Sidee ciidamadan gaarka ah ee Maraykanku u fuliyeen hawlgalka badbaadinta ee Iiraan?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Warbixinno hordhac ah ayaa tilmaamaya in duuliyihii diyaaradda dagaalka ee F-15 ee Maraykanka ee lagu soo riday Iran la badbaadiyay. Haddii arrintan la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa mid ka mid ah hawlgallo badan oo "raadinta iyo badbaadinta dagaalka" ah oo Maraykanku sameeyay tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Sida ay sheegtay Bahwadaagta BBC ee Maraykanka CBS, howlgalka raadinta ee xubinta labaad ee shaqaalaha diyaaradda ayaa weli ka socda gudaha dalka Iran.

Hawlgallada badbaadinta dagaalka waa kuwo kamid ah kuwa ugu adag uguna xasaasisan ee militariga; waana hawlo ay ciidamada Maraykanka iyo xulafadoodu sanado badan ku qaateen tababar iyo diyaar-garow.

Maraykanka gudihiisa, cutubyo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka ayaa si gaar ah loogu tababaraa fulinta hawlgalladan, waxaana badanaa hore loogu sii diraa meelaha colaadaha ka dhici karaan, halkaas oo ay ka jirto halis ah in diyaarado la waayo.

Waa maxay hawlgalka raadinta iyo badbaadinta dagaalka?

Si fudud, waa hawlgallo militari oo lagu raadinayo oo lagu caawinayo, laguna samatabbixinayo askar dhibaataysan, oo ay ku jiraan duuliyayaasha diyaaradaha lasoo riday iyo askarta go'doonsan.

Si ka duwan hawlgallada samatabbixinta caadiga ah ee lagu sameeyo xaaladaha bini'aadantinimo ama musiibooyinka, kuwa dagaalka waxaa lagu qabtaa deegaan colaadeed ama muran uu ka taagan yahay.

Mararka qaarkood, sida hawlgalkii hadda ee laga soo sheegay Iran, waxay ka dhici karaan gudaha dhulka cadowga.

Hawlgalladan badanaa waxaa fuliya diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters), iyadoo ay taageerayaan diyaarado shidaal siiya iyo kuwo kale oo milatari oo duqeymo ama ilaalin hawada ah ka sameeya aagga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taliyihii hore ee ciidanka badbaadinta ee dalaayadaha ku booda ayaa CBS u sheegay in hawlgal la mid ah kan Iran uu u badan yahay inay ku lug yeeshaan ugu yaraan 24 badbaadiye oo ku shaqaynaya diyaaradaha Black Hawk.

Wuxuu sheegay in kooxdu diyaar u tahay inay ka boodaan diyaaradda haddii loo baahdo, marka ay dhulka gaaraanna mudnaanta koowaad ay tahay helidda iyo xiriir la sameynta qofka la waayay.

Haddii qofka la helo, ciidamada waxay siiyaan gargaar caafimaad, ka fogaadaan ciidamada cadowga, kadibna u dhaqaaqaan meel suurtagal ka dhigta badbaadinta.

Taliyaha ayaa intaas ku daray "Taasi waa waxa sida saxda ah loogu tababaray meel kasta oo adduunka ah. Waxaa loogu yeeraa 'qalabka Swiss Army Knife' ee Ciidanka Cirka."

Muuqaal la xaqiijiyay oo laga sii daayay Iran ayaa muujinaya diyaarado militari oo Maraykan ah iyo ugu yaraan hal diyaarad shidaal siineysa oo ka howlgalaysa gobolka Khuzestan.

Wakhtigu waa mid aad muhiim ugu ah hawlgalladan, maadaama ciidamada Iran ay sidoo kale isku dayayaan inay helaan qofka ama dadka Maraykanka ah.

Jonathan Hackett, oo ahaa khabiir hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Marines-ka Maraykanka, ayaa sheegay in kooxaha badbaadintu marka hore raadinayaan calaamado nololeed oo muujinaya halka saaxiibkood joogo.

Wuxuu yiri "Waxay isku dayayaan inay ka bilaabaan meesha ugu dambeysay ee qofka lagu arkay, kadibna balaariyaan raadinta, iyagoo tixgelinaya xawaaraha uu qofku ku dhaqaaqi karo xaaladaha kala duwan iyo dhulka adag."

Hackett wuxuu intaas ku daray in hawlgalladan mararka qaar ay noqdaan "hawlgallo soo kabasho oo gaar ah," iyadoo la kaashanayo xoogag maxalli ah oo hore loola xiriiray si ay u caawiyaan marka loo baahdo.

Wuxuu sheegay in koonfur-galbeed Iran ay deggan yihiin qowmiyadda Lor, kuwaas oo taariikh ahaan kasoo horjeeda dowladda jirta, islamarkaana laga yaabo inay caawiyaan shisheeyaha.

Taariikhda hawlgallada badbaadinta dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hawlgallada badbaadinta hawada ee dagaalka waxay leeyihiin taariikh dheer oo ka bilaabanaysa dagaalkii koowaad ee Adduunka, markii duuliyayaal ay si degdeg ah uhu degi jireen si ay u badbaadiyaan saaxiibadood.

Asalka kooxaha badbaadinta ee Maraykanka wuxuu soo bilaabmay 1943, markii laba kalkaaliye caafimaad ay u daateen Burma oo (Myanmar) loo yaqaan maanta si ay u caawiyaan askar dhaawac ah.

Sannad kadib, badbaadintii ugu horreysay ee helicopter ayaa dhacday markii sarkaal Maraykan ah uu badbaadiyay afar askari oo ka dambeeyay xariiqyada Japan.

Cutubyo rasmi ah oo badbaadin ah ayaa la sameeyay kadib Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, balse howlgalkooda casriga ah wuxuu si dhab ah u kobcay intii lagu jiray Dagaalkii Vietnam.

Hal hawlgal oo caan ah, Operation Beit 21, ayaa sababay burburka dhowr diyaaradood iyo dhimashada askar badan iyadoo la isku dayayay badbaadinta duuliye ku dhacay dhulka Vietnam ee Waqooyi.

Dagaalkii Vietnam wuxuu si weyn u kordhiyay baaxadda iyo kakanaanta hawlgalladan, wuxuuna dhidibada u aasay farsamooyinka casriga ah ee maanta la adeegsado.

Kooxaha badbaadinta ee Ciidanka Cirka Maraykanka

Inkasta oo dhammaan qaybaha ciidamada Maraykanku ay leeyihiin awood xaddidan oo ay ku fuliyaan hawlgalladan, Ciidanka Cirka ayaa leh mas'uuliyadda ugu weyn.

Hawshan waxaa inta badan qabta cutubyo loo yaqaan Pararescue Jumpers, kuwaas oo ka tirsan ciidamada gaarka ah.

Hal-ku-dhiggooda rasmiga ah waa: "Waxaan sameynaa arrimahan si kuwa kale u noolaadaan."

Shaqadoodu waxay ka tarjumaysaa ballanqaad dheer oo milatari: in aan askari lagu dayicin goobta dagaalka.

Askartan waxaa loo tababaraa inay noqdaan dagaalyahanno iyo badbaadiyeyaal isku mar, waxayna maraan mid ka mid ah tababarada ugu adag ee militariga Maraykanka.

Tababarkoodu wuxuu qaataa qiyaastii laba sano, wuxuuna ka kooban yahay:

Boodista hawada (parachuting)

quusidda (diving)

burburinta biyaha hoostooda

tababar badbaado, iska-caabin iyo baxsasho

iyo koorso badbaadinta rayidka ah

Waxay sidoo kale ay qaataan tababar caafimaad dagaal, hawlgallo adag oo soo kabasho, iyo isticmaalka hubka.

Inta hawlgalku socdo, waxay ku shaqeeyaan hoggaanka saraakiil badbaadin oo qorsheeya, isku dubbarida, isla markaana fuliya hawlgallada.

Hawlgallo casri ah

Kooxaha badbaadintu si weyn ayaa loo adeegsaday dagaalladii Iraq iyo Afghanistan, iyagoo fuliyay kumannaan hawlgallo si ay u badbaadiyaan askar Maraykan ah iyo xulafadooda.

Sannadkii 2005, waxay ka qeyb qaateen badbaadinta askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Marines-ka oo ku dhaawacmay Afghanistan, dhacdo markii dambe laga sameeyay filimka Lone Survivor.

Hawlgallada badbaadinta duuliyeyaasha lasoo rido ayaa noqday kuwo dhif ah sanadihii dambe.

1999, duuliyihii diyaaradda F-117 ee lagu soo riday Serbia ayaa la helay lana badbaadiyay.

Sidoo kale 1995, Bosnia, duuliye Maraykan ah oo la oran jiray Scott O'Grady ayaa lagu badbaadiyay hawlgal wadajir ah kadib markii uu lix maalmood ka dhuumanayay cadowga.