Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Muxuu yahay hubka uu dalkan Muslimka ah samaysatay ee aan dunida laga heysan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Milatariga casriga ah ee waddamada caalamka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore.

    Waa nooc ka mid ah taangiyada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, balse miliyeriga Pakistan ayaa go'aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas.

    Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid.

    Muxuu yahay Al-Khalid?

    Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wayn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taangiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo.

    Labada noocba waa isla taangiga Al-Khalid.

    Warshad hubka farsamaysa oo ku taalla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriyaysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukraine.

    Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsanayaan militeriga Pakistan.

    Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaarida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la iskula tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-meeyadii.

  2. Hantida Ilhaan Cumar oo shaaca laga qaaday

    Waxaa shaaca laga qaaday inta ay la egtahay hantida xildhibaanad Ilhaan Cuma roo ka tirsan Kongreska Mareykanka iyo seygeeda.

    Fox New soo ah wargeysyada ugu waaweyn ee Mareykanka ayaa sheegay in khaladaad ka jiray qiyaasta hantida lacagta Iiraan oo lagu sheegay 30 milyan.

    Wargeysaka oo soo xiganaya warbixinta cusub oo uu soo saaray xafiiska Ilhaan ayaa sheegay in iyada iyo seygeeda marka hantidooda laysku daro ay tahay lacag dhan 95 kun oo dólar keliya.

    Warbixinta la saxay waxay timid ka dib markii Xafiiska Anshaxa ee Kongareeska uu dalbaday macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hantida la tuhunsanaa ee xildhibaannaddaa Minnesota horaantii sanadkan.

    .

    Xigashada Sawirka, Fox

  3. Afar arrimood oo ku saabsan hubaal la'aanta wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan

  4. War deg deg ah, Degdeg: JD Vance oo tagaya Pakistan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, uu Talaadada ah ka ambabixi doono Mareykanka isla markaana uu tegi doono dalka Pakistan, siu u ugu qeynb galo wareegga labaad ee wadahadallada Iiraan.

    Wefdiga Mareykanka ayaa la sheegay inay maanta baxayaan iyadoo Iiraan ay weli shaki ka muujineyso inay ka qeyb geli doonto wadahadaladaas iyo in kale.

    Iiraan waxay ku andacoonesaa in aanay heshiis geli doonin ama ka qeyb qaadan donin wadahadallada iyadoo Mareykanku weli wado xanibaadda maraakiibta Iiraan e Marinka Hormuz.

    Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saddex ilo oo Mareykan ah, ayaa ku warantay in Vance uu bixi doono subaxnimada Talaadada maanta ah.

    Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CNN, in wareeg labaad oo wadahadallo ah oo u dhexeeya ergooyinka Mareykanka iyo Iiraan hadda la qorsheeyay in lagu qabto Islamabad Arbacada berri ah.

    Sida aan horay u soo sheegnay,weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ka timid dhanka Iiraan oo ku saabsan inay ka qeyb gali doonto wadahadallada iyo in kale, laakiin ilo wareed ayaa BBC u sheegay Isniintii, in wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo Vance ay dhawaan u safri doonaan Pakistan.

    Trump waxaa uu sheegay inuusan qaadi doonin xnibaadda maraakiibta Iiraan ee marinka Hormuz, ilaa heshiis lala gaaro Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  5. Cunnooyinka ay Soomaalidu isticmaasho ee aan u fiicneyn beerka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Bisha July, waxaa caalamka laga xusaa maalinta ka hortagga iyo wacyigelinta cagaarshowga, oo saameeya dadyow badan oo dunida ku nool.

    Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay xuska maalintan, iyo macluumaad ku saabsan cagaarshowga iyo bulshada Soomaalida.

    Xuska Maalinta Cagaarshowga Adduunka waxaa lagu muujiyaa muhiimadda beerku u leeyahay nolol caafimaad qabta, iyo baahida loo qabo in sare loo qaado ka-hortagga fayraska cudurkan.

    Soomaaliya waxay ka mid tahya dalalka hiigsanaya ciribtirka cagaarshoowga wixii loo gaaro sanadka 2030.

    Hal-ku-dhigga sannadkan ayaa ah “Hal Nolol, Beer".

    Haddaba waxaan eegeynaa caafimaadka beerka, cunnooyinka u fiican iyo kuwa aan u fiicneyn.

    Haddaba muxuu beerku muhiim u yahay?

  6. Xuquuqda dumarka ayuu u doodaa wuxuna shukaansaday 335 haween ah

    .

    Xigashada Sawirka, Sunder Ramu

    Sunder Ramu oo ah jilaa, nin gaadda-ka-ciyaarka caan ku ah isla markaana sawirqaade ah sanadihii la soo dhaafay wuxuu shukaansaday 335 haween ah. Balse wuxuu sheegayaa weli inuusan gaarin yoolkiisii ahaa 365 haween ah inuu shukaansado.

    Ninkan oo ah mid ay xaaskiisu kala tageen 'oo aan jaceylka ku wanaagsaneyn' ujeedkiisa ma ahayn oo keli ah inuu qofkii jaceyl la wadaagi lahaa uu helo.

    "Aniga waxaan ahay nin jaceylka wax ka yaqaanno. Maalin walbana waxaan raadiyaa haweneydi aan jaceyl la wadaagi lahaa balse fikirka ka dambeeya inaan shukaansado 365 haween ah ma aha inaan helo haweeneydi aan nolosha la wadagi lahaa," ayuu yiri.

    "Waxaan anigu sameynaya ayaa wuxuu yahay inaan sare u qaado waciyiga ku aaddan xuquuqda haweenka ee Hindiya," ayuu yiri.

    Jilaagan ruwaayadaha dhigi jiray ka hor inta uusan u wareegin aflaanta afafka Tamil iyo Malayan ku baxo wuxuu mashruucan billaabay 1-dii Jannaayo 2015-kii.

    Wuxuuna boggiisa Facebook uu ku soo qoraa sheekooyin ku saabsan haweenka uu soo shukaansaday oo isugu jira haween da' ah, jilayaal, kuwa nadaafada ka shaqeeya, moodooyinka (models), macallimiinta jimicsiga, kuwa u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka, siyaasiyiin iyo qaar kale.

  7. Shirkadda Ethiopian Airlines oo diyaarado soo iibsaneysa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn Afrika, Ethiopian Airlines, ayaa Isniintii sheegtay inay iibsanayso lix diyaaradood oo dheeraad ah oo nooca Boeing 787-9 Dreamliner ah, iyadoo doonaysa inay ballaariso duullimaadyadeeda masaafada dheer ee Afrika gudaheeda iyo kuwa u kala goosha Maraykanka, Yurub iyo Aasiya.

    Maamulaha guud ee kooxda shirkadda, Mesfin Tasew, oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters kadib munaasabad ka dhacday xarunta Boeing ee u dhow Washington, ayaa sheegay in shirkaddu ay markii hore dalbatay 20 diyaaradood oo cusub oo 787 ah bishii Janaayo.

    Tasew wuxuu sheegay in shirkaddu ay bilaabi doonto inay hesho 26-ka diyaaradood ee 787 ah sannadka 2028-ka.

    “Waxaa jira jidad duulimaad oo bisil oo aan u baahanahay,” ayuu yiri, isagoo xusay qaar ka mid ah dalalka Afrika halkaas oo Ethiopian Airlines ay rabto inay ku adeegsato diyaarado waaweyn. “Waxaa sidoo kale jira jidad aan rabnay inaan marno balse aanan awoodin sababo la xiriira diyaaradaha oo yar — sida Australia.” Ayuu intaa raaciyay.

    Munaasabadda waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan maamulka Trump, kuwaas oo mudnaan siinaya kordhinta duulimaadka diyaaradaha Boeing ee Maraykanka.

  8. Muxuu siday Markabka Iiraan ee Maraykanku qabteen

  9. Xogo cusub oo laga helayo safarka madaxweyne ku xiigeenka Mareykanka ee Pakistan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramaysa in Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, JD Vance, uu Talaadada maanta ah ka tagi doono Mareykanka, isla markaana tegi doono dalka Pakistan siu u uga qeyb galo wareegga labaad ee wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka.

    Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saddex ilo oo Mareykan ah, ayaa ku warantay in Vance uu bixi doono subaxnimada Talaadada maanta ah.

    Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CNN, in wareeg labaad oo wadahadallo ah oo u dhexeeya ergooyinka Mareykanka iyo Iiraan hadda la qorsheeyay in lagu qabto Islamabad Arbacada berri ah.

    Sida aan horay u soo sheegnay,weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ka timid dhanka Iiraan oo ku saabsan inay ka qeyb gali doonto wadahadallada iyo in kale, laakiin ilo wareed ayaa BBC u sheegay Isniintii, in wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo Vance ay dhawaan u safri doonaan Pakistan.

    Iiraan ayaa muujisay shaki hor leh oo ku saabsan inay ka qeyb geli doonto wadahadallada.

    Trump waxaa uu sheegay inuusan qaadi doonin xnibaadda maraakiibta Iiraan ee marinka Hormuz, ilaa heshiis lala gaaro Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  10. Iiraan-Hormuz: Go'doominta weligeed ma shaqeysay?

  11. Jubaland ma waxay ka baqeysaa weerarkii Baydhabo ka dhacay ookale?

    .

    Xigashada Sawirka, Google

    Maamulka Jubaland ayaa si adag uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay doorasho uga qabto deegaanno ka tirsan Jubaland, gaarahaan gobolka Gedo oo dhawaan guddiga doorashooyinku uu jadwelkiisa ku shaaciyay.

    Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay sababta dowladdu ay u daneynayso in ay gobolka Gedo oo kaliya doorasho uga qabto, maadama Jubaland ay dhowr gobol ka koobantahay.

    Wuxuu intaasi ku daray in iyagu ka maamul ahaan ay xaq u leeyihiin in ay doorashooyinkooda qabsadaan, hase-yeeshee haddii dowladdu ay ku dhiirato arrintaas waxaa uu tilmaamay in ay is difaaci doonaan.

    Hoos ka dhageyso waraysiga oo Wariyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar la yeeshay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.

  12. Iiraan oo mar kale si adag uga hadashay wadahadalada la filayo

    .

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Iiraan oo mar kale si adag uga hadashay wadahadalada la filayo

    Maxamed Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in Tehran aysan aqbalin "wadaxaajoodyo hanjabaado la socda".

    Qalibaf ayaa qoraal uu ku qoray barta X ku yiri: "Isagoo go'doon soo rogaya oo jebinaya xabad joojinta, Trump wuxuu doonayaa inuu miiskan gorgortanka u rogo miis is-dhiibis ah ama uu qiil u sameeyo dib u hurinta dagaalka, sida uu u arko inay ku habboon tahay".

    Madaxa kooxda wadaxaajoodka Iiraan ayaa yiri: "Ma aqbalno wadahadallo wata hanjabaado, labadii toddobaad ee la soo dhaafayna waxaan isu diyaarinaynay inaan muujinno kaarto cusub oo dagaalka ah

  13. Garoomada diyaaradaha ee ugu waaweyn Tehraan oo dib u bilaabaya duulimaadyada rakaabka

    Garoonka Mehrabad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Garoonka Mehrabad

    Labada garoon diyaaradeed ee ugu waaweyn Tehran, Imam Khomeini International Airport iyo Mehrabad Airport, ayaa loo oggolaaday inay dib u bilaabaan duulimaadyada rakaabka laga bilaabo maanta, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka.

    Garoonka Mehrabad ayaa duqeyn lala beegsaday intii ii socday dagaalkii dhawaan dhacay, iyadoo Israa’iil hore u sheegtay inay “burburisay” dhowr diyaaradood oo halkaas yaallay.

    Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in duulimaadyada rakaabka ee 10 garoon oo kale oo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo Iiraan ah ay suurtagal noqon doonaan laga bilaabo Sabtida.

  14. Japan oo heegan sare ugu jirta dhulgariir labaad oo weyn

    Ogeysiisyo la xiriira dhulgariirka, oo laga duubay meel qoto dheer 10km (6.2 mayl), ayaa lagu faafiyay warbaahinta bulshada.

    Saraakiisha Japan ayaa ka digay khatarta sii kordheysa ee dhulgariir "weyn" todobaadka soo socda ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 7.7 uu ku dhuftay xeebta waqooyi bari, taasoo keentay daadgurayn iyo digniino ah 3m oo ah hirar tsunami ah.

    Kumanaan kun oo qof ayaa loo sheegay inay ka baxaan aagagga xeebta ah oo ay tagaan dhul sare, ka dib markii uu dhulgariirka ka dhacay biyaha ka baxsan ismaamulka Iwate, kaas oo 530km (330 mayl) waqooyi ka xiga caasimadda Tokyo.

