qaybbta xaqiijinta wararka ayaa weydiisatay
khubaro inay falanqeeyaan burburka, si loo aqoonsado nooca diyaaradda.
Sacuudiga oo qaaday tallaabo degdeg ah ka dib hanjabadii Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mas'uuliyiinta
Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xiray buundada ugu weyn
ee u dhaxaysa Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn si looga hortag wax kasta oo dhaca.
Agaasimaha
Guud ee Isgoysyada, Boqor Fahd, ayaa ku yiri farriin: "Dhaqdhaqaaqa
gaadiidka ee Buundada King Fahd waa la hakiyey si taxaddar leh".
Ilo wareedyo
ku sugan goobta ayaa maanta u sheegay wargeysa AFP, in weeraradii habeenkii ee
Iiraan ay ku qaadday Sacuudi Carabiya ay bartilmaameedsadeen xarun batrool
kiimiko ah oo ku taala aag warshadeed oo weyn oo dhinaca magaalada Jbeil ah.
Weerarkan
ayaa yimid saacado ka dib markii xarumo la mid ah oo ku yaal Assaluyeh la
bartilmaameedsaday.
Weerar ayaa sababay dab ka kacay
warshadaha Saudi Basic Industries Corporation ee Jubail.
Qaraxyadu
aad bay u xoog badnaayeen," ayuu ilo- wareedku u sheegay AFP, isagoo
tixraacaya Saudi Basic Industries Corporation.
Pakistan ayaa u soo bandhigtay Maraykanka iyo Iran hindise degdeg ah oo ah "tallaabada ugu dambaysa" si isla markiiba loo joojiyo dagaalka dibna loogu furo marin-biyoodka Hormuz, sida uu ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada dadban maanta u sheegay wakaaladda wararka Reuters. Wakaaladda Axios ayaa iyadana Axaddii markii hore sheegtay qorshe xabbad-joojin ah oo 45 maalmood ah, kaas oo loogu talagalay inuu noqdo wajiga koowaad ee heshiis laba-waji ah oo u gogol xaari doona wada-hadallo toos ah oo ballaaran si si joogto ah loo soo afjaro dagaalka.
Pakistan ayaa diyaarisay qaab-dhismeedka lagu soo afjarayo colaadda waxayna u gudbisay Tehran iyo maamulka Trump habeenkii, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Reuters.
"Dhammaan qodobbada waa in maanta lagu heshiiyo," ayay ilahan u sheegeen wakaaladda wararka.
Ilaha ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, uu "habeenkii oo dhan" xiriir la lahaa Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff, iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi.
Reuters ayaa sheegtay in soo jeedinta Islamabad ay ku baaqayso in xabbad-joojintu si degdeg ah u dhaqan gasho si marinka Hormuz dib loogu furo. Kadibna waxaa jiri doona 15 ilaa 20 maalmood oo labada dhinac ay ku dhamaystiraan heshiis ballaaran oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Askari darajada ugu sarreysa lahaa oo loo xiray dembiyo dagaal oo uu geystay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta
maxalliga ah ayaa ku warameysa in Ben Roberts-Smith, oo ah askariga ugu
darajada sarreeya dalka Australia, la xiray, waxaana lagu wadaa inuu wajaho
dacwado ku saabsan dambiyo dagaal oo ka dhacay Afghanistan.
Roberts-Smith,
oo ka tagay Ciidanka Difaaca Australia sanadkii 2013, ayaa la sheegay in lagu
xiray Garoonka Diyaaradaha ee Sydney, waxaana lagu wadaa inuu maanta oo Talaado
ah maxkamad uga soo muuqdo shan dacwadood oo dil ah oo ah dambi dagaal.
Waxaa lagu
eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dilka dhowr qof oo reer Afghanistan ah oo aan
hubaysnayn.
Si kastaba
ha ahaatee, halyeeyga 47 jirka ah ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha, isagoo hore
ugu tilmaamay inay yihiin "kuwo aan la aqbali karin" .
Sannadkii
2020, baaritaan weyn oo loo yaqaan "Warbixinta Brerton" ayaa helay
caddayn "lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan dilkii sharci darrada
ahaa ee ay ciidamada gaarka ah ee Australia ku dileen 39 qof oo ka dhacay
Afgaanistaan, waxayna ku taliyeen in la baaro 19 askari oo weli shaqeeya iyo
kuwo hore.
Maxkamadda
Madaniga ah ee Roberts Smith waxay ahayd kiiskii ugu horreeyay taariikhda oo
maxkamad ay baareysay eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal oo ay geysteen
ciidamada Australia.
Isagoo is difaacaya,
wuxuu sheegay in dilalka la sheegay ay u dhaceen qaab sharciga waafaqsan, ee
iska horimaadyada militariga ama aysan haba yaraatee dhicin, laakiin
racfaankiisa waxaa la diiday sannadkii hore.
