Maxay tahay waxa uu ka digayo madaxweynaha Faransiiska ee ku saabsan dagaalka Iran

Xigashada Sawirka, Reuters
Horaantii maanta, lataliyaha amniga qaranka ee Iraq ayaa sheegay in weerar lagu bartilmaameedsaday guriga madaxweynaha Gobolka Kurdistan ee Iraq.
Qasim al-Araji ayaa sheegay in guriga madaxweyne Nechirvan Barzani ee ku yaalla Dohuk, waqooyiga Iraq, la beegsaday si ah “fal fulaynimo ah oo muujinaya koror halis ah iyo jebinta amniga iyo xasilloonida.”
Lama oga cidda fulisay weerarka lagu qaaday guriga Barzani, Iran ayaa ku eedeysay Maraykanka iyo Israel, halka Maraykanku uu eedda dusha ka saaray Tehran.
“Mudnaan waa in la siiyaa in la joojiyo in Iraq lagu dhex jiido qalalaasahan,” ayuu yiri madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kadib wicitaan uu la yeeshay Barzani.
Dhanka kale, weerar ka dhacay Kirkuk, waqooyiga Iraq, ayaa maanta dilay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda militari ee Popular Mobilisation Forces (PMF), sida ay sheegtay kooxdaasi.
PMF waxa ay qayb ka tahay ciidanka Iraq balse waxa ku jira qaybo taageersan Iran.
Intaa waxaa dheer, magaalada Mosul, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iraq, laba askari oo booliis ah ayaa lagu dilay weerar ay wasaaradda arrimaha gudaha ku eedeysay Maraykanka iyo Israel, sida ay werisay wakaaladda wararka AFP.

