    Goor dambe, hay'addu waxay ka digtay khatarta dhulgariir cabirkiisu yahay 8.0 ama ka badan inuu hadda "qiyaas ahaan ka sarreeyo sida caadiga ah".

    Dadku weli waxa ay xusuustaan dhulgariir weyn oo dhacay sanadkii 2011-kii kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 18,000 oo qof uuna sababay burbur ku yimid warshada Nukliyeerka ee Fukushima.

    Kadib dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay Isniintii, oo laga duubay meel qoto dheer oo 10km ah ayaa keenay gariir laga dareemay ilaa Tokyo.

  15. Xiritaanka marinka Hormuz oo kor u qaaday dalabaadka saliidda cayriin ee Maraykanka

    Ship

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xiritaanka marin biyoodka Hormuz ee Iiraan ka dib markii uu bilowday dagaalka ay kula jirto Mareykanka iyo Israa'iil waxaa sare u kacday baahida saliida ceyriin ee Mareykanka, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha maraakiibta iyo ganacsiga.

    Marin-badeedka Hormuz waa marin la mariyo saliidda Bariga Dhexe, laakiin dhoofinta ayaa carqalad ku timid tan iyo 28-kii Febraayo.

    Xogta laga helay shirkadda falanqaynta badda ee Kpler ayaa soo jeedinaysa in 71 booyadood oo saliid ah oo loo yaqaanno Crude (VLCCs) ay ku wajahan yihiin Mareykanka si ay u qaadaan shixnad marka la barbar dhigo celceliska 27 maalin kasta sannadkii hore.

    "Iibsadayaasha ka yimid Yurub iyo Aasiya waxay arkeen shidaal ka soo baxaya badweynta Atlaantigga - oo ay ku jiraan xeebaha Gacanka Mareykanka, si loo buuxiyo baahida sahayda," ayuu yiri David Haydon, madaxa qiimaha xamuulka ee shirkadda Mareykanka ah ee Argus Media, oo ah shirkad sirdoon suuqa.

    Tani waxay u muuqataa inay horseedayso kororka dhoofinta saliidda ceyriinka ah ee Mareykanka.

  16. Erdogan oo ballan qaaday in la adkeyn doono xakameynta hubka kadib weeraradii iskuulada

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    "Turkiga ayaa adkeyn doona sharciyada lahaanshaha hubka, waxaana uu kordhin doonaa ciqaabta la marsiin doono milkiilayaasha, kuwaas oo cauurtooda u gcan gala hubka" ayuu yiri Madaxweyne Tayyip Erdogan Isniintii kadib markii ay dalkaasi ka dhaceyn toogashooyin aan hore looga baran todobaadkii hore.

    Weerarkii labaad oo ka mid ah labadii weerar ee kala duwanaa ee ardaydu qaadeen todobaadkii hore ayaa lagu dilay sideed arday iyo macalin gobolka koonfur bari ee Kahramanmaras.

  17. Warbaahinta dowladda Lubnaan oo shaacisay tirada dadka ku dhintay duqeymihii Israa'iil

    A woman

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Gudaha dalka Lubnaan tirada dhimashadu waxay kor u dhaaftay 2,387 qof, tan iyo markii uu dagaalku qarxay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka qaranka ee dawladdu maamusho, iyada oo soo xiganaysa tirokoobyada dawladda Lubnaan qaybteeda Maareynta musiibooyinka.

    Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa Jimcihii sheegtay tirada dadka ku dhintay, waxa ayn tani ku kordhineysaa ilaa 93 qof oo hor leh

    Wakaaladda wararka ayaa sidoo kale sheegtay in 7,602 kale ay ku dhaawacmeen intii ay socdeyn iskahorimaadyada.

    Waxay daba socotaa warbixin horraantii isniintii kasoo baxday wakaaladda wararka ee Mehr ee ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) oo sheegaysa in 3,375 lagu dilay Iiran isla muddadaas, iyadoo soo xiganaysa madaxa ururka caafimaadka Iiraan.

  18. 'Farogelinta' maraakiibta Iiraan oo ka mid ah caqabadaha diblumaasiyadeed'.- wasiirka arrimaha dibadda Iiraan

    'Farogelinta' maraakiibta Iran oo ka mid ah caqabadaha diblumaasiyadeed, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Isagoo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Pakistaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraghchi, ayuu sheegay in Iiraan ay tixgelin doonto "dhammaan dhinacyada, ayna go'aan ka gaari doonto waddada la marayo" marka ay timaado Mareykanka.