Booliska
Federaalka Australia ayaa sidoo kale shir jaraa'id ku xaqiijiyay, in la xiray
askari hore oo 47 jir ah, laguna soo oogay dacwad ah inuu toogasho iyo dil ku
dilay maxaabiis aan hubaysnayn oo ku suganaa dalka Afgaanistaan intii u dhaxaysay sanadihii 2009-kii
iyo 2012-kii.
Sida ay sirdoonka Israa’iil u soo xadeen xogta nukliyeerka Iiraan -warbixin hore
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxii sirdoonka Israa'iil ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ku qaadeen dalka Iran dagaalkii sanadkii hore dhex maray labada dhinac.
Ninkan madaxda ka ahaa laanta sirddoonka Israa'iil ee Mossad, Yossi Cohen wuxuu sharraxaad ka bixiyay xog laga soo xaday barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Weerarkii lagu qaaday xarunta nukliyeerka Iran sanadkii 2018 waxaa Israa'iil loo daabulay tobonaan kun oo dokumentiyo ah oo la xiriira nukliyeerka Iran.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay kaalintii Israa'iil ay ku laheyd burburkii loo geystay warshadda nukliyeerka Iran ee Natanz iyo dilkii loo geystay seynisyahankii qaabilsanaa nukliyeerka.
Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa Cohen u magacabaay madaxa Mossad sanadkii 2015-kii, wuxuu ku biiray sirdoonka 1982 kadib markii uu kasoo baxay jaamacadda London.
Xilli uu la hadlayay barnaamijka Channel 12's Uvda wuxuu sheegay in intii uu ku dhex jiray shaqadan uu adeegsaday boqolaal baasaboor ah.
Ra'iisul Wasaare Netanyahu ayaa 2018 soo bandhigay dokumentiyada keydka ah ee laga soo xaday Iran, wuxuu sheegay in uu hayo caddeymo ah in Iran ay isku dayeyso inay xoojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Shalay, Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca ee
Israa'iil la faray inay "sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha
dhaqaalaha Iran.
Waxay digniinta ku soo beegantay ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu weerari doono bartilmaameedyada kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan oo dhan, haddii nidaamku diido inuu u oggolaado marin xor ah marinnada marinnada Hormuz.
Saacadda uu Trump qabsaday waa saq dhexe caawa.
Warbixinnada la soo saaray xalay, militariga Israa'iil waxay sidoo kale sheegeen inay dhammaystireen weeraro cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo "kaabayaasha dhaqaalaha ee Tehran" oo lala xiriiriyay nidaamka, ayna dileen dad ay sheegeen inay xubno ka ahaayeen Hezbollah.
Dhanka kale, militariga ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen gantaallo ay Iiraan ku soo riday Israa'iil.
Raysal wasaaraha dalka Qadar, Sheekh Maxamad bin Cabdulrahman
bin Jassim Al-Thani, ayaa sheegay inuu cambaareynayo wax kasta oo
bartilmaameedsanaya kaabayaasha bulshada intii uu socday wadahadal taleefan oo
uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araqchi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa baraha bulshada ku
sheegtay, in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xiisadaha socda iyo saameynta
ay ku leeyihiin gobolka.
Intii uu socday wicitaanka taleefanka, ra'iisul wasaaraha
Qatar, ayaa la sheegay inuu muujiyay diidmadiisa weerarrada Iiraan ee ay ku
qaadayso Qatar iyo dalalka kale ee deriska la ah, gaar ahaan kuwa "iska
ilaalinaya ama iska fogeynaya dagaalka".
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda,
"waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen in bartilmaameedsiga kaabayaasha
bulshada iyo kheyraadka dadweynaha aan la aqbali karin" waxayna dhan walba
ka cambaareeyeen dhaqanka noocaas ah.
Markabka Turkiga ee qodaya shidaalka oo laga filayo xeebaha Soomaaliya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay bilowdo howshii ugu horeysay ee shidaal qodista xeebaha, iyadoo maalinta Jimcaha la filayo in markab shidaal qodaya oo ay leedahay dowladda Turkiga uu soo gaaro xeebteeda.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii si guul ah loo soo gabagabeeyay sahanadii la sameeyey ee sanadkii hore ay sameeyeen markab cilmi baaris ah oo laga leeyahay dalka Turkiga.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire ayuu ku tilmaamay talaabadan ku wajahan wax loo arko shidaal qodiddii ugu horreysay inay tahay "guul taariikhi ah oo ku saabsan geeddiga tamar soo saaristeenna xeebaha... Bog cusub ayaa bilaabmaya".
Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in haddii lagu guuleysto qodista shidaalka, ay taasi furi doonto kaydka saliidda ee badda, isla markaana ay taageeri doonto dib u soo kabashada dhaqaalaha waddanka oo ay noqon doonto mid saamayn ku yeelata tamarta gobolka.
Markabka qodista shidaalka ee Shirkadda Shidaalka Turkiga, Çağrı Bey, ayaa ku guda jira howshiisii ugu horeysay ee caalami ah, isagoo ku wajahan biyaha Soomaaliya ee badda Carabta.
Madaxweynaha
Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay wiiqayso
dhammaan dadaallada lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe.
Erdogan
wuxuu sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono ka shaqaynta sidii loo gaari lahaa
xabad joojin inkastoo Israa'iil ay mowqifkeeda taagan tahay.
"Hadafkayagu
waa in dagaalkan sharci darrada ah, aan macnaha lahayn ee khasaaraha badan la
soo afjaro," ayuu yiri Erdogan intii lagu jiray shirkii toddobaadlaha ahaa
ee golaha wasiirada ee Ankara.
Erdoğan
wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu uu raadinayo dhammaan habab
diblomaasiyadeed, si uu u soo afjaro dagaalka, "isagoo u maleynaya in
haddii dagaalku sii socdo, uu ku faafi doono dalalka kale."
Turkiga ayaa
isku dayay inuu soo afjaro dagaalkan isagoo ku biiraya ciidamo kale oo
dhexdhexaadiyayaal ah, oo ay ku jiraan Bakistaan iyo Masar.
Shan iyo toban Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay geesteyn diyaaradaha aan duuliyaha lahay oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait xalay, sida ay saraakiisha Mareykanku u sheegeen hay'addda warbaahinta Mareykanka ee CBS News, taas oo BBC bahwadaag la ah.
Tirada askarta Mareylanka ee dhaawaca soo gaaray ayay CBS sheegtay inay gaarayaan 15
Inta badan dadka dhaawacmay ayaa durba dib ugu laabtay shaqadooda
Dadkan ayaa lasoo sheegayaa inuu gaaracay dhaawacyo fudud, waxa ayna dib ugu laabtayn hawlahooda, sida uu mid ka mid ah saraakiishu u sheegay CBS News,
Guud ahaan, 373 askari oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay tan iyo markii dagaalka Iran uu bilaabmay — kuwaas oo 330 ka mid ah ay dib ugu laabteen waajibaadkooda, halka shan ay weli qabaan dhaawacyo culus, sida uu afhayeen u hadlay US Central Command u sheegay CBS.
Sidee ayey ku waabariisanayaan waddamada Bariga dhexe?
Weerrada cirka ah ayaa weli soconaya, iyada oo ay Ciidamada Israa'iill ayaa ku dhawaaqayn in "mowjad” weerarro cirka ah oo ay ku qaadeen Iiraan, waxa ay sidoo kale, sheegeyn in nidaamkooda cirka uu qabtay hoobiyeyaal iyo gantaallo kaga yimid dhanka Iiraan.
Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa sheegtay in “daqiiqado ka hor, qaraxyo laga maqlay meelo ka mid ah Tehraan iyo Karaj,” oo ah xaafad ku taalla galbeedka caasimadda, inkasta oo aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.
waddamada Khaliijka sida Sacuudi carrabiya waxa uu sheegay in illaa iyo todobo gantaal uu qabtay nidaamka difaaca hawada dalkaasi, kuwaas oo bartilmaameed u ahaa gobolka Gobolka Bariga ku yaalla.
Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in difaacyada cirka ay qabteen oo ay burburiyeen toddobo gantaal oo ballistic ah oo loo soo ganay Gobolka Bariga, iyada oo xustay in haraaga gantaallada lagu qabtay meel u dhow xarumaha tamarta.
Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in weerarro cirka ah oo ay ku qaadeen Iiraan
Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabeen “mowjad” weerarro cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in soo jeedinta xabbad-joojinta ee ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah “aysan ahayn mid si wanaagsan u shaqeeneysa”.
Militariga Israa’iil ayaa kusoo qoray kanaalkooda Telegram: “Wax yar ka hor, ciidamada Israa’iil waxay dhammaystireen mowjad weerarro cirka ah oo ay beegsadayn, kuna burburiyeen qaar kamid kaabayaasha dhaqaalaha nidaamka Tehraan iyo meelo kale oo badan oo kamid ah dalka Iiraan”.
Trump oo Maraakiibta Ingiriiska ku eedeeyey 'shaqo yari'
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Maraykanka marka uu xalay warbaahinta la hadlayey waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Mareykanka hadda ka haysato wadahadallada ay tahay in mas'uuliyiinta Iiraan ay la xiriiri karin, Trump wuxuu intaas ku daray inuu aad uga niyad jabsan yahay dalalka Nato ka dib markii xulafadiisu ay diideen codsigiisii ahaa in ay ku biiraan howlgalka Iiraan. waxa uuna carrabka ku dhiftay inuu gaar ahaan aad uga niyad jabay UK.
"Waxay haystaan laba markab oo diyaaradeed oo duug ah oo burburay" ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maraakiibta Ingiriiska "aysan si deg deg ah u shaqeyneen".