Trump oo hanjabaad kulul u diray Iiraan kana dalbay inay furaan Marinka Hormuz
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay inay Iran la kulmi doono"Cadaab" uuna weerari doono warshada korontada ee Iiraan
Cumaan iyo Iiraan oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan Marinka Hormuz
Cumaan ayaa shaacisay inay la yeelatay kulan ay la qaadatay saraakiil Iiraan ah, kaas oo looga hadlay “hubinta maritaanka” ee marin-biyoodka Strait of Hormuz.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Muscat, khubaro ka kala socotay labada dhinac ayaa kulanka ku soo bandhigay “aragtiyo iyo soo jeedinno kala duwan,” waxaana Cumaan ay hadda dib u eegis ku sameynaysaa soo jeedimahaas.
Dhanka kale, Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ku biiraan “dadaal kasta oo uu hoggaaminayo Mareykanka” si loo “hubiyo ammaanka maraakiibta” ee marinkaas.
Anwar Gargash, oo ah la-taliye u ah madaxweynaha Imaaraadka, ayaa sheegay in weerarrada Iiraan ay ku beegsatay dalalka deriska la ah intii uu socday dagaalka ay “kaliya xoojiyeen mowqifka iyo saameynta Mareykanka iyo Israa’iil ee Bariga Dhexe.”
War deg deg ah, Ruushka oo Trump farriin u diray kadib hanjabaaddiisii
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov,
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa
Axaddii maanta ugu baaqay Maraykanka inuu “joojiyo hadallada hanjabaadaha ah”
si loo fududeeyo “dib ugu noqoshada wada-xaajoodyada,” intii lagu jiray
wicitaan dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Iran, Cabbaas Caraqji.
Hadalka Lavrov ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha
Maraykanka, Donald Trump, uu ku hanjabay inuu duqeyn doono kaabayaasha muhiimka
ah ee Iran haddii aysan dib u furin marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa war-saxaafadeed
ku sheegtay in “dhinaca Ruushka uu muujiyay rajo ku aaddan guusha dadaallada ay
wadaan dhowr dal oo lagu dejinayo xiisadaha ku gedaaman Iran, taas oo la
fududeyn karo haddii Maraykanku joojiyo luuqadda adag ee hanjabaadaha ah isla
markaana uu dib ugu laabto wadada wada-xaajoodyada.”
Labada wasiir ayaa sidoo kale ugu baaqay Washington inay
joojiso “weerarrada aan sababta lahayn ee sharci-darrada ah ee lagu qaadayo
kaabayaasha rayidka,” oo ay ku jirto warshadda korontada nukliyeerka ee Bushehr
ee Iran, halkaas oo ay ka shaqeeyaan khubaro Ruushka u dhalatay.
Sabtidii, Moscow ayaa bilowday daadgureynta 198 shaqaale
oo ka shaqeeya warshadda kadib markii agagaarkeeda lagu garaacay weerar ay
fuliyeen Maraykan iyo Israa’iil, kaas oo dilay mid ka mid ah shaqaalaha amniga,
sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.
Diyaaraddii ugu horreysay oo Maraykan leeyahay ee la xaqiijiyo in Iiraan soo ridday
Todobaadkii hore dhammaadkiisa diyaarado Maraykan ah oo ku sugnaa hawada dalka Iiraan ayey soo riday, waxaa la la'sanaa asrkartii la socotay diyaaraddaasi. ciidamada Maraykan ayaa sheegay in ay soo bad-baadiyeen, waxaana arrintaas mid “mucjiso ah oo guul weyn ah,” ku tilmaamay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Wuxuu arrintan u soo bandhigay caddeyn muujinaysa in Mareykanku gaaray “xukun buuxa oo hawada ah iyo awood sare oo ka jirta cirka Iiraan.”
Horey ayuu u sheegay in Iiraan aysan “waxba ka qaban karin” diyaaradaha Mareykanka ee ka hawlgala hawadeeda, hadal ay sidoo kale ku celcelisay Wasiirka Difaaca Pete Hegseth.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo tani ay guul u tahay Mareykanka, su’aasha weli taagan waa: sidee ayay Iiraan ugu suurtagashay inay soo rido diyaaradda F-15 markii hore?
Iiraan ayaa sheegtay in diyaaradda lagu soo riday nidaamyadeeda difaaca hawada, isla markaana ay “ka hortagtay” hawlgal badbaadin ah oo Mareykanku sameeyay kadib.
Warar ayaa tilmaamaya in diyaarado ku lug lahaa hawlgalka badbaadinta ay waxyeello ka soo gaartay rasaas fudud, halka sawirro la sheegay inay muujinayaan burburka diyaaradda lagu faafiyay internetka — taasoo Iran u soo bandhigtay guul.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadii Jimcihii waxay muujinaysaa in Iiraan ay wali awood u leedahay inay difaacdo hawadeeda, inkastoo awoodaas ay xaddidan tahay.
Tani waa markii ugu horreysay ee la xaqiijiyo in diyaarad milatari oo Mareykan ah lagu soo rido gudaha Iiraan intii uu socday dagaalkan, taasoo dhalinaysa walaac ah in aysan noqon doonin tii ugu dambeysay.
UK oo sheegtay in ay soo ridday diyaarado Iiraan leedahay
Xigashada Sawirka, PA Media
Qoraalka sawirka, .
Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo riday “dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo Iiraan leedahay” fiidnimadii caawa, sida ay ku sheegtay Wasaaradda Difaaca ee UK war cusub oo ay soo saartay.
Warbixintu waxay sheegaysaa in diyaaradaha dagaalka ee Typhoon iyo F-35 ay sii wadaan howlgalladooda difaaca ee ka socda Bariga Mediterranean-ka, Urdun, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay taageerayaan diyaaradaha shidaalka ku siiya hawada ee RAF Voyager iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Royal Navy Merlin iyo Wildcat.
Waxaa ay intaasi ku dareyn in “tallaabooyinka ay ciidanku ku ilaalinayaan ay weli marayso heerkii ugu sarreeyay,” isla markaana UK ay “si dhow ula shaqaynayso” saaxiibadeyda gobolka Khaliijka.
Muxuu kala yahay doorka laba shaqsi ee kaxeeya diyaaradaha dagaalka?
Xigashada Sawirka, USDOF
Qoraalka sawirka, Diyaarad dagaal
Diyaaradda dagaalka ee F-15E Strike Eagle waxaa wada
laba qof: duuliyaha oo fadhiya kursiga hore ee diyaaradda, kaas oo shaqadiisu
tahay duulinta diyaaradda, waxaa kale oo diyaaradda la saaran sarkaal kale oo
kan hubka riyada ama ku shaqada leh ridista hubka iyo duqeynta halka la doonayo.
In diyaaraddu ay ka shaqeeyaan laba qof oo ay shaqadoodu
kala qeybsan tahay waa mid muhiim ah marka xaalad dagaal la joogo, markastana
waa ay kooban tahay shaqada duuliyaha, balse sarkaalka niyaamyada hubka ku
shaqada leh ayaa shaqadiisu tahay;
Nidaamka uu ku shaqeenayo wuxuu hortiisa ku leeyahay afar
shaashadood, kuwaas oo uu ka maamulo, raadeyrka hawada, raadeyrka dhulka, nidaamka
duqeynta iyo hagidda duulimaadka heer hoose, meelaha loo baahan yahay. Qofkaan waxa
uu isticmaalaa qalabka bartilmaameedka si uu u helo bartilmaameedyo cusub, ama uu
u doorto bartilmaameedyo hore loo qorsheeyay.
Inta badan shaqadiisa ugu weyn waa inuu hubiyo in bamamka si
sax ah loogu dhaco bartilmaameedka iyo la shaqeynta ciidamada dhulka jooga ,
sidoo kale waa inuu hubiyo in hub kasta si sax ah loo diyaariyey ka hor inta
aan la isticmaalin
Sarkaalkan ayaa ah maskaxda ka dambeysa adeegsiga hubka ee
diyaaradda, iyo in weerarka si sax ah loo fuliyo, iyadoo duuliyaha uu kaliya diiradda
saarayo duulinta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi uu Axaddii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov, isagoo sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Ruushka gudaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo yareeyo xiisadaha.
Mar uu ka hadlayey xaaladda ka taagan marin-biyoodka Hormuz, Wang wuxuu sheegay in xal waara oo lagu xallin karo dhibaatooyinka maraakiibta ee marin-biyoodkan uu yahay in si degdeg ah loo gaaro “xabbad-joojin” iyo “xal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo qalalaasaha gobolka iyada oo loo marayo wadahadallo.”
Wadahadalka telefoonka ayaa yimid ka hor codbixin la filayo toddobaadka soo socda oo Golaha Ammaanka uu ka qaadi doono qaraar ay soo gudbisay Baxrain, kaas oo lagu doonayo in lagu ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee maraya ama ku dhow Hormuz.