    Caraghchi waxa uu sheegay in caqabadaha hortaagan "sii wadida geeddi-socodka dublamaasiyadeed" ay ka mid yihiin "falalka kicinta ah iyo xadgudubyada soo noqnoqonaya ee xabbad-joojinta" ee Maraykanku wado.

    Waxa uu yidhi "hanjabaadaha ka dhanka ah iyo faragelinta" maraakiibta ganacsiga ee Iiraan, "mawqifyada iska soo horjeeda iyo hadalada hanjabaada ah ee ku wajahan" Iiraan ayaa ka mid ah falalkaas.

    Sidoo kale, mar uu khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Ruushka maanta, Caraghchi wuxuu sheegay in Iiraan ay "la socon doonto ficillada" Mareykanka ayna "qaadan doonto go'aanka ku habboon si ay u ilaaliso danaheeda iyo amniga qaranka".

    labada jeerba Carakchi ma uusan sheegin in Iiraan ay ka qeyb galayso wadahadalka Mareykanka ee Islamabaad.

  19. Muxuu yahay heshiiska uu Trump ku tilmaamay 'mid ka mid ah heshiisyada ugu xun'?

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mid kamid ah farriimaha Donald Trump uu ku qoray bartiisa Social Truth wuxuu ku dhaleeceeyay heshiiskii JCPOA. Hadaba muxuu yahya?

    Iiraan iyo Maraykanku waxay wada galeen heshiis nukliyeer sanado ka hor, kaas oo loo yaqaan (2015 Joint Comprehensive Plan of Action) loona soo gaabiyo (JCPOA). Trump ayaa buriyey heshiiskan intii uu xilka madaxtinimada hayay 2018-kii.

    Heshiiskan JCPOA waxa uu Iiraan ka xaddiday tayeynta uranium-ka loo isticmaali karo in lagu soo saaro hubka nukliyeerka - 3.67% beddelka cunaqabataynta.

    Markii Mareykanka uu ka baxay JCPOA sanadkii 2018, Iiraan waxay si toos u bilowday inay kordhiso kobcinta hubka nukliyeerka, waxa ayna had iyo jeer ku adkeysaneysaa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid ay si nabad ah u isticmaaleyso.

    Intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee u dhexeeyey Iiraan iyo Israa'iil bishii Juun ee sannadkii hore, Iiraan waxa ay tayaysay 60% waxana ay urursatay kayd ka badan 400kg oo uranium ah, sida ay sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA). Mareykanka ayaa ka qeyb-qaatay dagaalkaas wuxuuna duqeeyey saddex goobood oo Nukliyeerka Iiraan ah.

    Cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Iiraan ee ka hor JCPOA ayaa dib loo soo celiyay 28kii Sebtembar ee sanadkii hore, inkasta oo aysan Tehraan aqoonsaneyn sharciyadda dib u soo celinta cunaqabatayntaas.

    Si aad wax badan u akhrido:

  20. "In badan ayaan ku guuleysanayaa dagaalka"-Trump

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Trump waxa uu si isdaba joog ah qoraal usoo dhigayaa barahiisa bulshada, hore waxaa u daabacnay inuu yiri, "heshiiska Iiraan degdeg ayuu dhacayaa", hadana qoraal kale oo uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku sheegay inuu ku guulaysanayo dagaalka uu kula jiro Iiraan "in badan", isaga oo intaa ku daray in arrimuhu si wanaagsan u socdaan, ciidamada Maraykankuna ay yihiin kuwo halis ah.

    Dhanka kale, Trump waxa uu dhaleeceeyay muuqaalka warbaahinta Mareykanka ay ka bixineyso dagaalka iyo sida ay uga hadlayaan, waxa uuna carrabka ku dhiftay wargeysyada New York Times, Washington Post iyo Wall Street Journal.

    Waxa uu sidoo kale ka hadlay go'doominta uu Maraykanku ku hayo dhammaan maraakiibta soo galaya ama ka baxaya dekedaha Iiraan, taas oo uu ku tilmaamay inMaraykanku "uusan qaadi doonin ilaa laga gaaro heshiis"

    "Waxay luminayaan $500 oo Milyan oo Doollar maalintii, waa tiro aan la sii wadi karin, xitaa muddada gaaban," ayuu yiri, isaga oo ka wada Iiraan

    Si aad wax badan u akhrido: