TOOS, Xuutiyiinta Yemen oo qaaday weerar labaad oo gantaallo ah oo ay ku beegsadeen goobo militari oo Israa’iil leedahay.

Xuutiyiinta Yemen oo qaaday weerar labaad oo gantaallo ah oo ay ku beegsadeen goobo militari oo Israa’iil leedahay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay weerar labaad oo gantaallo ah oo ay ku qaadeen Israa’iil

    Kooxda fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay inay maanta fulisay weerar labaad oo ka dhacay qaybo ka mid ah koonfurta Israa’iil.

    Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidmada milatari ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in kooxda ay qaaday “duqeymo isdaba joog ah oo gantaallo cruise ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ” kuwaas oo lagu beegsaday “goobo militari oo muhiim ah” oo ay leedahay Israa’iil.

    Wuxuu intaas ku daray in weerarradu ay “isku beegmeen” kuwa ay fuliyeen Iran iyo Xisbullah , isla markaana ay “si guul leh u gaareen ujeeddooyinkooda.”

    Qoraalkan oo lagu daabacay akoonkiisa Telegram ayaa imanaya kadib warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil iyo Maraykanka oo ku saabsan wareeg labaad oo weerarro ah oo ay Xuutiyiintu qaadeen saacado kadib markii ay xaqiijiyeen inay rideen gantaalkoodii ugu horreeyay ee ay ku beegsadaan Israa’iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iran.

    Mar sii horreysay oo maanta, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal ka yimid Yemen.

  2. War cusub oo ka soo baxay Taliska Dhexe ee Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaan hadda aragnay war cusub oo ka yimid Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom) oo faahfaahinaya tirooyin muhiim ah oo ku saabsan howlgalka loogu magacdaray “OEF” oo ah hawlgalkooda militari ee ka socda Iran.

    Taliska dhexe ee Maryakanka waxay sheegeen in ay:

    • Beegsadeen in ka badan 11,000 bartilmaameed
    • Fuliyeen in ka badan 11,000 duulimaad dagaal
    • Waxyeelleeyeen ama burburiyeen in ka badan 150 markab oo Iran leedahay

    Warbixinta, Centcom waxay sidoo kale ku sheegtay in ciidamadeedu ay “beegsanayaan bartilmaameedyo si loo burburiyo qaab-dhismeedka amniga ee nidaamka Iran, iyagoo mudnaanta siinaya goobaha khatar degdeg ah keeni kara.”

  3. Isreal oo shaacisay tirada gantaallada ay Xisbullah ku garaacday 24 saac ee la soo dhaafay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Xisbullah ay gantaallo gaaraya 250 dhanka Lubnaan kaga soo riday 24-kii saac ee la soo dhaafay.

    Milatariga ayaa sharraxay in inta badan gantaalladan ay bartilmaameedsadeen ciidamada Israa'iil ee ka howlgala koonfurta Lubnaan, halka 23 oo keliya ay ka gudbeen xadka oo ay galeen dhulka Israa'iil.

    Mas'uuliyiinta militariga ayaa xaqiijiyay in howlgalladu ay diiradda saareen goobaha ciidamada ee ku yaal aagga xuduudda, iyada oo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo weyn oo ka dhashay weerarradan gudaha Israa'iil.

  4. Iiraan oo war ka soo saartay halka ay haleeshay duqayn ay Maraykanka iyo Isreal fuliyeen

    Xarun biyood oo aad u weyn kuna taalla dalka Iiraan ayey haleeshay duqayn ay fuliyeen Maraykanka iyo Isreal, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars ee dalkaas.

    Wakaaladda Fars, oo soo xiganaysa ku-xigeenka amniga iyo fulinta sharciga ee Gobolka Khuzestan, ayaa sheegtay in lala beegsaday kayd biyo oo dhan 10,000 mitir kuyuubik oo ku yaalla magaalada Haftkel ee galbeedka Iiraan.

    Wakaaladda wararka, oo xiriir dhow la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa sheegtay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo la soo wariyey, waxayna intaas ku dartay inay weli shaqaynayaan ilaha biyaha ee Haftkel.

  5. Dowladda Yemen ee uu caalamku aqoonsan yahay oo Iiraan ku eedeysay in ay dalka u soo jiiday colaad

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Rashad al-Alimi, oo madax ka ah Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen

    Xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay "isku dayga isdaba jooga ah ee Iiraan ay ku doonayso inay Yemen" iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ku soo jiidato colaadda "iyaga oo adeegsanaya maleeshiyaadkeeda argagixisada ah".

    Dhanka kale, Yemen waxaa hareeyay dagaalladii sokeeye oo sii socday 2015-kii markii kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ay kala wareegeen maamulka caalamku aqoonsanyahay, taasoo keentay in ay soo fara galiyaan xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayey ee uu taageeray Mareykanka.

    War qoraal ah oo uu soo saaray Golaha Hoggaanka Madaxtooyada, oo ka taliya magaalada dekedda leh ee Cadan, balse inta badan hawlgallada ka sameeya magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, ayaa lagu yiri "ku lug lahaanshaha maleeshiyada Xuutiyiinta ee difaaca taliska Iiraan" waxay muujinaysaa in Iiraan ay "ku riixayso wakiiladeeda inay furto wejiyo kale" si ay u yarayso cadaadiska siyaasadeed ee nafteeda saaran.

    Waxay ka digaysaa in tani ay uga sii dari doonto saboolnimada "xaaladaha bini'aadantinimo iyo tan nololeed... ee waddan horay u soo maray mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadanimo ee ugu xun adduunka".

    Xuutiyiintu waxay isu haystaan ​​inay qayb ka yihiin " dhidibka iska caabinta" ee ay Iiraan hoggaamiso ee ka dhanka ah Israa'iil, Maraykanka iyo guud ahaan Galbeedka - oo ay weheliyaan kooxaha hubaysan sida Xamaas iyo dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan.

  6. Gantaallo kusoo dhacay bartamaha Israa'iil

    Israel

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kuwani waa sawiradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday deegaanka Beit Shemesh ee bartamaha Israa’iil oo dhowr gantaal lagu dhuftay.

    God weyn ayaa ka sameysmay goobta uu gantaalku ku dhacay, iyadoo duqyentu ay waxyeelo u geysatay dhismayaal iyo baabuur iyo gurmadyo goobta ku sugnaa.

    Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in gantaaluha ku soo dhacday buuraha Judean ee u dhow magaalada Qudus ay ku dhaawacmeen 12 qof. Saraakiisha iyo mutadawiciinta ayaa sii wada inay ka hawlgalaan goobta, waxay sidaasi ku qoreen barta X.

    Wargeyska Times ee Israel ayaa sheegay in ciidamada cirka ee dalkaasi ay baaritaan ku sameyn doonaan fashilka ku yimid in lasoo rido gantaalka balaastikada ah ee saameynta ku yeeshay.

    Israel

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Israel

    Xigashada Sawirka, get

  7. Weerar ay Israa'iil ku dishay saddex wariye oo ka dhacay dalka Lubnaan

    Saddex wariye oo u dhashay Lubnaan ayaa lagu dilay weerar lala beegsaday baabuur ay Israa'iil ku lahaayeen koonfurta Lubnaan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Cali Shuceyb, weriyaha TV-ga Al Manaar – oo ah shabakad ay maamusho kooxda xagjirka ah ee Hezbollah – iyo weriyayaasha Al Mayadin Fatima iyo Mohamed Fetoni ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Jezzine.

    Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay "dambi cad" oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee ay tahay in saxafiyiinta la ilaaliyo xilliga dagaalka.

    Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay dileen Cali Shuceyb weerar ay fuliyeen, balse waxa ay ku eedeeyeen in uu ka tirsan yahay Xisbullah isla markaana uu isu ekeysiiyay wariye.

    Waa markii labaad oo Israa'iil lagu eedeeyo inay beegsanayso saxafiyiinta Lubnaan tan iyo markii uu dagaalka billowday.

    Toddobaadkii hore, Mohammad Sherri - oo ahaa soo jeedine caan ka ahaa TV-ga Al Manar - iyo xaaskiisa ayaa lagu dilay weerar qorsheysan.

  8. Qadar iyo Ukraine oo heshiis difaac kala saxiixday

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qadar iyo Ukraine ayaa kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah kaas oo labada dal u sahlaya in ay wadaagaan khibradda ka hortagga khataraha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Waa wareeggii ugu dambeeyay ee heshiisyo iyo wadahadallo uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu madaxda kula yeeshay booqashadiisa beenta ah ee Khaliijka toddobaadkan.

    Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Qadar, labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarka amni ee gobolka iyo dhinacyada ay isaga kaashan karaan. Kadib waxaa heshiis kala saxiixday taliyaha ciidamada qalabka sida ee Ukraine Lt Gen Andriy Hnatov iyo madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Qadar Lt Gen Jassim bin Mohammed Al-Mannai.

    Heshiisku wuxuu sahlayaa in la iska kaashado tignoolajiyadda iyo sidoo kale maalgashiga difaaca.

    Ukraine waxay doonaysaa inay taageero siiso dawladaha Khaliijka ee la soo weeraray bishii la soo dhaafay tan iyo markii dagaalka Iran uu billowday (Ukraine waxay ku faantaa khibraddeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn) laakiin sidoo kale waxay doonaysaa taageero dheeraad ah oo ka timaadda xulafada gacan ka geysan karta taageerada dagaalka ka dhanka ah Ruushka - xulafada leh dhaqaale iyo awood ay ku taageeraan Kyiv, gaar ahaan xilligan oo dareenka Mareykanka uu diiradda saarayo meelo kale hadda.

    Warar dheeraad ah:

  9. 'Waa been': Ukraine oo u jawaabtay Iiraan

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Goor sii horreysay, warbaahinta Iran ayaa sheegtay in la burburiyay bakhaar difaaca hawada Ukraine oo ku yaalla magaalada Dubai.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine, Heorhii Tykhyi, ayaa ku beeniyay warbixinta farriin uu u diray warbaahinta.

    "Waa been, si rasmi ah ayaan u beeninaynaa warbixintan, taliska Iran ayaa inta badan fuliya hawlgalladan been abuurka ah, ugamana duwana Ruushka arrintan," ayuu yiri.

    Waxa ay ku soo beegantay xilli uu madaxweynaha Ukraine Zelensky booqasho ku tagay dalal badan oo Khaliijka ah.

    Warar dheeraad ah:

  10. Turkiga oo ku baaqay dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iran

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka hadlay shirka caalamiga ah ee isgaarsiinta ee maanta ka furmay magaalada Istanbul

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa mar kale xaqiijiyay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu kaalin wax ku ool ah ka qaato xallinta dagaalka Bariga Dhexe, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.

    Waxa ay sheegtay in wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga iyo Iran ay ku wada-hadleen khadka taleefoonka oo uu wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi uga mahad celiyay dadaalka Ankara ee ay ku doonayso inay ku soo afjarto dagaalka ilaa hadda.

    Turkigu waxa uu ka mid ahaa waddamo habab dublamaasiyadeed u raadinayey sidii colaadda loo soo afjari lahaa.

    Mar sii horreysay, Pakistan waxay sheegtay in Turkiga - oo ay weheliyaan Sacuudi Carabiya iyo Masar - ay ka qaybgeli doonaan wadahadal ku saabsan xiisadda oo ka dhacaya Islamabad Isniinta.

    Turkigu waxa uu haystaa waddo jilicsan oo uu ku maro iskahorimaadkan - isaga oo xubin ka ah Nato, laakiin sidoo kale waxay jaar la yihiin Iran, oo ay wadaagaan xudduud in ka badan 300 mayl.

    Warar dheeraad ah:

  11. War deg deg ah, Laftagareen oo hadlay doorashadiisa kadib

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen

    Xigashada Sawirka, presidency.sw.so

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen

    Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay sameeyeen maamulka Koonfur Galbeed, ayaa mar kale loogu doortay Cabdicasiis Laftagreen inuu noqdo madaxweynaha Maamulkaasi.

    Khudbad uu jeediyay ayuu kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh: ''Madaxweynoow lacag aan bixiyay dad Soomaaliyeed ha uleyn, lacagta aad leedahay doorashadaan ku bixiyay, adigu maadan lahayn markii lagu dooranayay hal shilin maadan wadanin,'' ayuu yiri.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulka Koofur Galbeed ay muddooyinkii dambe xurguf dhex taallay ayaan ansixin doorashadan.

    WARAR DHEERI AH

  12. War deg deg ah, Imaaraatka iyo Ukraine oo yeelanaya iskaashi difaac kadib weeraradii Iiraan

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky (Bidix) iyo hoggaamiyaha UAE Maxamed Bin Zayed Al-nahyan

    Xigashada Sawirka, president.gov.ua

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky (Bidix) iyo hoggaamiyaha UAE Maxamed Bin Zayed Al-nahyan

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in iyaga iyo Imaaraatka ay yeelanayaan iskaashi dhanka difaaca ah si loo wajaho weerarada Iiran ee sida gaarka ah ula beegsatay gobolka, xilli uu socdo dagaalka Maraykanka-Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Zelensky ayaa baraha bulshada ka sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Imaaraatka Maxamed Bin Zayed Al-nahyan , ayna ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dhanka ammaanka iyo difaaca.

    Waxaa uu is-afagaradkan kusoo beegmay xilli Ukraine iyo Sacuudiga ay sidoo kale iska kaashanayaan dhanka ammniga hawada, taasi oo Sacuudiga ay kaga faa’iideysanayaan khibrada Kieve, waxaana kulankaasi uu ka dhacay Sacuudiga xilli uu madaxweynaha Ukraine booqday halkaasi.

    WARAR DHEERI AH

  13. Madaxda Pakistan iyo Iiraan oo wada hadlay iyo Islamabad oo cambaaraysay Israa’iil

    Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Shariif oo la sawiray horraantii sannadka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Shariif oo la sawiray horraantii sannadka

    Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo Khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Iiraan ayaa socday muddo hal saac ah.

    Warar diblomaasiyasadeed oo dheer oo kasoo baxay Pakistan ayaa ra’iisul wasaare Shehbaz Sharif uu ku sheegay inay wada qaateen wadahadal taeefon oo faahfaahsan madaxweynaha iiraan Masoud Pezeshkian horraantii maanta. Wadahadalka taleefon ayaa ku dhamaaday muddo hal saac ah, sida uu sheegay.

    Isaga oo ku qoraya barta X, Sharif ayaa yiri ‘’Waxaynu siinay madaxweynaha halka xaalka diblomaasiyadeed uu marayo’’. ayna ka shaqaynayaan in Maraykanka iyo dalalka gacanka ay ‘’fududeeyaam wadahadal iyo colaada oo meesha laga saaro’’.

    Pakistan waxa ay horray u soo bandhigtay martigalinta wadahadalada Maraykanka iyo Iiraan.

    Shariif waxa uu sidoo kale cambaareeyay duqaymaha Israa’iil ee Iiraan, waxaana uu garab istaag u muujiyay shacabka geesiyaasha ee IIraan’’ ayuu yiri.

    WARAR DHEERI AH

  14. Laftagareen oo la guddoon siiyay shahaadada musharax madaxweyne ee Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Laftagareen

    Xigashada Sawirka, Taleefishinka Koonfur Galbeed

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Laftagareen

    Maamulka Cabdicasiis Laftagareen ee Koonfur Galbeed ayaa si degdeg ah ku wada doorashada madaxda maamulkaasi, iyada oo isla maanta oo doorashada guddoonka ay dhacday uu qaatay madaxweynaha maamulkaasi shahaadada musharaxnimo.

    Waxaa isaga la qaatay shahaadada Wasiir ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xaaji Xasan.

    Waxaa ay kusoo beegmaysaa xilli Baydhabo iyo guud ahaan gobolkaasi laga dareemayo saansaan colaadeed, ka dib markii la sheegay ciidamo ka tirsan DFS oo gaaray Buurhakaba ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo.

    WARAR DHEERI AH

  15. Guddoomiye lagu doortay doorasho uu qabtay maamulka Koonfur Galbeed

    Dr Cali Siciid Fiqi

    Xigashada Sawirka, Taleefishinka Koonfur Galbeed

    Qoraalka sawirka, Dr Cali Siciid Fiqi

    Sida ay baahisay warbaahinta maamulka Koonfur Galbeed waxaa magaalada Baydhabo lagu doortay gudoomiyaha baarlamanka maamulkaasi, iyada oo ay ku tartameen Dr Cali Siciid Fiqi iyo Diini Sheekh Xasan.

    Dr Cali Siciid Fiqi oo ah dakhtar iyo diblomaasi ayaa muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda Somaaliya, iyada oo isla maamulka uu ka noqday guddoomiye Baarlaman.

    Fiqi ayaa sida guddiga doorashada ay sheegeen ku guulaystay 67 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Diini uu helay 14 cod.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulka Koofur Galbeed ay muddooyinkii dambe xurg dhex taallay ayaan ansixin doorashadan.

    WARAR DHEERI AH

  16. War deg deg ah, Haddii Xuutiyiintu weeraraan Badda Cas, xaalku waa sii xumaanaya – khabiir Bariga Dhexe ah

    Farea Al-Muslimi oo ah cilmi-baare ka tirsan Chatham House ayaa sheegay in ku lug lahaanshaha cusub ee Xuutiyiinta ee colaadda ay leedahay ‘’muhiimada aad u weyn,’’ maadaama ay ‘’ku fadhiyaan marin kale oo aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamiga ah’’ taas oo ah badda cas.

    Xuutiyiinta weli si cad uma aysan sheegin inay weerari doonaan badda cas, ayuu u sheegay barnaamijka Today ee BBC Radio 4.

    ‘’Waxaa laga yaabaa inay isku dayayaan inay iska ilaaliyaan weerar kale oo Maraykanku uu qaado.’’

    Sanadkii 2025, Donald Trump ayaa bilaabay olole duqeyn ah ‘’iyada oo ay ka qayb qaadatay boqortooyada Ingiriiska), si looga hortago weerarrada Xuutiyiinta ee gobolka.

    Waxaa wax laga weydiiyay sida ay u carqaladayn karto haddii la sameeyo xannibaado kale oo wax ku ool ah, iyada oo ay horay u jireen hanjabaado ka jira Marinka Hormuz, sida uu qabo Farea

    ‘’Waa riyo xun. Horay ayaynu ugu jirnay riyo xun, tanina waxay kasii dhigi lahayd mid kasii daran.’’

    WARAR DHEERI AH

  17. Koonfur Galbeed oo xildhibaano cusub dhaarinaysa

    Munaasabada dhaarinta xildhibaanada Koonfur Galbeed

    Xigashada Sawirka, Taleefishinka Koonfur Galbeed

    Qoraalka sawirka, Munaasabada dhaarinta xildhibaanada Koonfur Galbeed

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa wada dhaarinta xildhibaannada cusub ee maamulkaasi ee soo dooranaya madaxda uu madaxweynaha maamulku ugu sarreeyo.

    Tirada xildhibaannada lasoo xulay ayaa ku dhow ilaa 95 mudane.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulka Koofur Galbeed ay muddooyinkii dambe xurg dhex taallay ayaan ansixin doorashadan.

    WARAR DHEERI AH

  18. Madaxweyne Xasan ''Saxiix ayaan ka haynaa ragga aan is-hayno ee doonaya doorasho dadban''

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo isgacan qaadaya, May 2022

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo isgacan qaadaya, May 2022

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay siyaasiyiin qayb kala ahaa saxiixa doorashooyinka qof iyo cod, haddana dib uga laabtay oo doonaya doorashadii dadbanayd.

    ''Raga qaar aan is-haysano maanta, waxaan haynaa dokumenti uu ku yaalo saxiixooda oo labaatan heshiis ka badan ay galeen oo ku saabsan doorasho qof iyo cod ah, guddiga doorashada dhismihiisa iyo qaabka doorashada, wax walba laga hadlay oo lagu heshiiyay oo ay saxiixeen, Maanta waxay yiraahdeen maya maya doorashadii dadbanayd aan rabnaa''.

    Inaksta oo uusan xusin magaca siyaasiga haddana wuxuu hadalka madaxweynaha kusoo aadayaa xilli ay dowladda federaalka iyo maamulka Koofur Galbeed ay dhex taallo xurguf.

  19. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo xaqiijiyay weerar ay ku qaadeen Israa’iil

    Kooxda ay taageerto Iiraan ee Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay inay weerar ku ekeeyeen Israa’iil markii ugu horaysay tan iyo intii uu bilowday dagaalka ay wada qaadeen Maraykanka-Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Kooxda ayaa sheegtay inay ku rideen Israa’iil gantaalada balastiga ayna ‘’ku beegsadeen xarumaha milatari ee Israa’iil’’ waxaa ay jawaab celin u tahay weerarada lagu beegsaday Iiraan, Lubnaan, Ciraaq iyo dhulka Falastiiniyiinta.

    Waxaa ay intaas ku dareen in ay howlgaladooda soconayaan ilaa ‘’weerarada’’laga joojinayo dhammaan goobaha furimaha.

    Waxaa ay imaanaysaa ka dib markii ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil inay qabteen gantaalo laga soo riday dhanka Yemen.

    WARAR DHEERI AH

  20. Madaxweyne Xasan ‘’Doorasho dadban waa laga yimid’’

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad xarig Jarka wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoyska Dabka iyo Bakaaraha ayaa sheegay in doorasho dad badan wakhtigeedii soo dhamaaday ‘’Doorasho dadban waa laga yimid’’

    Waxaa uu intaa ku daray ‘’Doorasho dadban haddaad maqasho waa dad aan anigu leeyahay aan dambiil kusoo rito’’

    WARAR DHEERI AH