Sidee u dhacday badbaadintii askarigii Mareykanka ee saarnaa diyaaraddii Iiraan soo ridday?

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada Maraykanka ayaa soo badbaadiyay mid ka mid ah askartii saarneyd diyaarad ay soo rideyn ciidamada Iiraan, kadib hawlgal habeenimo dhacay oo ahaa mid adag.
Faahfaahinta saxda ah weli si buuxda looma oga, balse hawlgalkii lagu soo samatabbixinayay isaga oo ku sugan meel fog oo gudaha Iiraan ah wuxuu ahaa mid aad u adag oo isku xirnaan badan.
Boqolaal ka tirsan ciidamada gaarka ah, iyo sidoo kale tobanaan diyaarado dagaal iyo helikobtaro Mareykan ah ayaa ka qeyb qaatay baadi-goobka, iyadoo sidoo kale hay'adda sirdoonka ee CIA ay door weyn lahayd hawl-galka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii ku qoray baraha bulshada: "Waxaan soo badbaadinay askarigii saarnaa F-15 ah oo dhaawac daran qaba, kaas oo ku jiray gudaha buuraha Iiraan."
askarigan ayaa la waayey Jimcihii, kadib markii la sheegay in diyaarad dagaal oo ah nooca F-15, taas oo sidday laba askari, duuliye iyo sarkaal hubka qaabilsan, lagu soo riday koonfurta Iiraan, waxaana sheegtay dowladda Iiraan.
Tani waxay ahayd markii ugu horreysay muddo ka badan 20 sano oo diyaarad dagaal oo Mareykan ah lagu soo rido rasaas dal ay wada dagaallamayaan.
Labada askari ayaa ka booday diyaaradda, waxaana isla maalintaas la helay duuliyihii, balse askarigii kale waa la waayay.
Markaas kadib Mareykanka wuxuu bilaabay hawl-gallo deg deg ah oo lagu baadigoobayo askarigaas
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iiraan waxay sheegtay inay doonayso in nolosha lagu qabto, waxa ayna madaxiisa dul-dhigtay abaalmarin dhan 66,100 oo dollar.
Waxaa jiray muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo aysan BBC xaqiijin Karin oo muujinayay dad hubeysan oo rayid ah oo raadinaya askariga maqan.
Markii uu dhulka ku dhacay, askariga wuxuu haystay qori yar oo keliya si uu isugu difaaco, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.
Sida caadiga ah askarta noocan ah waxaa loo tababaraa sidii ay uga bad-baadi lahaayeen xaaladahaas oo kale marka ay qabsato, waxaana ka mid ah inuu shido qalabka raadinta si ay si dhaqse ah ugu helaan kooxaha baadi-goobaya, inuu is qariyo, isla markaana la sameeyo xiriir kooxaha gargaarka degdeg ah.
Warbixino Mareykan ah ayaa sheegaya in askarigu uu galay meel buuraley kadibna uu isku qariyay meel buurta ka mid ah, isla markaana uu xaddiday isticmaalka qalabyada uu watay, siu u uga hortago in ay Iiraan ogaato halka uu ku dhuumanayey, waxa uuna halkaas ku sugnaa ilaa ay badbaadiyayaashu uga yimaadaan.
Hay'adda CIA ayaa door muhiim ah ka qaadatay hawlgalka, iyadoo ogaatay goobta saxda ah ee askarigu ku sugnaa kuna wargelisay Wasaaradda Difaaca.
Trump wuxuu sheegay in goobta askariga si joogto ah loola socday "24 saacadood maalintii," waa inta uu socday baadi-goobka.
Waxa uu intaas ku daray in askariga uu halis ugu jiray inuu gacanta u galo dadkii raadinayey ee dhanka Iiraan, kuwaas oo marba marka ka dambeesay kusoo dhawaanayey.
CIA Maraykanka ayaa dhanka kale waday in ay mashquuliyaan warbaahinta, iyaga oo baahiyey in askariga hore loo helay oo uu hawl-galka soo dhamaaday.
Hawl-galka waxa uu ahaa mid loo adeegsaday ciidamo iyo diyaarado hub culus ku hubeysnaaa si ay u soo badbaadiyaan.
Intii ay ciidamada gaarka ahi u socdeen, waxaa la adeegsaday duqeymo iyo rasaas si looga fogeeyo ciidamada Iiraan.
Sawirro la xaqiijiyay ayaa muujiyay burburka diyaarad ku gubanaysa meel buuraley ah oo u dhow magaalada Isfahan.
Militariga Iirasn ayaa sheegay in labo diyaaradood oo C-130 ah iyo labo helikobtar oo Black Hawk ah ay burburiyayn, ayna fashiliyeen hawlgalka Mareykanka.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarad drone ah oo Mareykan ah la soo riday. Inkasta oo BBC aysan weli xaqiijin karin sheegashooyinkaas.

Habeenimadii inta aysan saqdhexe noqon waqtiga Maraykanka ayaa lasoo gaba-gabeeyey hawl-galka askarigana waxaa loo qaaday Kuwait si loogu daweeyo.
Trump wuxuu sheegay in askarigu "uu dhaawac halis ah soo gaaray, basle uu fiicnaan doono." Inkasta oo mas'uuliyiinta Mareykanka ma aysan shaacin magaca ama goobta saxda ah ee laga helay.
Sarkaal hore oo milatari, William Fallon, ayaa sheegay in mugdigu uu ka caawiyay hawlgalka isaga oo yiri "Mugdigu wuxuu faa'iido u yahay ciidamadeenna, sababtoo ah waxay ku tababaran yihiin hawlgallada habeenkii". Wuxuu sidoo kale sheegay in markaad dul marayso dhul cadow, waa inaad diyaar u ahaataa in lagu soo rido.
Wax yar kadib saqda dhexe, warbaahinta Mareykanka ayaa shaacisay in askariga la helay. Trump wuxuu ku qoray:
"Mareykanku marnaba kama tago askari dagaalyahan ah oo uu leeyahay!"
Iiraan waxay ku adkaysatay in hawlgalku fashilmay, iyadoo afhayeenka militariga Ebrahim Zolfaghari, uu sheegay in diyaarado Mareykan ah lagu qasbay inay deg deg u deggaan.
Falanqeeyayaal Mareykan ah ayaa sheegay in khasaaraha diyaaradaha uu muujinayo sida ay u xaddidan tahay awoodda cirka ee Mareykanka.
General Frank McKenzie ayaa yiri "Waxaan luminay dhowr diyaaradood, balse xaalad sidan oo kale ah waa la aqbalaa". Isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu ku tilmaamay dhaqankaas mid muhiim ahaa in lasoo helo askariga "Diyaarad hal sano ayaa lagu sameeyaa, balse dhaqanka milatari ee ah inaan qofna laga tegin wuxuu qaataa boqolaal sano", ayuu yiri Frank.