Shiinaha ayaa marar badan ku celceliyay baaqa ku aaddan xabbad-joojin laga sameeyo Gacanka Faaris iyo guud ahaan Bariga Dhexe.
Taliska dhexe ee Maraykanka oo war soo saaray
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijyey in
ciidamada Mareykanka ay dhameystireen badbaadinta laba Ameerikaan ah ka dib
markii diyaarad dagaal laga soo riday maalintii Khamiista.
Bayaan ay soo saareen ayay ku yiraahdeen: "April
4-teeda, ciidamada Mareykanku waxay si guul leh u dhammaystireen soo
badbaadinta laba xubnood oo ka tirsan ciidanka Mareykanka kuwaas oo laga soo
saaray Iran, ka dib markii diyaaraddooda dagaalka ee nooca F-15E la soo riday
April 2-deeda xilli ay ku jireen hawlgal dagaal.
"Xubnaha adeegga waxaa lagu soo badbaadiyay hawlgallo
baaris iyo soo-badbaadin ah oo kala duwan oo si nabad ah lagu soo afjaray.
"Duqeymaha Mareykanka ee gudaha Iran way sii socdaan,
iyadoo ciidamada Taliska Dhexe ee Mareykanku ay burburinayaan awoodda nidaamka
Iran uu ku muujiyo awooddiisa ka baxsan xuduudihiisa."
War hadda ka soo kordhay Israa’iil
Xigashada Sawirka, MDA
Qoraalka sawirka, .
Afar qof ayaa ku
dhaawacantay magaalada Haifa ee waqooyiga Israa’iil ka dib weerar gantaal, sida
uu sheegay adeegga gurmadka degdegga ah ee dalkaas, Magen David Adom.
Waxay sheegeen in
dadkaas ay ku jiraan "nin qiyaastii 82 jir ah oo xaaladdiisu halis tahay,
kaas oo uu ku soo dhacay shay culus, iyo 3 qof oo dhaawacyadoodu fudud yihiin
kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay firirka iyo qaraxa."
Adeegga gurmadka
ayaa la wadaagay sawirradan laga soo qaaday goobta uu falku ka dhacay.
Xigashada Sawirka, MDA
Qoraalka sawirka, .
Booliiska Minneapolis oo ka warbixiyay xaaladda ilmihii ku dhex jiray gaarigii ay tuugadu xadeen
Xigashada Sawirka, CBS
Qoraalka sawirka, .
Muuqaal aad u naxdin badan oo la isla dhex maray baraha bulshada ayaa muujinaya hooyo walwalsan oo u cararaysa sidii ay u badbaadin lahayd ilmaheeda oo saddex bilood jira oo saarnaa kursiga dambe ee gaari nooca SUV ah oo la xaday.
Dhacdadan ayaa fiidnimadii Talaadada ka dhacday waqooyiga magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Waxay dhacday abbaarihii 8:07 fiidnimo ee Talaadadii, meel baabuurta la dhigto oo ku taal goob xannaano caruureed oo ku taal waqooyiga Minneapolis.
Muuqaallada amniga ee goobta xannaanada caruurtu ay siisay warbaahinta ayaa muujinaya koox dad ah oo ku socda waddada u dhow goobta qiyaastii 20 daqiiqo ka hor.
Markii ay hooyadu gashay gudaha xannaanada, iyadoo ka tagtay baabuurkeeda oo shidan, mid ka mid ah dadkii u muuqday inuu qayb ka ahaa kooxdaas ayaa keligii u socday dhanka baabuurka.
Diyaaraha wax duqeeya ee Maraykanka oo ka duulay UK
Qoraalka sawirka, .
Saddex diyaaradood oo nooca bambooyinka culus tuura oo loo yaqaanno USAF B-1b Lancer ayaa galabta
ka kacay saldhigga RAF Fairford ee Gloucestershire, iyadoo ay u dhowdahay inay u jihaysteen Iran.
Diyaarad kasta waxay awood u leedahay inay qaaddo tiro ka
mid ah hubka loo yaqaanno 'bunker busters' oo ah hubka loogu talagalay inuu
dalooliyo dhufeysyada dhulka hoostiisa ku yaalla.
Diyaaradaha noocoodu yahay B-52 iyo B-1b ayaa toddobaadyadii
la soo dhaafay ka duulayay halkaas si ay u weeraraan bartilmaameedyo iyagoo isticmaalaya isku-dhafka gantaallada
JDAM-ka iyo kuwa riddada dheer ee gantaallada cruise.
Diyaaradaha galabta kacay ayaa u muuqda inay ku jiraan
hawlgal socon doona 15 saacadood ama ka badan iyadoo dhowr jeer shidaal loogu
shubi karo hawada inta ay jidka ku jiraan iyo marka ay soo laabanayaanba.
Qoraalka sawirka, .
Trump oo sheegay “fursad wanaagsan” oo ku saabsan Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu
tixgelinayo “ burburin xooggan iyo inuu la wareego saliida” Iiraan haddii aan
dagaalka lagu soo afjarin si deg deg ah. sida uu u sheegay Fox News.
Laakiin waraysi uu siiyey wariye ka tirsan Fox News, Trump
ayaa sheegay in ay jiraan “fursad wanaagsan” oo heshiis lagu gaari garo berri .
“ Hadda ayey wadaxaajood ku jiraan” ayuu sheegay
Wax ka ogow inta jeer ee Trump waqti kama dambaysa u qabtay Iiran ee haddana waxka baddeley
Donald Trump ayaa
hadda ku celiyay hanjabaadihiisii ku aaddanaa Iiraan haddii aysan furin Marinka
Hormuz marka ay taariikhdu tahay 6-da Abriil. Intii uu dagaalku socday, wuxuu
dhowr jeer beddelay waqtiyo kama damabysa oo uu qabtay - halkan ayaana ku soo
koobnay
Waqtiga kama
dambaysta ah 2-aad: Labo
maalmood ka dib, wuxuu sheegay inay jireen "wadahadallo aad u wanaagsan oo
miro-dhal ah" oo dhex maray labada dal, wuxuuna dib u dhigay weerarada ka
dhanka ah kaabayaasha tamarta muddo shan maalmood ah.
Waqtiga kama
dambaysta ah 3-aad:
27-kii Maarso, Trump wuxuu sheegay inuu weerarka xarumaha tamarta dib u dhigayo
10 maalmood, isagoo fulinaya "codsi ka yimid dawladda Iran", taasoo
ahayd waqtiga kama dambaysta ah ee ugu dambeeyay ka dhigtay 6-da Abriil.
Digniinta 48-
saac ah: Shalay, iyadoo lagu
siqayo waqtiga kama dambaysta ah 6-da
Abriil, wuxuu ka digay in Iran ay u haransan tahay "48 saacadood" ka hor inta
uusan ku soo deyn "cadaabta oo dhan"
Hanjabaaddii
ugu dambaysay: Qoraal ay
ka buuxaan hadallo aad u kulul oo meel-ka-dhac ah, ayuu Trump maanta mar kale ku celiyay
hanjabaaddaas.
Trump oo hanjabaad kulul u jeediyey Iiraan
Digniin:
Qoraalka hoose waxaa ku jira kelmado aad u kulul oo aan la faafreebin, kuwaas
oo dadka qaar ay u arki karaan meel-ka-dhac.
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social soo dhigay qoraal ay ka
buuxaan aflagaaddo iyo hadallo kulul, isagoo ugu hanjabay dalka Iran inuu dib u
furo Marinka Hormuz.
Wuxuu sheegay
inuu beegsan doono kaabayaasha rayidka, isagoo u sheegay Iran inay "cadaab
ku noolaan doonaan" haddii aan la furin marinkaas muhiimka ah.
Qoraalkan ayaa
yimid ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee uu Trump u qabtay Tehran inay
marinkaas ku furto oo ku beegan Isniinta, kaas oo xirnaa tan iyo markii uu
dagaalku qarxay dhammaadkii Febraayo.
Halkan hoose
waxay ka kooban tahay hadallada aadka u kulul ee Trump.
Trump ayaa yiri:
"Talaadadu waxay Iran u noqon doontaa Maalintii Warshadaha Korontada iyo
Maalintii Buundooyinka si buuxda loo
gagabaynayo . Wax la mid ahna horay loo ma arag!!! Fur Marinka, bastaryahow- waallan, haddii kale
waxaad ku noolaan doontaan Cadaab - Madaxweyne DONALD J. TRUMP"
Cumaan oo shaacisay war cusub oo ku saabsan Iiiraan
Xayiraadda Iiraan ee Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta
caalamiga ah, ayaa keentay in qiimaha tamarta uu sare u kaco isla markaana
cadaadis sii kordhaya uu ku yimaado dhaqaalaha adduunka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa qoraal ay ku
baahisay barteeda X, ee horrey loo oran jiray Twiter ku sheegtay wasiir ku-xigeenada arrimaha dibadda ee
Iiraan iyo Cumaan ay kulan yeesheen si looga wada hadlo “xulashooyinka
suurtogalka ah ee hubinta maraakiibta inay si habsami leh u maraan” Marinka.
Kulank oo dhacay sabtidii sidoo kale waxaa ka qayb galay
khubaro ka socday labada dhinac, iyadoo la soo bandhigay “aragtiyo iyo
soo-jeedinno kala duwan,” sida ay wasaaraddu sheegtay.
Donald Trump ayaa digniin u diray in Teheran ay tahay inay
dib u furto marinka muhiimka ah ee
maraakiibta Isniinta, haddii kale ay wajihi doonto “Cadaab.”
Trump oo soo saaray fariin cusub oo ku saabsan duuliyihii la badbaadiyey iyo tallaabadii Iiraan
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa fariin cusub soo
dhigay bartisisa bulshada ee Truth Social, taas oo ku saabsan badbaadinta
sarkaalkii labaad ee ciidanka cirka Maraykanka. Waxay u dhignayd sidatan:
"Waxaan soo badbaadinnay xubin/sarkaal ka tirsan
shaqaalaha diyaaradda F-15, kaas oo dhaawac halis ah qaba, geesina ah, kana soo
saarnay meel aad u fog oo ku dhex taal buuraha Iiraan. Milatariga Iiraan waxay
wadeen baadi-goob xooggan, iyagoo tiro badan ah, aadna ayay ugu soo
dhawaanayeen. Isagu waa Korneel aad loo ixtiraamo.
"Noocaan weerar oo kale mar dhif ah ayaa la isku dayaa
khatarta ay u leedahay 'dadka iyo qalabka' darteed. Ma aha wax dhaca oo caadi
ah! Weerarkan labaad wuxuu yimid ka dib kii koowaad, halkaas oo aan ku soo
badbaadinnay duuliyihii iyadoo ay tahay maalin cad, taas oo iyaduna ahayd wax
aan caadi ahay, annagoo toddobo saacadood ku jirnay hawada Iiraan.
"Waa muujin CAJIIB ah oo geesinimo iyo karti leh oo ay
sameeyeen dhammaantood! Waxaan ku qaban doonaa shir jaraa'id Xafiiska Oval-ka,
aniga iyo Milatariga, maalinta Isniinta, saacaddu markay tahay 1:00 Duhurnimo.
Ilaahay ha barakeeyo GEESIYAASHAYADA MILATARIGA! Madaxweyne DONALD J.
TRUMP"
Warbaahinta Iiraan oo soo bandhigtay diyaaraddii laga burburiyay Mareykanka
Warbaahinta Iran ayaa shaacisay sawirro muujinaya burburka diyaarado lagu burburiyay intii lagu jiray hawlgalkii samatabbixinta ee duuliye-ku-xigeenka diyaaradda F-15E Strike Eagle.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, intii lagu guda jiray hawlgalkan, laba diyaaradood oo xamuul ah oo loo qorsheeyay inay qaadaan ciidamada gaarka ah iyo duuliyaha ayaa la kulmay dhibaatooyin. Sida uu qoray waregyska The New York Times, ciidamada Maraykanku waxay “burburiyeen laba diyaaradood oo naafoobay si looga hortago inay gacanta u galaan Iran.”
Sida uu sheegay saldhigga cirka ee Khatam al-Anbia Air Base, “diyaaradaha cadowga ee soo galay hawada ayaa lagu duqeeyay koonfurta Isfahan,” oo ay ku jiraan laba helikobtar oo nooca Black Hawk ah iyo diyaarad xamuul milatari oo C-130 Hercules ah."
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkii lagu soo helay duuliyaha Mareykanka
Waxaa sii caddaanaya in hawlgalkan samatabbixintu uu ahaa mid aad u adag oo ballaaran, kuna lug lahaa awood militari oo weyn oo Maraykan ah—boqolaal ciidamo gaar ah, iyo daraasiin diyaarado dagaal iyo helikobtarro ah oo loo diray raadinta.
CBS News ayaa sharaxday in duuliyahan—oo ahaa Weapons Systems Officer (WSO), kana fadhiya kursiga labaad ee F-15E Strike Eagle—uu ku dhaawacmay intii uu ka boodday diyaaradda (ejection) isagoo ku sugan koonfurta Iran.
Diyaaraddan la soo riday ayaa ahayd F-15E Strike Eagle-kii ugu horreeyay ee lagu soo rido dagaal muddo ka badan 20 sano.
“Wizzo”-ga, oo ahaa kornayl aan magaciisa la shaacin, wuxuu qabay dhaawacyo, balse waxaa la sheegay inuu awooday inuu socdo, isla markaana uu ka baxsado qabashada muddo ka badan hal maalin. Wuxuu watay oo keliya bastoolad.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanku ay adeegsadeen bambooyin iyo rasaas si ay uga fogeeyaan ciidamada Iran goobta uu ku sugnaa sarkaalka. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu dhacay iska horimaad toos ah oo dhexmaray ciidamada Iran.
Shan diyaaradood oo xamuul ah oo Maraykan ah ayaa loo adeegsaday hawlgalka, balse laba ka mid ah kama aysan kicin karin gudaha Iran. Sidaas darteed waa la burburiyay si looga hortago in la qabto.
War deg deg ah, Shilalkiii hore ee soo ridista diyaaradaha dagaalka Maraykanka
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Diyaarada dagaalka ciidamada Maraykanka ee qaybisa shidaalka Boeing KC-135. Lix kamid ah shaqaalaha milatariga Maraykanka ee diyaarada qaybisa shidaalka ayaa ku dhintay shilka bishii Maarso
Diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ay soo rideen ciidamada cadow
ah ayaa ahayd mid dhacdo dhif iyo naadir u dhacda, wax dhacay labo wakhti oo
kali ah tobanaankii sano ee aan soo dhaafnay.
Dhammaan shaqaalaha lixda ahaa ee saarnaa diyaaradda milatariga
Maraykanka ee qaybisa shidaalka ayaa lagu dilay shil ay qayb ka ahayd diyaarad
kale oo dagaal bishii Maarso 12, shilkaasi oo ka dhacay Galbeedka Ciraaq, sida
ay sheegtay CentCom.
Bishii April 7 2003, diyaarada dagaalka Maraykanka ee F-15
ee galayrka ayaa lagu soo riday Ciraaq howlgalka xorranta Ciraaq, taasi oo uu
ku dhintay duuliye Erec Das iyo sarkaalka William Watkins.
Diyaarada ayaa kasoo kacday saldhiga ciidamada cirka ee Al
Udeid ee Qadar si ay u samayso howlgal ada, iyada oo beegsanaysay meel ku dhow
Tikrit, Ciraaq, sida laga soo xigtay mareegta US Navy Memorial.
Diyaarada US A-10 Thunderbolt II ayaa la aaminsan yahay in
lagu soo riday caasimada Ciraaq ee Baqdaad bishii April 8, 2003, sida laga soo
xigtay ciidamada cirka Maraykanka. Duuliyihii ayaa si badqab leh loo soo
badbaadiyay, kahor inta aysan burburin.
Diyaarad kale oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay
Waqooyi-bari Liibiya bishii Maarso 2011. Afar diyaaradood oo dagaal iyo laba
helikobtar ayaa loo diray si ay usoo badbaadiyaan duuliyaha, sida ay
wakhtigaasi sheegeen ciidamada badda Maraykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in "cadaab dhan ay ku soo de'i doono" Iran haddii aysan heshiis gaarin, taasoo keentay in Iran ay uga jawaabto hadal la mid ah.
Afhayeen u hadlay milatariga Iran ayaa ka digay in gobolka oo dhan uu noqon doono "cadaab" haddii Mareykanka iyo Israa'iil ay sii wadaan kicinta colaadda.
Sabtidii, Iran waxay mar kale gantaallo ku garaacday dalalka Khaliijka, Ciraaq iyo Israa'iil, iyadoo burbur ka dhashay gantaallo la qabtay uu sababay khasaare.
Dhanka kale, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Iran ayaa raadinaya xubin ka tirsan shaqaalaha Mareykanka oo la la'yahay ka dib markii diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay (F-15) lagu soo riday koonfurta Iran Jimcihii. Duuliyihii waa la badbaadiyay, sida ay warbaahinta Mareykanku sheegtay.
Mas'uuliyiinta Iran ayaa ku boorrinaya muwaadiniinta inay helaan xubinta shaqaalaha ee la la'yahay isagoo "nool", waxayna u ballanqaadeen abaal-marin qofkii qabta.
Iran oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo baadigoobka ku jirtay
Warbaahinta dalka Iran ayaa ku warramaysa in ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, xilli ay baadi goob ugu jirtay diyaaradda la la’yahay.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa ku burburtay gobolka Isfahan ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay xafiiska xiriirka dadweynaha ee IRGC, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars.