Cabitaanka biyaha kulul aroortii hore ma u fiican yihiin caafimaadkaaga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaan ku arkay baraha bulshada muuqaal, waxaanan sii waday daawashada muuqaal ka dambeeya muuqaal kale… Markaas ayaan is iri, maxaa diidaya inaan isku dayo waxa la sheegayo."
Waxaa xusid mudan in isbeddelka ay qaadatay Maryam Khan oo 21 jir ah kadib markii ay ku aragtay baraha bulshada muhiimadda ay leedahay cabbidda biyo diirran.
Faa'iidooyinka cabitaanka biyo kulul ama diirran ayaa lagu xusay daawooyinka dhaqanka Shiinaha iyo Ayurveda kumanaan sano, balse kadib markii ay si weyn ugu faaftay baraha bulshada horaantii sanadkan, caadda dhaqameedkan waxay hadda gaartay dadka adduunka oo dhan ku nool.
Muuqaallo ay daawadeen leh malaayiin qof islamarkana ay dadka iskula wadaageen barta TikTok iyo Instagram oo wata calaamado sida "newly Chinese" iyo "China Mixing" ayaa inta badan muujinaya dhalinyaro ku bilaabaya maalintooda cabbidda biyo kulul, cunaya quraac kulul, isla markaana sameynaya jimicsi.
Laakiin su'aashu waxay tahay: caadooyinkan ma dhab ahaantii waxay hagaajin karaan caafimaadkaaga?
Aragtida daawada dhaqameed ee Shiinaha
Aaminsanaanta aasaasiga ah ee daawada dhaqanka, oo ay ku dhaqmaan malaayiin qof oo ku nool shiinaha, ayaa ah in tamar loo yaqaan "Qi" ay ku socoto jirka, marka socodka tamartan uu xirmo ama isu dheellitirka ka baxo, qofku wuu xanuunsadaa.
Kuwa aaminsan fikraddan waxay sheegaan in cabitaanka biyo diirran, oo heerkulkoodu u dhexeeyo 40 ilaa 60 darajo Celsius, uu kordhiyo maaddada"qi"-ga isla markaana uu ka caawiyo inuu jirka sii ahaado mid isku dheellitiran, taas oo keenta caafimaad iyo cimri dheer oo wanaagsan.
"U qaado sida guri oo kale," ayuu yiri Professor Shun O, oo cilmi-baaris ku sameeya daawada dhaqanka Shiinaha. Wuxuu sheegay in nidaamkan caafimaad ee dhamaystiran, cuntada qabow ay la mid tahay dabayl qabow oo guriga soo gasha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Fikirkan wuxuu sidoo kale la jaanqaadayaa talooyin kale oo ku jira daawada dhaqanka Shiinaha, sida xirashada kabo diirran marka guriga la joogo iyo in maalinta lagu bilaabo quraac kulul.
Maryam Khan, oo degan London isla markaana ah kaaliye sameysa naqshadaha dhismooyiinka, ayaa markii ugu horreysay ku aragtay isbeddelkan TikTok, waxayna goosatay inay qaadato daawada dhaqanka Shiinaha.
Waxay sheegtay inay ka faa'iiday inay maalinteeda ku bilowdo waxa ay shiinaha u yaqaanaan Tai chi, oo ka kooban inay sameyso dhaqdhaqaaq kooban oo isdaba-joog ah iyo qaadashada neefsasho qoto dheer. Waxay sidoo kale ka tagtay cabitaankeedii caadiga ahaa ee kafeega, iyadoo ku beddeshay biyo kulul.
"Waxaan hore u dareemi jiray lalabbo kadib marka aan qaato Kafeega subaxdii, balse ma fahmi jirin sababta. Kadib waxaan bilaabay inaan cabbo biyo diirran oo caadi ah, mararka qaarna ku daro reexaanta ama liin. Waxay ka faa'dey inay iga dhigto inaan dareemo firfircooni badan," ayay tiri.
Maxay dadku ugu jeesteen dawo dhaqameed?

Xigashada Sawirka, Maryam Khan
Dr Shyama Karola, oo ah agaasimaha ku-meelgaarka ah ee Xarunta Daawada Dhaqanka Adduunka ee World Health Organization (WHO), ayaa sheegtay in xiisaha dhalinyarada ee talooyinka nololeed ee dhaqanka Shiinaha ee internetka uu ka tarjumayo isbeddel cusub oo bulshada ku sii fidaya.
"Waxaa sidoo kale jiray daraasado lagu sameeyay dadweynaha Yurub. Daraasad laga sameeyay Germany ayaa muujisay in 70 boqolkiiba ama ka badan dadka ay isticmaalaan nooc ka mid ah daawada dhaqanka. Intaa waxaa dheer, dalal sida Shiinaha iyo Hindiya, tiradani waxay gaari kartaa in ka badan 90 boqolkiiba," ayay tiri.
Qaar ka mid ah dadka ma aaminaan daawada casriga ah, aragtidan ayaana sii kordhay tan iyo markii uu dhacay cudurka COVID-19. Sida laga soo xigtay daraasad Mareykan ah, kalsoonida lagu qabo dhakhaatiirta iyo isbitaallada ayaa hoos uga dhacday 70% sanadkii 2020 ilaa qiyaastii 40% sanadka 2024.
Qaar kale ma helaan fursad ay ku gaaraan daaweyn casri ah ama waxay u adeegsadaan daawada dhaqanka beddel jaban.
Sidoo kale, dadka qaar ayaa u jeestay daawada dhaqanka sababtoo ah waxay bixisaa daryeel gaar ah oo dhamaystiran. Caadooyin sida cabitaanka biyo diirran waxay noqon karaan bilow nidaam caafimaad oo xoogga saaraya isku dheelitirka maskaxda, jirka, iyo deegaanka.
Dad badan, dhaqamada bogsiinta noocan ah waxay sidoo kale leeyihiin macne qoto dheer oo dhaqan, ruuxi, iyo taariikheed.
Sida uu sheegtay Dr. Karola, "Khubaro badan oo daawada dhaqanka ah iyo bulshooyinka qabiilka ayaa sheegaya in aan isticmaaleynay kumanaan sano, isla markaana aan aragnay in ay faa'iido u leedahay dadka."
Xarunta Caalamiga ah ee Daawada Dhaqanka ee World Health Organization waxay sii wadaa inay dib u eegto caddeymaha si ay u bixiso hagitaan ku habboon oo loogu talagalay khubarada dajisa siyaasadahaiyo bukaannada.
Sida uu sheegay Dr. Crawola, tani waa hawl aad u adag, sababtoo ah hadda wax ka yar boqolkiiba 1 ee maalgelinta cilmi-baarista caafimaadka adduunka ayaa lagu bixiya cilmi-baarista daawada dhaqanka. "Waxaa jirta baahi loo qabo in la xoojiyo saldhigga caddeymaha adag ee arrintan la xiriira."
Khubarada WHO waxay sheegeen in bukaannadu ay la tashadaan dhakhtarkooda ka hor inta aysan qaadan daawada dhaqanka si loo hubiyo inay badbaado u tahay daaweyntooda.
Balse gaar ahaan ka waran cabitaanka biyo kulul?
WHO ma laha tilmaamo gaar ah oo arrintan ku saabsan, balse Crawola wuxuu sheegay in ay ku xiran tahay sida biyaha u kulul yihiin, inta aad cabto, iyo xaaladdaada caafimaad. "Wax walba waxay ku xiran yihiin caddeynta iyo dheellitirka."
Maxay cilmi-baaristu sheegtay?

Xigashada Sawirka, Prof Shun Au
Inkasta oo ay jirto caddeyn adag oo yar oo muujinaysa faa'iidooyinka cabitaanka biyo kulul, haddana cilmi-baaris ayaa tilmaamaysa in qaar ka mid ah hababka kale ee dhaqanka ay faa'iido yeelan karaan.
Tusaale ahaan, quraac kulul oo laga sameeyay waxyaabo dabiici ah ayaa laga yaabaa inay ka nafaqo badan tahay cunnada qabow.
Inkastoo aysan jirin caddeyn muujinaysa in cagaha qabow ay keenaan xanuun, haddana jirka oo la diiriyo waxay ka caawin kartaa hurdo fiican oo nasasho leh.
Daraasado yaryar balse rajo leh ayaa muujiyay in jimicsiyada dhaqanka Shiinaha sida nooca loo yaqaano Tai chi iyo Qigong ay ka caawin karaan kordhinta xoogga iyo dabacsanaanta jirka, isla markaana ay yareeyaan walbahaarka.
"Kuwa badan nolosheena maalinlaha ah, maskaxdeenu si degdeg ah ayay u shaqeysaa, jirkeena iyo maskaxdeenuna meel isku mid ah ma joogaan," ayuu yiri khabiirka daawada Shiinaha Shun Ao.
Wuxuu intaas ku daray, "Haddii ay noqoto meditation, qigong ama tai chi, dhammaantood waxaa loogu talagalay inay hoos u dhigaan xawaarahaas."
Dr. Brooks waxay aaminsan tahay in cabitaanka biyo diirran uusan lahayn faa'iidooyin caafimaad oo gaar ah, balse uu dhinaca maskaxda faa'iido ka yeelan karo.
"Waa nooc jadwal ah oo ku siinaya waqti aad naftaada siiso, taas oo inta badan aan ka illoowno nolosheena mashquulka badan," ayay tiri.
Maryam Khan sidoo kale waxay sheegtay in cabitaanka biyo kulul subaxdii ay u aragto fursad ay nafteeda waqti ku siiso, isla markaana ay aragtay saameyn togan oo ku saabsan caafimaadkeeda maskaxda.
"Waxaan u qaataa fursad aan ku dejiyo naftayda oo aan si miyir leh ugu bilaabo maalintayda," ayay tiri.










