Halyeyga nabada, waxa ay soo abaabushay dumar Muslimiin iyo Masiixiyiin ah oo dagaalka joojiyey
Xigashada Sawirka, Getty Images
Laybeeriya waxay ku jirtay dagaal sokeeye muddo 14 sano ah laga soo bilaabo 1989 ilaa 1989, iyada oo ilaa 250,000 oo muwaadiniinteeda ah la aaminsan yahay in lagu dilay dagaalka.
Maamulka ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Sannadkii 2003dii, ka dib cadaadis uga yimid dalalka deriska ah iyo Mareykanka, madaxweynihii xilligaas Charles Taylor ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirtay sabab kale oo weyn oo uu dagaalka u istaagay.
Kumanaan haween ah oo ku labisan dhar cad ayaa maalin walba ka qeyb qaadanayey mudaaharaad nabadeed, iyagoo codsanayay in la joojiyo dagaalka sokeeye ee Laybeeriya, kana hor istaagay mas'uuliyiinta cusub inay gudaha galaan.
Dibadbaxa nabadeed waxaa ka danbeysay haweeney lagu magacaabo Lema Bowie.
Lema Bowie waxa ay sanadkii 1972 ku dhalatay tuulo yar oo Laybeeriya ku taal. Hadda waa 54, waxaa lagu ammaanaa inay tahay geesiga nabadda ee Laybeeriya.
"Muddo 14 sano ah ayaanu jilba joogsanay oo ka baryaynaa ragga inay nabad u sameeyaan carruurtayada," ayay tiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii aan gaarnay heer aanay baryadu waxba qaban karin, geesiyaddii nabadda Lema Bowie waxay dumarkii u abaabulay iska caabin nabadeed.
"Qofna madaxa u raaric meyni, ma sujuudi doono, waxa aan codsan doonaa nabad, waxa aan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodno si aan nabad u helno.
Nabaddu waa xaq uu leeyahay qof kasta oo bini'aadam ah," Lema ayaa sidaasi ku tiri wareysi ay siisay BBC-da 2023-ka.
Iyaga oo ka leexanaya hannaankii siyaasadeed ee caadiga ahaa, haweenka Laybeeriya waxay qabteen mudaaharaadkoodii ugu horreeyay oo ay ku sameeyeen garoonka kubadda cagta ee caasimadda Monorovia.
Ururka haweenka Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ayaa noqday in ka badan 2,500 oo xubnood.
Lema ayaa sheegtay in haweenka ka qeyb galay mudaaharaadka ay ahaayeen kuwii walaalahood iyo raggoodu ay dagaalamayeen.
Waxa ay sheegtay in uay ka daaleen dagaal muddo sanado ah, dagaalkana ay ku dhinteen boqolkiiba 10 shacabka dalkaasi.
Mudaaharaadyada haweenka dharka cad xirnaa ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii socday. Waxay sii wadeen inay si deggan u baryaan, laakiin 2003dii dagaalku ayaa sii kordhay.
"Waxa aan dooneynay in carurteena, ay mustaqbal yeeshaan," Lema ayaa sidaas tiri.
Taa beddelkeeda, qaar ka mid ah haweenka ka qaybqaatay mudaaharaadyada ayaa bilaabay in ay raggooda gogol la wadaagaan.
"Waxay u sheegayeen raggoodaa inaysan galmo samayn karin sababtoo ah waxay Ilaahay ka baryeen nabad," Lema ayaa sidaasi tiri.
"Haweenkani waxay sidaas u sameeyeen sababo diimeed, laakiin anaga waxay noo ahayd fal siyaasadeed," ayay tiri.
Waxay sheegtay in haweenku ay leeyihiin istiraatijad ka adag kuwii soo qabanqaabiyay mudaaharaadka.
Si kastaba ha ahaatee, iska caabinta aamusnaanta, baryada iyo ka-reebista galmadu ma ahan wax ku filan.
Haweenkan ayaa bilaabay inay warqado xiriir ah u qoraan xafiisyada dowladda iyo saraakiisha si ay ula xiriiraan madaxweyne Charles Taylor, balse wax jawaab ah kama helin.
Marka madaxwaynuhu na dhaafo, waanu fadhiisanaynay oo aan sugaynay
Markii ay wax jawaab ah ka waayeen madaxweynaha ayaa haweenkii nabaddoonka ahaa waxay soo xirteen funaanad cad wxayna fadhiisteen waddadii ay marayeen wafdiga madaxweynaha.
Dhowrkii maalmood ee ugu horeysay, madaxweynaha ayaa soo ag maray dad dumar ah.
Haweenkan ayaa mudaaharaadkooda waxa ay la tageen afaafka hore ee safaaradda Maraykanka.
Toddobaadyo iyo cadaadis badan ka dib, madaxweynuhu waxa uu aqbalay inuu la hadlo haweenka.
"Waan diidnay in naloo keeno furaash si aan ugu fadhiisano, waxa aan fariisannay dhulka annagu ma dooneyno firaash inta uu dagaalku socdo," Lema ayaa sidaasi tiri.
Madaxweynaha oo la hadlay haweenka kadib ayaa u sheegay in uu fursad nabadeed siin doono hadii ay ciidamada ku qanciyaan in ay u yimaadaan wada hadal nabadeed.
Bishii Oktoobar 2003, laba toddobaad oo wadahadal ah ayaa ka bilaabmay Accra, caasimadda dalka deriska ah ee Ghana.
Ilaa 200 oo haween ah ayaa yimid Ghana si ay uga qaybgalaan wadahadallada socda ee Lema.
Wadahadallo nabadeed oo ka dhacayay hoteello qaali ah ayaanay wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana dib loo dhigay ilaa bishii November.
Lema iyo boqolaal kale oo haween ah ayaa ku soo xoomayy afaafka hore ee albaabka hotelka, waxayna sheegeen inaysan ka tegi doonin.
Haweeneydan nabadda u dhaq-dhaqaada ayaa fariin u dirtay Madaxweynihii hore ee Nigeria General Abdulsalam Abubakar: "Waxa aan sameyn doonaa in haweenka ay gacmaha is qabsadaan oo wadaxoodood ka galaan albaabka ilaa laga saxiixayo heshiis nabadeed.
"Hoolka shirarka waxaa degay General Lema iyo askarteeda," Abuubakar ayaa yiri.
Sidaa awgeed, haweenku waxay sii fadhiyeen afaafka hore ee hoteelka dhowrkii maalmood xigay.
Lema waxay ku hanjabtay in ay fagaaraha ay dumarku dharkooda iskag siibi doonaan haddii heshiiska la fulin waayo.
Haddii aan qori haysan lahaa
Lema waxa ay sheegtay in ay wargayska ka akhrisay subaxnimadii sheeko qalbiga tabaneysa, in ay wada hadalada nabadda bilaabmeen.
"Intii lagu jiray wada-hadalladii nabadeed ee Laybeeriya, haweeney dhawaan umushay ayaa dibadda u baxday si ay u nadiifiso dharka ilmaheeda markii uu gantaal ku dhacay dhsimaheeda.
Gantaalku waxa uu dilay iyada iyo laba caruur ah oo ay dhashay oo ilkaha cadayanayay. Labada carruurta ah waxay ahaayeen da'da carruurtayda, ayay tiri.
"Haddii aan markaas qori haysto, waxa aan geli lahaa qolka wadahadalka nabadda oo aan wada dili lahaa," ayay tiri.
Markii ay isku gadaameen hotelka uu wadahadalka ka socday ayaa ciidamada ammaanka waxa ay u sheegeen in ay caqabad ku tahay hanaanka cadaaladda, islamarkaana ay doonayaan in ay xabsiga dhigaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay ka baxsatay in la xiro iyadoo ku hanjabtay inay "isqaawin doonto" haddii la xiro.
Dhowr toddobaad ka dib Charles Taylor xilka ayuu ka degay, waxaana la saxiixay heshiis nabadeed.
Dumarku waxay sii wadeen kacdoonkooda muddo laba sano ah iyagoo ka baqaya inuu dagaalku soo noqdo.
Lema ayaa sheegtay in ay dhaq-dhaqaaqan ku dhawqaaqday iyada oo aan wax miisaaniyad ah loo hayn, xoogga iyo rabitaanka dumar ayey sheegtay in ay u kaashatay.
Waxay sheegtay in sheekooyinka dumarku aanay ahayn kuwo u gaar ah Laybeeriya oo ay yihiin sheekooyinka dumarka adduunka ugu saboolsan ee neceb dagaalka.
Maamus iyo abaal marin
Sannadkii 2011, Lemah Bowie waxa ay heshay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize oo ay ku mutaysatay ficiladeeda geesinimada leh ee nabadda iyada oo ay wehliso madaxweynihii xilligaas Ellen Johnson Sirleaf.
Ellen ayaa sanadkii 2006-dii loo doortay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota Laybeeriya iyo Africa, 14 sano kadib dagaaladii sokeeye ee Laybeeriya.
Lema waxa ay in ka badan 20 aqoonsi iyo abaalmarino ka heshay jaamacado iyo machadyo diimeed oo kala duwan oo caalamka ah.
Waxa kale oo la guddoonsiiyey shahaado sharafyo ay ka mid yihiin Jaamacadaha Maraykanka, Jaamacadda Georgetown, Jaamacadda Maraykanka iyo Jaamacadda Rhodes.
Ka dib markii uu dagaalku istaagay, Lema wax ay sameysay urur madani ah oo haweenak u doodda, waxayna daabacday buugga lagu magacaabo, Malaha waa Awoodda aan leenahay: Sida gabdhaha walaalaheen ah, Ducada, iyo Gogol wadaagga ugu beddeleen Qaran Dagaal.
Waxa ay sidoo kale jishay fililm, Duceeya in Shaydaanka uu caddaabta ku laabto , filim dokumentari ah oo iyadu ay ka noqotay jilaaga ugu weyn kuna dhiirigelisay haweenka Afrika inay u ololeeyaan nabadda.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo