Dhaqaatiir muuqaal ka duubay haween dhalaya kadibna baahiyay oo shaqada kaga cayriyay

gettyimages

Xigashada Sawirka, gettyimages

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dowladda gobolka Punjab ee dalka Pakistan ayaa shaqada ka joojisay afar dhaqtar oo lagu eedeeyay in ay duubeen muuqaalka labo bukaan oo lagu sameynayo qalliinka dhalmada ee C-section iyagoo saaran masraxa qalliinka haweenka ee isbitaalka dowladda.

Dhacdadan ayaa ka dhacday cisbitaalka Lady Wellington, halkaas oo muuqaal ku wareegaya baraha bulshada uu muujinayo laba dumar ah oo qalliin lagu samaynayo. Weli ma cadda goorta la sameeyay muuqaalka, laakiin waxaa lagu wadaagay goobo kala duwan oo ay ku jirto barta X ilaa shalay, taasoo soo jiidatay falcelin xooggan oo ka timid dadka.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay xukuumadda Punjab, waxay muddo saddex maalmood gudahood ah ka dalbatay sharraxaad Dr. Uzma Hussain, oo ah madaxa qaybta haweenka ee isbitaalka.

Waxa ay sheegtay in dhakhaatiirta qaar lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen hababka C-section-ka ee lagu sameeyo bukaannada, taas oo aan ahayn oo kaliya xad-gudub halis ah anshaxa caafimaadka laakiin sidoo kale ka soo horjeeda sharafta bukaanka iyo heerarka xirfadeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhacdadan dayacaadda halista ah ay dhaawacday kalsoonida qaybta caafimaadka.

Muuqaalkan ayaa baraha bulshada ka dhaliyay dood ku saabsan xeerarka caafimaadka iyo badbaadada bukaanka Pakistan.

Waxaa xusid mudan in bishii Jannaayo dhammaan isbitaallada dowladda ee Punjab laga mamnuucay isticmaalka taleefoonnada gacanta ee shaqaalaha iyo dhaqaatiirta ka shaqeysa qeybta gargaarka degdegga ah.

Bukaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa ku jira muuqaalka?

Muuqaalka ayaa ka bilaabmaya qolka qalliinka, halkaas oo ay joogaan labo bukaan oo kala duwan oo saaran labo sariirood iyo kooxo dhaqaatiir ah oo ku hareeraysan.

Muuqaalkan oo sida muuqata lagu duubay taleefanka gacanta, ayaa dhaqaatiirtu xiran yihiin waji-xirka qalliinka, waxaana wejiyada bukaannada ku daboolan indho shareer.

Waxaa la maqlayaa in 'halkan uu ka socdo tartan dhammeystiran oo ku saabsan cidda ugu horrayn doonta qaybta, kaasoo u dhexeeya Dr. Ayesha iyo Dr. Tayyaba'.

Kadibna cod kale ayaa laga maqlay muuqaalka oo leh, "Dr. Isa ayaa noqon doona garsoore." Waxaa kale oo kt jira qosol.

Labada dhaqtar ee sameeyay muuqaalka ayaa markaa kaamirada isku soo jeediyay waxayna isu soo bandhigeen inay yihiin taageerayaasha dhaqaatiirta ku lugta leh 'tartanka'.

Dhammaadka muuqaalka, ayaa la maqlayaa cod leh, "degdeg, Caa'isha."

Ka dibna kaamirada ayaa loo soo dhaweeyaa bukaannada waxaana la arkayaa dhaqaatiirta qaliinka samaynaya. Inta lagu jiro waqtigan, waxaa sidoo kale la maqlayaa dhawaqa dhallaanka dhashay ee sida muuqata qaylinaya.

Pakistan

Xigashada Sawirka, Reuters

Shaqo ka cayrinta dhaqaatiirta iyo doodda baraha bulshada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu weriyay weriye Ehtesham Shami, xukuumadda Punjab ayaa shaqada ka joojisay afar dhaqtar oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhacdadaas, halka maamulaha cusbitaalka Dr. Farah Inam iyo madaxa qaybta dhalmada Prof. Dr. Uzma Hussain la weydiiyay inay kaga soo jawaabaan muddo saddex maalmood gudahood ah. Ogeysiis soo baxay ayaa lagu sheegay in dhaqaatiirta shaqada laga joojiyay ay ku xukumeen xeerarka iyo nidaamka caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka ee gobolka, Khawaja Salman Rafique, ayaa sheegay in dhacdooyinka noocan ahi ay ka dhigan yihiin "ku xad-gudubka anshaxa caafimaadka, meel-ka-dhac ku ah sharafta bukaanka iyo jebinta xirfadda, kuwaas oo si adag uga mamnuuc ah xeerarka dawladda iyo habraacyada (SOPs) cusbitaalka." Bayaan rasmi ah ayaa dhacdadan ku tilmaamay "tusaale culus oo ku saabsan dayacaadda gudashada waajibaadka rasmiga ah." Sida uu sheegay, waxay tani 'ka tarjumaysaa nidaam xumo baahsan iyo daldaloollo dhanka maamulka ah.'

Xoghayaha Caafimaadka Punjab, Azmat Mahmood, ayaa sheegay in tallaabo asluub marin ah lagu qaadi doono madaxda sare ee cusbitaalka haddii aan jawaab lagu qanco lagu soo gudbin muddada loogu talagalay.

Muuqaalkan ayaa dhaliyay dood ka dhalatay baraha bulshada ee Pakistan oo ku saabsan in dhakhaatiirta dalka lagu tababaro badbaadada bukaanka iyo anshaxa caafimaadka iyo in kale. Bar ka mid ah mareegta X (Twitter), isticmaale magaceeda ku sheegtay Dr. Mahira ayaa faallo ku bixisay in dhakhaatiirta dalka aan lagu tababarin arrintan. Waxay sheegtay in "aanan buugaagta qoraayaasha ajnabiga ah ka akhrin cutubyo badan oo ku saabsan anshaxa caafimaadka sababtoo ah kuma soo baxaan imtixaannadeenna." Waxay sheegtay in dhakhaatiir badani ay xeerarka anshaxa caafimaadka ka akhriyaan daraasado ay iyagu iskeed u sameeyeen ka dibna ay ku dhaqmaan.

Isticmaale kale oo barta X ah oo lagu magacaabo Dr. Abid Hussain ayaa yiri "Ilaalinta sharafta iyo khusuusiyaadka bini'aadanka waa inay noqotaa mudnaanta koowaad." Isticmaale kale ayaa tusaale u soo qaatay 'dunida sooma wadaagi kartid xitaa macluumaadka hadalka ah ee bukaanka adiga oo aan oggolaansho ka helin.' Dr. Ayub Chaudhry ayaa sheegay in haweenka la siiyo suuxdinta dhabarka xilliga qalliinka dhalmada (C-section), taas oo kabuubisa qaybta hoose balse bukaanku uu miyir qabo.

Qaar ka mid ah isticmaaleyaasha ayaa dalbaday in tallaabo adag laga qaado dhakhaatiirta. Tusaale ahaan, mid ka mid ah ayaa yiri, "Waxay muuqaal ka duubayaan qalliinkii ugu xasaasisanaa, iyagoo ku xaraabeysanaya oo soo dhigaya baraha bulshada. Haddii uu ahaan lahaa waddan ilbax ah, shatiga dhakhtarnimo ayaa lagala noqon lahaa."