Sidee bay Israa'iil u calaamadaysaa goobaha ay weerareyso ee Iiraan

.

Xigashada Sawirka, Israel source

    • Author, Muhannad Tutunji
    • Role, Weriye BBC
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Israa'iil waxay si weyn ugu tiirsan tahay sirdoonka horumarsan, xuuraanka iyo tignoolajiyada falanqaynta xogta si ay u go'aamiso ujeedooyinkeeda militari ee dagaalka ay isla wadaan Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan sirdoonka Israa'iil oo la hadlay BBC-da, tani waxay u sahashay inay fuliyaan hawlgallo xagga cirka ah, ka dib markii ay gudaha Iiraan ka fuliyeen in ka badan 8,500 oo weerar, iyadoo la adeegsaday in ka badan 15,000 oo gantaal.

Farsamooyinkan waxaa ka mid ah dayax-gacmeedka ay ku shaqeeyaan unugyada sirdoonka milatariga, hababka falanqaynta xogta, diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn (Drones) iyo dareemayaal heerkoodu sarreeyo.

Ilahan ayaa BBC-da u sharaxay in dayax gacmeedyadu u ogolaadaan Israa'iil in ay la socdaan goobaha gantaallada laga rido ee gudaha Tehran, si ay u aqoonsadaan oo ay u weeraraan ka hor inta aan Israa'iil la weerarin.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo aan rabin in la magacaabo, awoodda ilaalinta hawada ayaa noqotay tiir muhiim ah oo dadaallada sirta ah, iyadoo dayax gacmeedyadu ay isha ku hayaan caasimadda Iiraan 24 saac maalin kasta, waxayna si degdeg ah u siiyaan go'aamada Israa'iil.

Qiimeyn ay sameeyeen sirdoonka militariga Israa'iil ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhanka ah Iiraan ee loogu magac daray "Cida Libaaxa" uu dhaawac weyn u geystay awoodda militari ee Iiraan.

Weerarkii hore, waxaa la sheegay in ilaa 40 sarkaal oo sare oo Iiraaniyiin ah lagu dilay 40 ilbiriqsi gudahood, sidoo kale waxaa la beegsaday saddex xarumood oo taliska ilaalada kacaanka ee IRGC ah, oo ay ku jiraan meelaha lala xiriirinayo hogaamiyaha ugu sarreeya, Golaha Sare ee Amniga Qaranka, iyo dowladda. Xaaladani waxay jahawareer ku keentay nidaamka go'aan qaadashada ee Iiraan.

Inkastoo Iiraan ay xaqiijisay dhimashada qaar ka mid ah hogaamiyayaasheeda, haddana BBC-da ayaan si madax banaan u awoodin inay ogaato tirada duqeymaha cirka ah ee ay Israa'iil ku qaaday Iiraan.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 28-kii Febraayo, dhowr hoggaamiye oo sar-sare, oo uu ku jiro hoggaamiyaha ugu sarreeya Cali Khamenei iyo saraakiil sare oo militari ah, ayaa la sheegay in la dilay, iyadoo Mojtaba Khamenei uu la wareegay doorka hoggaanka.

Iiraan ayaa dhankeeda kaga jawaabtay weerarro gantaallo iyo kuwa aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadday Israa'iil iyo saldhigyada Maraykanka ee gobolka Khaliijka, iyo sidoo kale adeegsatay xakamaynta marin-biyoodka Hormuz iyada oo ogolaatay in maraakiibta ay ku maraan shuruudo gaar ah.

Isha aan soo xiganay ayaa sharraxaysa in nidaamka falanqaynta sirdoonku uu la socdo isbeddellada waqtiga dhabta ah ee dhulka, oo ay ku jiraan dhismayaasha cusub, dayactirka xarumaha ciidamada iyo shixnadaha hubka. "IDF waxay u adeegsatay awooddan intii lagu jiray howlgalladii ugu horreeyay ee weerarrada si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa cadowga, una xaqiijiyaan in weerarradu ay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, iyo inay qiimeeyaan saameynta ay ku leeyihiin goobta dagaalka."

.

Xigashada Sawirka, Israel source

Bartilmaameedyada nukliyeerka iyo kuwa gantaalada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay il-wareedka, Ciidanka Cirka ee Israa'iil ayaa muddo kooban ku guulaystay in ay si weyn u maamulaan hawada, taas oo u sahashay in weeraro joogto ah lagu qaado kaabayaasha ciidamada Iiraan, gaar ahaan hab-dhiska gantaalaha ballistic-ga ah, iyaga oo bar-tilmaameedsanaya goobaha laga rido, awooddoodana hoos loo dhigo.

Weerarradan ayaa sidoo kale lala beegsaday warshado milateri oo la xiriira soo saarista gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sidoo kale kaabayaasha barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo awooddeeda horumar.

Ilaha sirdoonka ayaa ku micneeyay in howlgalkan uu ku socdo qorshe si taxadar leh loo qorsheeyay, iyadoo la isticmaalayo koontaroolka hawada si loola socdo goobaha gantaalada laga rido iyo xarumaha hawlgalka. Waxay xustay in weerarrada is-daba-joogga ah ay si weyn u wiiqeen awoodda Iiraan ay ugu hanjabayso Israa'iil iyo dalalka kale ee gobolka.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Israa'iil, ku dhawaad 5,229 Israa'iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay weerarrada gantaalaha iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Iiraan oo ka dhacay meelo kala duwan oo dalkaas ah. Mid ka mid ah gantaalada ayaa lala beegsaday deegaanada Arad iyo Dimona, halkaasi oo la rumeysan yahay inuu wax ka yar 20 KM yaalo Nukliyeerka Israa'iil.

Ilo sirdoon ayaa sheegaya in Israa'iil ay ku guulaysatay in ay burburiso ama ay curyaamiso boqolkiiba 70 goobaha gantaallada laga rido ee Iiraan iyo ku dhawaad 80 boqolkiiba hab-dhiskeeda difaaca hawada. Intaa waxaa dheer, in ka badan 700 oo goobood oo militari oo la xiriira habka gantaalada ayaa la weeraray, iyadoo kumanaan ka tirsan askarta IRGC iyo ciidamada maamulka la sheegay in lagu dilay.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Iiraan ayaa weli khasaare hantiyeed iyo dhimasho ka geysta Israa'iil iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, iyadoo mas'uuliyiinta Iiraan ay sheegeen inaysan weli si buuxda u isticmaalin awooddooda ciidan.

Maxaa ku baxaya - naf iyo dhaqaale

Ilo ka tirsan milatariga Israa'iil ayaa sheegay in qorshayaasha weerarku ay diiradda saarayaan yaraynta khasaaraha rayidka ah iyadoo la dooranayo nooca hubka, wakhtiga iyo hababka dilka, iyo mararka qaarkood bixinta digniin hore. Weerar kasta waa la miisaamaa si loo hubiyo in waxyeelladu aanay ka miisaan badnayn faa'iidada ciidan ee la filayo.

Saraakiisha Iiraan ayaa Mareykanka iyo Israa'iil ku eedeeyay weerarro lagu dilay 168 qof oo ka dhacay iskuul ku yaalla koonfurta Iiraan maalintii ugu horreysay ee dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, labada dal midkoodna ma sheegan mas'uuliyadda, inkastoo xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka uu sheegay inuu socdo baaritaan milateri. Tani waxay daba socotaa warbixinno iyo falanqeyn ay sameeyeen warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan CNN iyo The New York Times, oo muujinaya suurtogalnimo weyn oo ah in dhacdadan ay sababeen gantaallada Tomahawk ee Mareykanka.

Israa'iil oo ka hadlaysay weerarkii lagu qaaday iskuulka Menab ayaa sheegtay in aysan ka warqabin wax howlgal ah oo laga sameeyay deegaanka.

Maqnaanshaha internetka ee Iiraan ayaa is hortaag ku sameeyay in si madaxbanaan loo xaqiijiyo tafaasiisha dhacdada, oo ay ku jiraan tirada buuxda ee dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay. Si kastaba ha ahaatee, Amnesty International ayaa ku baaqday in lala xisaabtamo kuwii qorsheeyay iyo kuwii fuliyay weerarka, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo ka dhan ah dugsiga Minab oo la sheegay in lagu dilay in ka badan 100 carruur ah.

Ishan ayaa xaqiijisay in militariga Israa'iil "ay ka xun yihiin wax kasta oo waxyeello ah oo soo gaartay dadka rayidka ah", waxayna carrabka ku adkeeyeen in lagu dadaalayo sidii loo dhimi lahaa dhimashadan oo kale, isagoo caddeeyay in howlgalladoodu ay bartilmaameedsanayaan taliska Iiraan, ee aysan ku beegsanayn shacabka.

Israa'iil waxay ku adkaysanaysaa inay bar-tilmaameedsato maamulka Iiraan oo aanay ahayn muwaadiniinteeda, halka Ra'iisal-wasaare Benjamin Netanyahu uu ku booriyay Iiraaniyiinta inay tallaabo ka qaadaan hoggaankooda, isagoo sheegay in xaaladda hadda jirta ay tahay "fursad gaar ah oo lagu soo celinayo xorriyadda".

Marka la eego kharashaadka dhaqaalaha, hawlgalkan ayaa lagu qiyaasay inuu ku kacayo balaayiin doolar maalintii, inkasta oo aan la cayimin in tani ay ku jirto saamaynta dhaqaalaha Israa'iil guud ahaan.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Isagoo ka jawaabaya su'aal BBC-du ka weydiisay kororka dhimashada dadka rayidka ah ee ka dhashay weerarrada Israa'iil sida ay sheegeen hay'adaha xuquuqul insaanka iyo wasaaradda caafimaadka Iiraan, ilo ka tirsan milatariga Israa'iil ayaa sheegay in milatariga waddanku uu hawlihiisa u fuliyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in bartilmaameedku uu yahay waxa loogu yeero "Maamulka" ee aysan ahayn rayid.

Wakaalada wararka ee kooxda u doodda xuquuqul insaanka ee HRANA ayaa sheegtay in ay soo tabisay dhimashada ugu yaraan 1,400 oo rayid ah oo Iiraaniyiin ah tan iyo markii uu dagaalka bilowday, oo ay ku jiraan 214 caruur ah.

Waxa ay sheegtay in tirokoobkooda uu ku salaysan yahay cadeymo la xaqiijiyay oo laga helay meelo kala duwan oo dalka ah, sida warbixino laga helay ilo goobeed, muuqaalo iyo sawirro lagu kalsoonaan karo.

HRANA, oo ah hay'ad aan dowli ahayn oo ka diiwaan gashan Mareykanka, ayaa ku dhawaad toban sano la socotay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee Iiraan iyada oo adeegsaneysa cilmi baarayaal iyo dadka ololeeya.